Warsan Hal kalmad wey ka soo bixi weyday Markaas ayuu yiri: Anigoo Ogaa inaan Maanta ku arkaayo ayaa xataa Aamini la’. Ka dib ayuu Hab siiyay Cabaar ayua laabta ku hayay, Warsan illin ayay kala joojin weyday, Markaas ayay tiri: Iminka aniga inaan Waasho miyaad rabtaa, Waxaan arkaya Run miyaa, Markay inta tiri ayay haddana Laabtisa ku noqotay. waxey tiri Wlhi Waxay igu noqotay lama filaan, laakin Maxaa sidaa iigu hashay xataa maad i shegtid inaad soo socotid.

Warsame ayaa yiri Inaan kedis kaaga dhigo ayaan jeclaystay Runtii Farxad weyan ayay ii tahay maanta inaan la kulmay Boqoradeyda. Waxay ku tiri:- Ani ila hada Maskaxdayda wey geli la’dahay inaad i Agjoogtid. Wuxuu yiri Aniga xataa farxadaan Wax aan ku qiyaaso ma aqaan.

Axlaam ayaa tiri Maanta intaan kuu Warwaray Ilahey ayaa Og, imikana waxaad moodaa Inyar xataa inaan maanta fikirin, durba waan iloobay Sannad oo aad iga fogayd dhawrkan daqiiqo ee aad ila joogto ayaa iga badan oo aad moadaa inaan Kun sano ila joogtay. Markaas ayuu dhahay Warsame Qaaliyeey Anigana waxaad noqotay Nafteyda qayb ka mid ah, oo xiiso gaar ah ayaan kuu qabay. 

Weris ayaa iyaduna ka fikireysa Warsame oo ilaa markii loo sheegay ila hadda Warwarsan, iney soo wacdo oo ay ogaatana wey rabtaa, haddana Warsan yaanay kaa shakiyin ayay is leedahay, laakin Nafta qasbeysa oo markay Adkaysan weyday ayay Warsan wacday, Markey ka qabatay ayay Weris tiri Saaxiib Maanta adoo Warwarsan ayaan ogaa bal ii waran ma heshay Warsame ? 

Warsan ayaa tiri sideen Wax kuugu sheegaa Saaxiib Miyaad i rumaysan hadaan ku dhaho iminka isagaan la joogaa?, Weris Hal mar ayuu Wadnuhu dhaqaaqay, Markaas ayay tiri Sidee kuma fahmine. Markaas ayay tiri Haa Saaxiib wuu yimid Imikana waan wada joognaa. Intaa ka dib ayay Weris baa tiri Oky saaxiib keliya inaan Ogaado ayaan rabay sidey wax noqdaen waa ino hadhaw. Warsan ayaa tiri Haye Sxb.

Warda markay Mobeilka dhigtay ayaa waxaad moodaa Cirku inuu ku soo dumay Naxdin yaab iuo u qaadan waa ayaa ku dhacay, hadana wey yara faraxdaa oo Warsame inuu yimid wey rabtaa, marna waxay is leadahay Warsan ayuu u yimid ee Adiga kuuma imaan Maseyr ayaa qabtay.

Labadii jawiga ku jiray Warsame iyo Warsan, Sheeko iyo jacayl ayaa u socda lama kala xiisa dhicin, oo midba midka kale ayuu u sii bogay la joogistiisa. Warsame ayaa wuxuu yiri Aniga waxay iga heysaa ilaa Beri inaan sidaa un kuu daawado Indhaha xataa kaama daalayaan, markaas ayay ku tiri Aniga xitaa la joogaada aad ayaan happy ugu ahay oo waxaad mooda inaan sii jeclaysanaayo agtaada.

Markaas ayay tiri Xabiibi waa Xilli dambe in aan baxo waa muhiim, Markaas ayuu dhahay Fiicnan laheydaa adoo iska sii jooga. Waxay tiri Qaali mar walba waan wada joognaa imika haw bixin. Markaas ayuu dhahay haye Ina mari aa ku kaxeeye.

Intay soo socdeen ayuu dhahay Waxaan rabaa Usbuuc inaan soo dalxiisno see kula tahay ?, Markaas ayay tiri Wey fiicnaan laheyde, mase dhici karto, waayo Aabahey wuu kulul yahay oo iga yeeli maayo ee maxaa talo ah. Markaas ayuu dhahay Hadaan ku Mehersado Warsame sow masuul kaa noqon maayo ?. Intay Dhoola cadaysay ayay tiri Markaas Haa, cidna iguma kaa heysato.

Markaas ayuu yiri Weynu ka wada hadleynaa arinkaas Haye ayay tiri, ka dib guriga ayay soo gashay iyadoo Farxadeeda wax lagu qiyaaso aanay jirin.

