Guriga markey soo gashay isla markiiba waxa soo wacday Saaxiibteed Weris, oo iska war jecel markaas ayey tiri: Warsan iiga waran xafladdii, markaas ayay tiri: Saaxiibeey wey shidnayd Xafladdu. Weris ayaa ku tiri Wiil lacag leh un ma soo baratay ?. Warsan ayaa ku tiri May, laakin Aniga inaan qof soo barto umaan tegin, anaaba isku mashquulsanaa ee xabiibti waan daalanahay berina Shaqo baa i sugeysa waa inoo beri, Insha Allaah.
Warsan wey iska seexatay, subaxdii ayey soo kacday Salaadi ayey tukatay, ka dib Quraacda gaarigii shaqada ayaa u yimid, weyna fuushay oo shaqadeeda,ayey aaday, Markay noqotay xilliga nasashada ee ayey soo baxday Caffe doonatay, iyadoo Caffetariga fadhisa ayaa u timid Hani oo Maamulka meesha ka mid ah,
waxeyna ku tiri Warsan ii waran see tahay. ayey tiri, waan fiicanahay ayey ugu jawaabtay.
Wey la so fadhiisatay markaas ayaey. Hani tiri shaqada ka waran, mala qabsatay?, Haa ayey tiri Warsan, ka dib waxay ku tiri Maanta Warsaney Arrin baa iga jaa soo gashay, waxa aan rajeynaa inaad iga aqbaali doontid. Markaas ayey tiri: Hadaan awoodo waan kaa aqbali Ii sheeg. Haye ayay tiri wey u bilawday, Waxey tiri:- Walaal xalay Xaflada dhexdeeda ayuu Wiil kaaga helay, ka dib Aniga iyo xaajiga ayuu noo soo Wakiishay ee ka waran?, waxey tiri Isaga muxuu Afkiisa igula hadli waayay intu Idinka ikiin soo dirsanaayo.
Hani ayaa tiri meesha ma joogin, laakin Wardi ayuu vedio Call kula hadlaayay, halkaas ayuu kaa arkay. Markaas ayey tiri Haa Sax inkasto aan xiriir waqti u haynin idinka wejigina ayaan ku aqbalay, waana caadi. Hani ayaa tiri waad Mahadsan tahay waana Wiil fiican anaa hubo.
Ka dib Hani xafiiska ninkeeda ayay tagtay arinki inay dhameysay ayay u sheegtay, Wardi ayaa dhahay: Waan ogaa waxaan kuu diro in aad ku guulaysato, waana si fiican, isagana anaa u sheegi doona i sug, wuu wacay ka dib ayuu u sheegay inay gabarti ogolaatay barashadiisa ka dib lambarkeedaa la siiyay.
Markuu helay lambarkeedii, markiiba fariin ayuu u soo diray iyaduna weli Shaqada ayay joogta, in yar ka dib ayay aragtay fariintii waxeyna u qornryd sidan: Hey Warsan Xalada ka waran wqxaan ahay Wiilkii uu Wardi kuu sheegay, ee uu kugu yiri Wuu kaa helay.
Kadib Warsan wey Aqoonsatay Wiilka markas ayay tiri: Waan Fiicnahay walaal soo dhawoow IlWarsame. Wuxuu yiri: Mahasanid waxaan filayaa iminka inaad joogto Shaqada, iska wado Hawshaada, hadhow ayeynu wada hadli doonaa. markaas ayey tiri Haa Shaqada jogaa, waa inoo hadhoow, In yar ka dib ayuu u soo diray Sawiraantiisa fariintii mey furin oo waxay is tiri Markiiba ha eegin yaan lagu dareemine, hadana intey arkeyso wey sugi kari la’dahay.
Waa Xilli duhur, waana waqtigi ay Guriga tegi laheyd wey soo baxday gaarigi shaqada ayaa soo qaaday Guriga ayay timid, markay qadeysay Qolkeedii ayey tagtay oo Mobeilka ayey soo qaaday fariinti ayay furtay narkey sida u aragtay Wiilka Sawiradiisa, waxey aragtay Wiil Qurux badan oo dooqeeda ah.
