Markey noqotay Xilli habeen ah balantiina la soo gaaray ayaa Warsan u sheegtay Warsame inay Saxiibteed soo raaceyso Caawa, isaguna wuu ka aqbalay. Warsan ayaa wacday Weris, kuna tiri is diyaari weynu baxaynaa. Haye ayay tiri.
Markey soo baxday Weris iyadoo aad u shidan ayaa Warsan ku tiri Saaxiib Caawa inaba caadi ma timid yaah. Weris ayaa tiri Saaxiib Caadi ayaan u soo lebistay, miyaan ka soo daray ?, May ayay tiri caadi Saaxiib inaad Qurux badnaato anaa jecel. Warsame ayaa u yimid wey isa soo raaceen. Salaan iyo xaalada markii layska wareystay ayay u soo baxeen oo ay yimaadeen Goobtii ay rabeen.
Markii la soo fadhiistay ayaa Weris kolba isha ku yara xadaa Warsame, Warsan ayaa tiri Saaxiib is barta si fiican waa kan Warsame, markaas ayay tiri Dee sow hore iskumaanan baran Warsame. Markaas ayuu dhahay Haa runta aragti keliya ayaa inoo dhinayd, waana is aragtay Caawa, waa ii farxad. Markaas ayay tiri anigana waa ii farxad.
Kaftan ayaa mesha Bilowday Warsame ayaa dhahay Laba hablood oo midba mid ka qurux badan tahay ayaa ila fadhiya Caawa waa Caajib. Markaas ayay tiri Warsan Haa Weris Caawa Isha ayaan uga baqayaa, Weris baa tiri Alla May Saaxiib ilna iguma soo Qaldameyso.
Weris waxay kolba indhaha ku yara xadeysaa Warsame iyadoo aad ula dhacsan quruxdiisa, kadib waxay aragtay hadalada jaceylka ay is dhafsanayaan labadan Qof. iyadase waxay indhaheeda ku koobtay isaga.
Waqti ayaa la wada qaatay Warsan iyo Weris Qosol kaftan, Warsame si wada jir ah ayuu ugu Sheekeynayaa iyagoo diidaya Weris inay kalinimo dareensiyaan, laakin Weris dareenka qarsoon iyo eegmada hoose ayay wadataa, Warsan ayaa tiri Saaxiib Farxad iyo jawi kama baxaysid hadaad yeelato lamaane waad aragtaa aniga ilaa maalinta aan Warsame helay ilaa iminka Farxad ayaan ku jiraa, ee adiguna Isku day inaad Noloshaada Qof ku soo darto waan ogahay inaad xiriirka iyo waxaas aad neceb tahay laakiin Kalinimadu ma fiicna.
Weris ayaa ugu jawaabtay Saaxiib Aniga weli Kaluumeysi ayaan ku jiraa micnaha waan raadinayaa qofkii Gacaliye ii noqon lahaa, balse waxaan ka baqayaa Dabinkeygu inuu Qof khaldan ii soo qabto (Weris hadalka sarabeeb ayay ugu dhigeysaa).
Ka dib Warsame ayaa dhahay Haa Gabar Qurux leh ayaa tahay xilligan inaad keli ahaato maaha. Markaas ayay tiri Haa laakin Qofka igu haboon wuu imaan doonaa.
Weris baa tiri Waa xilli dambe sow maaha waa inaynu tagno. Warsan ayaa tiri Haa waa runtaa, weyna soo baxeen Gaariga markay soo raaceen intii la soo socday Weris Aragtida Warsame ayay sii jecleysaneysay Caawa dareenkay u qabtay Laba jibaar ayuu noqday, Ugu Dambeyn guriga ayaa la soo gaaray is nabad galyeen, Ka dib Warsame wuu iska tagay, Werisna gurigooda ayay tagtay, sidoo kale Warsan iyadana guriga ayay gashay.
Weris markay qolkeeda timid ayaa waxaa ku soo xaadiray xasuustii Caawa, kolba qoslkiisa, hadalkiisa iyo siduu Alle u abuuray Wiilka iyadoo leh Waqtiga yaa dib u celiya, si aad uga bogato aragtida Warsame, waxay marba marka ka xiga sii naceysaa Saaxiibted Warsan oo ay ka aamintay inay iyadu ka hor taagan tahay Qofkay rabto. Habeenkii oo dhan fikir ayay ku jirtay iyo Qorshaha ay Warsame ugala soo wareegi laheyd saaxiivadeed Warsan.
