Weris waxey tiri ma qiyaasi kartaa Naf aan intaas oo dhan xakamenayay inay tahay maalintay farxi laheyd, Aniga waxa kale ha ii Dambeeyaan keliya Naagta Fur Aniga i guurso.
Wuxuu yiri intaas oo keliya hadey tahay waan Aqbalay is diyaari Caawa waan is arkaynaa, waxay tiri Haye waa inoo Caawa.
Warsan waxay ku dadaaleysaa iney eax kasta ay hagsajiso waxayna go’aansatay iney iska iloowdo dhamaanwaxaan dhacaayo oo iska indho tirto. Ka dib waxey wacday Sodohdeed iyadoo rabta iney xaal wareysato.
Mobeilkeedi ayay soo qabsatay wey wacday Maamaadi waxay tiri:- Hello Hooyo Macaan se tahay xaaladiina ?. Maamadii baa tiri inantaydi waan fiicanahay Hooyo, idinka see tiihiin ?. Warsan ayaa tiri Waan fiicanahay. Maamadii ayaa tiri Maalmahan meynan soo wada Hadal Anna waxaan rabaa ina dhawan idiin imaado.
Warsan ayaa tiri Insha Allaah Hooyo waan ku sugeynaa, waana ii farxad inaan ku arko. Maamadii ayaa tiri Waan rajenayaa inaynu Nabadqab isku aragno. Warsan ayaa tiri Haye Hooyo waynu soo wada hadli doonaa. (Mobeilki ayey dhigtay).
Markay dhigtayba waxaa qabsaday Warwar oo waxay is tiri:- Islaantii Wiilkeeda igu soo dirtay miyaa iminka ii imaaneysa Bes weayan iminku Mushaakiilkii ugu weynaa imaanayaa. Warsan miskiinta waxay moodeysaa Maamadan inay waxaan wado, ee ma Oga Naagtay walaasha ka dhigatay inay Mas noqotay.
Warsame guriga ayuu yimid, In yar markuu joogay isagoo Aamusan oo Hal mar la hadlin ayuu aayar inuu lebistay, isago sii baxaya ayay Warsan ku tiri: Xage u socotaa kaalay Cashee. wuxuu ugu jawaabay Asxaabteyda ayaa Caawa Casho igu casuuntay maadaama aan Beri Safar ahay ee Albaabka iibanee.
Wax ay ku hadasho intey garan weyday ayey iska soo baxday, isaguna wuu baxay Qof sidaa loo galay Inte in la’eg oo xanuun ah ayuu dareemayaa, iyaduna Cunto mey cunin Miiski Cashada ayay ku dul seexatay.
Subaxdii siidi Qorshuhu ahaa Safarki beenta ahaa ayuu isku diyaariyay, ka dib waxay ku tiri Aan ku soo raaco ilaa Airportka, balse wuxuu ku dhahay Wiilal badan ayaa i sii dhaweynaya adigu gurigaada iska joog. (sidii ayuuna ku baxay).
Usbuuc ka dib Warsame iyo Weris guurkooda ayaa dhacay, weliba si Qarsoodi ah, waxaad moodaa Dad aan Khalad ku jirin sida ay u Faraxsan yihiin.
Warsan waxey weyday Call u soo waco Maalin walba, Hooyadii iyo Wiilki Wardi ee saaxiibka ahaayeen ayay weydisa inuu bal iyaga la soo hadlay, laakin wax war ah kama helin Murug ayaa u dhamaaday, wey xanuunsatay weliba saa’id Maamadi Warsame dhashay ayaa turkiga ka timid, waxeyna u timid Warsan, Xaalku ma fiicna, waxeyna Aragta Gabadhan siday tahay, waxayna la yaabtay Wiilkeedu wuxuu u soo hadli waayay. Maamadu waxba ma oga, laakin waxay fahmtay inay Wax jiraan oo meeshu qasan tahay.
Warsan xaaladeeda wey sii xumaatay, ka dib Hooyadeed ayaa u timid Labadi Maamo ayaa Hospitalka geyay Warsan ka dib markii la eegay ugu danbeen waxay leedahay Uur ayaa lagu yiri, waana dhiig la’aan nasiino badan ayay u baahan tahay ayaa lagu yiri. Warsan markii loo sheegay inay Uur leedahay aad ayey u faraxday.
