Intuu cashada cunaayay oo dhan maskaxdiisa waxaa haysatay gabadhii barta yarayd, kuna lebbisnayd maryaha midabkeeda u eg. Barwaaqo sidii caadada ahayd waxa ay hadba isku dayaysay in ay la furto mawduuc uusan la sii wadayn. Hadba hadal dabacsan ku dheh, hadba jacayl u muuji, hadba gacantiisa qabo. Isaga waa isugu mid.

Barwaaqo waa hubka uu ku faano oo kaliya ee qalbigiisa ma deggana boosna kuma laha. wuxuu aad ugu xeeldheer yahay inuu qiimeeyo qofka uu la kulmo isaga oo aan hadlin. Barwaaqo waxey ula ekaatay ugaar uusan si fudud ku daban karin. Waa marka koowaade saaxiibkiis ayaa watay. Marka labaadna badi gabdhaha muuqaalkeeda oo kale lihi kama helaan dhalanteedka, ma jecla in ay ninkay doonaan hadal la furaan. Waxey u badan yihiin fariiddo dantooda si wacan u garanaaya.

Wuxuu geeyay Barwaaqo gurigeeda. Gaariga markii uu la soo kala wareegay ayuu wacay saaxiibkiis Bilaal, waxaana dhex martay:-

  • Saaxiib, ii waran muddo ayaan is moogayne?
  • Boqorow wanaag. Adigaa maqnaaye maxaad keentay?.
  • Shaqadii aan xagga u tagay ayaa iga soo dhamaatay. Saaka ayaan imid oo mid cusub ayaaba ii diyaar ah.
  • Saaxiib, Adna taajirnimada reerkiinaa ku caawisa.
  • Kkkkkkkk.
  • Mayee saaxiib waan ogahay kartidaada ayaad ku heshay.
  • Saaxiib Qoftii caawa ma dumaashi baa?
  • Allaylehe shaxaarinimadii ma anaad igula soo dhacday?.
  • Mayee waan iska kaa waydiiyay. Dhawr jeer oo hore baan arkay.
  • halkee ku aragtay?
  • aad uma xasuusto.

Bilaal hadafkiisii waa gaaray. Warbixin ku filan waa uu ka aruursaday. Waxa uu ogaaday in ay 2sano xiriir leeyihiin. In waxa ka hortaagan in uu haatan guursado ay tahay dhaqaale xumo. In ay isbitaalka kalkaaliso ka tahay. Iyo in reer sabool ahi dhalay.

Bilaal quruxda waxaa u dheer kibir iyo isla weyni. Ugaartiisa isaga oo isagu ugaarsadaha ah ayuu haddana dareensiiyaa in ayagu yihiin kuwa wax jecel, kuwa wax raba in isagu yahay qof aanla heli karin oo qaali ah. Hadda isaga waxaa sugaaya hadaf dheer. Dhamaadku ma guul baa mise waa guuldarro, ma ceeb baa mise waa Sharaf, isaga oo iswaydiinaya ayuu hoonka yeeriyay.

Waxa uu gudaha u soo galay gurigoodii Awoowgiis oo bannaanka ku tasbiixsanaaya ayuu sii salaamay, ka dibna qolkiisii u sii gudbay. Wadnihiis xoog ayuu u garaacmayaa. Waxaad moodaa gabar yar oo markeedii koowaad la kulantay jacaylkeedii koowaad. Qolkiisii markuu sidaa u galay. Shaarkiina takabaanka surtay ayaa hooyadiisa albaabka soo garaacday.