Maalin kale oo qurux badan ayaa bilaamay, Warsan Shaqada fasax ayay ka tahay, Guriga ayay joogtaa, ka dib waxey fariin u qortay saxiibted Weris, ilaa ay la hadasho ma joogi karto sababtoo ah wey jeceshahay. Weris fariintii wey aragtay, laakin wax jawaab ah uma soo dirin Qadkana wey ku jirtaa.
Warsan waxay is waydisay Qofta maxa helay beryahan si saadiya ilama dhaqantee, Way wacday, misana kama qaban, Cod ayay u duubtay iyadoo leh Weris maxaa jira ee fariinta iyo Callka midna uga soo hadli la’dahay ii sheeg waxa jira saaxiib.
Weris ma rabto in la dareemo mana xakamayn karto. Marki dambe ayay iyaduna cod u dubtay ay leedahay Saaxiib hadaan ka qaban waayo micnaheedu maaha inuu dhib jiro, waad ogtahay guriga kaligay inaan ka shaqeeyo marka lama degdego.
Warsan ayaa tiri Awalba saaxiib hawsha waad qaban jirtay, mar walbana waad ila soo hadli jirtay, laakin iminka in muddo ahba Isbeddel ayaan kaa dareemayaa, Anigana waxaan is dhahay maxaa jira ?. Weris ayaa tiri Saaxiib aniga isma beddelin sideydii ayaan ahay ee xagga xun wax haka eegin saaxiib. Warsan Haye ayey tiri Sorry Xabiibti.
Warsan waxay dareentay inay wax jiraan wuxu doono ha noqdee, laakin waxay is weydiisay maxaa jira tolow ee inanta beddelay ?.
Warsame wuxuu go’aaan ku gaaray inuu guursado Warsan intuu Magalada joogo, ka dib iyada ayuu wacay, una sheegay Arinta iyo sida uu rabo markuu Warsan u sheegay Run ahaantii Dhulka ayaa qaadi waayay, waxeyna tiri Haa waa Oky, laakin Arinta waa goorma ?.
Wuxuu dhahay Khamiista hadaan dhameyno sidee kula tahay ?, Waxay tiri waa caadi oo waan Ogolahayaniga Go’aankaaga. Markaas ayuu dhahay waa si fiican Arinteenu waa Khamiista, Insha Allaah.
Warsan Hooyadeed ayay ku tiri Hooyo maanta Arrin ayaan kuu wadaa ee kaalay, Maamadii ayaa ku tiri Khayr sheeg inanteydi. Markaas ayey ku tiri Hooyo waxaa jira Arin Wiil ayaa i soo doonan raba. Maamadii ayaa tiri Waa si Wanaagsan ee waayo Wiilku. Markaas ayay ku tiri Waa Wiil Ceynkaas ah, oo Qoladaas ah Famligiisuna Turki joogaan.
Marksas ayay tiri Dee Hooyo ma xuma Ilahey Khayr Ha kaaga dhigo, waan soo dhawenayaa Wiilka, waana ku faraxsanahay.
Ka dib Warsan arintan farxada badan waxay jeclaysatay inay Saxiibted la wadaagto, Weris ayay wacday iyadoo Farxad Ciireysa, Ka dib wey u sheegtay in Khamiista uu Meherkeeda yahay oo Warsame soo doonan rabo.
Weris warkaas markay maqashay inay qeyliso Ciil iyo xanuun darteed ayey ku sigatay, illin ayaa ku soo istaqgtay, markaas ayaa Afkeeda hadal ka soo fakaday iyadoo leh Yaah Naa maxaad sheegeysaa.
Warsan ayaa yaabtay markaas ayey tiri War maxaa ku helay ?, intay isku naxday ayay tiri Micnaha Saaxiib waa war farxad leh ee wax kale msaha, Waan u qaadan waayay, waana ku farxay, waana ku Hambalyeynayaa, Saaxiib Alle haysku kiin barakeeyo. Markay Mobeilka dhigtay ayaa waxey Weris ku dhawaatay iney waalato iyo inay Maryaha tuurto, Maskaxdeda way geli weysay.
