Runtii Warsan waa Xaas aad u ixtiraam iyo qadarin badan Ninkeedana adeecda, jecelna Xilka xaasnimo inay ka soo baxdo 

Warsan iyadoo Qolka jiifka iska dhex jiifta oo keliged ah ayuu Warsame ku soo noqday, ka dib wuxuu yiri: Xabiibti Saaxiibkeey Wardi ayaan rabaa in aan u aado, Insha Allaah in yar ka dib waan soo laabanaa. Warsan kamey diidin oo dhib maleh ayay tiri. Intaa ka dib wuu lebistay Perfuun Aauu saaid isugu shubay, wuuna baxay.

Weris ayaa u timid Warsan, waxeyna ku tiri:- Saaxib waxaa ley soo sheegay Aabo inuu yara xanuunsanayo inaan soo eego ayaan rabaa, ee ii dulqaado intaas. Warsan waa qof Naxariis ilaahey ugu deeqay, waxay tiri: Inaan ku raaco oo kula soo eego ayaa fiicnaan laheyd, laakiin waad aragta Xaaladeyda, u tag iguna Salaan.

Weris intay lebisatay ayay baxday, oo waxey kulmayaan Warsame oo banaanka ayaa Waqti lagu soo qaadanayaa, Warsan guri Cidla ah ayey dhex joogtaa, ileen waa Qof lug ka jaban oo u baaahan Caawimaad badan iyo in la Garab joogo. Warsame muusan garan Xilka ama masuuliyada ka saaran Gabadhan.

Weris iyo Warsame jawi Shukaansi ayay ku jiraan, Weris waxay tiri:- Qaali Warsame waan rumaysan la’ahay waxa dhacaaya iminka iyo kidaan kuu helay, Ma ogtahay dhawacyada aan dartaa u soo maray, xataa heer aan Sxbty kaa doortay.

Wuxuu dhahay Wakhtiga ayaa Qoray iminka inaan Midowno, wixii hore iloow, hadda Nolol Cusub ayaad galeysaa. waxay tiri Siduu inagu fududaan doonaa inaan Warsan nolosheena ka saarno ?. Markaas ayuu dhahay Xalkaasi wuu imaan doonaa ee Adigu Haw bixin.

Waxey haddana ku tiri:- Anaa Xal haya ka waran. Ii sheeg ayuu ku yiri. Waxay tiri Iminka Muddo Hal sano iyo Bar ayaad is qabtaan, welina Waxba kuuma dhalin taas ku Fur oo Ubad ayaan rabaa ku dheh.

Markaas ayuu dhahay Haa waa Arin fiican, waana runtaa Xiligan Iney xaamilo ahaato ayay aheyd. Haddana waxay tiri waxaan u maleynayaa inay Madhaleys tahay oo aanay dhaleynin ee intaan inka badan ha sugin. iyagoo ku Qos-qoslaaya ayay Warsan, soo wacday Warsame. Markii Koowad kama uusan qaban. Markii Labaadna kamuusan qaban, Mar Saddexaadkii ayuu ka qabtay, waxayna tiri:- Waxaan filayaa inaad mashquul tahay, anigana guriga aad ayaan ugu Caajisay, Werisna wey iga maqan tahay ee Macquul hadey tahay ii soo dhakhso.

Wuxuu dhahay Hawshaan gacanta ku hayo Markaan Dhameeyo toos ayan kuugu imaan doonaa. Haye ayay tiri. 

Weris baa tiri Naagtan xataa Waqti yar kama qaadan karno, waan dhibsaday qoftan. Isaga ayaa dhahay iminka waa inaan guriga tagnaa koleyba Caawa oo dhan ayeynu Sheekeysan karnaa. 

Warsan waxay ku fikireysaa inanteeda Curada inay Weris u bixiso, Sababto ah waxay aad u jeceshay Saaxiibteeda, waxayna rabtaa marka ay Cafimaado inay Hadiyad u siin doonto Wax lama filaan ah.

Waxaa timid Weris, kadib qolkeeda ayay aaday Makeupkii ayay iska soo dhaqday oo Caadi iska soo dhigtay, waxayna u timid Warsan iyada oo ku leh Maxaa ka Xun Qol inaad sida u dhex fadhido. Warsan aysa tiri. Sxb danta ku bareysa wax walba, Anba inaan qol ku jiro maan dooran ee waa Qadar Alle. Weris ayaa tiri Kaftan ayaa iga ahayd, iyado ay run ka ahayd.

