Bashiir baa ku yiri waa laga yaabaa oo inaan ku garanayo ayaan u maleynayaa, Jamiila waxay ku tiri meel aan shirka aheyn kuguma arkin waxaana laga yaabaa inaad qof kale igu qaldeyso, Bashiir wuxuu ogaaday iney khalad tahay in gabar aanan aqoon u lahayn uu ku qaldo xaaskiisa Bushra, dadkana ay isku ekaan karaan.
Jamiila oo maskaxdeeda ku fikireyso halkee baad ku aragtay ninkan iyo malaga yaabaa in uu ku yaqaano ayaa ka degtay gaariga oo gashay gurigeeda, Jamiila waxey degen tahay kaligeed, oo adeerkii ay la joogtay wuxuu u guuray dibada isaga iyo qoyskiisa maadaama ay halkaas degenaayeen markii horaba, Jamiilana waxa ay aheyd qof ganacsi leh oo waxey ku qasbanaatay in ay kaligeed Vilo yar ijaarato, Bashiirna wuxuu aaday gurigiisa oo waxaa u rumoobi waysay riyadiisii aheyd xaaskaagi baa dib kuugu soo laaban doonto, lkn wali ma rajo dhigin.
Bashiir ayaa galab sii maray jidka hor mara shirkadda Jamiila wuxuuna sugay Jamiila si uu u geeyo gurigeeda, wuxuuna ku qanciyay in ay dhib ku aheyn sii dhaweynteeda. Bashiir markuu geeyay gurigeeda ayuu weydiiyay, weli ma soo xasuusanin miyaa meesha aad igu aragtay?
Jamiila ayaa iyada oo yaaban is weydiisay, sababta uu ninkan u su’aalo su’aashan iyo meesha ay xasuusan la’dahay ee ay ku aragtay asaga, waxeyna is weydiisay inuu garanayo in ay yaraanteedii oo dhanba xasuusanin iyo in kale.
Jamiila oo maskaxdeedu buuqsan tahay ayaa ku tiri Xasuus uma baahna middaas waayo kuma garanaayo, waxeyna si degdeg ah uga degtay gaariga, isla markii uu gurigeeda hor keenay.
Jamiila markey gashay guriga oyy sii xereyso albaabka ayaa waxaa ka daba yimi Bashiir oo qabtay albaabka intuusan xermin, wuxuuna gacantiisa ku qabtay gacanta Jamiila, waxa uuna ku yiri isaga oo baryaya, Ha iga xanaaqin please Waan ku baryaa isoo xasuuso, waxaan u maleynayaa inay xasuusta kaa tagtay, lkn aad tahay Bushra, please i soo xasuuso isku day inaad i soo xasuusato please.
Jamiila ayaa dharbaaxo intey ku dhufatay Bashiir ku tiri War isii daa kuma aqaanee, maxaa maalin walba ii leedahay i soo xasuuso, war waligey hadda ka hor kulama hadal oo kuma arag ee iiga bax guriga.
Bashiir ayaa xaqiiqsaday in gabadhani aysan xasuustu ka maqneyn wuxuu ku fikirayayna ay been ahaayeen ee aysan aheyn noloshiisii Bushra, wuxuuna u soo baxay banaanka isaga oo aad u Oynaaya.
Bashiir ma uusan ogeyn in gabadhani 100% Bushra tahay, balse qalbigiisa baa u sheegaya inuusan qaldaneyn ee uu sidaas sameeyo.
Jamiila habeenkaa dhan waxey ka fikireysay sababta ay u soo xasuusan la’dahay ninkan iyo qofka uu yahay iyo sababta uu ugu maleynayo iney tahay gabar kale oo Bushra la yiraahdo.
