Waa Xilli habeenimo, waxaa Dukaameysi u aaday Suuqda Wardi iyo Xaaskiisa Hana, maadaama uu ku soo fool leeyahay Aroos, xagooda aad ugu qiimo badan, waa Gabadhii ay Wanaaga ku soo xusheen ee Warsan iyo Hana Walaalkeeda Wahbi, durbadiiba markey Suuqda soo galeen, waxey indhahoda qabteen Ninkii Warsame ahaa, oo dhinacooda soo istaagay, kuna leh:- Walaalayaal wax i siiya Maanta ma Qadeynin, Caawana weli ma Casheen, haddaad wax i dhaantaan wax i siiya, Adduunka un baa wax leys taraa.

Intaas ka dib Wardi oo aad uga naxay ayaa wuxuu ku yiri:- Warsame sow ma tihid Saaxiib, maxaa kugu dhacay Saaxiboow, isbeddelkaan kaa muuqda xaggee buu kaaga yimid?. Warsame Maskaxdii ayaa maqan oo Dadka ma kaka fahmaayo, hadalkii uu Wardi yirina waxba ugama uusan jawaabin ee wuu ka aamusay. 

Wardi iyo Xaaskiisa Hana, naxdin ayaa ka soo haray, ileen waa Shaqsi ay Wanaag ku soo barteen, maantana aad u dhibaateysan, weliba iyaga soo mutay iney wax siiyaan, ileen Adduunyadu marba waa Ceyn, oo wey wejiyo badan tahay, Qofki maanta wax heysta, Berito ayuu weyn karaa, intaas ka dib Warsane wey soo kaxeeyeen, oo Baar meesha ku taal ayey geliyeen, oo ay ka soo Casho siiyeen, ka dibna ka soo kaxeeyay oo ay Dukaan meesha ku yaal intey geliyeen, Dhar Cusub u soo iibiyeen, dharkii uu watayna ka beddeleen.

Intaas markey u qabteen ayey weydiiyeen Gurigiisa halka uu ku yaalo, wuuna garan waayay, ileen waa ruux marba meeshii ka hor timaado iska seexda, Wahbi wuxuu Xaaskiisa ku yiri:- Hana Gacaliso Warsame waa Ninkii Wanaagga badnaa, ee guriga armaan geynaa Caawa?. 

Hana oo aad uga xanaaqday warkaas ayaa tiri: Gacaliye warkaas mar kale yaan lagaa maqlin, waayo Warsan haddeey gurigeena timaado oo ay Ninkaan ku aragto, sidee u qaadaneysaa?. Wardi baa ku yiri: Gacaliso Warsan anaa la hadlaayo, oo si deggen wax ugu sheegaayo. Hana ayaa Afka furatay oo Wardi ku tiri:- War Wardi ma,waalan tahay adiga, Ninkaan maxaa kaa galay Afaarahiisa ?, mise Suuqda waan kaaga tagnaa Caawa. 

Wardi oo arkay iney Xaaskiisa xanaaqday baa si beer laxowsi ah ku yiri:- Gacaliso iga raali noqo, haddii uu gadalkeygu ku dhibay, waayo Aniga wanaag raadis un baan ahaa, Warsame oo sidaan diifta uga muqato ayuu damiirkeygu i siin waayay inaan halkaan uga tagno, balse waa Adduun iyo xaalkiisa, ina kaxee waa xili dambe, ee aan aadno Xaafadeenii.

Hana iyo Wardi markey xaafadoodii yimaaden ayaa Wardi waxaa Maskaxdiisa ka weynaatay, Ninkii Warsame ahaa iyo Caawa sida ay ku soo arkeen, Wardi in yar ka dib waxa ay indhihiisa soo buux dhaafiyeen illin fara badan, Xaaskiisa Hana ayaa dejisay oo ay u muujisay dhibaatada heysata Saaxiibkiisa ay sida xad dhaafka ah u saameysay isaga.

Haddaba, Warsan iyo Walaasheed Asma iyagana Xalay markey ka soo laabteen Suuqa oo ay gurigooda yimaadeen ayaa Asma waxey tiri:- Hooyo Caawa Suuqa waxaan ku soo aragnay Warsame oo Waalan, oo diif aad u xun ka muuqata wejigiisa, Hadaad aragtid Caloosha dhan wey ku hureysaa.

Asma intaan hadalka dhameysanba, Warsan ayaa ka daftay oo ku tiri:- Caloosha maxaa i hurinaayo Ninkii sida aan ogaa u jeclaa oo wax kasta aan dartiisa u sameyn jiray, hadana sidii foosha xumeed ii galay, miyaan ka naxaa?

Asma ayaa Warsan ku tiri:- Waa gabadheena Aabaheed, waa qasab inaan dhibkiisa ka wada damqano, hadduu markaas uu xumaa, maanta inaga ayuu nooga baahan yahay Garab, waayo Duruuf adag ayaa heysato maanta, in kastoo Calafkiinu dhamaaday, haddana ma haboona in leyska Aar goosto.

