Culayska iyo Ciriirigu maaha mid ka yaraada,
Suleeqo siman dadka ma dhex geli jirin, wey iska afgaabneyd, Maalmo ka dib ciyaalkii waxey bilaabeen Alaab guriga muhiim ka ah iney tuuraan Furayaal muhiim ah oo Suleeqa siman lagu ogaa in iyada dusha laga saaro, waxey maalinba ku soo tooseesay away Waxaasi iyo canaanan joogto ah, Suleeqa siman waali ayeyna ku dhowaatay, habeenkii Ooyin ayey ku seexan jirtay, Aroortiina Naxdin ayey la soo toostaa.

Wuxuu waqtigu is guroba, Suleeqo siman waxey gaartay Xilliga Shukansiga, Wiilal badan xiriir wey la sameysay, ka dib waxey is barteen Wiil la yiraahdo Saabir, kaas oo Suleeqo aad u jeclaa, Suleeqo siman iyaduna sidoo kale, balse wey ku adag tahay iney kulmaan, waayo Suleeqo siman looma Ogola iney baxdo, isaguna wuxuu rabaa inuu arko, laakin wey ka diidaa ileen ma soo bixi karto, wey u sheegtay iney walaasheed Ogoleyn, markaas ayuu ku yiri si aynu isku aragnaaba wux un samee haye ayey tiri.

Habeen ayey u baxday markey soo laabatay ayaa Cashar loo dhigay, xagee ku maqneyd iyo Amar kama dambeyn oo la siiyay, mar dambe ma bixi kartid ee guriga fadhi Naaya ayaana lagu amray, wey iska aamustay, isagana wey u sheegtay, ma dhaceyso ayuuna ku yiri.

Habeen ayuu ku dhahay guriga soo hor istaag wey soo baxday, iyagoo guriga hortiisa ku wada hadlaaya, ayey soo baxday Islaantii la joogtay: Naayaa soo gal guriga, waa maxay xilligan Wiilkan yare aad la joogto,?. dhirbaaxa ayaa loo dhiibay, isagiina wey Caaysay.

Suleeqo siman iyadoo careysan ayey soo gashay guriga, markaas ayey islaantii ku tiri waa maxay waxaan aad biloowday, ogoow kuguma arki karo Wiilkaan.

Suleeqo siman, Saabir ayaa soo wacay, iyaduna caradii ayey isaga kula dhacday oo ku tiri isma arkeyno maalin dambe dhib ha ii keenin, isaguna xad dhaaf ayuu u jecel yahay, waana Wiil yar oo iminka jaamacad isku diyaarinaayo oo aan shaqeynin. Mar walba Suleeqo siman wuxuu ku dhahaa anaa dhibka kaa saaraaya maalintey noqotaba ee Samir,
Hadana waa Laba qof oo xiriir ka dhexeeye iney is arkaan ayey rabaan, ileen jaceyl iyo xiiso ayaa jiro, Suleeqo siman wixii dhacay wey ilowdaa markaas ayey ku tiri habeen isma k arki karno ee malintii ilaa duhurkii aynu is aragno, Oky ayuu dhahay maalintii ayuu soo wacay oo ku yiri Soo bax, Haye ayeyna ku tiri, weyna baxday waxaana daba gashay Islaantii.

Suleeqo siman markey Saabir ula istaagtay ayuunbey Islaantii meesha soo istaagtay, kuna tiri:- Haye aniga Wiilkaan ayaaba igala kaa qaalisan sow maaha, Wiilkaana miyaan ku oran kuguma arki karo.

Suleeqo siman ayaa ka soo carartay meeshii guriga ayeyna timid, islaantii ayaa ku tiri Wiilkaan Wejigiisa imika ayaan si fiican u arkay, waana aqaanaa halkuu deggen yahay, imika ayaan Xafadooda kasoo dacweynayaa.

