Jamiila waxey ka qeyb gashay tartankii waxa ayna ku guuleysatay kaalinta labaad, waxana la siiyay lacag dhan $1,500 oo abaal marin ah, Jamiila waxey lacagtii ku soo kireysatay dukaan yar waxeyna keentay harqaan iyo dhar waxeyna bilawday in ay tosho dhar dumar iyo naqshado aanan magaalada horay loogu arag.

Sanad ka dib Jamiila dukaanki wuxuu noqday mid magaciisa aad looga yaqaano Magaalada oo dhan, wuxuuna dukaankeedi yaraa isku beddelay meherad ay ka shaqeeyaan dhowr iyo toban shaqaale, waxa ayna u sameysaa disenyada ayagana waxa ay u tolaan hablaha magaalada oo dhan.

Jamiila waxey sii baraneysay dibloomooyin quseeya ganacsiga, oo ma aheyn mid ka hadasha TV-yada ama ay dadku garanayaan muuqaalkeeda, 2 sano kadib Jamiila waxey u beddeshay meheradeedii shirkad weyn oo ku fadhisa dhul weyn, kana shaqeeyaan boqolaal Qof.

Bashiir isagana wuxuu hayay buuggii xusuus qorka ahaa ee Bushra, wuxuuna go’aansaday isla sanadkuu Bushra waayay inuu u rumeeyo riyadeedii aheyd in ay sameysato ganacsi u gaar ah.

Waxa uu aasaasay laba sano ka hor shirkad soo dhoofisa alaabaha guryaha, wuxuuna u bixiyay magaca Bushra, lacagaha ka soo baxa shirkadda badankood ku sadaqeeyaa dadka tabaaleysan iyo agoonta, wuxuuna Alle ka baryaa inuu u soo celiyo xaaskiisa iyada oo caafimaad qabta haddii ay nooshahay, haddey nooleynna janadii firdowsa ka waraabiyo.

Bushra waxey maqan tahay 6sano ilaa hadana Bashiir wuxuu aminsan yahay iney nooshahay oo ay mar uun u soo laaban doonto.

Waxaa la qabanayaa shir weyn oo ay ku kulmayaan ganacsatada waa weyn iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee magaalada, waxaana dadka la casuumay ka mid ah Bashiir iyo Jamiila.

Jamiila iyo Bashiir waxey ka soo qeyb galeen xafladda, lkn ka soo qeyb galayaasha oo badnaa awgeed Bashiir iyo Jamiila uma aysan suurto gelin in ay is arkaan, balse waxa la gaaray xilligi ay Jamiila jeedin laheyd qudbad yar oo ku saabsan in dumarka ay gaari karaan heer walba oo ay doonayaan in ay gaaraan, Jamiila oo ku hadleysa magac shirkadeeda sameysa dharka moodalka ah ee dumarka iyo caruurta ayaa kasoo qeyb galayaashiiis bartay xafladda, balse Bashiir oo intuu yaabay naxay ayaa moobilka inta uu soo baxsaday bilaabay inuu kaamirada zoom ku soo dhaho wejiga Jamiila maadaama ay ka fogeyd, waxaana indhahiisana ku soo istaagay illin. lkn Jamaiila ayaa waxay dhahday Magaceygu waa Jamiila waxaan ahay milkiilaha shirkadda disenyada ee Queen waxaan ku dhashay magaalo hebel (magaalada uu joogay ninkii ay la joogtay ee sababta u ahaa shilkii ay gashay) waxeyna sheegtay sida ay heerkan ku soo gaartay iyo in ay tahay reer miyi waalidiinteedu dhinteen, oo aysan fursad u helin in ay waxbarato, lkn waxbarasho la’aanta aysan ka reebin iney ka mid noqoto dadka bulshada saameynta wanaagsan ku leh.

Bashiir oo is lahaa amey Bushra tahay ayaa hurdada ka toosay oo wuxuu ogaaday ineysan gabadhan aheyn xaaskiisi uu raadinaayay muddada dheer.

Waxaa la gaaray cashadii, balse qudbaddii Bashiir wey dhiman tahay, Bashiir waxa uu ka faa’ideystay waqtigi cashada loogu tala galay oo wuxuu aaday dhanka Jamiila, oo intuu hor istaagay ayuu isagoo naxdin iyo walwal la wadna garaacmaya ku yiri, Asc walaalo sow Bushra ma tihid?

