Suleeqo siman Nafteeda waxey rabto keliya ayay u sameysay, waxeyna go’aan ku gaartay inay Saabir keliya Noolosha la wadaagto, Suldaana ay runta u sheegto inay isaga la sii socon karin, weyna qancisay.
Suleeqo siman iyada kaliya nololshaan adag ayaa dhib ku heysa Familka Qof la fahma oo Ilaaliya kama heysato, Qof ay sirteeda la eadaagtana ma heysato, mar wlba oo ay fikirto ayey nafteeda ku Canaanataa Haddaan Hooyo heysan lahaa culeyskaan ma arki laheen.
Suleeqo siman islaantii ay la joogtay ayaa soo burisay, mana taqaan meel ay aado, waayo Suleeqo siman ma aha hablaha socodka badan ee Magalada kala yaqaan, haddana waxey u tagtay Reer kale oo famlikooda ka mid ah, waxeyba dhibsatay kolba Reer la joog.
Reerkan ay timid waxaa jooga Hablo dhalinyar ah oo isla weyni iyo kibir badan, waxeyba damceen iney Suleeqo wax walba ay iyaga qaban jireen iyada lagu haleeyo, waxeyna ahaayeen Habluhu qaar dhigta Iskuulaad iyo jaamacado, Suleeqo xaasidnimada ma taqaan hawshana waxba lama aha, waayo weligeeda ayey Cadaadis ku nooleed.
Suleeqo siman waa inan iyaduba guriga ka tirsan u baahan wax walba, Islaanta hablaha dhashayna waxey sameysaa wax kasta oo ay ku Amraan gabdhaheeda.
Dhowrkan hablood ee guriga jooga xilliyada ay guriga joogaan intay Lugaha is dul saartaan ayay Boqol jeer Suleeqo Adeeg u diraayaan, Suleeqo siman iyada xumaanba uma aragto, oo waxay nafteeda ku tiraahdaa gurigooda ayaad joogtaa wixii kugu dhacaba yeelo dulqaadkiisa.
Saabir mar walba uu la hadlaayo wuxuu ka dareemaa Murug, laakin iyada waxey isaga dhigtaa qof Xasiloon, Inkasta uu Ogyahay dhibka ay ku jirto, wuxuu uga sheekeeyaa nolosha uu la rabo inuu gelin doono, niyada ayuu u dhisaa mar kasta.
Suleeqo siman maalin walba bahdil weyn ayay la kulantaa, haddana waxaas wey u dhabar adeygtaa, haddey Xanuunsato ma aragto qof Naxariis yar u muujiya, wax walba wey qarsan jirtay oo xanuun ah. Hablahan ay la joogto isma dhahaan inantan waa idinkoo kale wax bay u baahan tahay ama si hoos ah u weydiya waxey rabto ama tabeyso.
Xilliyada badana islaanta iyo hablaheedu Qolka TVga ayey ku wada sheekaystan oo ay ku wada kaftamaan. Suleeqo siman qolka ku xiga ayey ku jirtaa illinta iyo xanuunka ay leedahay waalid la’aantu wey dareentaa.
Guriga waxaa yimid islaantu Wiil ay dhashay oo qurbaha ka yimid, markuu guriga joogay Laba cisho ayuu Suleeqa siman arkay, durna hooyadii ayuu weydioyay inantan yey tahay, markaas ayaa loo wacay Suleeqo siman, oo islaantii ayaa ku tiri: Kaalay walaalkaaga baro, halkii ayaana leysku bartay.
Wiilka Saciid ayaa la yiraahdaa, waana wiilka ugu fiican guriga oo dhan, badanaa guriga ayuu joogi jiray isagu oo banaanka ma jecleyn Suleeqo siman ayuu arkay iney tahay gabar aamusan oo xishood badan, Ixtiraam badan, Mar walba ula sheekeysta isagoo howsha guriga ka Caawiya, Suleeqo saxiib ayey la noqotay, walaalkeed wuu la kaftami jiray isagoo mar walba ku yiraahda dadka dhex gal oo aamusnaanta iska yaree, kuuma fiicna.
Maalmihii dambe ayuu arkay Qof walba oo guriga jooga inuu Suleeqo dirsanaayo, xataa haddey Hurudo, wuu yaabay iyada oo maalin dhar dhaqis ku jirta ayuu soo kacay Saciid, wuxuuna arkay Suleeqo kaligeed oo dharka dgaqeysa, kuwii kalena TVga daawanayaan, intu Ciil is heyn kari waayay ayuu ku yiri idinka dhoobo ma tihiin maxaa hawsha Suleeqo loogu eegaa, kaca la dhaqa dharka, hawlaha kalena qabta, Saciid hablahoodu wey ka cabsadaan.
