Warsan markay qolkeeda tagtay ayaa waxay Aragtay inuu Warsame dhawr jeer soo wacay ka dib si degdeg ah ayey ugu celisay marku ka qabtay ayay ku tiri Iga raali noqo Xaafada ayaan hawl ka haayay. Markaas ayuu yiri: Waa caadi Boqoradeydii waan kuu xiisay sidaa darteed ayaan dhawrka mar kuu soo wacay.
Waxay tiri sido kale waan kuu xiisay Xabiibi, Wuxuu dhahay Dharkan Madow aad ayaad ugu soo baxeysa, Warsan oo xishood ka muuqda ayaa tiri:- Mayga Hubtaa ?. Wuxuu dhahay Haa aad weliba, Ka dib wuxu yiri Xabiibti waxaan rabay inaan kuu sheego Beri Qof ayaan kugu soo dhiibaa Hadiyad aan ogahay inaad ku Farxi doontid, marka ogow
Markaas ayey ku tiri Haye, laakin Xillima ?, Markaas ayuu dhahay Wardi markuu kula soo hadlo uu ku dhaho Kaalay u tag, waxaad la kulmi wax kaa farxiye. Kolkaas ayay tiri: Maad inyar iga sheegtid. Wuxuu yiri May Adaa arki doontid.
Warsan waxay fariin u dirtay Weris iyadoo u sheegaysa Arinkan, waxayna ku tiri Saaxiib Warsame wuxuu igu dhahay Beri Wax aad ku farxi doonto ayaan Hadiyad ahaan kuugu soo dhiibay Wlhi waan Sugi kari la’ahay. Weris jawigeeda aad ayuu isku beddelay Ciil ayaa Haya, waxay ku hadasho ayay weyday Fariinti ugama eysan jawaabin.
Cabaar ka dib hadana Warsan ayaa u qortay Saaxiib inta egtay maxad igu soo jawabi wayday. Weris intay is tiri yaan lagu dareemin ayay ku tiri Saaxiib Qof ayaan la hadlaayay ee Talow muxua noqon doonaa Beri waxaas laguu keeni doono ?. Warsan ayaa tiri Ma aqaani wuxuu noqon doono waan eegi doona Insha Allaah. Warsan iyado faraxsan oo sugi karin Beri intay noqoneyso ayay seexatay.
Subaxdii markuu waagu beryay oo ay Warsan soo kacday sidii Caadada u aheyd waxay isku diyaarisay Shaqadii, ka dib markay cabaar joogtay waxay furtay Qadka iyadoo eegaysa Fariintii ay Subax walba arki jirtay, balse Wax fariin wh meysan arag. Wey yaabtay maxaa ku dhacay tolow miyanu soo nabad kicin, Fariin ayay u dirtay, balse Qadka kuma jiro.
Waxay is tiri laga yaaba inuu hurdo iska yar sug, haddana markay sugtay ay aragtay inaan soo gelin ayey Caadi u wacday, wuuna xiran yahay mobeilkiisu, wey Warwartay kolba waxay eegta inuu Qadka soo galay haddana waa sidii.
Warsan kolba ha yara eegto Mobeilka, balse Wax fariin ama Call midna ma helin, aad ayay u Walwalsan tahay waxay sameeyso wyay garan la’dahay Shaqadii ayay iska sii wadatay markay Adkaysan kari weyday waxay u tagtay Wardi oo ah Warsame Saaxiibkiisa, Xafiiskiisa ayay gashay ka dib ayay tiri:-
Asc Walaal wardi Arin ayaan rabay inaan kuu sheego ee Wakhti ma heysaa. Haa ayuu yiri waad ii sheegi kartaa. Markaa ayay tiri Walaal Warsame xalay ayaa igu dambeysay anagoo caadi ah ayaan kala tagnay, ila saaka Qadka ma soo gelin, lambarkiisuna wuu xiran yahay ee walaal meel kale oo aan kala hadlo ma garaneysaa ?.
Wardi wuu og yahay Warsane inuu safar ku soo jiro iyadana Kedis looga dhigaayo, Markaas ayuu dhahay Walaal anigaba waan waayay Saaka mana aqaan wax ku dhacay ee Wiil ay isku magaalo joogaan ayaan wici i sug. Wuxuu iska dhigay inuu wacay, laakin muusan wicin, Ileen Warsame wuu ogyahay inuu soo socdo, iyada ayuu rabaa inuusan fahansiin sheekada.