Guriga markii la keenay ayaa labadi Mwamo si gaar ah isku wareysteen, Ka dib Maamadii Warsame dhashay ayaa tiri Wiilkeyga wuu maqan yahay ayaa leygu yiri, Cidna lama uu soo hadlin, weligiina intaas lama waayin mida kale, waxaan arka gurigan inuu fiicneyn oo ay wax jiraan, Adaa labada ciyaal Magalada la joogee maxaa jira ?. Maamada Warsan dhashay ayaa si Caro ku jirto u tiri Reerkan si fiican ayuu u dhisnaa, laga bilaabo maalintaad wiilkaaga ku tiri Naagtan Uur miyeyna kuu qaadin iyo hadalo aan munasib ahayn, wixii intaas ka dambeeyay reerkii Mushaakil ayuu ka bixi waayay ee xaaladu waataas. Maamadi warsame dhashay ayaa tiri: Kuma fahmin oo hadalkaaga Ixtiraam ayaan ku dhagaysanayay lkn Anigu wiilkeyga weligay kalama hadal arimaha Xaaskiisa, Uurna ma weydiin hortiina ayaan ku weydiin doonaa. Warsan oo hadalka maqleysay ayaa tiri Hooyo anigu siduu Wiilkaagu igu yiri ayaan qaatay, laakin hadaad adigu dhihin, muxuu ku keenay hadalkaas ?.
Maamadii Warsame dhashay ayaa tiri:- Inuu Been iga sheego maxaa ku kalifay tolow, wixii jira weyba soo bixi doonaan. Warsan ayaa tiri: Wuxuu ku maqan yahay ee beddelay wey soo bixi doonan.
Iyagoo hadalkii wata ayaa waxaa Albaabka ka soo galay Warsame iyo Weris oo Gacanta is heysta Maxaa dhacay hee ?
Iyaga oo Gacanta is heysta markay yimaaden Weris Indho-shareer ayay Xirnayd. Warsan dhulka ayay ku taagnaan kari weyday Naxdin iyo yaab labadii siday u soo socdeen goobti la joogay ayay soo istaageen. Warsan oo is hayn kari la’ ayaa tiri:-
Waa maxay waxaan aan arkaya ii Naagtan aad heysato gacanta ii sheeg oo hadal ?, wuxuu yiri Qoftan waa Xaaskeyga, waana Qofkaan u go’ay hadaad xiiseynayso aragtideeda oo aad Xamili kartid waad arki kartaa eeg waataase intuu ka qaaday Indho shareerkii.. Mise waxa meesha ka soo baxday Qofaan laga fileynin. Warsan markay aragtay Weris inay tahay markaas ayaa Miirka ugu dambeeyay oo way suuxday.
Warsan Maamadeed intey intay Cashar u dhigtay Weris iyo Warsan ayey Taksi dalbatay oo inanteeda Warsan gurigoosda ayey getsay, Cabaar ka dib Warsan markuu Miirki u soo noqday ayaa waxay rumeysan kari weyday naanta waxay aragtay.
Warsan ayaa hooyaded ku titi Hooyo Aniga miyaa waalan oo iska sawirtay Weris, mise Run ayay aheyd ilaa hadda Shaki ayaa igu jiro. Maamadi ayaa tiri Hooyo Waxaad aragtay waa Run ha iska qarin xaqiiqda Naagtan waad aragtaa Adiga ayey kuu taalaa, Hadaad iska Indho tireyso iyo haddii kale. Warsan ayaa tiri Hooyo Aniga Ninkan inuu i qiyaamay xanuun sida ah iguma heyso, laakin waxaa iga degi la’ Weris qiyaanada igu sameeysay.
Anigu weligay waxay dhibsatay kuma sameyn ma xasuusto inaan hadal xun dhahay, Hooyo labaad ayaan ka dhigtay, waa maxay sida igu sameysay Maanta hadduu Warsane naag kale iga raaci lahaa waxba mey ahaaten, laakin Weris ayuu ii adeegsaday.
Maamadi ayaa tiri Warsan hooyo iminka wax walba wey dhaceen adigana waxaan kaaga soo kaxeeyay xaalad xun inaad gasho ayaan diiday, waayo xaamilo ayaa tahay ilmahaaga ka fikir, maanta Nin kaa daneystay iyo Naag ku qiyaantay midna waxba haw noqon weli dhalinyar ayaa tahay oo aduunka ayaad u da’ yar tahay.
Ka dib Warsan waxay wacday Weris dhowr jeer, wayna ka qaban wayday, laakin markii dambe ayay ka qabatay, ka dib keliya waxay Warsan ka Codsatay inay is arkaan, Werisna Codsiga Warsan wey ka Aqbashay, meel ayey ku balameen oo ay ku kulmeen Warsan ayaa soo hor martay oo meeshi hor timid, cabaar ka dib ayay Weris goobti timid.