Ka dib Warsan waxey dareentay Perfunka Warsame inuu si saa’id ah uga soo uraayo Weris. Ka dib Warsan ayaa tiri Saaxib ma waxaad isku Shubtay Perfunkii Ragga. Weris baa ugu jawaabtay: Maya ee maxaa ujeedaa ?. Warsan ayaa tiri Perfuunki Ragga ayaa soo gaaray Sankeyga. Weris baa tiri Qolkan ayuu ka Carfayaa Aniga Maha. Warsan ayaa tiri laga yaab. 

Ka dib Warsame ayaa yimid, Werisna Qolka TVga ayey tagtay. Warsame ayaa dhahay: Iga raali noqo hadaan kaa soo daahay. Warsan ayaa tiri Dhib maleh. Intuu soo ag fadhiistay ayuu dhahay Ma ogtahay Caawa waxaan la hadlay Hooyaday, waxeyna i weydiisay Iminka ilmo aan Ayeey u ahay manoo soo socdaa ?. (Sheekadii hadda Weris ku soo sheekeysteen ayuu u beddelay). 

Warsan ayaa ugu jawaabtay ilaheey ayaan ka sugeyna Ubad khayr qaba. Markaas ayuu dhahay Haa ilaahey ayaan ka sugeyna, laakin Inaga ayay inagu xiran tahay oo muddo badan ayeynu is qabnaa inagu. Warsan ayaa tiri:- Xabiibi gacanteena kuma jiraane Alle ha ina siiyo. Warsame wuxuu dhahay Anigu taa ilahey waan ogahay, laakin waa muhiim inaan Aabo noqdo.

Warsan ayaa tiri Qof walba inuu Waalid noqdo wuu jecel yahay, Maaha ineynu Ilaahey ka Aamin baxno iska Sug. Ka dib wuxuu dhahay Caawa Qolka fadhiga ayaan seexanayaa ee iska Nafis. Warsan ayaa tiri Maxaa ku seexin Qolkaas halkan Seexo. Balse hadalkeada dheg umuusan dhigin.

Warsan aad ayay u yaabtay Caawa wuxuu la yimid, awalba waxaas kama uusan hadli jirin, Waxry moodaysa inay Hooyadii soo dirtay, iyadoo niyad jabsan ayay iska seexatay.

Labadii Wrjiga xumaana Halkan ayay Filim ku Daawanayaan oo kama qasna Weris ayaa ku tiri Warsane: Haye markaad Arinka u sheegtay Warsan sidee noqotay ?. Wuxuu dhahay aad ayuu Wejigeeda isku beddelay oo waxaad moodeysay in Dil lagu xukumay. Weris Qosol ayey jabsatay.

Waxay sidii ahataba Waqtigu wuu is gurayaa, Warsan waxaa soo dhaw goorti laga Furi lahaa lugta oo aty Cafimaadi laheyd, waxaa lagu yiri Yara soc-soco Laba Cisho, ka dib waa laga soo furay oo wey Caafimaaday. Guriga markey timid Weris wejigeeda Carro ayaa laga dareemaayay. Warsan ayaa tiri Maxaa kugu dhacay ?. Markaas ayay tiri: Waxna Madaxa ayaa i xanuunaayo, laakin waan ku faraxay inuu dib caafimaadkaagii kuugu soo noqday. Warsan ayaa tiri Mahadsanid Saaxib.

Warsan oo jikada ku jirta ayaaWeris u timid waxeyna ku tiri Saaxib Maad iska nasatid Annaa joogee. Warsan ayaa tiri May anaa hawsha dhamaynaaya adi naso sidaan u jiifay jirkii ayaan ka daalay, marka jimicsii ayaan ka dhiganaa. 

Weris baa tiri: Haye Saaxib Hadaad ii baahato ii yeer. Haye ayay tiri Warsan. Markey Cunto sii kalgacayl leh u soo karisay oo weliba diyaarisay ayay Showerka tagtay Marwo siidi lagu yaaqanay, Ka dib Markuu yimid sidii dhaqanka u aheyd Hadal naxariis leh ayey ku tiri. Isaguna Intuu si degdeg ah ula hadlay ayuu dhahay Markii la yimid mesha ayey Cuntadu taalay.

