Labadii hablood Warsan iyo Weris safarkii ayay isku diyaariyeen, Laba cisho ka dibna wey baxeen.

Warsan iyo Ninkeedu halka hore ee gaariga ayay fadhiyaan Werisna halka dambe ayay fadhisaa oo waxey isku Mashquulineysaa Mobeilkeeda.

Weris labadan qof ee is qaba Qosolkooda iyo sheekadooda ayaa Dhib ku heysa waa qof wax jecel, walibana waxa Qalbigeeda ku jira qarsaneysa 

Goobtii Safarka marki la yimid Hotel ayay degeen Laba qof oo Isku xiga ayay kala degeen Lamaanihi iyo Weris. Weris qolkeeda ayay iska gashay oo ku Nasanaysaa Warsan iyo Warsame iyaguna qolkooda ayay joogaan Cabaar ka dib Warsan ayaa soo baxday oo saaxiibteed qolka ugu timid, waxeyna tiri:- 

Xabiibti Sorry haddaan ku cidleeyay. Weris ayaa ugu jawaabtay May Sxb Aniga hadaan Mobeilka heysto waad ogtahay inyar oo cidla ah inaan dareemin ee Adigu ii baashaal imika Odaygaada ku noqo Anigu Happy ayaan ahay.

Warsan ayaa tiri Ma iga hubtaa Sxb warkaas?, Weris baa tiri Haa Sxb. Haddana Warsan ayaa tiri: Haye is diyaari banaanka ayeynu Wax ka soo Cuneynaaye. Weris ayaa ugu jawaabtay Aniga halkan igu keena, Labadiina wax isla cuna waan xishoonayaa haddaan sida un idin daba socde. Warsan ayaa tiri Saaxib waan ku dareemi karaa, laaknn anigqna la’aantaa ma socon aqaano, hadey sidaa tahay Qolka ayaa lagugu keeni doona Sxb.

Warsan wey ka soo baxday Qolka Weris oo Warsame labadooda ayaa banaanka isku raacay iyagoo meel jawi Qurux leh jooga, oo ay aad isugu faraxsan yihiin ayuu ku yiri Aaway Weris ?. Markaas ayay ku tiri Qolkeeda ayay joogtaa oo way iga diiday inay ina soo raacdo. Markas ayuu dhahay Gabarta adaa waxaas ugu wacan maad iska deysid maxaad u soo kaxaysay iminka Cidla ayay joogtaa. Markaas ayey tiri Waa runta anigaa Qaladka leh.

Weris waxay ka xuntahay waxa ku dhacaaya iyada nafteedana waxay u Ciqaabeyso Qofkay jeceshahay oo horteeda ku faraxsan, nololna ku jira, hadana waxay isku qancisaa inay mqalin un heleyso xilligay ahaataba, Balanna ku qaaday iney Saaxibteeda ka qaadi doonto. Muddadii Dalxiisku wuu soo dhamaday, dibna wey u soo laabteen.

Warsan goobti ay ka Shaqayn jirtay wey iska joojisay oo nolol cusub ayay bilaabatay, Meherkoda markay ka soo wareegtay 5 bilood waxa leysla gartay inay Guri gaalan oo Reer meel deggen noqdaan. Warsame hawshii ayuu guda galay si fiican ayey ugu dhamaatay.

Warsan iyo Warsame waxey u soo wareegeen gurigooda Cusub, ka dib waxay isla qaateen nolol aad u Wanaagsan Warsame wuxuu u sheegay Xaaskiisa inuu rabo inuu dib ugu laabto Wadanki uu ka yimid, Laba Usbuuc ka dib uu bixi rabo, iyadana wey Oggolaatay. 

Maalmo ka dib Warsan waxay la hadashay Weris iyadoo ku tiri: Sxb guriga cidlo ayaan ku dareemayaa Warsamena dib ayu u noqonayaa wadanku ka yimid waxaan rabaa inaad aniga guriga igula noolaato si aan kuu weheshado.

Weris Maanta fursad ayey heshay, weynaka Ogolaatay iney u timaado, halkaasna ay kula noolato. Warsan ayaa aad ugu faraxday Ogolaanshaha Saaxiibteed.

Weris maanta waxay aragtay rajo aad u qurux badan iyo inay tahay fursad aad u qaaliya oo ay ku heli laheyd Warsame, iyadoo Kalsooni ku qabtay inay Gacanta ku dhigi doonto Ninkaan. qorshe waxay diyaarsatay aad u weyan oo u sahlaaya wax walba 

Warsan waa gabar aan filaneyn Waxyaabaha qaar iminka niyadeeda Waxa ku jira iyo waxa dhici doona waa Laba kala duwan.