Islaantu wey baxday Xaafadii Saabir ayey aaday, Hooyadiis ayay ku tiri: Wiilkaaga Qatiyaan ayaan ka joognaa iga cesho. Dhamaam arintii ayey u sheegtay, Saabir hooyadiisna Raali ahow Anna la hadlaayo ayey ku tiri.

Saabir markuu guriga yimid ayaa hooyadiis Caananatay, iyadoo uga digtay inuu Reerka iyo inantooda mar dambe lagu arkin.

Suleeqa siman, arintii ayuu Saabir u sheegay, inaa laga soo dacwooday. Suleeqo siman arintii ayaa ku xumaatay, markaan hadeey Dukaanka aadeyso xataa Islaanta ayaa raacdo, si looga ilaaliyo lakulanka Saabir.

Laba qof oo is jecel aragti kama maarmaane Xal ayey raadiyeen, ka dib si ay ugu tagtaba hadana wey kulmi jireen. Saabir jaceyl Xad dhaaf ah ayuu u hayaa. Suleeqo hadalkeeda hadal muu saari jirin.

Aad ayuu uga murugoonaya dhibka heysta iyada, mar walbana niyada ayuu u dhisaa, si walba oo jaceylkooda Caqabad loogu noqdo, isagu kama uuusan hari jirin, habeenkii ay isku dhacaan sidii qof waalan ayuu Guriga Suleeqo siman ugu meereesan jiray, habeenkiina muu seexan jirin.

Suleeqo siman oo nolosha markii horeba ku adkeyd ayaa iminkana Culays u yimid, mar walba lagu Canaananaayo Wiilkaan yar muxuu heysta?, halkuu ku geynaa isagaaba guriga hooyadiis wax ka Cunee oo noloshiisa ku filneyn, Suleeqo siman aad ayey hadaladaas u dhibsataa.

Markii Caadadiskii ka dhamaan waayay ayey marar badan go’aan ku qadatay iney xiriirka halkaas ku soo jarto, markey u sheegtay Arintii oo ay ku tiri aniga dhibkeygi hore ayaan xamili waayay ee mid kale ma qaadi karo ee halkaa aynu ku joojino hawshaan.

Saabir wuu ka diiday arintaas, waayo isaga kama maarmo iyada, wuxuna u sheegay in laga baxaayo mushaakiilkan, oo ay u baahan tahay Sabar keliya.

Suleeqa siman mar walba oo la Canaanto, iyaduna isaga ayey kula dul dhacdaa oo iga fogow ku tiraah, iyaduna la yaab malen dhib ayaa heysta oo waxey is waydiisaa Adduunka keliya inaad dhib marto, ayaa laguu keenay ilaa maalintaad Caqliyeesatay dhibatooyin ayaad ka bixi la’dahay.

Saabir wuxuu mar walba ku fikiraa inuu jaceyl baaxad weyn siiyo oo Murugada ay soo martay uu ka mayro nolol Qurux badan uu geliyo

Waxey Arrintu sidii ahaataba Caqabadihii ayaa ka yaraan waayay Suleeqo siman, mal guriga banaankiisa iney u baxdo ayaa ku adkaatay, Saabirna talo ayaa ku ciirsan Suleeqo siman ayuu ku dhahay maanta waan awoodaa inaan Labadeyda waalid u sheego jaceylka aan kuu qabo, waana ku guursan karaa, laakin Aniga
weli arday ayaan ahay, waxaan kula rabaa Nolol qurux badan inaan ku geliyo, Aniga Hanti aan shaqeystay kugu dhaqo, balse ma rabo hantida aabahay inaan kugu dhaqo ee Insha Allaah wey noqoneysaa, ee intaas iigu sabar, anaa balan kaaga qaadaya in Dad badan Lugahaada hoostooda imaan doonaan.

Suleeqo siman wax ay ku jawaabto ayay garan weyday, Saabir ayey ku tiri Aniga waan samrayaa, weligeyna samir ayaan ku noolaa.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.