“Hooyo, Walaashaa Shukri ayaa caawa guriga timid. Ninkeedii bay isa soo dagaaleen. Waxa ay tiri 2dii wiil waa uu iga reebtay gurigana si foolxun buu iiga soo saaray.” Ayay hooyadiis warka ku bilawday. Inta uu si xanaaq leh u eegay buu degdeg qolka uga soo baxay. Waxa uu isaga oo aan dheg la qabto lahayn qolka ugu galay walaashiis. “Sidee ayuu ku keenay aniga oo nool in uu sidaas kuula dhaqmo dayuusku?” “Abowe is daji wax wayn ma jiraan.” Walaashiis waa qof caqli badan oo garan karta xanaaqa walaalkeed inuu sababi karo dhibaato ka wayn tan hadda taagan.

Hadalkii ayay u dajisay, waxey wax ka tustay meelo badan. Markey dareentay inuu hadda xasilloon yahay ayay hadalkii ku bilowday. “Abowe, ninkaan is fahmi meyno. Waxa aan rabaa in la iga furo, labadeyda wiilna aan anigu korsado ee intaas inaad ila dhameyso igula dadaal.” Cod xanaaq yari ku jiro ayuu yiri “Awalba adigaa wax aan kuu qalmin doortay, bal ma magaalada intaas le’eg baad ka waysay wax isaga dhaama. Dhibse maleh anaa dhameynaaya howshaas.”

Walaashiis xumo uma uu quuro, xumaan iska daaye uma ogola in cidi si yar oo xanaf leh u eegto. Dadka kale gabdhahoodase in ay qashin yihiin ayaad ka shakinaysaa markaad aragto habka uu ula tacaamulo.

Qolkiisii ayuu ku soo laabtay. Xoogaa buu ka fakaray arrinta walaashiis. Ilbiriqsiyo ka dibse waxaa xasuustiisa mar kale soo salaantay Bushra. Iyadana waa inaan ka Sal gaaro ayuu nafta kula faqay. Sariirtiisii ayuu isku kala bixiyay. Hurdo dheer ayuuna galay.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

1 COMMENT

  1. […] Isagu ma yaqaan sababta uu u joojiyay kulankeeda caawa. Qorshe gooni ah ma uu laha. Waxa uu gaarigii xoogaa magaalada ku dhex wareegaba wuxuu tagay xarun Goob wax akhris oo uu galbaha qaar booqdo. Kursi bannaan ayuu fariistay inta uu gaarigiisa kala soo baxay buug shirka hore u saarnaa. Koob qaxwe ah ayuu dalbaday. Waxa uu galay jawi uusan waayahaan gemlin. Xasuuso ayaa qalbigiisa is jiiray. Waxa uu dib u daawaday gabdho badan oo uusan maanta meel ay dunida ka joogaan uusan aqoon markii uu jacaylkooda ku dhacayay. Sidii uu waqti u galiyay in ay dhankiisa noqdaan iyo sidii uu cidlo ugaga dhaqaaqay. Wuu isku qoslay marna isla yaabay. Wax uu naftiisa ku tilmaamo ayuu garan waayay. Maxaa kaa khaldan ayuu dhawr jeer is waydiiyay. In uu isbeddel u baahan yahay buu is xasuusiyay. Maxaan beddelaa ayuu is waydiiyay. Waxa uu haysto wax uu ku qanacsan yahay in aysan jirin buu is xasuusiyay. In uu kaco ayuu u holladay. Buuggii ayuu isku laabay. Hortiisa markuu eegay mise Bushra ayaa buug caafimaad ku saabsan hortiisa la fadhida. Wuu yaabay oo is yiri sidee aydan markii hore u arag. Waxa uu damcay in uu u tago oo uu wada hadal la furo. Kibirkiisa ayaa u diiday. Markii uu kacayay ayuu si ku talo gal ah buugiisii dhulka ugu tuuray. Ujeedku waxa uu ahaa in ay soo eegto. Nasiib xumo ma ay soo eegin oo waxey u muuqatay in aysan dan ka lahayn. Isaga oo dareemaya in uu markii koowaad dareemay daciifnimo ah in uusan hadafkiisa gaari karin ayuu gaarigiisii soo galay. […]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.