Wuxuu Waqtigu is guroba, waxaa bilowday diyaar garowgii Qaban qaabada Arooska ee Wahbi iyo Warsan, waxaa la diyaariyay dhamaan Warqadihii loogu tala galay ja soo qeybgalka Xafladda, waxaa la diyaariyay Hoolkii lagu dhigi lahaa Xafladda Arooska, wax kasta oo looga baahan yahay in lagu Qurxiyo waa loo diyaariyay, waxaa loo qorsheeyay, Warsan iyo Wahbi waxaa loo qorsheeyay Aroos lala wada Cajiibo in loo dhigo, oo ay taariikhdu ka galaan Baal dahab ah.

Dhanka kale Weris, waxaa soo food saaray Xanuuno aad u fara badan, maadaama ay Bishii Sagaalaad lugaha la gashay, waxa la filaayo keliya waa Foosheeda, waxba ugama harin xilligii foosha. Dhibaatada keliya ay heysatana waa Cidlo ciirsi, haddey soo dhasho ma heysato Hooy ay harsato iyo qof ay weheshato, ileen Gurigooda waa laga soo eryay, Ruuxa keliya ay rajo ka qabtayna waxey aheyd Warsan, iyadana wey soo erisay, waxay hadda weheshataa oo keliya waa Gabdhaha ay Baararka ka wada tuntaan, isla markaasna ay Balwadu wada isticmaalaan.

Warsan iyada waxey ku jirtaa jawi farxadeed, oo waxey ka bixi la’dahay isticmaal Make Up iyo is Naash naash ay ugu diyaar garoobeyso Arooskeeda. Wax walboo ay u baahato waxaa diyaar ula ah oo siineyso Dumashideed Hana iyo Hooyadeed oo Hiil iyo Hoo garab taagan.

Warsan daacadnimadeeda ayey ku gaartay farxadda ay ku naawileyso maanta, waa kaas Labadii Qof ee Qiyaanada ku sameeyay, waxa maanta heysto waan aragnaa iyo dhibaatada la soo gudboonaatay, taas ayaa lagu gartaa qiyaanada iney Horukac laheyn.

Warsame Hooyadiis ayaa loo sheegay Arinta Wiilkeeda iyo inuu Waashay oo Wadoonyinka Warqadaha ka gurbiyo, ayna heysato duruuf aad u adag, oo ay xitaa Noloshiisa halis tahay, waayo isagana ma heysto Wehel iyo Walaal uu garabsado, wuxuuna dawarsadaa wadoyinka, Intaas ka dib hooyadiis waxey tiri: Waan Ogaa markaan Safarka soo ahaa anigoo hooyadiis ah markuu i lahaa Warsan warsan, warsan, in markaasiba ay wax si ka yihiin. Intaas ka dib waxaa isa soo raacay Hooyadiis iyo Wiil ay walaalo yihiin, si ay wax uga qabtaan Arrinta Warsame ee faro ka baxa taagan. 

Hooyada iyo Wiilkeeda ayaa isa soo raacay oo soo doonay Warsame, markey yimaaden ayaa waxey Xaal wareysi u aadeen Guriga Warsan, si ay u helaan Xog ku saabsan Wiilkooda.

Markey yimaadeen Guriga Warsan ayaa ka furtay Albaabka Asma, soo dhoweyn diiran ka dib, waxaa u timid Warsan hooyaded, waxaana dhex maray:- 

Warsame hooyadiis ayaa tiri:- Reerkeyga ii warama, see tihiin ?

Warsan hooyadeed:- Alxamdulilaah aad ayaan u fiicanahay, idinkana iska warama.

Warsame hooyadiis:- Alxamdulilaah waan fiicanahay, ee waxaan u imaanay waxaa naloo soo sheegay Ninkii Warsame ahaa inuu waashay, oo uu magaalada dhex socsocdo.

Warsan hooyadeed:- Waan maqalnay warkaas, dadka un baa sheeg sheegaayay, laakin weli ma arkin Anaga.

Warsame hooyadiis:- Aniga waan filaayay inuu sidan noqonaayo, waayo markaan ayuu aniga oo hooyadiisa ah i lahaa Warsan, Warsan, waa dareemay markaasba inuu wax si ka yahay, bal hadda xaggeen ka heli karnaa Gurigii uu kirada ugu jiray waxaa nala soo yiri ma degena oo mar hore ayuu ka baxay gurigaas. 

