Warsan Hooyadeed ayaa ku tiri:- Aniga ayaa u sheegay oo ku iri Warsan waa la soo doontay, Nin ayaana la siiyay, Arooskeedana waa Usbuuca dambe. Run ahaantii Warsan, Wadna qabad ayuu ku noqday Warsame, Magaciisa haddeey maqasho Xasaasiyad ayey ka qaadeysaa, oo ifkaba Isaga iyo Weris ayey u neceb tahay, qofkii Magacoda ku soo qaadana waxey u aragtaa Cadowgeeda Koowaad.

Haddaba, Warsame hooyadiisa iyo Wiilkeeda ayaa waxey Qolka fadhiga la galeen Warsame, iyagoo raba iney Wiilkooda u sheekeeyaan si ay Maskaxdiisu u soo laabato, marka hore aad ayey uga fekereen Nadaafadiisa oo dhamaan maryihiin Jeex-jeexnaa wey ka Beddeleen, Timihii isku Xir-xirnaana wey ka jareen, oo wuxuu Warsame u soo muuqaal ekaaday Qof Caadi ah, balse weli Qalbigii ayaa maqan, haddaba, markey qolkii ula fariisteen Hooyada iyo Wiilkeeda ayaa Hooyada waxey Warsame ku tiri:- Warsame Hooyo ii waran maanta see tahay. Kolkaas ayuu ku yiri Waan fiicanahay. Hooyadii ayaa hadana ku tiri: Hooyo Wiilkaan inala jooga ma taqaanaa ?. Wuxuu yiri: Maya intuu ka yimid ?, Haddana hooyada waxey tiri:- Ma taqaan Walaalkaaga Axmed ?. Kolkaas ayuu ku yiri Haa, waan aqaan, sow Turki ma joogo?, Hooyo ayaa ku tiri: Haa Turki ayuu joogaa, oo kan waa isaga, Anigana waxaan ahay Hooyadaa, Turkiga waxaan uga imaanay Adiga dartaada, ee Warsame Wiilkeygiyow waxaan rabaa inaan Gabar ikugu daro, sidee u aragtaa?. Warsame waxaa markiiba qalbigiisa ku soo maaxatay Warsan, dorba wuxuu la soo booday:- Ma Warsan baa, Haa Warsan waan rabaa, waan jeclahay haley doono, laakin iney Ogolaaneyso uma maleeyo, Anaa mar hore Xumeeyay oo wixii dhah ku ciyaaray.

Hooyadii waxaa isla markii indhaheeda buux dhaafiyay illin oo si Xad dhaaf ah, waayo waxa ay soo Xasuusatay inaan Warsan la heli karin, oo Nin la siiyay, Usbuuca dambena ay Aroos tahay, intey wax ay sameyso weysay, ayey ku tiri:- Hooyo Gabar Warsan ka fiican ayaan kugu daraa, oo weliba ka Qurux badan Warsan, see u aragtaa.

Warsame ayaa hooyadiisa ku yiri:- Warsan gabar ka qurux badan ma jirto, Adduunkaba laga heli maayo ee Warsan haleey doono.

Warsame xataa waxaa la hadlay Walaalkiisa dhan kasta hadeey wax uga sheegeen, waa lagu daalay oo Warsan waxaan ahryn Afkiisa waa laga waaye. Hooyadiisa waxey laheyd Allow Sahal Amuuraha, wax ma Oga Wiilkeyga Warsame,hadduu Ogaan lahaa sida gurigaas looga neceb yahay Warsan magaceda lagama maqli laheyn.

Maalintaas oo dhan Warsame waa lagu daalay oo hadalka si looga dhaadhiciyo ayaa la waayay, wuxuu hadalkiisa oo dhan ku soo koobay, Warsan Gabar aan aheyn dhuunteyda kama degeyso.

Intaas ka dib Hooyada iyo Wiilkeedaba waxey go’aansadeen iney Wiilkooda Warsame ay u kaxeeyaan Dalka Turkiga, maadaama uu yahay Qof xanuunsan, oo aan halkan u joogin cid ay ku haleyn karaan Noloshiisa. Muddo gaaban dabadeed wey is wada raaceen, iyagoo weliba aan Macsalaameynin Warsan iyo Reerkooda, oo ay aad uga xun yihiin, sida ay ku sameeyen Wiilkood Warsame.

