Warsame ayaa Fariin u soo diray Warsan isaga oo leh: Xabiibti guriga ma nabad timid. Waxey ku tiri:- Haa xabiib waan imid. Kolkaas ayuu ku yiri: Naftaada adaa iga Masuul ah inta aan ka maqnahay ii xafid. Markaas ayay tiri: Waad igu Ogtahay, Adigana sidoo kale. Intaas ka dib wuxuu weydiiyay: Iminka Qalbigaada Boos mwygu sameesay. Waxey ugu jawaabtay: Haa Xubbi waan isku kaa dhiibay. Kolkaas ayuu ku yiri: Waa balan inaan xafidi doona Naftada .

Warsan ayaa tiri: Aniga jaceylka waan iska Ilaalin jiray, balse Maanta jaceylka isaga ayaa i ilaalinaya Caajib. Warsame ayaa dhahay: Waxaad u qalantaa jaceylka Aduunka yaala in adiga lagu siiyo. Waxay tiri Dumarka wixii loo dhiibto wey sii badiyan Hadad jaceyl dhab ah ii dhibato Anigana laba jibaarkiisa iga filo. Markaas ayuu yiri: Aniga Ilaa naftu iga baxeyso Farxadada ayan ka talin doonaa.

Warsan ayaa tiri Anigana waxaan kuu noqon doonaa Indhaha ku tusa Nolosha quruxdeeda. Wuxuu dhahay Waan sugi kari la’ahay inta aan kuu imaanaayo oo aan kula kulmi doono. Warsan ayaa tiri Anigaba xiiso ayey igu heysa Aragtidaadu. Wuxuu dhahay: Weynu is arki doonaa weliba nolosha ku midoobi doonaa.

Subax ayay noqotay Warsan Shaqadii ayey isku diyaarisay Gaarigi shaqada ayaa u yimid, weyna baxday, markii la gaaray Nasashada xilligeeda ayay tagtay Cafateriyada Caffe iyo Cake ayay dalbatay, ka dib Mobeilkeedi ayay la soo baxday Qadkii ayay furtay iyadoo faraxsan waxeyna markiiba aragtay fariin qurux badan kuna bilaamatay sida tan:- 

Maalin wacan Dheemantaan jeclaa waxaan filayaa inaad caafimaad igu soo kacday iyo dhoola cadeyn, waxaan noqday Qof ka fikira, mar walbana xiiseeya Noloshaada waxaan ku Mahadiyaa Barashadaada, waxaad noqotay boqoradi Iftiinka iga dhigtay nolosha ma Amini kartaa heerka aad agtayda ka tahay jacayl ayaan kuu hayaa Xaddigiisa la qiyaasi karin.

Warsan markay aragtay Qoraalka Quruxda iyo Dareenka leh aad ayay isku beddeshay farxad iyo dareen dhab ah ayaa qaaday, waxay ku hadasho ayay garan weyday. Qoraalki ayay Boqol mar Akhrisatay Cuntadii ayaa ka degi wayday, Waxayna Ugu Jawabtay:- 

Maalin la mid ah Iftiinkii Dhaayaheygoow, waxaan sugaa maalin walba fariinta Quruxda badan, waxaan soo kaca Maalin walba anoo Xiisenaya waxaad iisoo oortay Ma maleysan karta Nafteydu inay Adiga magan kuu tahay haddey weydo Hadalkaaga ama aragaada. Mudanow Codkaagu Cuntu ayuu ii noqday Gaaja tira, misana Cafimaad ayaan ka qaadaa Cidlaan ka Weheshadaa Codkaagu waa Awoodan ku taagnahay.

Warsan iyadoo aad u dhoola cadeneysa ayay ku laabatay Shaqadaedi Cabaar ka dib Wiil ayaa u soo galay Markaas ayuu dhahay Warsan adiga soo maaha?. Haa ayay tiri:- Hoo Alaabtaan ayuu dhahay, weyna ka qaadatay, Wiilkina wuu baxay markay eegtay ay furtay waxey aragtay Waraay ay ku qoran tahay Mudanteydi eaa Hadiyad yar aan kuugu tala galay. Waxay Fahantay inay tahay Warsame Hadyadii u ku yiri waan kuu sao dhiibayaa, Wey furtay waxayna aragty I-PHONE 13, Ubax, Barafum iyo Alaabo yar yar.