Warsan ayaa xanaaqday oo Afka furutay, waxeyna tiri:- Naayaa Asma waryaa hadalkas ma joojineysaa, mise guriga waan kaaga tagaa?, maxaa maanta ku daba dhigay Ninkas Afaarahiisa ?. Hooyadood waxey ku tiri:- War hooy Ninkaas hadalkiisa naga daayaa, ilaah baa ina dhaafiyay Sharkiisa, sidaas darteed hadalkiisaba naga daaya, ma wanaagsana in wax laga sheego ruux aan kula joogin, hadduu Waashay iyo hadduu fiyow yahayba yeelkadii.

Weris Uurkeeda magaaladii oo dhan ayuu ku shaac baxay, xitaa Caruurta yar yar ayaa Og Uurkeeda, waxey mareysaa bishii gabagabada oo waxa keliya la sugaayaba waa xilliga ay dhali doonto, talo wey ku xun tahay, waxaa u sii dheer Cidlo ciirsi oo ma heysato maanta Cid ay garabsato, qoftii u wanaagsaneydna waa tii ay iyadu xumeysay, balse maanta waxa ay isleedahay Warsan sidee ayaad ku raali gelisaa, ileen maanta qofka kuugu soo dhow ee aad Naxriis ka rajeyn kartid waa iyada, wey fikirtay oo waxey go’aansatay iney Warsan Walaasheed Asma ay u wacdo, oo ay fariin ugu farto, sidii ayeyna sameysay.

Weris waxey Telka ka wacday Asma, Nasiib wanaag Asma ayaa ka qabatay, waxeyna ku tiri:- Hello Asma waan ku Salaamay Walaalo.

Asma ayaa ugu jawaabtay:- Waan kaa qaaday Walaalo, (waxeyna u raacisay) waa tuma ?. Weris ayaa Cod deggen oo Cabsi ku jira ku tiri: Waa Aniga Weris, see tahay Walaalo?. Asma ayaa taleefanka dibadda ula soo baxday, maadaama ay la fadhisay Warsan, kolkaas ayey ku tiri:- Haye Weris maxaa daran maanta, waa Adigii Reerka Xumeeyay?. Weris ayaa ugu war celisay:- Walaalo waxaas wey qornaayeen oo Qaddar Eebe ayuu ahaa, Sheydaana wuu iga adkaaday, mana jecleyn inaan Saaxiibadey godob ka galo, weyse dhacday, taas waxaan Reerka oo dhan, iyo gaar ahaan Saaxiibadeey Warsan waan idinka Raali gelinaa, Qalad aad u weyn ayaan idinka galay, waxaanse maanta Codsanaa in ilaaheey dartiisa leyga raali ahaado, Saaxiibadeey Warsana ay Ilaah dartiis igu Cafiso, maanta Anaa dhibane ah oo idiin baahan, garabna idinka rabo.

Asma ayaa tiri:- Weris walaalo maxaa dhib ah oo jira, oo aan garab kaa siinaa?. Weris baa ku tiri:- Waad maqasheen ayaan filaa waxa igu dhacay iyo dhibaatada ila soo deristay, balse Warsan makaa ag dhowdahay hadda?. Asma oo ka baqeysa iney ku xanaaqdo walaasheed ayaa waxey ku tiri: Maya hadda ma joogto, balse anaa u sheegaayo Fariintaada. Weris baa tiri:- Maya Berto ayaan soo wacayaa ee ha iga qabayo Telka, iguna Salaan iyada iyo Hooyo. Asma baa tiri:- Waa yahay Walaalo.

Asma markey wada hadleen iyada iyo Weris, ka dib Asma waxey u timid Warsan, oo ay ku tiri:- Warsaneey Qofta i soo wacday ee aan la hadlaayay waxey aheyd Weris oo aad u Ooyeysa, waxeyna igu tiri Hooyo iyo Warsan igu Salaan, una sheeg Warsan waxaan soo wacaa Berito Insha Allaah.

Warsan ayaa hadalkii qaadatay oo tiri:- Weli miyaad Warsame iyo Weris warkooda iga daba wadaa, War Asmooy maad ka joogtid, mise waxaad rabtaa inaan guriga dartaada uga tago.

Asma ayaa u jawaabtay oo tiri:- Abaay iga raali ahoow, hadeey arrintu sidaas tahay, Anigana daacadnimo ayaan wax kuuhu sheegay, Adigana Dhanka xumaanta ayaad wax ka eegeysaa, Bal raali iga ahoow Waan kaa gardaranahay.

Warsan ayaa tiri:- Walaaleey miyaad iloowday kuwaas, dhibaatadeyda noo geysteen, dhiig ma lihid miyaa kuwii Aniga i xumeeyay, Adigana Ogoow iney ku dhaafeynin.