MURUG AYEY XAALADI ISKU BEDESHAY.  

Weris ugu dambeyn guriga Warsan wey timid waxeyna ku noolaan doontaa halkaan. Warsan waxay tiri Sxb waxaan rabaa inaad ii noqoto sida walaasheey ii garab taagnaato, iina dhiiri geliso sida Hooyaday, waayo yaraanteydii ilaa hadda adiga keliya ayaa Sxb ii ah, waana ku ilaashadaa Cid walba waan kaa soo Dhaweystaa. 

Weris waxay ugu jawaabtay Sxb Aniga sidaan Awal kuu ahaa kuuma wada noqon karo, balse garabkaaga waan ahay Xilli walba oo waan Rajenaa wanaag badan inaan kuu sii qaado.

Warsan ayaa tiri Maxad Ka wadaa sidaan awal kuu ahaa kuuma noqon karo ? 

Weris intey naxday bey tiri Waxba kama wadin keliya sidii aan markii hore kuugu dhawaa si kasii fiican ayaan rabaa inaan noqdo (waxay u maleysay inay Warsan shakisay oo hadalkii ayay u badashay), Warsan ayaa tiri Haa Anna waan yaabay oo waan fahmi waayay Xabiibti.

Iyagoo qolka fadhiga sheekadoodii ku sii wata ayaa Warsame yimid, Ka dib Weris waxay Damacday inay kacdo oo ay qolkeeda gasho maadaama uu yimid seedigeed, Naag Xishooneysa ayay iska dhigeysaa. Intaas ka dib Warsane Qolkiisa ayuu tagay wuu iska soo nafisay, inyar dabadeed wuxuu u yimid Warsan oo jikada joogta Diyarineysa Cashada.

Markaas ayuu dhahay Waan ku Caawinaa i sug Si wada jir ah, ayayna u soo diyaariyeen, Ka dib Warsan ayaa damacday inay u yeerto Saaxibteed si ay Cashada ula Cunto. Warsan ayaa soo gashay Qolka Weris, waxayna tiri: Heye Xabiibti waa xilligi Cuntada Mobeilka iska dhiig kaalay. Weris ayaa tiri Warsame sow ma joogo. Warsan ayaa Haa tiri. markaas ayay Weris tiri idinka iska Casheeya Aniga markaad dhamaysatan ayan soo baxayaa.

Warsan aya tiri May taas maaha mid aan kaa Dhagaysanaayo ee soo kac, Sadexdena Hal meel ayeynu ku cuneynaa. Warsan way ku Madax Adeegtay, Werisna way Ogolaatay, wey soo fadhiisteen Miiskii, Ka dib Warsame iyo Weris is Xaal wareystay, Kadib wey bilaabeen Cuntadii.

Inta leys ag fadhiyo Warsan iyo Warsame, Cuntada Afka leysku galinaayaa, waa leys shuminaayaa, Hadalo macaan ayaa dhex maraaya, Weris intaas Carro iyo Ciil ayaa Haya Hal Mar ayay booday oo wey is celin weyday, Markaas ayay Warsan tiri Maxaa kugu dhacay Xabiibti ?, Weris baa tiri Waxba laakin waan Dhergay oo waan kacayaa, idinku Caafimaad ku Cuna. (sidii ayay ku soo Baxday).

Weris qolkeeda ayay timid iyado Ciil iyo Carro naftu heyso oo haddey nafta ka qaadi karto Saaxiibteed ka qaadi lahayd. Ka dib wey iska seexatay Subaxdii ayay Weris xilli hore soo kacday, waxayna aragtay iney hurdaan Warsan iyo Ninkeeda, waana maalin jimce ah.

Ka dib jikada ayey tagtay, waxey rabtaa iney Qurac sameyso, iyadoo hawshii wada ayaa Hal mar Fikrad ku soo dhacday niyadaeda oo waxay ku fikirtay inay Saliid Albaabka jikada hortiisa ugu shubto Warsan maadama ay tahay xilligi ay soo kici laheyd, weyna ugu shubtay, Saliid ayey meeshi wada ku daadisay, iyaduna hawsheeda ayay wadatay oo Quraac aad u Qurux badan una macaan diyaarisay.

Warsan wey soo kacday, Ka dib dhankii jikada ayay uu soo dhaqaaqday si miisaan leh ayay u dhacday, Ka dib aad ayay u qeylisay lugta ayaa xanuun badan ka soo gaaray, ka dib Weris waxay iska dhigtay qof naxay wey soo oroday iyaduna qof Kufay ayay iska dhigtay oo iyada ogaan bey isku tuurtay, Warsame ayaa maqlay qeylada meesha ka dhaceysa wuu soo baxay.