Cabaar kolba haku soo dhaweyso sawirka oo si fiican ha u daawato, wuu cajabiyay wiilku, isaguna ii soo dir ayuu dhahay sawiradaada, weyna u dirtay.
Warsan waa inan aad u Qurux badan oo Maasha Allaah ah, isaga xataa wuu la dhacay Quruxdeeda, wuxuuna u soo qoray ma indhihii ku arkay baan Mahad badan u celiyaa, mise Qoyskii Ku dhalaan Mahad badan u celiyaa ?, Kun ka mudan ayaa tahay, durba dareen Awood badan ayaad igu abuurtay Amuurtani, waxaan rajenayaa inaad hanti ii noqon doonto.
Warsan markay aragtay Qoraalkaasi aad ayuu dareenkeedu isku beddelay, waxeyba is tiri Kani waa kii laguu qoray, hadana ma rabto iney is dareen siiso oo Massegka hore ugama jaawabeyso.
Ka dib ayay ku tiri Caadi isku key bar ?.
Markaas ayuu dhahay Ani Warsame ayaa ley yiraahdaa, waxaan ku noolahay Dalka UK, oo aan ka shaqeeyaa, familkaygu waxay joogaan Turki Xilliyada fasaxana waxaan imaadaa Soomaaliya.
Waxey tiri: Anigana aan iska baro Aniga iyo Familkeyga Soomaali ayaan, isla joognaa sida aad ogtahayna waan shaqeeya.
Wuxuu yiri: Dalxiiska see isku tihiin ?, Waan jeclahay, laakin ma Safro oo weli meel ma tegin. Intaas ka dib wuxuu ku yiri: Waan baxayaa, waa inoo Caawa. Iyadana Haye ayay tiri.
Warsan Saaxiibteed ayay wacday si ay ugu sheegto waxa soo kordhay: Hello Naa Weris msanta sheekadii Adduunka ayaan kuu hayaa. Werisa ayaa tiri: Naa maxaa jira ?, Markaas ayey ku tiri: Wiilka Madaxda ka ah meeshan ka shaqeeyo ayaa Saaxiibkii iga helay, ka dib ii soo dirsaday anigana waan Aqbaalay. Weris baa tiri: Naa wey igu socota ii wad sheekada. Ka dib waan is baranay Wiilkii Werisey saaxiib hadaad aragto Waad yaani quruxda, Cadaanta Jirka iyo Cod macaanida.
Weris baa tiri: Wow naa maseyr ayaan dareemayaa, intuu joogaa wiilku ?. Warsan iyadoo hadalkii u sii wada baa tiri: UK, ayuu joogaa, familkiisuna Turki ayey joogaan. Weris waxay tiri: Bal Sawirkiisa ii soo dir dee aan ka eegee. Haye ayey tiri Warsan, weyna u dirtay.
Weris markey aragtay Wiilka wey is celin kari weyday Micnaha iyada xataa dareen bsa galay Mobeilkii ayey demisay meel ayay is taagtay iyado la yaaban aragtidii Sawirka ay aragtay inay ka heshay, Wadnaha aad u garacmaya nafteedi waxey ku leedahay ma waxaad jeclan doontaa Saaxiibtaada Qofkeeda ?.
Saacado ka dib ayey Mobeilkeedii furtay, waxeyna u qortay Warsan Iga raali noqo Dabka ayaa iga dhacay Wiilkuna wuu shidan yahay ilaasho. Warsan ayaa tiri Mahadsanid saaxiib, laakin maxaad ka wadaa Ilaasho ?. Markaas ayay Weris tiri Yaan lagaa Dulqaadin Quruxlowga. Waxay tiri Warsan: Kaftanka naga jooji haddaba saaxiib.
Warsane Fariin ayuu u soo diray Warsan, wuxuuna ku yiri: Habeen wanaagsan Warsan. Markaas ayey u qortay Habeen la mid ah. Ka dib wuxuu dhahay iminka muddo Usbuuc ah ayaan wada soconaa nafteydana wey is bedeshay, mar walba inaan kula hadlo ayaan doonayaa, Adoo raali ah Vedio Call ma kugu soa wici karaa inaan ku arko ayaan rabaa. Waa Caadi ayey tiri, weyna furatay Callka.
( La soco Qeybta Xigta).