Waxey la kulantay wiil aysan heli karin, ama aysan Hanan karin. Waxa uu leeyahay jacayl gabar uu ku indho kuusho. Labadii ilbiriqsiba mar haddii uusan magaceeda sheegin wax baa ka dhiman maalintaasi. Isagu waa wax walba oo ay iyadu jeclaan lahayd.
Wuxuu kulansaday debci iyo dhaqan walba oo ay ninka dookheeda ah ku dooran lahayd, ha noqoto Aftahanimo iyo hibada hadal helista. Dhoollacaddayn qalbiga jiireysa oo si kasta oo maalintaadu u madowdahay xoogaa rajo ah ku siineysa. Kalsooni iyo inuu yahay nin rageed marka aad Hiil uga baahato hortaada aadan daqiiqad ka waayeyn. Muuqaal qurxoon oo sabab u noqon kara inaad dartiis wax walba u sameyso si’aad u hanato raalli ahaanshihiisa. Dabeecad iyo Aqoon ilaah baa u hibeeyay. badi dunida waxa cilmi ka jira mid waliba wax baa uga bilaaban oo marna jaahil ku noqon maayo madal lagu hadal hayo wax la xiriira aqoonta.
Ayadu waa qalanjo Korka iyo gudahaba ka qurux badan. Haddiise aad u fiirsato waxaad ku maqsuudaysaa sida ay isugu miisaaman tahay hadalkeeda iyo ficiladeedu. Quruxdu qiimo wayn ma siiso Casrigaan dumarka jooga, waxa bila muuqooda waa hadba inta garaadkoodu le’eg yahay. Gabadhu waxa ay soo jiidasho leedahay hadba inta ay ninka dareensiiso in dunida shukaansiga iyo dumar la haasaawidda cilmi ugu dhimman yahay. Aftahanimo iyo caqli badnaan isaga kama yareysato oo halkaa waa meesha ay isku mari waayeen. Si kasta oo uu si kaftan dhable ah u waydiiyo su’aal caqli iyo xeel dheeri u baahan ayadoo aan libiqsan ayay uga jawaabaysay si u eg ineysan juhdiba galin helista jawaabta.
Waxey leedahay xiriir jacayl oo muddo socday. Sida isagu uu u muujiyo gabadha uu la hasaawo uma ay soo bandhigto ninka ay xiriirka la leedahay. Keliya waxa ay u sheegtaa ciddii ula timaadda rabitaan iyo haasaawe bilow ah, ayadoo hadalka ugu soo koobta xiriir baan leeyahay. Xiriirkeedu ma qaato inta ugu badan waqtigeeda. Marka ay ka timaaddo dhakhtarka wayn oo ay kalkaaliso ka tahay. Waxa ay ayada oo aan maryaha beddelan fariisataa miiskeeda oo ay dhawr bog ka gaarsiisaa hadba buugga markaa u kala furan.
Isagu kuma faraxsana qalanjada jacaylkeeda uu gole kasta ka sheego. Agtiisa waxa ay ka tahay hub cabsi galin ah oo uu ku Cabsiiyo gabdhaha uu dareenka u qaado si uu ayaga u dareensiiyo inuu gacanta ku haysto jawharad quruxdeeda mid leh aan ifka lagu arag, iyo sidoo kale in uu wiilasha saaxiibadiis ah dareensiiyo in uu haysto gabar aad u qurux badan, oo dhaqanka iyo nolol wanaagana aad moodo inuu janada Xuuralcayn ka amaahday. Hal iyo labo maaha inta wiil ee saaxiibadiis ah oo gabdhihii ay la haasaawayeen ay u kala tageen marka ay dareemeen ineysan u wanaajin sida Burhaan gabadhiis u wanaajiso.
Iyadu wey ogtahay in aysan ku jirin jacayl dareensiiya sida ay ku riyooto in maalin uun loo jeclaado. Marka kaliya ee ay jacayl dareento waa marka hooyadeed subixii hurdada ka toosiso iyada oo cod naxariis ah ku leh:- Bushra Hooyo ka kac hurdada bukaankii baa ku sugayee.
( La soco Qeybta Xigta).
[…] Qalanjadaan indhaha jiidanaysa, qalbigana gilgilaysa waa xuural cayntii uu Bilaal cid walba ugu faanayay. Isaga oo gacanta haya ayay isku soo gaareen albaabka. Bushra indhaha maba ay siin ninka naagta wata ee waxa ay isku dayaysay in ay horay u galaan meesha oo ay ka ag dheeraato naagtaan dareensiisay in quruxdeeda qeybi ka maqan tahay. Bilaal baa hor arkay labadooda. Indhaha ayuu la raacay sidii in wax eegmada mudan ku daadsan yihiin korkeeda. Xishoodka, deg-degga iyo xasilooni la’aanta heysa waa laga dheehanayay korkeeda. Qalbiga ayuu iska yiri “Tolow maxaa dhibaya?”. […]