Warsan hooyadeed:- Wax war ah kama heyno Wiilkaaga, intaas waxaan maqalnaa halkaas ayuu maraayay, iyo halkaas ayuu fadhiyay, ee dadka iska weydiiyay, wax yaqaan la waayi maayo koleey.

Warsame hooyadiis:- Walaahi waa dhibaayo, dhibaatadan oo dhan waxaa u keentay tii baas ee kala kaxeysay Isaga iyo Warsan, hadduu Warsantiisa la joogi lahaa dhibkaan muusan dhiceen.

Warsan hooyadeed, ayaa jawaabteeda waxey ugu soo koobtay:- Qaddar Eebe ayey aheyd taasi, wax lagama qaban karin.

Intaas ay is wareysanaayeen Labada Hooyo, Warsan waxey ka maqleysay Qolkeeda, wax hadal ahna kuma darsan, oo maba is tusin islaanta Warsame hooyadiis ah.

Wada hadal dheer iyo is xog wareysi badan ka dib Warsame hooyadiis iyo Wiilkeeda wey soo baxeey oo waxey bilaabeen Baadigoobkii Wiilkooda Warsame. Waxey maalintii oo dhan ay magaalada dhex socdaan oo ay dadkana wareystaan iyagoo daalay oo Xilli Duhurnimo ay tahay, Qoraxduna ay aad u kululashahay ayey waxey galeen meel Baar ah si ay uga cabaan Wax qaboow, iyagoo meeshii dhex fadhiya, oo ay wax cabaayaan, ayaa waxaa soo galay Warsame oo dharkii ku jeexjeexmay timihiina ay ku baxeen, oo Shaqaalihii Baarka weydiisanaayo wax uu cabbo, iyaguna ay leeyhiin hadhoow imoow hadda meesha waa la buuxaa naga tag.

Hooyadiisa oo arkeysay waxa Wiilkeeda ku dhacaayo, ayaa Shaqaalihii Baarka waxey ku tiri:- Walaal wuxuu doono sii anaa bixinaayo Qado fiican soo sii Wiilka.

Ka dib Hooyada ayaa Warsame ku tiri:- Kaalay halkaan soo fadhiiso. Markuu la fadhiistay ayaa Warsame iyo Hooyadiis waxaa dhex maray Wareysigaan:- 

Intaas ka dib Hooyada ayaa Warsame ku tiri:- Kaalay halkaan soo fariiso. Markuu la fariistay ayaa Warsame ku tiri Hooyadiis:- Magacaa ?, Kolkaas ayuu ku yiri:- Warsame ayaa ley dhahaa. Hooyada ayaa haddana ku tiri: Aniga ma i taqaanaa ?, Warsame ayaa ku yiri:- Adiga Warsan miyaa?, Hooyo oo yaab ka soo haray ayaa ku tiri Wiilkeeda:- Hooyadaada aaway ?, Wuxuu yiri:- Hooyadeey Turkiga ayey joogtaa. Haddana waxey ku tiri:- Hooyadaa turkiga jirta Magaceed ?, Warsamaa yiri:- Magaceeda waa Hooyo. Magac kale maleh miyaa ayey ku tiri. Warsame baa ku jawaabay Maya magaceeda waa Hooyo Macaan.

Hooyadii intey yaabtay ayey haddana waxey ku tiri:- Guri ma leedahay Adiga ?, Wuxuu ku yiri:- Haa, guri waan leeyahay. Hooyadii baa ku tiri:- Bal Gurigaada aan soo bartee i soo tus, bal ina keen.

Warsame intuu soo kaxeeyay Hooyadii iyo Wiilkii Walaalkiisa ahaa ee la socday Hooyada, marba wuxuu geynaayay meel, isagoo meel kasta dhahaayo Halkaan waa Gurigeyga, oo wuxuu soo wada tusay Derbiyada uu habeenkii Seexdo dhamaan. 

Hooyada iyo Wiilkeeda intey Warsame soo kaxeeyeen, ayaa waxey keeneen Hotelkii ay Deggenaayeen, halkii ayey ku Maryihii xumaa uu watay kaga beddeleen, loo soo qubeeyay, halkaas ayey Dhowr Maalmood ku hayeen.