Ka dib markii leys hor yimid ayaa Warsan tiri: Werisey ma ogtahay Aniga waxaad ii ahayd Saaxibad waad igala weyneed oo Hooyo labaad iyo walaashay ayaad ii aheyd, waxaan xirto ayaan jeclaa inaad ila xirato, Maalin aan ku xumeeyay bal ma ii sheegi kartaa? midda kale Xasuusnow Ninka Xaaskisa xumeeyay oo Qiyaamay, miyaad rajo ka leedahay oo nolol ka sugeysaa ?.
Weris ayaa iyaduna hadalkeeda bilowday oo tiri Wax walba waa Calaf oo wey qorneed inay sidaan dhacdo, laakin wax khalad ah maan sameyn, keliya Qalbigeyga ayaa qof jeclaaday anigana sidii igu haboon ayaan sameeyay, isagana qasab kuma kaxeysan ee ikhtiyarkiisa ayuu igu raacay, midda kale hadduu isagu kaa tegay adna waxad u daba socoto waa khalad.
Warsan baa tiri Aniga waxaan ka samray marku adiga iga kaa doortay, waxaana kuu sheegaya Libaaxa hilibku soo Hambeeyo Eyda ayaa cuna, Adna sidaa ayaa tahay, keliya waxaan ku leeyahay Reer wanaagsan inuu kuu noqdo ayaan kuu rajenayaa waxadna i bartay Qof Bini’aadan ah inaan la soo dhaweysan oo la siin Intuu kaa mudan yahay wax ka badan.
Weris oo aad wejigeada ka Arkayso xanaaq ayaa tiri Naa Aniga iima Sheegaysid wanaag iyo xumaan, qofkaan doortayna wixii iga soo baxa anaa ku qanacsan, adigu Orod qalbi jabka meel la tag, Adiga qofkaad hanan wayday Anigaa ayaa kuu xafidaaya Intaas wax ka badan miyaad igu yeertay ?.
Warsan ayaa tiri Ma ogtahay Aniga waxba imaad yeelin, Keliya waxad iga furatay Xanuun ley geysan lahaa, Ninku haddu mar Xaaskiisa qiyaamo mid kalena Waxba uma hayo, Maanta waxaan ciishoon lahaa isagoo iga raaca qof kale, laakin markan arkay inuu adi ku damcay waxaan ogaaday inaanu iga mudneyn inaan u Ooyo ama raadiyo ama aan u Maseero.
Intaas ka dib Warsan wey isaga soo tagtay meeshi oo gurigooda ayey timid iyada oo dareemaysa xanuun aad u badan, waxeyna Aragtay laba qof oo ay nolosheeda qeyb weyn ugu jiray inay Hal meel ka toogteen, Laba dhawac inuu isku raacay, midda kale waa Xaamiilo, waana Xilli ay u nugushahay dhibka iyo xanuunka.
Warsan Reerkodi ayaa go’aan ku gaaray markey dhasho iney ka furaan Wiilka waxaana sidaas dalbatay Warsan.
Warsame kama qasna oo lama moodo inan wax sameeyay, wuxuu jawi Farxad ka muqato kula jira Weris. Weris ayaa ku tiri Gacaliye maanta waxaa ii yeertay Warsan, hadalo bilaa macno ahna wey igu tiri, anaaba isla yaabay waxa aan ugu tagay ama aan uga Ogolaaday la kulankeeda.
Wuxuu yiri Qof maseyr hwayo hadalkiisa inaad wax ka soo qaado waaba Khalad, midda kale iminka nolosheena wey ka baxday oo waad Aragtaa.
Isaga oo sidii Sheekada u wata ayaa wuxuu Firiin u soo dirtay Warsan, waxayna tiri:-
Ugu horeyn Salaan Aanad u qalmiin ayaan ku Salaamayaa, salaan ka dib Aniga keliya waad i qiyaantay, laakin waxba igala maad tagin Haa Qalbigyga dhawac culus ayaad u geysatay, Niyad kugu qanacsanayd ayaa maantana kaa Qanacday, Qoys si qurux leh u dhisan ayaad bila sabab u dumisay, Qof ku jecel ayaad noloshiisa Mugdi gelisay, weliba Hal qiyaano igumaad sameyn ee saaxiibtay ayaad igu dhaawacday idinkoo is aqli dhaamin, balse waxaan kugu Cafiyay oo aankugu saamaxay ilmaha inaga dhaxeeya ee Rabbi igu Abuuray.
Maanta waxaan Caloosheyda ku sido waa Ubadkaaga, waana sababta aan kuu cafiyay, waxaana rajeynayaa Nabsigeygu inaanu idin helin, ayaan ilaahey idiin weydiin, aniga oo Xanuunsan intaad waxyeelo ii geysateen anoo waxba Ogeyn oo dacaad ah sidaad iigu heshiiseen inaan Calool xumado Cafis ayaan ka jeclahay, hadaad sidaan ku dareemeysaan farxad, Duco ayaan idin raaciyay.
