Suleeqo siman waxey niyada gelisay iney xiriirka u jarto Saabir, oo ay u wareegto Wiil ay asxaab ahaayeen oo la yiraahdo Suldaan, kaas oo isaga dhigi jiray Nin Hanti leh, iyaduna ay moodeysay inuu Hanti leeyahay ayaa xiriir u soo bandhigtay, weyna ka ogolaatay, Saabirna halkii ayey uga dhaqaaqday.
Saabir ayaa la yaabay hadalka Suleeqo siman isagoo leh Aniga waan ku jeclahay halkee iiga tageysaa, maxaad nolosheyda u cid leynaysaa Xiriirkeena hanaga jarin, balse hadalkiisa dheg jalaq uma siin, weyna ka tagtay, Wiilkii ayey hoosta ka gashay.
Waxey moodeysaa Nin Lacag leh oo noloshan ka saari karo, iyada jaceylba uma jeedo, qof nolosha ka saara keliya ayey rabtaa.
Weyba is jeclaadeen Suldaan iyo Suleeqo siman, Suldaan waa wiil aad u fiicwn iyada mar walba ixtiraam iyo wanaag tusa, markay sanad wada socdeen ayay ogaatay inuusan hantiba laheyn iyo wixii ay arki jirtay iney Been ahaayeen, isaguna wuxuu ku yiri Hanti iminka ma lihi, laakin waan shaqeysan doonaa aad ayey ula yaabtay, balse xiriirkoada wuu sii socday.
Suleeqo siman noloshii ayaa ku adkaatay marba wey sii dhibtooneysaa, Wiilkana waxba kama beddeli karo nolosheeda isagaba wax ma haayo, laakin garab istaag iyo jaceyl ayuu siiyay, farxadna ka heli jirtay.
Maalmo kadib Suleeqo siman Aabaheed ayaa dhintay, geeridii ka dib Suleeqo mugdi ayey sii gashay, Wehelkii u dambeeyay Aabahed markey waysay, iyada dhan wey karaahsatay Nolosha.
Wiilkii Saabir ahaa wuu dhoofay Noloshiisii wey is beddeshay, Suleeqo siman wey wada hadli jireen si walaaltinimo ah.
Suleeqo siman, markey aragtay Saabir inuu dhoofay oo uu maanta yahay Nin meel iska soo saaray oo hanti leh, iney xiriirkii soo celiso ayey Isku dayday, weyna la hadashay Saabir, iyadoo leh Aniga weli waan ku Jeclahay, balse xiriirkaaga waxaan u jaray duruufta iyo dhibka i heysta dartiis.
Saabir isna wuxuu ku yiri Aniga markii hore waan ku jeclaa cidlo aywad iiga tagtay, dhib walba wuu dhamaanayaa ayaan ku dhihi jiray laakin Adiga ayaa i nacay ina sugi waayay, hadana sidii ayaan kuu jeclahay, hadaad ii soo labatayna waa ii farxad, maku cidleynaayo, markuu intaas ku yiri aad ayey u faraxday, weyna soo ceshadeen xiriirkoodii.
Haddaba, Suldaan ayaa haray, wuu jecel yahay isaga, kamana maarmo
Suleeqo siman, iyada Saabir ayey u laabatay, balse waxey is leedahay armuu ku qiyaanaa Saabir oo uu kaa cad goostaa, armey daacad ku aheyn, aad ayry uga shakisan tahay sida fudud u markiiba uga aqbalay, Suldaana sidii ay ugu sheegi laheyd iney ka tagto ayey is weydiineysaa.
Suleeqo siman, xiriirkii Saabir ayey soo celisay Wiilki kale ee Suldaan ahaana wey ka baxday baddiisa, oo wuu soo wacaa kamana qabato.
Saabir sidii uu awal u jeclaa uma jecla oo wey dareemeysaa, sababtoo ah siduu awal uga War heyn jiray iminka ugama war haayo, mar mar ayuu la soo hadlaa, iyadana isma dareen siiso iney aad u jeceshahay.
Suleeqo siman waxey mar walba is weydiisaa, Suldaan waa wiil fiican, oo aad kuu ilaaliya hadalkaagana aan hadal soo saarin, jaceyl dhab ahna kuu qabo, oo ku ilaashada, Saabir isagana waa Wiil shalay aad kuu jecla oo kula soo maray dhib walba, weliba dartaada ay waalidkiisu mar wslba u cansanan jireen, haddana kaa tegin oo garab istaag mar walba ku tusi jiray. Balse aad adiga Lacag iyo qof Nolol Qurux badan ku geliya un rabto sidee wax kuugu Hagaagi doonaa ?.
Suleeqo siman waxaas oo su’aal ah ayey is weydiisaa. Suleeqo siman qofkey jeceshahay maba garaneyso, oo Lacag un baa u muuqata.
Suleeqo siman, waxey jeceshay iney Nolol midda ugu sareysa ku noolaato, wax walba oo Riyadeeda ahna iney hesho oo ay noloshan adag ka baxdo.
La soco Qeybta Xigta
Wixii Faalo ah ee aad Noo Haysid Halkaan Hoose ee Commentska Noogula wadaag Waadna Ku mahadsantahay Qaabka quruxda badan ee aad Noola Socoto Mahadsanid.
Waad ku Mahadsantahay qaabka quruxda badan ee aad isku howlayso inaad noosoo gudbisid sheekadaan.
mahadsanid walaal
Waa sheeko xiiso badan oo la dhacay thank you.
Msha allh horay soco