Warsan Laba sano ka hor ayay Jaamacad dhameysay, waxa ay leedahay Hal Gabar oo Saaxiib la aheyd oo la yiraahdo Weris, Saxiibtinimadoodu waxey gaarsiisneyd ilaa heer Walaaltinimo.
Warsan waa gabar Shaqo doon ah, maadama ay Guriga iska dhex joogto dhawr meelod ayay ka xaraysatay Shaqo. Ayaamo ka dib waxey heshay Shaqo aad u fiican oo ay iyadu ka heshay, halkii ayeyna ka hawl gashay
Warsan iyadoo Gurigooda joogta bey wacday saaxiibteed Weris oo ay deriis yihiin ii kalaay ayey tiri, weyna u timid Qolka fadhiga ayay fadhiisteen sheeko yar ka dib ayey Warsan tiri Saaxiib Hadiyad ayaan kuu haayay ee hoo iga gudoon
Weris ayaa tiri Saaxiib armad igu ciyaaraysa? Warsan ayaa tiri Adi horta fur oo eeg waxa ku jira. Weris ayaa furtay, mise waa Fargal Dahab ah, Weris ayaa tiri:- Saaxiib hadiyadan maxaad isugu dhibtay waa qaaliye.
Warsan ayaa ku tiri adaa ka qaalisan saaxiib, midda kale Farxad kale ayaan ku hayaa ma Ogtahay inaan Shaqo fiican helay oo hey’ad ka shaqeeyo. Markaas ayey tiri saaxiib waan kuu hambalyeynaa Guushada waa teyda.
Waqtiga ayaa ku dheeraday markaas ayay tiri Weris saaxiib waan tegayaa xaafada ayaan Casho u sameenayaaye waan isla soo hadli doonaa ee Garabkaaga ilaah ha galo, Waxay ku tiri Warsan haye saaxiib markaad tagto guriga massage ii soo qor, Oky ayey tiri Weris.
Warsan 2-Usbuuc ayey shaqadu u mareysaa nolol farxad ah ayay isaga jirtaa, waana Qof kalgacal badan dadka ay iska shaqeyaan ayaa durba u bogay wanaageeda. Iyada oo joogta Xafiiskeeda ayaa waxaa u yimid Mamuulaha Hey’adda, ka dib wuxuu ku yiri: Runtii waxaan arkaa inaad tahay gabar Aqoon fiican leh, una dheer Maskax iyo Wanaag, ee waxaan kuu sheegayaa Caawa Shaqalaha oo dhan xaflad ayaa jirta waxaan rajeynayaa inaad ka sio qeyb geli doonto, waana ii sharaf. Warsan waxey tiri: Wad mahadsan tahay, waana ka soo qayb galayaa Xafladsa Caawa. Wuxuu ku yiri: Waad ku Mahadsan tahay Aqbalaadaada, waa inoo Caawa Insha Allaah.
Warsan markay guriga timid waxay wacday saxiibteed Weris, waxeyna ku tiri Waxaan rabaa inaad suuqa ii raacdo waxaan rabaa dhar inaan soo iibsado, Caawa Xaflad ayaa jirta dadka meesha imaanaya waa VIP, inaan iska dhiso ayaan rabaa ee is diyaari waan ku soo maraa. Weris Haye ayay tiri saaxiib waan ku sugayaa ee soo dhakhso waad ogtahay guriga ayaa hawlo iga haystaane, Warsan ayaa tiri Oky, dhaqso ayaan kuugu imaanaa. Ka dib sidii ayay suuqa ku tageen Dharki iyo Alaabtii ay rabtay ayryna soo iibsatay Warsan, in yar wey soo daaheen oo suuqa ayaa jaam iska ahaa, Xilli Maqrib ayay timid markay guriga timid Showerka ayay gashay, ka dib Make Upkii ayey dhac isku siisay, dharkiina wey xiratay Gaari ayaa u imid weyna baxday.