Wuxuu arkay Labadi Hablood oo is ag fadhiya oo Warsan lugteeda ayey eegayaan, ka dib wuxuu dhahay: Warsan maxaa kugu dhacay ii sheega maxaa jira. markaas ayay tiri Warsan Xabiibi waxba ma jiraan, anaa yara dhacay, Weris xitaa iyadoo aniga igu soo carareysa ayay dhacday ee meesha iska ilaali.

Ka dib wuu soo qaaday Warsan kursi ayuu fadhiisiyay, wuxuuna eegay lugta, ka dib markuu sidaa u tabtay ayay qeylisay iyadoo leh Waa Xanuun ee Ha iga taaban, Ka dib wuxuu yiri: Waa muhiim inaan dhakhtar ku geeyo, wuu baxay, iyadiina wuu kaxeeyay. Weris si degenaan ah ayey jikadii u soo hagaajisay, gurigana wey Nadiifisay Nus sac ka dib ayay guriga yimaadeen.

Ka dib Weris ayaa ka hor tagtay iyadoo leh Warsan muxuu ku dhahay dhakhtarka ?, Warsan ayaa tiri Lugta waan ka jabay Saaxib wax dhiba ma jiro.

Qolkeeda ayaa la keenay, Warsame ayaana yiri: Xabiibti waa inaad naftada ilaalisaa oo ka taxadartaa, waxay tiri Waa yahay Anaa is ilaalin doona. Ka dib Weris ayaa u soo gashay iyadoo Cunto u wado, waxeyna tiri Waa xilli dambe Mana quraacanine ee wax cuna. Warsan ayaa tiri Saaxib wax miyay ku soo gaareen ama meel yarna xanuun maad ka dareemeysaa ?, Weris intaaney hadal ayaa waxay Warsan aragtay Gacanta Weris oo dhaawac yar oo ku yaala

Ka dib Weris ayaa tiri May Aniga waxba ima soo gaarin, waana fiicanahay, ee adiga naftaada ka fikir. Warsan ayaa tiri maxaad been igu sheegi waanba arkaa dhaawaca kugu yaal.

Weris baa tiri Waa inyar wax weyn maaha. Ka dib Warsan ayaa Warsame ku tiri Xabiibi Weris gacanta daawo u mari. Weris ayaa tiri May May Anaa is Marin doona ee dhib maleh. Warsan ayaa tiri Maaha meel aad isku marin karto Aamus isagaa ku marinaa, isaguna wuxuu yiri Waa caadi keen aan kuu mariyee. Wey ag fadhisatay intuu u marinaayay naxariis ayay iska dareemeesay iyo jawi kale. Ka dib markuu u dhameeyay ayay Warsan tiri Gabar shaqale ah waa inaan doonanaa anna Maba kici karo, adina hawsha kuuma quuraayo. Weris ayaa tiri Ceeb Anno jooga miyaa qof kale Hawl kuu qaban doona anaa intaas ku filan ee igu daa.

Weris markey tiri Anaa wax walba qabanaaya Warsan wey ka Ogolaatay, Warsan inay Culays saarto saaxiibted ma jecla, Weris maanta saa’id ayay u faraxsan tahay, waxay rumeysan la’dahay taabashada uu jirkeeda Warsame taabtay, misna uu dhaawac ka daaweeyay, Intaas ayaa wax weyn la noqotay, kadib waxay go’aansatay sidey ugu soo dhawaan lahayd Warsame, waxeyna bilowday iney is qurxiso oo soo jiidasho muujiso.

Waa Goor habeen ah waxay sameysay Casho Heer Sare Miiskii ayay ku diyaarisay Warsame Qolka Xaaskiisa ayuu joogaa, Ka dib fariin ayay u dirtay Warsan, waxayna ku tiri Sxb waan diyaariyay Cashadii, Warsame soo Bax ku dheh, Warsan Haye ayay tiri oo Warsane ayey ku tiri Soco soo Cashee waa kuu diyaar. 

Warsame ayaa dhahay agtaada ayaa u soo Qadanaa i Sug, Warsan ayaa tiri May qolkaan Cunto hayga soo gelin, halkaas ku soo Cashe. Markii dambe wuu Ogolaaday. Marku yimid Miiskii wuxuu arkay Cuntooyin aan weligiis Arag oo Indhaha deeqaaya, wuuna fadhiistay. 