Sida Xaalku yahay ayay Fahmi weyday talo mararka qaar waad weydaa. Weris waxey leedahay Aniga khalad ma lihi Qof ayaan jeclaaday aniga Gacanteyda kuma dooran laakin jacaylku isaga iso raadsaday Aniga Saaxiib iyo waxaas waxba igama gelin Naftydu cidey rabto iyo waxaan ku faraxsanahay ayaa muhiim ah.
Warsan Mashquul ayay iska gashay Qof Aroos ah weeyan iyada iyo hooyaded iyo hablo ay walaalo yihiin waxay dib u Qurxiyeen guriga, waxeyna isku diyaarinayaan maalinta Khamiista oo Hal maalin uga dhiman tahay.
Weris ma rabto in laga dareemo oo laga shakiyo, waxey ku qasban tahay Xaafada iney timaado oo Caawiso, qaybna ka qaadato hawsha saaxiibteed.
Warsan baa tiri Maanta waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahqy inay garabkeyga yihiin Hooyo iyo walaalo Wanaagsan, Werisna waa Walaashey ee mawha saaxiibtey anigaba maalinteeda sidaan iyo sii ka fiican ayaan uga shaqeyn doonaa hadduu Alle i gaarsiiyo.
Weris ayaa tiri Haa waa waajib i saaran inaan mar walba garabkaaga ahaado Aniga, booska aad ii buxisay miyuu jiraa qof ii buxin kara ?.
Ka dib hablihii la dhashay Warsan iyo Weris ayaa go’aan ku gaaray iney Warsan dhahaan Adiga Fadhi un oo indhaha naga daawo waxba ha qaban naftaada un ka Shaqee.
Warsan waxaa u bilowday Maalmo ay u maleyso inay yihiin kuwii ugu quruxda iyo Farxada badnaa laakin Arinku sidaa ma noqon doontaa ?, Waxay rumaysan la’dahay sida fiican ee noloshu u siisay qofka dunida ugu fiican.
Waa Goor habeen ah Warsan qolkeda ayey joogtaa, Warsane ayey Vedio Call kula hadleysaa. Warsame ayaa dhahay hantida ugu waalisan ee la helo waa Qof ku jecel anigana waxaan helay Boqorad i jecel, maalin ka dibna Xaaskeyga noqoneysa.
Markaas ayey tiri Qof Abaal galay ayaa tahay oo nafteyda intaad u sameelysay ayaa ka badan intaan naftaada u sameeyay, waana ku faraxsanahay inaan noqon doono Xaaskaaga iyo Caruurtada Hooyadood.
Wuxuu yiri Markaad dooraneyso Qofkii ku haboonaa naftawda waa marka keliya lagaa rabo inaad ka fiirsato, laakiin Aniga Aragtidii Koowaad ayaan Adiga ku aaminay.
Waxay tiri Warsame ballan iga qaad Intaad nooshahay inaad i Cidleyn doonin ama aad i qayaani doonin.
Wuxuu dhahay taasi maaha mid dhici doonta, waana ballan aan kaa qaaday, waxaasna haku Fikirin Mar dambe, Aniga Hal qalbi ayaan leeyahay, kaana Adiga ayaa hantiyay, Awood uma lihi inaan ku qiyaamo ama ku Cidleeyo.
Lamaanahan Iyagu Nolol tii lagu taami jiray ayay ku jiraan, wey is jecel yihiin, wayna isku faraxsan yihiin, lAlaakin Weris Caawa waa sidee Xaladeedu ?.
Weris meel bey fadhisaa sidii qof Tacsi u taal
Oohin wey ka dhamaatay, Xal kale ma heyso
Waxay arkaysaa iney dib u Farxi doonin, balse waxey weli Aaminsan tahay inay Warsame ay heleyso, nafteeda Ballan ayay u qaaday inay mar un gacanta ku dhigi doonto oo anay si fudud uga hari doonin, laakin si Maskax ay u hanan doonto, rajana ay ka qabto inuu nolol la wadaagi doono goortay noqotaba.
Maanta waa maalin Khamiis ah, laakin wey ka duwan tahay Khamiisihii hore oo aaa Maalinta nolosha ay ku midobi doonaan Warsame iyo Warsan.
Subax qurux badan ayaa timid guriga Warsan waxaad ka arkeysaa Farxadda taala dadka dhamaantod Farxada ka muuqata Warsan waxey Gacanteeda ugu lebistay Aabahed, oo u Socda goobta Meherka Wiilashii la dhashay iyo Aabahed markay diyaarisay ayaa ku tiri hooyadeed Adiga is diyaari waxa imaanaya dad marti ah soco qolkaaga tag.