Warsan ayaa tiri Muddo ka dib Gacanteyda ayaan kuugu kariyay Cuntada Xaaji. Intuu Aamusay ayuu dhahay Weris Ha karise maxaa kuu geeyay Adiga?. Intay yaabtay ayry ku tiri: Kuma Fahmin. Markaas ayuu yiri Waa runtey Qoftaas aad ayaan uga helay cuntadeeda. isagoo hadalkii sii wata ayey Weris timid oo tiri Dumaashi Warsame sidaa ha u hadline Cun dee. (Si ku jeesjees ah). Warsan Shaki ayaa galay. Markey Weris si ku jees jees ula hadashay Warsame. Ka dib Intay wejiga Warsame aad u eegtay, waxey ka aragtay Carro badan Markaas ayay Warsan tiri Oo Warsame maxaa jira awalba waad cuni jirtee. 

Markaas ayuu dhahay Haa waan Cuni jiray laakin Cuntada gabadhaan ayaan ka helay Ceeb miyaa, Intay Xanaaq is celin weyday ayay iska soo baxday Qolkeeda ayey tagtay. waxey is tiri Ninkii maxaa helay ?, hadana Nafteeda waxay ku qancisay iney Cuntada uu rabo loo Sameeyo oo Weris ay u deyso Cunto karinta.

Habeen ah markey noqotay ayuu Warsame qolka TVga Alaabtiisa u soo qaatay si uu u seexdo. Warsan Showerka markay ka soo baxday waxayba aragty Xaajigi oo sii wata Alaabtiisa, waxayna tiri: Caawa halkee u wadataa Bustaha ?.

Wuxuu yiri Caawa inaan seexdo Qolka TVga ayaan rabaa, Ciyaaro Xilli dambe soo galaya ayaan sugayaa. Waxay tiri Dhib maleh Xabiibi. Ka dib wuu iska baxay Qolkii markuu tagay Mobeilkii ayaa la sao baxay Halkaan ayuu Massege kula sheekaysanayaa Weris. Warsan markey Madaxa dhulka dhigtay waxay soo xasuusatay Habeenku lahaa miyaanad Ubad dhaleynin maxaa jira iyo maanta siduu ula hadlay, haddana u diiday Cuntadey u soo karisay Waxay is leedahay Sodohda ayaa kugu dirtay, ileen waakii dhahay Hooya ayaa igu tiri Miyaanay Xaaskagu wrli Uur yeelan,?, (hadalkaasna Weris aysa ku tiri isaga ayaa hooyadii ku beddelay).

Warsan waxey is tiri Ninku muxuu Dhibsaday tolow armuu Uur la’aanta isku beddelay ?, laakiin sanad iyo bar ayaan is qabnaa Ilaheyna wuu keeni doonaa Ubad ee maxaan sameeyaa tolow ma quruxdeydi ayaa yaraatay maxaa jira. Warsan Kun fikir ayaa ku soo dhacay.

Weris hadalo jacayl ah ayaa lagu Akhrinayaa 

Oo Warsame ayaa halkan ugu sheekeynaya:- Macaan badaney waxaa tahay Gabar intii dumar lagu xulan jiray leh oo aad u soo jiadasho badan, waxaan rabaa inaan ku siiyo jacaylkaad horey u weyday, iminkana adaa naftyda gacanta ku haya, waxaad rabto ayaan kuu sameyn doonaa.

Waxey ugu jawaabtay: Gacaliye waxaa tahay Ruux si fudud aan ugu qaaday jaceyl Xad dhaaf ah, aan u ilaaway dartiis wax walba, waxaan rabaa inaan ku hantiyo oo aan nolol kula wadaago Ubad aad Aabo tiraah, Aniguna aan Hooyo iraahna aan kuu dhalo, riyadaas adaa inoo rumeyn kara. Ka dib waxey raacisay Gacaliye waxaan rabaa inaad si Degdeg ah Lamaane u noqono intaas aniga maba sugi karo Waa riyadeyda, weliba aad Xaaskaagana furto si aan inagu degenaasho ugu noolano.

Wuxau yiri isaguna:- Macaan Usbuuc i Sug, anaa Xaaskeyga kaa dhigaayo, Riyadaadana kuu rumeynaayo.  