Weris arda Qolkeeda ayay tagtay Shower ayay qaadatay, ka dib Dirac Qafiif ayay soo xiratay iyo Garbasaar indhahana indha kuul ayey marsatay Timo aad u dheerna wey lahayd. intay Qayb dhinac ka riday ayay Catar udgoon isku soo shubtay, iyadoo Kaalay iska Arag ah ayay Qolka ka soo baxday. 

Warsame Sankiisa waxaa soo jiitay Udgoonka Xad ka baxa ah ee soo gaaray. Weris ayaa u timid, waxeyna ku tiri: Dumaashi Habeen wacan. Intu aad isku celiyay ayuu yiri Habeen wanaagsan. Wey soo Fadhiisatay Casho ayey soo qaadatay oo si xasilooni ah ayay u cuntay.

Warsame indhaha ayuu ka Celcelinayaa, marna ma eegtaa ayuu is leeyahay. Ka dib ayuu dhahay Cunto aad u macaan ayaad sameysay, waana ka helay runti. Markas iyado isticmaaleysa hadalo soo jidasho leh ayay tiri Waad Mahadsan tahay.

Ka dib markii Cashada la rhameeyay ayuu Qolka Xaaskiisa toos u soo galay. Warsan baa tiri Markaad casheyso TVga yara daawan jirte maxaa ku helay Caawa ?. markaas ayuu yiri:- Xaaskyga oo qol ku cidlooneysa miyaan TVga kaligwy daawan karaa ?. Hadalkas wey ku faraxday, kadib weyba Seexatay.

Weris Qolka dhexdiisa ayay Heeso ku dhex qaadeysaa oo kama qasna, waxeyna rabtaa inta Warsan qolka ku jirto ee lugtu jaban tahay inay ka faa’ideysato oo Ninka hantiso nafteda ayay u soo jeesatay, Habeen iyo maalin wax bey is marineysaa. Subaxdii markay noqotay wey soo kacday jikada ayay timid Hawsheedii ayay iska bilaabatay, Midda kale Weris Cunto karin Cid ku gaarta ma jirto oo iyada ayaa kaga Khatarsan Warsan.  

Markey Cuntada karineysay ayay tiri Waxaan dareemaya sidii Naag la qabo, intay qososhay, Quraacdi markay dhameysay Guriga ayay nadiifisay Cuud iyo Uunsi ayay ku shiday, Ka dib quraacdi ayay diyaarisay.

Warsame ayaa soo baxay is beddel ayuu arkaa iyo jawi kale Udgoon saa’id ah, Cunto macaan iyo Gabar Qalanjo ah, hadwna Sheydaanka ayuu iska Naaraa oo iskuma Mashquuliyo. 

isagoo fikiraaya ayey intey soo ag istaagtay:- Warsame Cuntada yaanay kaa qaboobin, ayey ku tiri Iyadoo iska soo Shaqeysay oo aad moodo Marwada Guriga.

Markuu dhameystay waxay timid Miiskii Cuntada, waxeyna Cuntay intu soo reebay isagu, uu kaga tagay meesha iyadoo Macaan laba jibaar ah ka Dhadhamineysa.

Warsame isagu wuu baxay. Ka dib Weris waxa ay u tagtay Warsan iyadoo ku leh Saaxib waan ka xumahay in Qolkaan yar un dhex fadhido. Warsan baa tiri: Cidlaan dareemay Saxib insha Alaah msalin dhaw ayaan soo kici ee is deji Qaali. Weris niyada waxay ka leedahay Waxba ha soo kicine, weligaa sidaada u jiif.

Muddo Usbuuc ka dib ah isbeddel ayaa lagu arkay dhanka Warsame ah iyo inay soo jiidatay Weris, waxaa dhacday Habeen iney Warsame Casho u diyaarisay, iyaduna is qurxisay in la wada yimaadi Miiska. Ka dib iyadoo cuntadii Cuneysa ayuu aad u eegay Weris, wuxuuna ku yiri: Cunto macaanidaa, Quruxna waad ku darsatay, Maasha Allaah. Weris hadalkaasi wey u qadan weyday, la yaab ayay ku noqotay intay si ilbaxnimo ah u eegtay ayay tiri Aniga miyaa ila hadleysaa Dumaashi. Haa ayuuna ku yiri. 

Intay Is Celcelisay ayay ku tiri Mahadsanid. ka dib Cashadii markey dhamaatay ayuu Qolka TVga tagay, iyaduna intay ka soo carartay ayay Qolka TVga timid oo filim ayey iska geysatay. Warsame damac ayaa galay oo wuu is celin kari waayay, ka dib Intu agteeda yimid ayuu ku yiri: Waxaad moodaa inaan is celin la’ahay ma aqaan dareenkaan dareemaayo. Ka dib waa Naag sidaan rabtay, wey iska xishood siisay, habeenka way is dhex galeen oo si Dad isku dhaw ayay u wada sheekaysteen, oo la wada qoslay, Ugu dambeyn gacanta ayay ku dhigtay Ninki Warsame ahaa.