Markay qolkeeda timid ayaa waxay aragtay mobeilkeda oo dhacaaya, mise waa Warsame wuxuu dhahay Kaalay iga tijaabi lebiska Vedio Callka ayay ku wada hadlayeen Markaas ayay u sheegtay Dharku ku soo baxaayo Qayb ayay ka noqotay lebiskiisa markaa ayuu dhahay Oky waan baxayaa ee waa inoo hadhow.
Weris Guriga ayay joogtaa Macmacaankii bey diyarinaysaa iyado wejigeeda wax Murug ah loga jeedin, Mar walbana dhoola cadeneysa Maamulka ayay xageeda ka heysaa guriga hagaajintiisa wey Ilaalineysaa.
Saacadu waa 10:00 subaxnimo waa leysugu wada yimid goobta Meherka waa labadii dhinacba Gacalka wey isku yimaadeen si Sharaf iyo Wanaag ayaa loo kala gudoomay Gabadhii, Aabiha gabadha dhalay wuu bixiyay inantiisi Meherkiina wuu dhacay.
Warsan Walaalkeed ayaa Xaafada soo wacay una sheegay si Qurux badan inuu Meherkii ku dhamaaday Mashxarad ayaa leysla helay iyo Sacab farxadu wey is gaartay. Weris maqalka soo gaaray inkastey ka helin, kuna farxin, hadana farxada beenta wey wadaa, Warsan ayaa loo Hambalyeeyay Weris si gooni ah ayay ugu Hambalyeesay saaxiibteed iyado weliba dareensineysa inay ku faraxsan tahay.
Weris waxay ugu Hambalyeesay si aad u Wanaagsan oo looga fisho qofka ku dhaw qeyb iyo door muhiim ah ayay ka qadatay.
Waxay noqotay galab guriga aad ayaa loo habeeyay Macmacaankii iyo Cabitankii la diyaariyay waxaa guriga isugu yimid deriska, Ehelka iyo asxaabti si fiican loo soo dhaweyay. Weris ilaa saaka Shaqo ayay heysaa imikana martida ayay qancineysa oo soo dhaweynta ayay qeyb weyn ka tahay.
Warsan iyo Weris Koofeerka bey isku raaceen, wayna baxeen. Warsan habenimada inay xaflad dhigato ayay rabtaa, hawsheedii ayaa loo bilaabay intay Koofeerka joogtay ayaa waxaa soo wacay Warsame. Warsan iyo Weris wey is ag fadhiyaan, weyna maqleysaa. Ka dib wuxuu ku dhahay Xaaskeygii maanta guusha gaarnay waa mid Qurux badan oo muddo aan sugaayay.
Warsan ayaa tiri Mudanaheygii maanta maalin ay iga farxad badan tahay ima soo marin hamigii aan rabay waan helay.
Weris Hadaladaan waran ayay ku yihiin oo Xanuun ayay dareemeysaa oo qalbigeedu ma xamilin karo waxaan hadana waa Qasab inay Xamisho oo laga dareemin. Ka dib Warsan ayaa Warsame ku tiri Xabiibi iminka waan yara Mashquulsanahay waa inoo hadhow. Warsan Walaalahed ayaa Hoolkii Xaflada diyaariyay.
Markii Warsan hawshii u soo dhamaatay oo diyaar laga soo dhigay iyada iyo Weris oo labada hablood Maasha Allaah laga dhigay ayaa gaari u diyaarsan soo raaceen, Goobtii Xaflada oo la sii shiday ayay yimaadeen.
Waxay ugu dhacday Xafladu sii aad u Qurux badan, aadna waa loogu dabaal degay. Weris mar walba waa garabka Warsan, Sawiro ayaa la galay Music ayaa la shitay Cake ayaa la jaray, si Cajiib ah ayaa loo baashaalay.
Xilli dambe oo habeenimo markay noqotay ayaa lagu kala tegay goobtii, si farxad ku jirto ayaa lagu soo dhameystay Xafladii qof walba gurigisii ayuu qabtay Famligi Warsan guriga ayay yimaadeen, Werisna wey la socotaa.