Wuxuu waqtigu is guroba, maanta waxaa aad u xanuunsaneysa waa Gabadhii Weris aheyd, iyadoo la soo gaaray Xilligii ay dhaleysay, Hablihii ay la nooleed ayaa u soo kaxeeyay Dhaqtarka, baaritaan dheer ka dib, waxey dhaqaatiirtu sheegeen in la taagan yahay Xilligii dhalidda oo aan la sugi karin, maxaa yeelay inta guriga lagu haayay ayey soo dhameesatay Xilligii Sugidda Foosha, isla markiiba Qolkii dhalida ayaa la geliyay, dhawr daqiiqad ka dibna wey dhashay, Gabar ayey Umushay, waxeyna ugu magac dartay Saaxiibadeed hore ee Warsan, iyadoo uga Beerlaxowsaneysa oo ay isleedahay Armaad Caawinaad uga heshaa.

Hablihii la socday ayaa haddana soo kaxeeyay oo Gurigooda keenay, maadaama ay guri kale heysan Weris, Reerkoodaba ay soo buriyeen.

Dhinaca kalena, Waxaa Shan maalin oo keliya ka dhiman Arooskii Warsan iyo Wahbi, waxaa aad uga socdo Labada Reerba Tabaabushihii Arooska. Hana iyo Ninkeeda Wardi waxey balan ku qaadeen Warsan iyo Wahbi in loo dhiho Aroos ay Umaddu la yaabto xataa la soo diyaariyay Kooxdii Musigga garaaceysay Xafladda, oo dhan kasta Xafladaan looma kala harin, waa Xaflad aad iyo aad loogu xiiso qabo, waayo Dadka oo fan waxey la socdeen sida Warsan loo galay Arooskeeda hore iyo Foolxumadii loo geystay.

Warsan waxaa loo soo sheegay Saaxiibteeda hore Weris iney Gabar dhashay, isla markaana ay tiri Saaxiibadeey Warsan ayaan ku Samiyay, loona bixiyay Warsan.

Warsan intey Qososhay ayey tiri:- Xataa hadey dhasho 20gabdho oo ay Warsan u bixiso, wax igama gelin Aniga lagama yaabo inaan u soo Calool debco, Aiga qofkii Hal mar wax i yeelo, waxaan uga Aargoostaa 100 jeer, weligeey iloobi maayo qoftaas waxey i yeeshay.

Bini’aada war kama dhamaado, warkii inta la soo qaaday ayaa Weris loo keenay, oo lagu yiri: Warsan waxey ku tiri:- Waaba hal gabaree haddeey dhashi laheyd 20gabdhood, marna laga yaabo inaan u soo Calool debco, Hal mar qofkii wax i yeelo, 100jeer ayaan uga Aar goostaa. Ayey ku tiri Ogoow Weriseey.

Weris ayaa waxey ugu jawaabtay:- Dhib maleh waxey i tiraahdo, kuma dayanaayo Aniga, waayo waan Ogahay inaan Aniga Saaxiibteey Qalbigeeda dhaawacay, taasna wax qoran ayey aheyd, xaq ayey u leedahay Wax kastooy i tiraahdo, ileen anaa Xumaaday oo xumeeyay Saaxiibadeey.

Waa Xilli Aroorimo, Warsame, Hooyadiis iyo Walaalkiis, waxey Safar u yihiin Dalka Turkiga, si qumaati ah ayey uga duuleen Garoonka diyaaradaha, si heer Sare ahna wey ku samo tageen Turkiga.

Isla Usbuucii Warsame hooyadiis ayaa durba waxey Warsame ugu raadisay gabadhii ay dhashay Walaasheed. Markey wada kulmeen Labadii Hooyo, Salaan dabadeed, waxaa dhex martay doodan:- 

Warsame Hooyadiis:- Shamso ii waran see tahay?, Caruurta see kuu yihiin ?.