Miskiintii Warsan Adduun ma oga oo Qol ayay iska jiiftaa, waxa dhacaaya way ka hurudaa oo qayaano inay ku soo socoto ma dareensana.

Warsan waxa guriga ka socda waa waxay Arki kareyn oo xataa Laba Qof aanay ka filayn, 

Warsan Shacni iyo Qurxin ma sameyn karto, waayo iyada ayaanba kici karin.

Weris intaas ayay si weyn uga faaiidaysatay oo Udgoon iyo Nuurin Ninka ku Dawakhisay 

Weris iminka ayunbay siday rabtay u soo rumoobeysaa.

Weris oo qolkeeda joogta goor Casar ah ayuu Warsame qolka TVga yimid, ka dib wuxu Fariin u diray Weris, isagoo u soo qoray: Weris kaalay Shaah ii keen. Markay aragtay Fariintii sidii dhaqankeedu ahaa wey is Quruxisay, weyna soo baxday Shaah iyo Casariye yar ayey u keentay, ka dib Agtiisa ayay fadhiisatay.

Wuxu dhahay Daqiiqad walba daqiiqadii kale waad ka sii qurux badan tahay, ma mooda in aad i soo jiidatay. Intay Indho jacayl ku eegtay ayay tiri: Ka waran Qofka Sanad iyo bar Qof jeclaa, haddana Awoodin inuu hadlo ama sheegto jaceylkiisa, waxaana kaaga sii daran qofkii uu jeclaa hortiisa qof kale kula midobay.  

Warsame oo Hadalkaas fahmi waayay, ayaa markaas ayuu yiri: qofkaas waayo ?:: markaas ayay tiri: Waa aniga, qofkaan jecladay Nasiib uma helin. Wuxuu dhahay Qofkaas waa bilaa Calaf ma Gabar Qurux, Gaarinimo iyo Wanaag isku darsatay hadduu ka tagay.

Waxay tiri Qofka bilaa Calafka ahi Cid kale maahe waa Adiga. Intuu yaabay ayuu yiti:- Sidee kuma fahmin ee hadalka si Cad i sii.

Waxay tiri Aniga waxan ku jeclaaday maalin ay Sawirkaaga Warsan i tustay. Maalintaas wixii ka dambeeyay Niyada ayaad iga qaadatay oo jaceyl Waali ah ayaa igu dhacay, Waqtigaasi kuuma sheegan kareyn oo Adiga ayaaba Qof jeclaa, waana soo samray ilaa Waqtigan.

Warsame ayaa dhahay Ka waran imika ayaad heshay Qofkaagii, wixii iminka ka dambeeya Waad i heysataa jacaylkaad intaas kelinimada kugu ahaa iminka ayaan kula qeyb sanaa. Weris Farxad darteed dhulka iyo Cirka ayaa deeqi waayay. Kadib hab ayay siisay, waxayna ku tiri: Laakin iminka Warsan ayaad qabtaa, Anigana waxaas waan ka Hinaasaa ee Naagta waa inaad Furtaa. Wuxuu dhahay Isug Qiil aan ku furo ayaan u raadinaa.

Iyagoo sidii u wata sheekada ayey Warsan Caajis dareentay, ka dib waxay u yeeratay Weris, iyadoo karahsan ayay u timid. Ka dib Warsan ayaa ku tiri Saaxib ma qiyaasi kartid sidaan uga daalay fadhiga. Weris baa tiri:- In yar ayaa kuu hartay ee iska Samir Saaxib. Markay Cabaar wada Sheekaysteen ayay Weris tiri Saaxib waa xilligii aan Cashada sameyn lahaa ee Warsame u yeero intaas isaga ayaa ku sheekayn. Warsan ayaa Hye tiri.

Warsame ayaa u yimid Xaaskiisa marku la joogay in yar ayuu ku dhahay Banaanka ayaan yara fadhiisan ee ii naso Xabiibti. Warsan wey yaabtay Maalmahan iyada lama joogi karo kolba wuxuu dhahaa banaanka ayaan aadaa. Maalmihii ay Kow jabtay kama fogaan jirin Warsan, hadana Ninkeeda inuu jecel yahay ayay ogtahay oo waxay is leedahay Waxba yaanu kugu Caajisin ee Waqtigiisa ha qaato. 

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.