Markaas ayuu ku dhahay Warsan Wiilkii isaguna mobeilka ma qabanaayo inuu shaqo ku jiro ayaa laga yaabaa ee iska sug laga yaaba inuu Warsame soo hadlo. Warsan ayaa tiri Haye walaal weynu sugi. (Weyna iska soo baxday iyado aad u murugsan).
Warsan ayay timid Markaas ayay wacday Weris, markay ka qabatay ayaa Weris tiri Codkaaga maxaa ka khaldan maanta?. Warsan ayaa tiri Maxaan ku sheega saaxiib xaaladeyda ma ficne. Weris ayaa haddana ku tiri Ii sheeg maxaa jira?. Kolkaas ayay Warsan tiri: Saxiib Warsame xalay ayaa iigu war dambeysay Wlhi waxaan sameeyo ma aqaan aad ayaan u warwarsanahay. Weris ayaa ku tiri: Saaxiib maxaa sidaas oo dhan iskugu murjineysaa isagsa kula soo hadliye caadi Iska dhig.
Markaas ayay Warsan tiri Haye Saxiib Kheyr ayey noqon. Weris ayaa haddana ku tiri Iska yar sug ila soo socodsii siday wax noqdaan.
Saacadu Waa 5:00galabnimo, Warsame ayaa Dalka yimid, isla markiiba wuxuu u yimid Saaxiibkiisa Wardi, weyna isa soo raaceen gaariga markay soo fuuleen ayuu Wardi ku yiti Saaxibkiis Wlhi saaxiibow Warsan aad ayay u Warwarsan tahay, Xaaladeeda iminka siday tahay tolow ?. Markaqs ayuu Warsame yiri Haa saaxiib waan dareemi karaa wax fiican maan sameyn anigana inaan ka farxiyo un baan rabaa. Warsame guriga ayuu yimid showerka ayuu tagay, Daalki ayuu iska soo meyray, wuxuu u lebistay sidii nin Caruus ah Camal, Wardina wuxuu diyaariyay Goob aad u Qurux badan.
Waqtigu wuu is Gurayaa, sacaduna waa Xili Maqrib ah. Warsan cunto Afka ma saarin Mobeilka ayey ku Khafiiftay sidey kolba u eegaysay. Iyado Ku dul fikireysa Mobeilka ayaa Waxa soo wacay Wardi wey ka qabatay waxa uuna ku yiri: Warsan Hadiyadi Warsame kuu sheegayay ayaa kuu timid waan ku imaanayaa is diyaari. Markaas ayay ku tiri Wniga Hadiyad maxey ii tareysaa isagiiba hadaan heynin ?.
Wardi ayaa dhahay Horta isku day inaad imika is diyaariso wax walba wey hagaagi doonaan. Haye ayay tiri wey kacday, Warsan waa Gabar xarago badan. ka dib wey is diyaarisay. Wardi ayaa guriga agtiisa ugu yimid, weyna soo raacday.
Intay sii socdeen ayaa Wardi ku dhahay Inyar ka dib Jawigaadu caadi ayuu noqon doonaa, ee niyada kheyr u sheeg. waxay tiri Aniga ilaa aan codka Warsame maqlo Xsaladyda caadi ma noqoneyso, waana rajenayaa inay wax walba sidoodii hore ku soo noqon doonaan.
Ka dib waxay soo gaaren goobtii Warsan loo diyaariyay Gaariga ayay ka soo degeen, Warsan ayaa tiri: Meeshan waa maxay ?. Markaas ayuu dhahay sao soco adaa arki doona, Cabaar markay soo socdean ayaa waxay aragtay Goob loo diyaariyay sida filimaanta meel Romantic ah, wada Ubax ah Miis qurux badan, Markaas ayaa Hal mar Nalka la demiyay, ka dib waxaa horteeda soo is taagay Warsame, meeshuna waa Mugdi Markaas ayay tiri: Maxaa helay iftiinkii. Ka dib ayaa qof Gacanta qabtay Hal marna Nalka la shiday. Waxay indhahedu qabteen Warsame, laakin iyada lama filaan ayey ku noqotay, waxay indhaheedu arkayaan inay Run yihiin iyo in kale ayay kala garan weyday Markas ayuu dhahay:-
( La soco Qeybta Xigta ).