Goobta Xaflada waxaa iskugu yimid dad caan ah iyo qaar maalqabeeno ah, Xaflad shidan ayey aheyd, ka dib Ninka Maamuulka ah Vedio Call ayuu saaxiibkii kula hadlayaa isago ku leh Saaxiib Caawa adaa meeshan ka maqan, iyagoo sidii u hadlaaya ayaa soo istaagay Gaarigii Warsan waday, ka dib markay lugta dhulka soo dhigtay ayaa waxaa halkaa ka arkay Wiilki Vedio Callka ku jiray, ka dib ayuu sii egay mise waxaa ka sao degtay Gabar geenyo ah oo Ilaahey Qurux u dhameeyay, ka dib Hoolkii ayey soo gashay, wuu arki waayay markaas ayuu ku dhahay saaxiib Gabar aad u Qurux badan ayaan arkee Kac oo soo raadi Wiilkii Maamuulaha ahwa aya yiri: Sideen ku garanayaa Kun hablood ayaa joogee. Markaas ayuu dhahay anaa kula eegiye igu aadi Mobeilka Wiilkii Cabaar markuu socday ayuu Wiilki Callka ku jiray Mar kale Isha ku dhuftay Warsan, markaas ayuu dhahay ssaxiib waatas waan arka, waana gabadha Halkaa taagan ee dharka noocaas xiran. Markuu Mamulaha eegay mise waa Warsan, ka dib wuxuu ku yiri:- Saaxiib Gabadha Shaqaalaha ayey ka mid tahay, waxaana la yiraahdaa Warsan, miyaad ka heshay Saaxiib, kolkaas ayuu ku yiri: Haa saaxib aad iyo aad ayaan uga helay.
Intaas ka dib Wardi oo ah Wiilka Madaxa ka ah hey’adda, ayaa yiri:- Saaxiib anaa ka soo dhameynaaya ee iga war sug, ka dibna Callkii ayuu dhigay. Warsan isha ayay kala socotaa Wiilkani inuu iyada kolba meel u daba socdo, wey yaabtay, iyadoo Miis iska fadhisa oo vedio iska duubeysa ayuu ku dhahay: Hae Warsan ma soo fadhiisan karaa?, markaas ayey tiri Haa Fadhiiso.
Ka dib markuu fadhiistay ayuu ku yiri Ka waran Xaflada maku Caajistay ?, waxey tiri May, wey shidan tahay Xafladdu. ka dib wuxuu weydiyay halka ay deggen tahay ?, weyna u sheegtay haddana wuxu weydiyay Xaas ma tahay mise
May xaas ma ihi ayey tiri.
Iyada markeeda ayey weydisay oo ku tiri: Adigana xaggee deggen tahay ?, isna wuu u sheegay Xaafadiisa. wuxuuna u sheegay inuu Xaasle yahay, xaaskiisana ayey meesha ka wada shaqeeyaan, ayna tahay Maamule ku xigeenka.
Markaas ayey tiri Hani miyaa?, Haa ayuu ku yiri. In yar ka dib iyagoo halkii fadhiya ayaa u timid Hani oo ah Xaaska Wardi, wey soo dhoweeyeen, halkaas ayaana sheeko iyo kaftan leysku weydaarsaday.
Ka dib Warsan talefan ayaa u soo dhacay, wayna Kacday, ka dib Wardi ayaa xaaskiisa Hani ku dhahay: Xabiibtti arrin ayaan rabaa in aan kuu sheego. Heye ayey ku tiri. Maarkaas ayuu dhahay Warsame Wiilka aan saaxiibka aheyn ayaa Caawa ila hadlaayay anago wada hadleyna ayuu arkay Warsan, wuuna ka helay, Anigana waxaan dhahay Anaa ka soo dhameynaayo, iyadana meel aan uga bilaabo ma aqaan ee Adiga ayaa Dumar isku tihiine hawsha iga soo dhamee Markaas ayey tiri Xaaji anaa igu ogtahay arinka.
Xafladi ayaa soo dhamaatay dadkii banaanka ayay u soo baxeen qof walba gaari ayuu raacay, Warsan Taksi ayey dalbatay Iyado sugeysa ayaa waxaa soo hor istaagay Wardi iyo xaaskiisa Hani, markaas ayay dhaheen Warsan waa xilli dambe Inamari aan ku sii kaxeynee. Haye ayey tiri weyna soo raacday, Guriga hortisa ayaa la keenay, weyna u Mahad celisay, guriga ayeyna gashay.
( La soco Qeybta Xigta).
Sheekada Qiimeey Oo Comments noo reeb Mahadsanid