Hooyo Bishaaro waxeyn qasab uga dhigtay in ay raacaan gaari maadaamw meeshana loo soconayo 3 maalmood, sababtoo ah waxaa jirta islaan Bashiir ayeeyadii ah oo degen tuulo ka mid ah tuulooyinka ay maraan gawaarida safarka ah oo loo soconayo 1 maalin, waxayna la sii hadashay ayeyadii waxayna ka codsatay ayeyadi iney ku hayso akteeda 2 habeen oo ay qur’aan saarto labadooda waayo waxey rabtay iney isa sii fahmaan oo ay Bushra ka laabato go’aankeeda.
Bashiir wuu ogaa hooyadii iney safarka dhulka ah u marineyso si ay Bushra iyo asaga waqti isugu helaan, Bushrana haye ayey iska tiri, waayo waxay ogtahay in go’aankeedu uusan isbedeleyn marnaba, Maalintii ay soo baxeen galabkeeda ayaa waxey ku degeen meel wada geedo ah oo buur dusheeda ah.
Gaariga waxaa la saarnaa inan baxsad ah oo ka soo baxsatay Aabaheed oo dooneysa iney tahriibto, Inanta waxaa raadinayay niman uu soo diray aabaheed oo u socday in ay soo qabtaan, waxaana loo soo sheegay nooca gaariga ay saaran tahay inanta.
Gaarigi wuxuu ku dejiyay buur dusheesa si ay salaadda casir u dukadaan, Inantii ayaa rabtay iney dukato, ka dibna waxey ka codsatay Bushra in ay xijaabka u badasho maadaama keeda ay ka shakisan tahay inuusan daahir aheyn maadama cunug yar oo dhinac fadhiyay uu ku dhex matagay gaariga.
Xijaabkii ayey kala badasheen oo inantii salaad ayey gashay, Bushrana waxa ay biyo weyso ah ka doontay ceel meesha ka dhawaa oo waxey ka soo fogaatay gaariga iyo dadka dhexdooda, Nimanka waxa loo soo tilmaamay dharka ay wadatay gabadha loo soo diray iyo muuqaalkeeda sare oo waji ahaan uma aysan garaneyn.
Bushra iyo inanta wey iska ag dhawaayeen dhirir ahaan iyo midab ahaan, Bushrana waxa ay wadatay xijaabkii inanta la baadi goobayay, Nimankii hubeysnaa ayaa isla markiiba gadaal ka soo maray Bushra oo afka intey maro ka saareen gaari buurta dhinaceeda u yaalay saarteen.
Gaarigi markuu cabaar socday ayey Bushra iska tuurtay gaarigii oo wey carartay ayada oo dhaawacan nimankiina wey ka daba carareen, Bashiir baa isla markiiba markuu salaadda ka baxay tabay Bushra oo waxaa lagu yiri ceelkaa geedaha ka dambeeya ayey biyo u doontay, ka dib isaga wuu ka talo baxay, wuxuu raadinaayay Bushra laakiin wuu waayay.
Bushra ay u carareysay ileen dhulka ma kala taqaanee waxay ka dhacday buurta qarkeeda, Nimankii ayaa intey naxeen ku laabtay gaarigii yaraa si ay hoos ugu degaan buurta oo ay gabadha u badbaadiyaan hadeyba nooshahay si uu aabaheed ugu qeylinin.
Bashiir wuxuu ku waashay inuu ku qeyliyo magaca xaaskiisa Bushra oo wuxuu waayay cid aragtay meel ay ka baxday, wuxuu ku cararay meel walba iyo luuq walba, ceelkii gudaha ayaa loo galay laakiin waa laga soo waayay, Gaarigi ay saarnaayeen meesha ayuu ku baryay habeenkaa oo raggi kale waxay bilaabeen iney Bashiir la baadi goobaan.
Gabadhii Aabaheed ka soo baxsatay war kama hayso in iyada la raadinayo oo waaba iska daacad waxeyna sidataa xijaabkii Bushra ka beddelatay.
Bushra waxay ku dhacday meel buurta dhinaceeda ah oo dhagaxyo ah, waxaana sii gaaray dhaawacyo badan, ragiina raadis ayey u galeen ayagoo walwalsan waayo gabadha in ay dhib gaarsiiyaan balantu ma aheyn, waxayna isku dayeen in ay helaan gabadha intaanan maqribka la aadaamin oo ay habeen noqon, Daqiiqado ka dib wey heleen Bushra oo aan miir lahayn oo wajiga iyo madaxaba dhiig ka socdo.
