Bushra oo si qurux badan u soo lebisatay caawa, ayaa waxaa albaabka gurigooda soo istaagay gaarigii Burhaan oo caawa u sugaayay sidii qof helay jaaniskii koowaad ee uu xajka ku tagi lahaa. Farxad faro badan ayaa indhihiisa laga dheehanayay, Inkasta oo uu Xad dhaaf u jecel yahay Bushra, ulana dhaqmo sida ugu quruxda badan ee wiil isaga oo kale ahi ula dhaqmi lahaa gabadha uu jecel yahay, Haddana mar walba wuxuu dareemaa inuusan ku filnayn, iney xaq u leedahay ka badan waxa uu u qabto. Mashquulkeeda oo aad u tiro badan iyo iyada oo aan jeclayn iney dibadda u baxdo, goor walba ayaa kulankooda caawa ka dhigeysa mid ka qiimo duwan kan barbaarta haasaawaha habeen walba isku arkaan.

Gaarigii ayey soo gashay. Markey sidaa dhulka u dhigtay salka ayuu ku salaamay, erey aad u qurux badan oo ahaa:- Haddaan qalbigayga
iyo qasnado kaydoo dhex yaal, Wax aan ku qarsaday bandhigo, Adaan qormo kaaga dhigay.

Inta ay cod dheer ku Qososhay iyadoo farxad muujineysa ayay tiri:- Qaali igadaa khiyaaliga qalbigaaga wayn qasnadihiisa cidna ma koobi kartee. Isna Cod runnimo laga dheehanayo ayuu isagoo dhankeeda jaleecaya ku yiri:- Walley iga tahay, Hal qasnad baa ku jirta qalbigayga taasna adaa leh.

Waxa ay soo istaageen afaafka hore ee meel kafeega laga Cabbo, markay gaarigii ka soo degatay ayaa waxaa dhinacooda soo istaagay Landcruiser cad oo cusub. Hal mar bay si aan ku talo gal ahayn u jalleecday dhiniciisa mise waxaa ka soo daganeysa gabar aad moodid Xuural ceynta dunida, dharka ay xiran tahay quruxdooda aad uga heleysid, indhahana soo jiidanaaya ku lebbisan. Marka ay hannaan wanaagga lebbiska gabadha jalleecday ayay Bushra ayada oo masayr yari galay dib isu eegtay, mise waxey ku lebisan tahay dhar madow oo aan aad u dhalaalayn. Markii ay gaariga soo raacaysay waxey la ahayd iney u lebisan tahay sida ugu quruxda badan ee loo lebisan karo, haddase xoogaa shaki ah baa ka galay kalsoonideedii. Jir ahaan gabadha gaariga kasoo dagatay waa mid leh jir ishu qabaneyso, Shaf buuxa iyo dhex si wacan u muuqata. Mar kale ayay is barbardhig isku samaysay. Dib bay isku eegtay oo hiiftay muuqaalkeeda caatada ah. Burhaan baa inta dhinaca kale ka soo wareegay gacanta soo qabtay oo ay u soo dhaqaaqeen Albaabkii kafeega.

Qalanjadaan indhaha jiidanaysa, qalbigana gilgilaysa waa xuural cayntii uu Bilaal cid walba ugu faanayay. Isaga oo gacanta haya ayay isku soo gaareen albaabka. Bushra indhaha maba ay siin ninka naagta wata ee waxa ay isku dayaysay in ay horay u galaan meesha oo ay ka ag dheeraato naagtaan dareensiisay in quruxdeeda qeybi ka maqan tahay. Bilaal baa hor arkay labadooda. Indhaha ayuu la raacay sidii in wax eegmada mudan ku daadsan yihiin korkeeda. Xishoodka, deg-degga iyo xasilooni la’aanta heysa waa laga dheehanayay korkeeda. Qalbiga ayuu iska yiri “Tolow maxaa dhibaya?”.

Markay gudihii galeen ayada oo sii fuulaysa jaranjaro yar oo qeybta sare loo raaco ayaa cod gadaasheeda ka yeeray. “Waryaa Burhaan Boqorow ma adigii baa?”. Burhaan baa inta dib u hakaday eegay mise waa Saaxiibkiis Bilaal, Gadaal buu u noqday oo ay laabta is geliyeen.

Bushra xanuun bay ku heysaa hakashadaani. Waxey eegtay hareeraheeda mise cidina ayada kuma mashquulsana oo dhawr wiil oo hoos fadhiyay waxa ay si aan ka libiqsi lahayn u eegayaan Balqiisa. Mey sugin inta salaanta uu ka faaruqaayo saaxiibkeed, waxey kor u fuushay jaranjaradii, waxey timid dirin iyo fadhi yar oo nooca dhulka la dhigo ah oo meel gees ah yaalla. Daqiiqad ayada oo aan fadhin ayuu u yimid jaceylkeedii. Xoogaa wuxuu dareemay inuusan wajigeedu faraxsanayn. Su’aal isaga oo aan waydiin buu yiri:- Qaali waa saaxiibkay oo aan isku wanaagsannahay, in dhawayd Dubai buu hawlo shaqo u jiray, oo maanta ayuuba soo laabtay.

Sheeko ayay iska bilawdeen, iyaduna waxa ay daawanaysay dayaxa oo ka dhalaalaya meel korkeeda ku aaddan. Habeen aan farxad gooni ah wadan bay qaadatay. Casho iyo Shaah cabid ka dib ayey ka codsatay Burhaan inuu xaafaddii geeyo. “Gacaliso, jawigu waa qurxoon yahaye aan cabbaar joogno”, ayuu ku yiri. Inta ay kicid u Hollatay bay tiri “Qaali berri ayaan aroortii kacayaaye ina wad.”

Sariirteedii ayay tagtay. Dhawr jeer oo xuuralcayntii soo hormartay ka dib waxa ay seexatay Hurdo dheer oo aan laga toosayn illaa wadaadku eedaamo.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.