Videow Callkii markey furtay, durba Indhihiisa Markay aragtay xishood awgii wey eegi kari weyday kolba markuu ka jeesto ayay wejigisa eegeysay, Wuxuu dhahay markan ku arkay Wadnaha aad ayuu ii garaacay, farxadna waan dareemay, laakiin i soo fiiri Hal mar iyadoo aad moodo inay illin ku taagan tahay ayey eegtay markaas ayuu dhahay: Waxaad u qalantaa in Adiga un lagu daawado Waqti walba. Warsan wey qososhay, markaas ayey tiri:- Sawirka halkaa dambe ku dhagsan aan eege ii yara banee. 

Waa iyada Sawirkeeda oo la weyneyay markas ayuu dhahay raa Adiga waxaan jecleystay in aad hortayda ka muqato Habeenkii markaan seexanaayo, Aroortiina sidoo kale. Warsan qalbiga ayaa jilcay, waxayna Ogaatay inuu yahay qofka keliya ee u qalma inay jeclaato, Waxay weydiisay hore miyaa Qof u jeclatay ?, markaas ayuu ku yiri: May Aniga ma aamini jirin Jacaylka ila aan adiga ku arkay, Waxay tiri anigana weligay Qof ma jeclaan oo cabsi baan ka Qabay iyo in qalbiga leyga dhaawaco. Markaas ayuu dhahay Adiga qofka Qalbiga kaa jebiya ama kaa taga waa qof bilaa nasiib ah oo jaceylka aan wax ka aqoon: Aniga waxaan kaa balan qaadayaa inaan sida Boqoradaha kuu Ilaalin doono, Waxba cabsi ah ha qabin inta aniga kuu joogo.

Ka dib waan seexanaya ayay tiri oo beri shaqo ayaan aadayaa ee waa inoo berito, Haye ayuu dhahay, weynu soo eada Hadli. Telefankii markey dhigtay farxad ayaa soo gashay Kolba Sawirkiisa ayay eegtaa, wey isku dhiibtay oo qalbiga ayay gelisay.

Weris waxay Ilowday Warsan inay tahay Saxiibteeda ay Waqtiga badan soo wada qaateen, inay weligeed waxba ka qarsan Shey haday soo iibsato, iyadana ay u keeni jirtay Nolosheeda aanay marna xumeyn Saaxiib qaaliya inay tahay. Iyadoo waxaas oo dhan og ayey hadana Isku qancisay inay ka heshay wiilkan oo ay rabto inay gacanta ku dhigto.

Warsan Subaxdii shaqadi ayay tagtay, ka dib iyadoo Cafateriyada u socota ayaa waxey la hadashay Weris, waxayna ku tiri Qaaliyey. Caawa banaanka ayaan ka so Casheeneynaa ee meelna ha tagin, Baryahan wakhti maynan wada qadane, Werisna waxay ku tiri waa yahay saaxiib.

Markay Warsan Shaqdii ka timid Cabaar yara nasatay waxaa u timid Weris, waxeyna ku tori Saaxiib Dhar aan kugu raaco ii dhiib, Markaas ayaa waxay ku titi Saaxiib qolkeyga tag oo kuwii ku Caajabiya soo xiro Haye ayey tiri.  

Labadii hablood sidii ayey isku raaceen Restourant aad u qurux badan yay tageen, Casho ayay dalbadeen Videow ayay iska soo duubeen, kama qasna Warsan waa qof iska daacad ah oo ma Oga Weris waxa ka dhex Guuxaayo. 

Iyagoo Cashadii cunaaya oo jawi iskaga jira ayaa Warsan soo wacay Warsane, kolkaas ayey tiri Saaxiib yara aamus Warsame ayaan la hadlayaa, Weris Haye ayay tiri, niyadana wey ka dhaawacan tahay, oo Maseyr ayaa ku dhan. Warsan wey ka qabatay Videow Call ayuu ku soo wacay, Codkana Waad ogtihin inuu kor u qaadmayo. markaas ayuu dhahay Caawa bananka miyaad joogta Xabiibti. Waxay tiri Haa Aniga iyo Saaxiibtay ayaa Caawa bananka u soo baxnay.