Bashiir oo murugo ku dhamaatay ayaa aaday gurigiisa kana quustay inuu mar dambe la hadlo Jamiila, Jamiila ayaa iyadana waxay habeenkii oo dhan ka fikireysay, sababta uu Bashiir u leeyahay i soo xasuuso ayada oo aan aqoon u laheyn. Bashiir waxa uu ku laabtay xaaladdii uu ku sugnaa sanadihii hore ee uu Bushra waysanaa, wuxuuna waayay halkii rajo ee uu niyadda ku dhisanaayay, taas oo aheyd inuu maalin maalmaha ka mid ah uu heli doono Bushra.
Bashiir mar dambe kuma uu soo laabanin Jamiila xageeda oo wuxuu aadaa shaqada aroortii, duhurka ka horna wuu ka yimaadaa.
Isbuuc ka dib inantii yareed ee Bashiir dhalay, Firdowsa oo ah inan weynaatay oo 10sano jir ah ayaa markii iskuulka laga soo daayay waxa ay soo martay shirkadii Jamiila waxeyna ka codsatay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda inuu geeyo xafiiska Jamiila waxeyna u sheegtay iney habaryarteed tahay oo ay dooneyso iney la kulanto.
Jamiila ayaa is weydiisay gabar aan habaryar u ahay maba aqaanee tolow waa tuma inanta i soo raadisay maanta, waxay sekrateerkeedii ku tiri soo fasax oo ii soo dir inanta, Firdowsa ayaa Jamiila kula kulantay xafiiskeeda waxa ayna u sheegtay in ay tahay Bashiir gabadhiisa oo ay dooneyso iney wada hadlaan.
Firdowsa waxey la yaabaneyd sida ay iskugu egyihiin Jamiila iyo habo Bushra oo soo korisay maadaama ay sawiradeeda heysato oo xataa boorsada iskuulka ay ugu jiraan .
Firdowsa ayaa ku tiri Jamiila, Ma ogtahay in aa u egtahay habaryartey Bushra ?
Jamiila: oo Bushradu waa tuma ?.
Firdowsa: Waa aabahey xaaskiisa oo waa hooyadey walaasheeda ay ilma adeer yihiin, hooyadey markey i dhashay ayey geeriyootay, waxaana i soo korisay habo Bushra.
Fardowsa: Sawirkan waa sawirkeeda bal eeg sida isugu ektihiin.
Jamiila: intey yaabtay ayey tiri macquul ma ahan, sidee ilaa iyo xadkan isugu ekaanay gabadhan ?.
Firdowsa: Aabo wuxuu ku moodayay inaa tahay Bushra, laakiin markuu xaqiiqsaday inaadan ayada aheyn waxaa ka burburtay rajadiisii aheyd inuu helaayo habo Bushra.
Habo Bushra waxa la waayay 6sano ka hor, Qabaheyna ilaa iyo waqtigaas wuu raadinayaa halka ay joogto. Aabo maalin hore ii sheegay in ay rajadiisi u rumoobi rabto oo uu arkay habo Bushra, oo ah gabar ganacsi leh, waxa uu i tusay Videogii laga duubay xafladdii ganacsatada ee aad ka qudbeysay oo aad ayuu u faraxsanaa, laakiin hadda wuxuu ku soo laabtay murugadiisii, wuxuuna ii sheegay inaa tahay Jamiila dhab ah oo aadan aheyn habo Bushra.
Jamiila ayaa dareentay iney dambi gashay oo ay nin maskiin ah oo xaaskiisi sanado badan raadinaayay dharbaaxo ku dhufatay.
Habo Jamiila, Aabe wuu murugeysan yahay waxaan kaa codsanayaa inaad garab istaagto oo banaanka u soo bixiso waayo qolka kama soo baxo shaqadana saacado yar ayuu aadaa, waxaan kuugu imaaday inaad ka qafiifiso murugada haysata Aabahey .
( La soco Qeybta Xigta ).
[…] Bashiir waxey ku noqotay lama filaan, maxaa yeelay marnaba ma uusan fileyn iney Jamiila imaan doonto gurigiisa, mana uusan fileyn in ay mar dambe kulmayaan, Jamiila ayaa weydiisay Bashiir xaaladdisa, wuxuuna u sheegay inuu fiican yahay. […]