Markii la yimid ayaa Warsan Saaxiiteeda Weris ku tiri Waa xilli dambe ee Caawa halkan ayaad seexaneysaa, werisna waxey tiri Haye Saaxiib, qolka Warsan ayay wada seexdeen, Ka dib qof walba toos ayuu u Seexday oo waa la soo wada daalay. Subaxnimo markay noqotay ayaa Qof walba isagoo jirku daalay soo kacay Ileen xalay oo dhan ayaala Boodboodaayay.
Inanti Aroosada ahayd Quraac Khas ah ayaa loo kariyay, markaas ayay tiri Warsan: Hooyo maanta sidii Wasiirka ayaa ley Cunto siiyay.
Ka dib Weris ayay ku tiri Waad ila cuneysaa Saaxib cuntadan. Markaas ayay Weris tiri Saaxiib adey khaas ku tahee Cun. Warsan ayaa tiri Maya hadaad ila cuneynin anigana Afkeyga saari maayo.
Weris ayaa tiri Hadey sidaa tahay waan kula cunayaa, Amarkaaga ayaa jiro. Waa la wada quraacday, ka dib Warsan iyo Hooyadeed iyo Weris oo qolka fadhiga jooga ayay tiri Warsan Maamadeed:- Weris waa inan aad u fiican shalay sidey Maamulka u waday ayaan ka helay, qeyb weyn ayayna ka qadatay Hawshii dhacday.
Markaas ayay Weris tiri: Hooyo Intaas iyo ka badan ayaad iga mudan tihiin, Saaxiibteey maaha Warsan ee waa Walaashey ila dhalatay markaas ayay Warsan tiri:- Wlhi qof aan ka jeclahay ma jiro Weris walaal iyo wehelba wey ii tahay, waana garabkeyga.
Iyagoo sidii u sheekaysanaaya ayaa Warsan mobeilka u soo dhacay, Warsame ayaana soo wacay. Markaas ayay la kacday oo qolkeeda ayay tagtay, wuxuu dhahay:- Xabiibti iminka laga bilaabo anaa masuul kaa ah ee waxaan rabaa inaan Dalxiis u baxno ka waran sidee kula tahay ?.
Waxey tiri Wad ogtahy inaan jeclahy Dalxiiska, waana ogolahay inaan aadno, laakin Shalay ayuu Meherkeena dhacay, isla markaana waan yara xishoonayaa, dadku waxay dhahaayaan ayaan ogahay yaan la oran durba goormay raacday Usbuuc ka dib ayeynu is raaceynaa Qaali, intu qoslay ayuu yiri: Xishoodka iska yare aniga Ninkaaga sow ma ihi. Markaas ayay tiri Haa waa tahay laakiin xishood baan dareemayaa.
Wuxuu dhahay dadka inta iska ilowdo, weynu is raacaynaa, weliba beri mana diidi kartid.
Markaas bey tiri haday sida tahay: Weris ayaa soo kaxeysanaa. Wuxuu yiri Xabiibti, Anigaa kula socda maxaa qof kale u soo kaxeysan Labadeena is raacayna
Waxay tiri May Aniga Ilaa iyada aan kaxeysto kuma raaci karo ee ogolow Xabiibi, Wuxuu dhahay hadaad happy ku tahay anna kuma diidi karo waan ogolahay. Waxay tiri Haye qaali Mahadsanid.
Ka dib Weris ayay u yeertay qolkeeda ayay la gashay, waxayna ku tiri Warsame ayaa iga dalbaday inaan safar u baxno, anigana aad ayaan u xishoonayaa. Markaas ayay Weris tiri Maxaad ka xishooneysaa ma isagaa?. marka ayay Warsan tiri isaga kama xishoonayo ee dadka ayaan ka xishoonaa. Weris baa tiri:- Dadka waxba kaama geline waa Ninkaaga meeshad rabto ayaad isku raaci kartaan maxaa iyaga kaa galay ?.
Warsan ayaa tiri xataa Hooyo, Aabo iyo walaalahey ayaan ka Xishoonayaa Weriseey Adiga mid ii samee waad i raaceysaa, waana u sheegay Warsame. Weris baa tiri Naa miyaad waalan tahay Nin iyo Naag is qaba maxaan ka daba doonayaa, kuma raacayo ee kaliga ayaa raacaayo.
Warsan ayaa tiri Saaxiib kaligey wey igu adag tahay inaan baxo, ee isku day inaad i fahanto ii raac saaxib. Weris wey ka diiday balse Warsan markey aad uga codsatay iyadoo rabin iney raacdo ayay iska ogolaatay.
( La soco Qeybta Xigta).