Wey ka heshay Hadiyada Warsame, ka dib Wey wacday waxayna ku tiri Geesigeygiyow wey ii timid Hadiyadii waana ka helay, Thnks. Markaas ayuu dhahay Midaan waa tii ugu yareed aan ku siiyay waxaan filayaa mid ka Qaalisan inaan ku keeno oo aad ku farxi doonto. Markas ayay tiri: jacaylka sidaan u macaan maxaad mar hore ii siin weyday, maxan kuu baran waayay mar hore?. Wuxuu yiri Iminka ayuu nasiibku qoray inaan is helno. 

Wada Hadal dheer ka dib narkay fariimaha Quruxda badan is weydaarsadeen, Warsan waxay wacday saaxiibted laakiin Mobeilka kamay aysan qaban, Ka dib waxay is dhahday laga yaaba inay Mashquul tahay. Weris wey Arkaysay Wicitanka Warsan, balse iyada ayaan rabin inay la hadasho oo ay ka qabato telka. 

Weris oo Mobeilka iyo Qadka ku Mashquulsan ayaa waxay aragtay Warsan oo Whtsappka Status soo dhigtay Fariimihi Quruxda badna ee iyada iyo Warsame dhex maray oyado ku soo qortay Dhamaystiraha Nolosheyda 

Weris markay aragtay Arintu iney faraha ka baxday oo labadaan marba marka xiga isku sii dhawanayaan, waxey sameeyso ayay garan weyday, iyadana Xanuun ayay ku tahay iney waxaas aragto.

Warsame wuxuu go’aan ku gaaray inuu Soomaaliya yimaado si uu ula kulmo Qumanta uu jecel yahay, ka dib wuxuu ku fikiray inuu Kedis uga dhigo Imaatinkiisa, wuxuu wacay saaxiibkiisa Wardi (Wiilki Hay’adda Madaxda ka ahaa, wuxuuna u sheegay inuu rabo inuu yimaado Soomaaliya, welibana Warsan inuu kedis uga dhigo. 

Saaxiibkiisa ayuu ku dhahay Berito ayaan soo baxayaa, waxaan a rabaa inaad ii diyaariso Meel qurux badan oo aan Warsan kula kulmo, hana u sheegina is ilaaliya ma rabo inay ogaato, Wardi ayaa dhahay Waa arrin fiican Anaa kuu dhamaynaya intas saaxiib.

Waa Xilli habeen ah Warsan xaafada ayay Casho u karinaysaa oo jikada ayay ku jirtaa, iyadoo Hawsheedi iska wadata ayaa waxaa u timid Weris markaas ayay tiri: Saaxiib Callka iminka ayaan arkay iga Raali noqo Hawsha Caawa igu badnayde. Warsan ayaa tiri Dhib malaha Qaaliyey Xaaladaada ayaan rabay inaan ogaado. Weris baa tiri Waan kuu fiicnahay Macaanto. waxey intaas u sii raacisay Saaxiib waad Shidan tahay waxaan arkaa in I-PHONE 13, laguu keenay. Warsan ayaa intey qososhay tiri Sow ma aragtid Saaxiib.

Weris ayaa tiri Warsame oo kale igu ducee Saaxiib waa Wiil fiican oo ku ilaaliya, Markad isaga heshay waad is beddeshay oo Qurux ayaa kuu siyaaday. Warsan ayaa tiri Ma iga Hubta inaan shidnaaday, waana runtaa inaan helay Haldoor aan la heli karin Sannad ayaan Xiriir leenahay waxaadna Moodaa Laba sano inaan wada socono. 

Adna Saaxiib mid ka sii fiican ayaan kugu Ducaynaa inaad hesho, waana hubaa inaad heleyso. Weris waxay tiri Haa waan heli doonaa Warsane oo kale anaa balan kaaga qaadayaa. Warsan ma oga Ninka lagu socdo inuu yahay jacaylkeeda. Weris ayaa tiri Waan sii baxayaa ee Qadka ka soo wada Hadlaynaa Saaxiib. Warsan markas ayay tiri Haye Saaxiib.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.