Dhanka kalena waxaa Abaabul Aroos ka socdo Guriga Warsan, oo soo Arooskeeda ka hassan Laba Usbuuc oo keliya, sidaas darteed waxaa Maanta u timid Warsame hooyadiisa, aad ayaana loo soo dhaweeyay, weji furana waa lagu soo dhaweeyay.

Intaas ka dib waxaa Sheeko dhex martay Labada hooyo, waxaana hadalka bilaabay Warsame hooyadiis, oo tiri:- Ninkii Warsame ahaa waa soo helnay, sida laga sheegaayay waaba Run, Wiilkii Quruxda badnaa oo waxaan aragnay Diifta ka muuqata aad yaabeysid.

Warsan hooyadeed baa tiri:- Alxamdulilaah haddaad soo hesheen waa si fiican.

Warsame hooyadiis baa tiri:- Isagoo aad u dhiban ayaan magaalada ka soo kaxeynay, oo hadda Anaga syuu nala joogaa Alxamdulilaah, balse Wiilka wuxuu u waashay Warsan, ka waran haddii aan Warsan la hadalno, waxaan filaa iney naga Oggolaan doonto.

Warsan hooyadeed baa tiri:- Maya hadda waxba lagama gaaro, waayo Warsan waa la soo doontay, Arooskeena waa Usbuuca dambe, waa la soo doontay, Anaga waan siinay. Warsame hooyadiis oo hadalkaasi aad uga naxday baa tiri:- Oo maxaad Arrintaas ugu Degdegteen, waxaan jeclaa inaan Warsame iyo Warsan aan isku soo celino. Warsan hooyadeed ayaa yiri:- Koleey hadda Warsan waa la bixiyay oo waxba lagama gaaro hadda.

Warsame hooyadiis, hadalkaasi aad ayuu u dhaawacay Qalbigeeda, oo waxaa ku dhacday Afkii baa juuqda gabay, hadalkii ayaaba ku dhegay, sidaas ayeyna Guriga ugu soo baxday, iyadoo aad u niyad jabsan.

Hotelkii markey timid ayaa haddana wiilkii Warsame walaalkiisa ahaa oo meel iska fadhiya, Ag fariisatay oo iyagoo hadalkii u sheegeysa waxey ku tiri:- Hooyo Maanta waxaan aaday Warsan gurigooda waxaana ley soo sheegay, in Warsan Usbuuca dambe la guursanaayo, oo la bixiyay. 

Wiilkii ayaa wuxuu hooyadiisa ku yiri:- Hooyo hadeey sidaas tahay, koleey Warsame waa in gabar loo raadiyo oo loo guuriyo, mayaa yeelay dhibaatadiisa waxey ka soo bilaabatay waa Guurka oo ka xumaaday.

Hooyadii ayaa kolkaas waxey Wiilkeeda ku tiri: Oo yaan u raadinaa, Hablaheeda bal mid ka soo xul oo wanaag oo aan u guurino. 

Wiilkii baa hooyadiis ku yiri:- Hooyo ka waran haddii loo raadiyo Gabadha Habaryar Shamso ee Wiilo, waa gabar fiican oo Qurux badan.

Hooyadii baa tiri:- Walee waa runtaada waan iloowsanaa, Wiilo waa gabar fiican, quruxna wey leedahay, Anaa la hadlaayo walaasheey Shamso Insha Allaah.

Wiilka baa yiri: Haa Hooyo sidaas sameey.

Dhanka kale, Warsan oo qolkeeda ku jirta ayaa waxaa u soo gashay Hooyadeed, waxeyna ku tiri:- Hooyo islaantii Sodohdaada aheyd ayaa ii timid oo igu tiri: Waxaan rabaa inaan Warsan iyo Warsame isku noqdaan, Qalad wuu dhacaa waana laga heshiiyaa, Wiilkeyga Warsan ayuu aad u jecel yahay, aan isku celino. 

Warsan inta hadalka la dhameyn ayey durba soo booday, oo tiri:- Maya Maya, Aniga ma rabo Ninkaas, wax kasta hadey yiraahdaan.

Hooyadeed ayaa ku tiri:- Aniga ayaa u sheegay oo ku iri Warsan waa la soo doontay, Nin ayaana la siiyay, Arooskeedana waa Usbuuca dambe.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.