Weris codkiisa ayaa ku socda si fiicaan ayay u Dhageysaneysaa iyadoo hadana ka Xun siday u wada Hadlayaan. Warsama ayaa ku dhahay Wiil aan saaxiib nahay ayaa soo baxaayo, waxa aan kuugu soo dhiibaa oo Hargeisa imanaya Waxan kugu Soo Dhibaya (I PHONE 13), Wey ku faraxday. Waxay tiri Runtaa miyaa aad ayaan u xiisaynayaa Mobielkaas Thanks.

Markaas ayuu dhahay Adaa ka qaalisan, in Mar walba lagaa farxiyo weeyaan. Ka dib ayey tiri Waxaa ka sii jeclaan lahaa Inaad adiga timaado. Wuxuu yiri Aniga Laba Bil ka dib ayaan imaanayaa. 

Weris markay maqashay in Mobile loo keeni rabo oo saaxiibted isku heshay Nin hanti leh oo weliba Qurux badan wey u quuri la’dahay.

Warsan ayaa tiri Saaxiibtay ayaan ku barayaa la hadal. Weris aad ayey u naxday markaas ayay si Hoos ah ugu tiri Naa iga daa lama hadlaye. Warsan waxay ku tiri Waa caadi Saaxiib baro. Mobielkii ayay u dhiibtay, Naagtii Weris oo sina u naxsan sina ugu faraxday ayaa la hadashay, markey isku dhacen labadooda indhood Weris dhoola cadeyn ayey bilowday Markaas ayuu ku yiri: Walaal see tahay ?.

Waxay tiri Waan fiicanahay, dhankaaga ja waran. Alxamdulilaah Walaal Barasho wacan, huno waan ku salamayaa Bye bye. Mobielka ayay u dhiibtay Warsan, ka dib Warsan ayaa ku tiri Warsame markaan guriga tago ayaan kula soo hadli doonaa Xabiibi. Haye ayuu dhahay.

Weris ayaa ku tiri Warsan:- Warsaneey haddii qofkad jeceshahay uu kaa raaco Qof kale oo weliba aad adiga kalsooni ku qabtid, maxaad sameyn laheyd ?, Warsan ayaa tiri qofkaan jeclahay hadduu isagu Qof kale iga raaco isaga ayaan khaladka saari lahaa Qofka kale waxba kuma dhaheen. Weris waxay iska hubineysa Falcelinta Warsan.

Warsan ayaa tiri: Laakin saaxiib hadalka maxaad uga jeedaa ?, Weris ayaa tiri Waxba keliya waan ku weydinaayay, wax kale ma jiraan. Intaa ka dib Warsan ayaa tiri Saaxiib aynu iska tagno waa xilli dambe. Wey soo baxeen oo guryahoodii ayey kala aadeen. 

Warsan waxay u ilaalisa Weris sida inanteeda oo kale, Weris Hooyo malaha oo Habaryarted ayay la nooshahay, sidaa darted Warsan waxa ay is dhahdaa: Yaanay hooyo la’aan dareemin Saaxiibada nafteeda taa saaxiibteed ayay ka hor marisaa, laakin Weris may eegin Wanaaga ay ka heshay Warsan iyo sidey u ilaaliso saaxiibtinimadooda oo waxay ku fikireysaa sidey Ninkan uga qaadi laheyd.

Weris narkay guriga timid waxay la yaabtay Quruxda Warsame iyo markuu Caawa la hadlay siday Isku bedeshay iyadoo leh Wiilkan Aniga ayaa leygu talagalay, Warsan Xaq uma laha inay lahaato maalinba maalinta ka dambeysa waan sii jeclanayaa Warsame.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.