Asma baa tiri:- Waan Ogahay Walaasheey, bal waxaan rabay aniga kula socodsiiyo arintaasi.

Waa Xilli habeenimo, Wardi iyo Xaaskiis Hana ayaa waxey ka wada xaajoodeen, Arrintii Arooska ee Weris iyo Wahbi, Hana ayaa waxey ku tiri Xaajigeeda Wardi:- Xabiibi xaggeen Arrin ka bilownaa ileen waxaa nagu soo fool leh Aroos.

Wardi ayaa ku jawaabay:- Waan Ogahay Xubbi ee Warsan aan u yeerno oo Arrinta iyadana aan la socodsiino, si ay iyadana fikradeeda nala wadaagto.

Hana ayaa ku tiri Gacaliyaheeda:- Waa si fiican ee Warsan ayaan u wacaa si ay berito inoogu timaado oo aan Arinta isla meel dhigno.

Waxaa la soo gaaray, Xilligii ay Weris telka kula balantay Warsan, goor ay tahay Xilli barqo ah, saacaduna ay sheegeyso 10ka barqanomo ayaa, waxaa soo dhacay Taleefanka Warsan, wey eegtay Warsan, meysan garan lambarka, oo wey ka qabatay, waxeyna ku tiri:- Hello, Weris ayaa ugu jawaabtay:- Hello Warsan ii waran see tahay?. Warsan baa tiri: Yaa waaye. Weris ayaa iyadana ku tiri:- Waa aniga Weris. 

Warsan baa tiri: Heedhe maxaa i kaa daba dhigay, weli ma i daba socotaa?, Walaaleey iska key daa, oo i Nabadgeli haddaad gabar Muslimad ah tahay, sidaan kuu Nabadgeliyay ii Nabadgeli.

Weris baa tiri:- Walaaleey Warsan sidaas ha dhihin, Adduunku Qalad wuu dhacaa, waana laga noqdaa oo leys Cafiyaa, Bini’aadan baan ahay Qaladna waan kaa galay, maantana anaa Cafis ku weydiisanaa, oo iga raali noqo ku leeyahay, waxaan Qaldamin waa ilaah, balse Anaga Bini’aadan ayaan nahay oo waan Qaldameynaa, sidaasi darteed Xaqaaga waa kan maanta i heysta, oo aan Maanta u soo mutay hoostaada, ee Walaaleey Raali iga noqo ilaaheey raali hakaa noqdee.

Intey Warsan hadleysay waa qolka soo gashay oo soo Ag fariisatay Hooyadeed, oo hadalka Warsan ka maqleysay Qolkeeda, kolkaas ayey si hoos ku tiri Warsan:- Yaa waaye waxa kula hadlaayo?, Warsan iyadana si hoose ayey ugu jawaabtay, oo waxey ku tiri:- Waa weris, waxey leedahay iga Raali ahow. Hooyadeeda ayee ku titi haddana:- Waxaad ku tiraahdaa Raali waan kaa nahay, laakin mar dambe hana soo gaarin.

Intaas ka dib, Warsan ayaa ku tiri:- Raali waan kaa nahay, laakin mar dambe hana soo gaarin, waayo is Aminkii wuu dhamaaday, qof kasta goobtiisa ilaah haku baryo.

Weris baa hadana tiri:- Warsaneey waxaan filaa inaad maqashay dhibta i soo gaartay, maanta waxaan fadhiyaa Cidlo ciirsi ee makuu imaan karaa Walaaleey, Adigoo il Naxriiseed igu eegaaya, waayo meel kale oo aan maanta Naxariis ka raadiyo ma jirto, xataa Reerkeyga wey i soo buriyeen.

Warsan baa tiri:- Waan maqlay Arribtaada, balse Wax kama qaban karo, waayo hadda ma awoodo inaan ku iraahdo noo imoow, waayo kalsoonidii ayaa dhamaatay, wXa keliya aan kuu Awoodo waa inaan kuu duceey, waxaana ku leeyahay ilaaheey hakuu fududeeyo walaal. 

Warsan markey taleefankii iska dhigtay waxaa durbadiiba soo dhacay, isla taleefankeeda, markey qabatay mise waa Hana, waxaana dhex martay:- Hello Warsan ii waran see tahay. Warsan ayaa ugu jawaabtay:- Waan fiicanahay Alxamdulilaah.

Salaan ka dib waxaa lagu wada balamay iney Warsan Galabta wada kulmaan oo ay guriga ugu timaado Hana, si waxyaabo oo Arooska looga baahan yahay isula falanqeeyaan ama ay isla meel shigaan.

Isla galabtiiba Warsan iyo Hana iyo Ninkeeda, wey wada kulmeey, Wada hadal dheer ka dib

Wey isku waafaqeen dhamaan Arrimihii Shirka looga wada hadlay

(La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.