Saciid hooyadiis ayuu si gaar ah ula hadlay isagoo ka Xanaaqsan Suleeqa sidey ula dhaqmayaan, wuxuuna ku yiri Suleeqo waa gabdhahaaga oo kale, ha dareensiin xumaan hawsha guriga inan Shaqaale dh u doonta.
Hooyadiis ayaa ugu jawaabtay Wiilkeygiyow waxaan waa iska caadi koleyba waa Gabar oo hawshu wax ma yeeleyso Hablahina wax bey bartaan, iyago daalan ayey imwanayaan hawlna ma qaban karaan ee Suleeqa koleyba guriga intay iska dhex joogi laheyd hawsha ha qabato.
Saciid hooyadiis kama uusan yeelin arintaas wuxuu ku go’aamiyay iney Suleeqi wax dambe qaban doonin, haddey qabatana kuwa kalena la qabanayaan, sidaas darteed waxaa qasab noqotay in gabar shaqaale ah guriga la keeno, Suleeqo siman waxey aragtay iney heshay Qof garab taagan oo caawiya.
Ka dib Hablihii iyo hooyadood dalxiis ayey u baxeen Laba maalin ah, Arbaca ayey baxeen jimcahana iney soo noqdans ayey rabaan, sidii ayay ku baxeen, Suleeqana lama kaxeysan oo guriga ayaa looga tegay, Saciid oo banaanka ku maqnaa ayaa guriga yimid, ka dib guriga inuu cidla yahay ayuu dareemay, hooyadii ayuu wacay waxeyna u sheegtay inay Dalxiis tageen.
Ka dib qolka TVga isagoo kusii socda ayaa wuxu maqlay Codkii Suleeqo markaas ayuu yaabay isagoo is weydiiyay oo Suleeqo ma raacin Hooyo iyo gabdhaha.
Markaas ayuu u yeeray Suleeqo weyna u timid wuxuu ku yiri Haye Suleeqo oo inaad Hooyo iyo gabdhaha raacday baan mooday, maxaa cidlada ku dhigay aad u raaci weyday.
Markaas ayey ku tiri Aniga leyma sheegin in meel la aadaayo, keliya waxaan arkay markey sii baxaayeen iyagoo waxba ii sheegin. Saciid Ciil ayaa qabtay niyadda ayuu iskala hadlay isagoo leh waayo aad sidaan u sameyseen Hooyo.
Markaas intuu u dhoola cadeeyay ayuu yiri anaa maalin Dalxiis ku kaxeyn doona ma jeceshagay Dalxiiska, Suleeqo ayaa ugu jawaabtay Haa aad ayaan u jeclahay, waayo weligay Magalada meel uma dhaafin guryaha ma dhaafo.
Saciid ayaa dhahay waa si fiican anigaa ayaa ku dalxiis geyn doona, Iminkana kaalay TVga ila daawo, haye ayay tiri. Saciid wuxuu rabaa Suleeqo isagoo markey soo eegtana halka TVga isku mashquulinaayay.
Suleeqo siman ayaa ku tiri Sug aan caffe kuu soo sameeye markaas ayuu Saciid ku yiri: May Aniga ayaa inoo soo sameynaaya. Wuu kacay Ilao inta uu jikada ku maqnaa Suleeqo siman wejigeeda ayaa u sawran, kadib Caffegii ayuu soo qaaday, Qolka ayuuna yimid, Suleeqo ayaa ku tiri Wow Caffe aad u macaan ayaad soo sameeysay, Markas ayuu yiri Haa wixii adiga lagu siinaayo waa inuu Macaan noqdaa.
Aad ayey u wada kaftameen, Suleeqo ayaa Saciid ku tiri Wiil aad u fiican ayaa tahay runtii,
Saciid ayaa ku dhahay Haa laakin hooyadey iyo walaalahay iskaga dul qaado, wixii qalad ah ee aad kala kulanto. Suleeqo ayaa ku tiri Aniga khaladkooda waxba uma arko.
Saciid wuxuu dareemaa inuu Suleeqa dareen u haayo, hadana naftiisa wuu la dagaalamayaa isagoo qalad u arka inuu jeclaado inan joogta gurigooda.
Waxa la soo gaaray maalinti jimcaha Reerkii ayaa yimaadeen iyagoo jawi soo qaatay, Saciid iyo hooyadiisa iyo hablahoodi Qolka TVga ayey ku caaweynayaan iyagoo uga sheekeynaaya siduu Dalxiisku ahaa, in yar ka dib wuxuu tebay Suleeqa, isagoo diidaya iney kaligeedQol joogto, iyaguna halkan ku farxaan markaas ayuu yiri Hooyo Suleeqo u yeer ma fiicna iney Qol joogto. Islaanta Shaki ayaa galay tolow Suleeqo un muxuu mar walba uga hadlaa maxaa jira tolow ?, Wiilkaaga ma jaceyl bey ku abuurtay ?.
La soco Qeybta Xigta
Waa sheeko aad u xiiso badan waan ka heley mahadsanid