Shamso:- Abaayo waan fiicanahay dhamaan Alxamdulilaah, maata waad soo dheeraatay bal waran maxaa Cusub?.

Warsame hooyadiis:- Maanta waxaan kuugu imid Arrin, taasoo ah Wiilkeyga Warsame ayaa waad Ogtahay iney kala tageen Gabadhii uu qabay, sidaas darteed waxaan rabaa inaan u guurino Gabadheyda Wiilo, arrintaas sidee u aragtaa ?.

Shamso:- Taas ma xuma ee waxaa igu maqaal ah Wiilkaaga Warsame inuu waashay, sidee ruux waalsn loogu Amini karaa Gabar ?.

Warsame hooyadiis:- Waa runtaada, taasi duruuf un ayey aheyd, balse hadda sidii wuu ka wanaagsan yahay Warsame, adaa Arki doono. 

Shamso:- Waa yahay waan eegeynaa oo waxa la socodsiinaa Aabaheed, isna bal wuxuu ka yiraahdo waan arki doonaa.

Warsame hooyadiis:- Waa tahay, Adiga ayaan kaa war sugaa.

Shamso:- Waa yahay isla berito anaa arrinta kula soo socodsiin doona.

Warsame hooyadiis:- Insha Allaah, waa yahay Kheer ilaah haka dhigo.

Shamso:- Aamiin, Insha Alaah Kheyr ayey noqoneysaa. 

Warsame hooyadiis markey soo baxday ayaa Hooyo Shamse waxey u yeertay Gabadheeda Wiilo, oo ay Arrintii u soo bandhigtay, wuxuuna kulankoodu u fhacay sida tan:-

Hooyo Shamso:- Wiilo Hooyo waad Arkeysay waxaa ii timid Habar yartaada, waxeyna u timid Arrin, taasoo Adiga ayey kula rabtaa Wiilkeeda Warsame, ee Gabadheydiyeey sidee u aragtaa Arrintaas ?

Wiilo:- Hooyo Wiilkeeda Warsame sow maaha kii Waashay ?

Hooyo Shamso:- Haa waa isaga, laakin waxey leedahay waa la daaweeyay sidii hore maaha hadda wuu fiicnaaday.

Wiilo:- Hooyo Aniga kaas waan ka baqaa, hadii habeennimo anigoo hurda i Merjiyo maxaan sameynaa, Hooyo Aniga kaas ma rabo, waan ka baqaa ma Guursanaayo.

Hooyo Shamso:- Hooyo hadda ma sidaasaad leedahay?.

Wiilo:- Haa Hooyo Aniga waan ka baqaa, Nin waalan nafteyda kuma Amii karo.

Hooyo Shamso:- Waa tahay hooyo aniga ayaa u sheegaayo, Insha Allaah.

Hooyo Shamso:- Isla Habeenkii waxey telka ka wacday Walaasheed, waxaana dhex maray:- 

Warsame hooyadiis:- Hello, waa kuma ?.

Shamso:- Waa Aniga Shamso, see tahay Abaayo?

Warsame hooyadiisa:- Alxamdulilaah, waan fiicanahay, ee Xaaladda ka waran.

Shamso:- Anagana aad baan u wacanahay, ee waxaan kuu sheegi lahaa Gabadheydii Wiilo aheyd Arrintii waan la docod siiyay, waxeyna leedahay Waan ka baqaa Wiilkaa, Nafsadeyda kuma Amini karo.

Warsame hooyadiis:- Maya, hadda sidii hore ma aha, Alxamdulilaah wuu fiicnaaday, anaa mar soo kaxeynaayo, bsl ifinkuba arka.

Shamso:- Koleey Gabadhii waxey leedahay Aniga waan ka baqaa, hadduu i dilo habeen Anoo iska jiifa yaa ka masuul ah?, maadaama ay gabadhii ka baqeyso, waxaa ila wanaagsan inaan iska dhaafno Arrintaas.

Haddaba, Arrintii Warsame ee gabadhii loo doonay, halkaas ayey ku burburtay, habeen dambena waxaa leysku diyaarinayaa Arooskii Warsan iyo Wahbi, bal waan arki doonaa sida ay u dhacdo iyadana.

(La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.