Farxada Warsan lama soo koobi karo qolkeda markey timid ayay Ilaahay ka bariday inuu u siyaadiyo Farxadan, ka dib Mobeilkeedi ayay la soo baxday, Weris ayay wacday Markaas ayay ku tiri Saaxiib waxan u maleynaa Samirka inuu aad u Wurux badan yahay, aniga waligey Wiil ii qalma oo wanaagsan maan helin, laakin Warsame ayaa noqday kii aan ku riyoon jiray Caawana Farxadeyda ma maleyn kartid intey la’egtahay.

Weris iyada Hadalkan dhib ayuuba ku hayaa hoosta ayay ka dhibsaneysaa, haddana yaan lagaa dareemin ayay is leedahay oo way ka dhureysaa hadalka. Warsan Saaxiibted wayba ku Nafistaa oo wax walba wey u sheegtaa. 

Weris ayaa tiri Waan arkaa Noloshaada inay iskugu ka toostay, Ilaahey hakuu siyaadiyo, laakin aniga mar walba hadal ayaan kugu soo celiya ah Qofkaan ilaasho aduunka Wax walba wey dhacane, Weris si sarbeeb ah ayay wax u fahan siineysaa Saaxiibteed, laaki Warsan iyadu maba fahamsana hadalka.

Ka dib Warsan ayaa tiri Aniga waxaan uga cabsado ma aqaan aduunka sababto ah Isaguna wuu i jecel yahay, anigana sido kale Marka Inay wax nasoo kala dhex gali doonan uma maleeyo. Weris baa tiri Haa, laakin aniga talo un bey iga tahay.

Warsan ayaa tiri waan seexanaya aad ayaan u yara daalanahay ee waynu soo wada hadlayna xabiibtti. Mobeilkii ayay dhigtay.

Waagu markuu baryay ayey isku diyaarisay Warsan Shaqadii, gaariga ayaa u yimid wayna baxday. intay dhexda sii socotay ayay khadka furtay waxay aragtay inaanu Warsame saaka wax fariin ah u soo dirin intay dhoola cadaysay ayay niyada iska tiri Iminka isagu wuu kula joogaa oo maaha inaad ka fikirto.

Goobtii shaqada markay timid ayey Qolka Xafiiskeeda soo gashay ayaa waxay aragtay Warsame oo Miiska ku dul fadhiya gacantana Ubax ku sida, Markaas ayay aad u dhoola cadeysay, ka dib laabtiisa ayay gashay iyadoo leh saaka waxay iga qaalisan tahay subaxyadi hore sababto ah Wejigaada ayaan arkayaa. 

Markaas ayuu dhahay Anigaba waa ii farxad la joogaaga inaan ku arko xilligan rabo oo Waxba iga kaa xigin. Ka dib waxay ku tiri haddaba shaqo ayaa ii taala ee Orod bax markaas ayuu yiri aniga waxaan ilaalinaya Gacalisadeyda quruxda badan meeshana Ragg ayaa jooga waan Maseeyrayaa. Waxey ku tiri Waxaas iska iloow aayar iska bax. markaas ayuu ku fariistay kursi isagoo leh aniga halkaan ayaan iska joogayaa ee Adigu hawshaada wado.

Wuxuu aad u daawanayay Warsan, iyaduna hawsheeda ayay ku jeeda markay kolba isaga soo yar eegto waxay aragtaa inuu aad u soo eegayo, markaas ayay si xishood leh u sii wadata hawsheeda.

Markii la soo gaaray xilliga Naasashada ayay isku raaceen Cafateriyada markaas ayay tiri Si kaftan ah Hablaha meesha jooga aad ayay kuu soo wada eegayaan Anigan ayaaba caadi u maseeyri raba. Markaas ayuu dhahay Aniga waxba igama gelin ciddii i soo eegta keliya aniga waxaan arkaa Qdiga oo keliya.

Markaa ayuu ku dhahay waan si baxayaa ee Caawa banaanka isku raacryna ogoow, Haye ayay tiri. Markuu tagay ayaa soo wacday Weris iyadoo ku leh Saaxiib guriga wan ku caajisay Caawa inaan banaanka tagno ayaa iga hayso, markaas ayay tiri Saaxiib Warsame ayaan balansanahay ee dhib male waad na raaci doontaa.

Weris markay Maqashay Warsame iyada oo dhan wey is beddeshay, wayna kala badatay Markaa ayay tiri Saaxiib Adi iyo Dumashigey idin ma raaci kare, idinku Waqti iska soo qaata Warsan ayaa tiri dhib male waad na raaceysaa Xabiibti. Weris weyba rabtaa inay raacdo Haye ayeyna tiri.

Weris Waxay sugi kari la’dahay intay arkayso Warsame maalintii oo dhan wey is dhaqeysay sidii Naag Aroos ah, iyadoo kolba intay Muraayada hor is taagto isku leh Caawa ma waxaan soo arkaya Warsame, Wlhi ma rumaysan karo jaanis ayaa isoo maray aanan filayn.

( La soco Qeybta Xigta). 

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.