Ninkii iyo islaantiisaba wey fajaceen oo wax ay sameeyaan wey garan waayeen, waxeyna ka baqeen haddii ay baafiyaan gabadha in la xero oo la soo ogaado iney iyaga dhibkan geysteen, Ninkii iyo gabadhiisi wey tahriibtay, Bashiirna mudo usbuuc ah waxba ma cunin wuxuu sida nin waalan dhex wareegayaa tuulooyinka iyo halkey joogtay Bushra markii ugu dambeysay, wuxuu ku nool yahay biyo kaliya oo xaaladiisa waxaad moodaa qof waashay oo kale.

Booliska waxba wey ogaan waayeen waxeyna u sheegeen Bashiir in laga yaabo gabadha inay ku dhacday wabiga buurta ka hooseysa ama ay baxsatay oo ay aragiisa rabin. Bashiir iyo booliska waxey Bushra ka raadiyen wabiga hareerahiisa oo dhan balse wey ka waayeen.

Hooyo Bishaaro arinka wey rumeysan waysay oo aad bey u murugootay, reerkii Bushrana waxey ku barooranayaan halkoodii. Hooyo Bishaaro ayaa u soo dirtay adeer cali tuuladii uu joogay Bashiir si uu xaafadda ugu soo celiyo oo qur’aan loo saaro inanka si aanan asagana loo waayin.

Bashiir xaaladdiisu aad u xuntahay ayaa lagu soo celiyay Magaalada oo wuxuu galay xaalad xun, waxaana la geeyay isbitaal. Bushra iyadana waxey la yaabaneyd halka ay joogto, ma hadal badneyn oo waxay aheyd sidii qof ka soo toosay riyo naxdin leh, lkn aan xasuusanin wixii ay ku riyootay. Waxa ay aheyd qof aanan war iska hayn oo maanta dhan fikireysa, balse aanan garaneyn waxa ay ka fikireyso.

Bushra meel waliba waa laga baafiyay oo sawiradeeda ayaa la dhigay, laakiin ninka ay la joogto qolka dibada ugama soo saaro oo wuu qariyaa si aan loo xerin oo uu baxar u galin.

Muddo bil ah kadib, Bashiir wuxuu noqday mid degen laakin aan qolkiisa ka soo bixin, wuxuu ogaaday inuu nimcada rabbi ku shukrin waayay, wuxuu xasuustay sida uu Bushra ula dhaqmi jiray markii ay aktiisa joogtay 4 sano, wuxuu ogaday in markey garab uga baahneyd uu garab istaagi waayay, waxa uu ogaaday in waxa ku dhacay asaga ay yihiin wax uu isaga kasbaday, Bushrana aysan u qalmin nin sidiisa oo kale ah.

Reerkii Bushra ay ka dhalatay wey ka samri waayeen, waxeyna qeyb weyn ka geysteen raadinta Bushra oo ilaa telefeshinada ayaa laga raadiyay laakiin waa la waayay cid meel ku sheegta.

Ninkii ay Bushra la joogtay marka uu ogaaday in gabadha la raadinayo wuxuu ka cabsaday in xabsi uu galo maadaama gabadha aysan cideeda aqoonsan karin oo aysan caafimaad qabin lakiin haddii ay xasuusteedu fiicantahay uu u geyn lahaa reerkeeda.

Bushra waxa loo bixiyay Jamiila maadaama aysan magaceeda garaneyn, oo waxey si tartiib ah u kala baratay inta guriga kula nool iyo howsha guriga laga qabto, Bushra waxa lagu qarinayay guriga ilaa ay reerkeedii ka joojinayaan baafinteeda.

Sannad ka dib, Jamiila waxa ay noqotay mid kaftan badan oo farxad badan, waxa ayna noqotay sida gabar guriga ka dhalatay oo kale. Jamiila wey u egtahay Bu lakiin ilkaha ayey ku yara duwan yihiin, mana u baxdo banaanka badanaa.

Jamiila iyo ilmaha uu dhalay ninka waxa looga sheekeeyay in uu dhalay nin ay odayga isku fiicnaayeen oy saaxiibo ahaayeen yaraantoodii oo ayada iyo labadeeda waalid ay galeen shil gaari oo labadeda waalid ay dhinteen iyadana ay sidaa ku waysay xasuusta, oo sidaa loogu keenay ayaga si ay ula joogto daawana u hesho, Waxaa ka soo wareegtay 3 sano.

Bashiir waxa uu noqday qof aamusan oo shaqdiisa aada kana soo laabta laakiin aanan marnaba qoslin maalin walba ku duceysta in uu la kulmo xaaskiisii Bushra maadaama uusan aaminsaneyn in ay geeriyootay.

Ninkii waxey arinta Jamiila ku noqotay culeys maadaama aysan wali soo xasuuaanin ehelkeeda oo uu si nabad ah ku seexan karin, wuxuuna go’aansaday in uu u geeyo walaalkii oo degen Magaalada si ay xasuusteeda ugu soo laabato. Jamiila waxey u soo wareegtay meel kale, waxeyna bilawday iney la qabsato magaalada cusub iyo guriga adeer.

Jamiila waxa ay wax waliba la ahaayeen sida wax ay horay u soo aragtay sida wadooyinka, buugaagta englishka ku qoran ee guriga adeero buuxa, iyo wax waliba oo waxbarashada iyo xaafadda ay degen tahay ku saabsan.
Jamiila waxey la joogtay adeer oo la dhashay odaygii ay la joogatay, wuxuu ka yimid dibada oo wuxuu degenaa guri aad u weyn oo ka kooban 3 dabaq, wuxuuna lahaa maktabad ay yaalaan buugaag fara badan.

Jamiila waxey bilawday in ay barato aqriska iyo qoraalka waxeyna la ahaayeen wax walba in ay horay u soo aragtay oo ay taqaano lkn meysan xasuusanin goorta iyo meesha ay ku aragtay ama ay ku baratay.

Muddo 2 bilood ah kadib Bushra waxey TVga ka aragtay meel lagu barto dhar tolidda oo ay ka bilaabaneyso koorso lagu baranaayo naqshadeynta dharka iyo waliba barashada toliinka, waxeyna adeerkii ay la nooleyd ka codsatay in ay ku biirto machadkaas lagu baranaayo dhar tolidda iyo naqshadeynta.

Adeerkii wuxuu geeyay machadkii, maadaama aysan haysan wax kaloo ay ku mashquusho, wuxuuna ku dhiira geliyay in ay ka dhabeyso go’aankeeda, guulna ka gaarto, Jamiila waxa ay baratay qaabka dharka loo disayn gareeyo.

5 bilood ka dib Jamiila waxey noqotay gabar naqshadeynta dharka si fiican u taqaan, oo disenyo badan sameyn karta, Markii ay dhamaatay koorsadii ayaa jamiila waxa ay ka qeyb gashay tartan ka dhacayay caasimadda oo lagu soo bandhigayay disenyo cusub iyo moodalo cusub oo dhar ah.

Tartanka waxaa shardi ahaa in qofka uu disaynada asaga la yimaado, ka dibna tolo oo uu u soo gudbiyo maamulka tartanka qabanaaya si ay u soo bandhigaan hablaha qurxoon ee soo xiran doona dharkaa, ka dibna ay go’aamiyaan qofka mudan number.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.