Jamiila ayaa ku tiri Wcs walaal Naya waxa ley dhahaa Jamiila. Wuxuu ku yiri Ok malaha gabar kale ayaan kugu qaldayaa.

Jamiila ayada xataa waxay islaheyd ninkan in aan meel ku arkay baan u maleynayaa, waana ay ka sii jeesatay oo asxaabtii ay la taagneyd ayey u sii raacday dhankaa iyo miiskii cashada.

Bashiir waxa uu hubsaday in ay Bushra aheyn oo intuu aad u sii naxay ayuu garan waayay wax uu sameeyo oo kursi aktiisa yaalay ayuu fadhiistay isagoo aad u dhididaya oo wadnuhu aad u garaacmayo.

Wax yar ka dib Bashiir wuxuu ka cudur daartay madaxdii soo agaasintay shirkii wuxuuna u sheegay in uu xanuunsanayo oo uu qudbada jeedin karin, wuxuuna aaday gurigiisa asaga oo aad u murugeysan.

Usbuuc ka dib xafladdii waxaa ay Jamiila ka qeyb galeysay nin iskaleh shirkad caan ah oo ka mid ahaa ka soo qeyb galayaashii xafladdii ganacsatada, Waxay aheyd galab waxayna dadka ku caweynayeen Hool aad u weyn oo qof waliba wuxuu la taagnaa qof is garanayan, Bashiir isaguna wuxuu ahaa dadkii lagu casuumay xafladda Arooska, Jamiila indhaheeda waxey qabteen nin dhankeeda u soo socda oo fiirinaaya oo waaba ninkii xafladdii hore joogay oo gabadha kale ku qaldaayay, Jamiila dhinacyada ayey eegtay oo waxay is tiri tolow ma dhinacaaga ayuu eegayaa, balse waxa ay xaqiiqsatay in uu dhankeeda u soo socdo.

Bashiir oo dhankeeda u soo socdo ayaa niyadda iska weydiinayay su’aalo ay ka mid yihiin sidee bey ilaa iyo heerkan isugu ekaan karaan, waa isku dhirir, waa isku cod, waxey leedahay indhaheeda iyo muuqaalkeeda oo kale, maxaan u dareemayaa inay Bushra i hor taagan tahay, maxaanse u rumeysan la’ahay in ay gabadhani iyada aheyn.?, Maxay tahay sababta aan dhankeeda ugu socdo, maxaanse ku dhihi doonaa ?

Wuxuu aayar u soo socdaba waxa uu soo hor istaagay Bushra isagoo aanan ka jeesaneynin wejigeeda mar qura,

Jamiila baa tiri:- Haye iska waran?

Bashiir:- Waan fiicanahay sidee tahay adiga?

Jamiila: Waan fiicanahay.

Bashiir: Ma i garaneysaa?

Jamiila: Haa, sow ma tihid ninkii maalin dhaweyd igu qaldaayay gabar kale?

Bashiir: Haa waa aniga barasho wanaagsan magacaygu waa Bashiir.

Jamiila: Ana magacaygu waa Jamiila barasho la mid ah.

Axmad wuxuu is dhahay fiicnaan laheydaa inwy dhahdo magacaygu waa Bushra.

Xafladdii arooska marka ay dhamaatay oo ay ssddex saac oo habeennimo tahay Jamiila iyo Bashiir waxey u soo baxeen dibadda, wuxuuna ku yiri aniga ayaa guriga ku geynaayo, waayo Jamiila gaari ma aysan wadanin.

Bashiir ayaa geeyay gurigeeda balse inteysan gaariga ka degin ayuu ku yiri ma kula tahay inaad meel kale igu aragtay?, ma laga yaabaa inaad i garaneyso laakiin aadan i xasuusanin?

Jamiila: Inta ay walwashay ayay is weydiisay oo shakigeyga run buu ahaa ninkan meel in aan ku arkay waan u maleynayay, laakiin ma xasuusto, Jamiila ayaa weydiisay Oo adiga ma i garaneysaa?

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.