Intay Farxad aan qiyaas laheyn dareentay ayey tiri:- Meyga hubtaa Xabiibi oo iminka Usbuuc ka dib waan ku hantiyay miyaa ?. waxeyna u raacisay: Warsan maxaad ka yeeli doontaa ? 

Wuxuu dhahay Haa waabalan aan kaa qaday inaan riyadaada kuu rumeeyo Usbuuc ka dib. arinta Warsan Adiga ka War la’aw, waxaan Hore ugu sheegay inaan Safar ahay oo qurbaha ku yara laaban doono. Ka dib waxaan dhahayaa Safar ayaan u baxayaa, ka dib anoo magalada jooga ayaan uga dhigayaa inaan maqanahay.

Waxay tiri Waa arin fiican, laakin si ay inooga shakin waxan sameyn doonaa Beri ayaan dhahayaa Nairobi ayaan tagayaa oo waan kaa si hormarayaa anoo Laba Cisho ama Sadex Cisho maqan, adna dheh Safarkii ayaan u baxayaa oo sidaa ku soo bax Fikirkaas ka waran ?. Wuxuu yiri Wow Caqli badanidaa waa si fuican, sidaas ayaadba Xaaskeyga ku tahay.

Habeenkii oo dhan lama seexan Masseg-ka ayaa Fadhigii lagu dhameystay.

Subaxdii markay noqotay Weris si farxad ku dheehan tahay ayay Quraacda u diyaarisay, Warsan iyaduna hawsha kale ayey heysay. Ka dib Markii la Quraacday uu Warsame baxay ayaa waxaa Meel iska fadhiday Warsan oo aad isaga murugsan. Ka dib Weris ayaa u timid, waxeyna ku tiri: Maxaa dhacay Saaxib Maanta wejigaada ma fiicna. 

Warsan ayaa tiri Saaxib Wrjiga iska daaye anoo dhan ma fiicni, sidaan ahay xataa hadal kuma qiyaasi karo. Weris baa tiri Ma Warsame arinkiisaa ?. Warsan baa ugu jawaabtay: Haa, Saaxib msalin dhowayd wuxuu igu dhahay hadal aan ka joogi waayay oo ah maxaad Uur u yeelan weyday ?, Hadalks aad ayaan uga xumaaday, ma wuxuu sugi kari waayay intuu ilaahay keenayo ?. Ka dib Weris ayaa tiri:- Sxb Ninba leyskuma Mashquuliyo, waxna ha murjin Naftaada.

Weris markay tiri Waxba heysku mashquulin Nin, naftaadana waxba ha murjin ayaa Warsan tiri:- Saaxiib waad Ogtahay Xaas markaad noqoto in Masuuliyad badan ku fuuleyso, Anigana inaan Ina Raaliyo u noqdo ayaan Rabaa, ileen isagu waa qofkaan Dunida ka doortay, waxaan rajeynayaa inuu Caadi noqon doono, sidiisi horena ii noqon doono.

Warda ayaa ku tiri Hadduu isagu Wanaagii garan waayay Maxaad adigu Culeyska isku saareysaa, waxna Raaliyo ha u noqon, haddu sidaan ku sii socdo Reerkiina kuu xiisee Isaga tag Ninkaan. (Weris waxey rabtaa iney Warsan niyada ka sii disho oo ay ku dirto).

Warsan ayaa tiri May aniga ma rabo inuu iga burbur Reerkeyga ama aan Xumaan ku kala tagno Xaajigaada, ilahey ayan talo saartay, wax walba Wey hagaagi doonaan.

Intaas ka dib Warsan qolkeeda intay tagtay ayey u wacday Hooyadeed iyadoo u sheegtay Ninkeedu hawsha uu la soo baxay. Ka dib Maamadi ayaa tiri Hooyo adiga ku dadaal inaad soo jiidato hadeey Cunto tahay hadeey Udgoonka guriga tahay iyo haddey Naftaada tahay. Waxaan rajenaya inuu Gurigiinu Wacnado oo balaayo Alle idin keenin. 

Warsan hadalka Hooyadeed si wacan ayay u Qadatay.

Ka dib Weris sidii uu Fikirku ahaa waxey kaga baxday Guriga iney Nairobi aadeyso, waxeyna diyaarsatay Alaabteeda Gurigooda ayeyna aaday, waxay Wacday Warsame, waxeyna tiri:- Hello Gacaliye iminka ayaan guriga imid ee, adigana hawshada soo dhamee, qoftana yey Weji fiican ama Naxariis yaaney kaa arkin, isku kuleyli Warsan. Wuxuu yiri Aniga ayaad igu ogtahay inaan Hewshaasi soo dhameyo, Laba Cisho ayaan kaa dambeynayaa, wax fiicnaan ahna ma tusi doono.