Nimanka aad bey uga cabsanayeen ninkii u soo dirsaday gabadha oo waxay durbadiiba kula carareen gaarigoodii si ay u geeyaan oo waxay u soo laabteen dhankaa iyo Magaalada si ay isbitaal u geeyaan, Nimankii waxa ay u sheegeen ninkii in gabadhiisu ay dhaawac tahay oo intey ka baxso is tiri ay buurta ka dhacday, oo intuu aad u carooday ayuu ugu dambeyn u sheegay dhaqtar ay hadda ka hor isyaqaaneen oo jooga magaalo ku taalo meel u dhaxeysa tuuladii uu shilka ka dhacay iyo magaalada.
Bushra wey soo naaxday laakiin dhaqaaq malaheyn oo dhiigeeda unbaa baxayay oo ay raggu maro ku duuduubayeen, dhaqtarka waxaa la sii hadlay ninkii soo dirsaday nimanka oo wuxuu u sii sheegay in gabadhiisa oo gaari ka dhacday loo soo wado.
Dhaqtarkii magaalada isbitaal yar ayuu ku lahaa, oo wey u geeyeen wuxuu arkay in gabadha uu madaxa dhaawac xoogan ka soo gaaray iyo lafta madaxa uu tarar ku jiro, feeraha, wajiga iyo lugahana ay dhaawacyo ka soo gaareen, gacanna ay ka jabsan tahay, labada ilig ee horana ay nus ka jabeen.
Dhaqtarka wuxuu ka dhayay dhaawicii oo wuxuu kabay gacantii jabneyd waxayna ku dheheen waxaan u sii qaadeynaa magaalada, ka dib waxey tageen magaalada uu joogo ninkii soo dirsaday, ugu dambeyn waxa ay geeyeen gurigii ninkii dhalay gabadha.
Bashiir waxa uu raadinayaa Bushra xalay ilaa shalay galab oo dhan, oo hal mar indhihiisu ma aysan isqaban, siduu u qeylinayay oo uu Bushra u wacayayna codkiisi wuu xermay, Nimankii gaariga la saarnaa intey daaleen markey qoraxda soo baxday ayey gaarigi ku laabteen safarkoodina sii wateen.
Bashiir tuuladii iyo tuulooyinkii ku dhowaa oo dhan wuu ka soo waayay Bushra, Codkiisi wuu gabay suu u oynayay oo lugihiisana waxa ay noqdeen kuwo dhaawacan siduu dhaqaxyada iyo qodxaha ugu socday maadaama ay kabihii ka go’een inta uu tuulooyinka ku lugeynaayay.
Ninkii duqa ahaa waxaa loo geeyay Bushra oo ay nimanku moodayeen gabadhiisa, balse markuu arkay ineysan aheyn gabadhiisa ayuu naxay oo uu nimankii banaanka ula baxay uu weydiiyay gabadhan halka ay ka keeneen, Waxey u sheegeen in ay saarneyd gaariga oo ay leedahay tilmaanta uu u sheegay iyo dharka ay wadatay.
Ninkii ayaa intuu madaxa qabsaday cabsaday oo is yiri halkeed galeysaa gabar islaameed ayaa dhib u geysataye, Gabadhii ayuu dhaqtar ugu wacay waxaana loo qoray daawooyin, lkn dhaqtarka marka uu wareystay gabadha waxa uu ogaaday iney magaceeda xasuusanin iyo sida ay wax u soo gaareen. Dhaqtarkii ayaa u sheegay ninkii in gabadhiisa aysan waxba xasuusanin oo ay jug weyn madaxa ka soo gaartay.
Ninkii aad buu u sii naxay oo waxa uu garan waayay wax uu ugu jawaabo dhaqtarka oo wuxuu u sheegay in ay meel sare ka dhacday gabadhiisa.
Dhaqtarkii ayaa fahmay in uu ninku u walwalay gabadhiisa oo uu ka xun yahay xaaladeeda wuxuuna ku yiri daawadan sii waxbana yaan loo sheegin oo yaan lagu qasbin in ay wax soo xasuusato, maskaxdeedana yaan culeys la saarin ayadaa soo ceshaneysa xasuusteeda tartiib tartiib, wuuna baxay dhaqtarkii.
( La soco Qeybta Xigta).
[…] Bushra waxa loo bixiyay Jamiila maadaama aysan magaceeda garaneyn, oo waxey si tartiib ah u kala baratay inta guriga kula nool iyo howsha guriga laga qabto, Bushra waxa lagu qarinayay guriga ilaa ay reerkeedii ka joojinayaan baafinteeda. […]