Fariintaas markuu arkay runtii wuxu ku soo jawaabi lahaa Waqti ayey ku qaadatay oo hadal uu yiraahdo ayuu waayay, markii dambe ayuu isaguna Fariin u soo diray isago leh:-
Ilaa hadda Khalad aan galay ma arko keliya naftaydu waxay Happy ku aheyd un baan sameeyay Waqtiga ayaa dadka isku keena, hadana kala kaxeeya Shalay jaceylkan kuu hayay hadduu iga dhamasday, dembi kuma lihi laakin maxaad iigu eheegi weysay mar hore inaad Uur leedahay ?.
Warsan Fariinta markey aragtay aad ayey u sii Niyad jabtay, haddana yaan lagaa dareemin ayey ku jirtaa wey Awoodi weysay iney Qoraal kale u qorto.
Maalmo ka dib Warsan xanuun badan ayaa ku yimid oo xaalado Xaamilo ma sahlana, mar walba Hospitalka wuxuu kula taliyaa iney Fikirka iyo Murugta iska yareyso, dadka guriga jooga iyo Hooyaded aad ayay u ilaaliyaan, inkastoo waxa Qalbigeeda ku jira aan qiyaas laheyn.
Warsame Hooyadiisa oo iyadu aad ula yaaban waxa naesha ka dhacaayana weli aanay caadi u fahmin ayaa wiilkeeda ku tiri Waa maxay warkaan aad sheegtay?, ma anigaa Arimaha Qoyskaaga kaala hadlay oo ku dhahay Warsan Uur miyay leedahay Hooyo beenta maxaa kugu kalifay ?.
Warsame ayaa dhahay Hooyo horta aad ayaan uga xumay inaan beenta kaa sheego laakiin sidey wax u jiraan anaa kaaga waramaayo, Waxaa dhacay aniga oo Reerkeyga iyo Xaaskeyga Warsan ku Faraxsan ayaa waxaa guriga timid Weris oo ah Warsan saaxibteed ilaa Waqti dheer. Marka Gabadhan waxey jacayl ii qaaday guurka Aniga iyo Warsan ka hor, oo Waqti ay igu sheegato ayay waysay.
Ka dib waxay Warsan ka codsatay inay Anaga guriga nagula noolato, Ka dib Wanaaga iyo siday tahay ayaan ka helay oo wey i Cajabisay Ka dib markay ii sheegtay dareenka qalbigeed Anna waan ka helay oo waan jeclaaday, Ka dib Arinta ayaan ka wada hadalnay Uurka, oo Aniga isma laheyn Warsan ayaa Ubad kuu dhalaysa, marka wax walba waa sidaa, Adigana iga raali noqo Maamo.
Warsame Hooyadiis aad ayay uga carootay hadalkaas iyo waxay sameeyen, ka dib waxay u tagtay Warsan iyo Reerkooda, Maamada waxey si gooni ula hadashay Warsan, waxayna tiri: Waan ogahay wiilkeygu wuxuu kugu sameeyay iyo weliba saaxiibtaada, waana ka xumaaday runtii Anna waxba kama Ogeyn oo waxaan dib u wareystay Warsame.
Warsan waxey tiri Hooyo Aniga iminka wixi igu dhacay weyba igu dhaceen, Xumaan cid uma hayo, Anaa xaaladeyda i heysata, keliya markaan Umulo furnin bilaa hadal ah un ha ii sii diyaariyo, wax dambe oo laga hadlaayo ma jiraan.
Waa Xilli habeen ah qolkeeda ayay timid, waxeyna la hwdlaysa ilmaha Caloosheda ku jira Iyado leh:- Hooyo waan ogahay inaad maqleyso waxa dhacay, waana ka xumahay inaad Aduunka imaan doontid Xilli aan kugu habooneyn, waxaan jeclaa inaad aragto Guri Hooyo iyo Aabe joogaan, adna si farxadi ka muuqato dunida lagugu soo dhaweeyo, balse wax walba aniga ayaa kuu sameyn doona haka cabsan. Hooyo dartaa ayaan cidna uga Cad goosan waayay, cidla iyo xanuunkan qarinaayo, xad malaha, Shalay wuxuu Aabahaa Gurigeena iga kaxeystay hadduu maanta igu soo celinaayo, muxuu intaas dhaawac le’eg igu geystay, mida kale saaxiibti aan ku aaminay Gurigeyga iyo Nafteyda maxay sida iigu sameysay, Aniga cid kale oo aan sidaan ula sheekeysto ma aqaani, Hooyo markaad Adigu duunida ii timado waan hubaa inaan kugu ilaawi doono wax walba.
(La soco Qeybta Xigta)