Ka dib markay Hadalkoodii dhamaysten ayuu Warsame yimid guriga, wuxu arkay Shacniga iyo quruxda Warsan, inay Caawa sidii hore ugu soo lebisatay, Casho Romantic ah u diyaarisay Ka dib markuu Showerka tagay uu soo nafisay ayuu yimid Halkii Cashadu diyaarka ka ahayd. 

Wuxuu Dhahay Caawa ma niyada ayaad iga Ogeyd ?. Warsan ayaa tiri Sidee Camal, kuma fahmine, wuxuu yiri Inana Caawa iyo Habeen dambe un kula joogo. Warsan wey la yaabtay hadalkaas, si fiican ii fahamsii ayey tiri. Wuxuu dhahay Waxaan rabaa Qurbihii ayaan dib ugu noqonaa oo Shaqadii ayaa leyga rabaa. Warsan ayaa tiri Waan ka xumahay inaad iga dheeraaneyso, laakin waan ku sugayaa Xabiibi dhib maleh.

Ka dib intuu Cashadii in yar ka cunay ayuu Miiskii isaga kacay isagoo wax ixtiram iyo Weji furnaan ah midna ka muuqan. Warsan hadalka uu iminka dhahay Safar ayaan ahay aad ayay uga naxday wey yara Cabsatay oo la joogisa ayay rabtaa, Ka dib Afkeeda wax cunto ah mey saarin, sidii ayay uga soo kacday Miiska iyada oo Qolka Hurdada ku soo socota ayuu ka hor yimid Warsan isago wata Alaabtiisa.

Waxay tiri Bustaha halke u wadataa Caawana Ma Qolka TVga ayaad seexaneysaa ?. intuu iska soo dhaafay ayuu dhahay Haa TVga baan rabaa inaan daawado. Marku galay ayay iyaduna ka daba timid, waxayna ku tiri:- Maalmahaan sidaad ila dhaqmeyso kama helin, maxaa jira ?, ilama sheekeysaneysid, wejiga ayaad igala Carareysaa oo indhaha Caadi iima siineysid, Hadal fiican iima lihid bal iii sheeg waxa jira ?.

Isagoon is dhibin ayuuna yiri: Waxba ma jiree Orod qolkaaga seexo oo sheydaanka iska naar xilligan lama buuqee. Intay Indhaha uoog ugu gubtay ayay uga soo baxday Qolka.

Waxey timid Qolkii jiifka aad ayey u Ooysay, Xanuun ayey Qalbiga ka dareemeysaa, waxay la yaaban tahay waxa uu ku dhahay Ninkii Naxriista badnaa, oo hadalka macaanaa iyo jacaylka badan u muujin jiray waxa helay ee sidaan ka dhigay. 

Iyada iyo Nafteeda ayaa isla Hadlay iyadoo is leh:- Malaha wuxuu raba Uur, laakiin Aniga hadan hayo miyaan iska raajin lahaa ?. ilaa maalintu Uurka ula sooo hadal qaaday wuu is beddelay. Ka dib wey kacday Salaadda ayey isku diyaarisay, ilaahey ayay ka bariday Ubad Saaliix iyo inuu Ilaahey Ninkeda u ilaaliyo, sidii horena uga dhig, habeenkii oo dhan Salaad ayay ku jirtay iyadoo illintu ka socoto.

Isaguna halkaan ayuu la hadlayaa Weris isaga oo leh Macaan badan waxaa inoo diyaariyay Guri ku yaala koonaha Magaalada meel jawi fiicana leh, Waan hubaa insad ka heli doonto. waxey tiri:- Wow waan ku faraxsanahay, waana ku qancayaa waxaad adigu ii doorto Gacaliye.

Wuxuu yiri Waxaan rabaa inaad noqoto qofka ugu farxadda badan Dunida, wax walbana gacantaada ayaan saari doonaa, Dunida halka aad rabto ayaad ku soo Dalxiisi doontaa. Waxay tiri Hal Usbuuc ka dib inaan xaaskaaga ahay ayaan sugi kari la’ahay.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.