Warsan markey Gutigooda timid, waxey isla markiiba wada kulmeen Hooyadeed oo daaradda fadhisay, kolkaas ayey u timid oo la soo fariisatay, waxaana dhex maray:-
Hooyo:- Warsan Hooyo ii waran, Casumaadda ma hadda ayaad ka soo baxday.
Warsan:- Haa Hooyo hadda ayaa Baabuur leygu keenay, oo ilaa sidii markiiba gurigaas ayaan joogay, oo casumaad Heer Sare ah ayey ii sameeyeen, si fiicanna wey ii soo dhoweeyeen oona ii Sharfeen.
Hooyo:- Maasha Allaah waa Reer Wanaagsan.
Warsan:- Haa Hooyo waa Maamulayaashii Shaqadeena, waana Mudane iyo Marwo is qaba, weliba Aniga aad ayey ii ixtiraamaan.
Hooyo:- Maasha Allaah Hooyo sideey kuu Sharfaan iyagana ilaah ha u Sharfo.
Warsan:- Laakin Hooyo waxaa jirto Arrinta ay Maanta, igu Casuumeen ayaa waxey tahay, Arrin Aroos.
Hooyo:- Arrin Aroos oo sidee ah hooyo.
Warsan:- Gabadha i Casuuntay waxaa la yiraahdaa Hana, iyada ayaa igu tiri: Warsaney waxaan rabaa inaan Walaalkeeyga iga yar, aan kugu darsado, maadaama aad tahay gabar Sharaf iyo Aqlaaq wacan, sidaas darteed ayaa waxaan go’aansaday inaan Walaalkey kuu guuriyo, isla markaasna aan Aroos fiican kuu dhigo, Aniga ayaana ka Masuul ah, Walaalkeey wixii kaaga yimaada.
Hooyo:- Haye Warsan ka waran hee Arrintaas maxaad ku tiri Adiga ?.
Warsan:- Hooyo Wada hadal dheer ka dib waan ka Aqbalay.
Hooyo:- Ma Xuma oo adiga ayaa Aqoon u leh Qofta, haddii ay wax dhibaato ah nooga imaan doonin, sidii kii hore waa si fiican.
Warsan:- Insha Allaah hooyo wax dhib ah ma dhici doonaan, waa Reer aad u Wanaagsan oo aan aad ugu kalsoonahay.
Hana iyadana markey gurigeda geysay warsan oo ay gurigeeda ku soo laabatay, waxey Tel u dirtay Walaalkeeda Wahbi, si ay ula socodsiiso Arrintan ku soo korortay Reerka, iyadoo ka codsatay inuu Gutiga ugu yimaado.
Wahbi si degdeg ayuu ugu yimid Walaashiis Hana, maadaana ay tahay Walaashiis ka weyn isla markaasina ay ka mudan tahay Ixtiraan iyo Sharaf. Wahbi markuu guriga yimid ee uu la kulmay Walaashiisa Hana, waxaa dhex maray:-
Hana:- Wahbiyoow Aboowe waxaan maanta kuu wacay Arrin Farxad ah oo aan rajeynaayo inaad iga Aqbali doontid, taasoo ah go’aan aan Aniga soo gaaray, oo aan doonaayo inaan adiga kuugu dhiso Mustaqbalkaaga.
Wahbi:- Koleey go’aan aad Adiga ii soo goysay kaa diifi maayee, bal Wax iiga sheeg Arrinta maxey tahay?.
Hana:- Waxaan rabaa inaan kuu guuriyo gabar aad u fiican oo Aqlaaq wacan leh, Aniga ayaa kula jeclaaday, maadaama aad tahay Adiga Wiil aad u deggen, waxaan hubaa iney kuu qalanto gabadhaan, run ahaantii anaa kula soo jeclaaday, wixii Kharash ahna anaa diyaar kula ah oo garabkaaga taagan.
Wahbi:- Waxba kama qabo, mar haddii Adiga ii soo doortay, waan kugu kalsoonahay Walaashey, waxaas soo goysid waxba kama qabo.
Hana:- Maasha Allaah, waad ku Mahadsan tahay sida Sharafta leh aad iiga aqbashay Arrintaasi, Anigana waxaan kuu balan qaadaa inaan Waxba kaa Hagran oo aan kuu dhigo Aroos lala yaabo.
Sidaas ayey ku wada sheekeysteen Hana iyo Wahbi, waxeyna isku waafaqeen, iney diyaar garow sameeyaan, sidoo Arrintaas loo Hirgelin lahaa.
Warsan iyadana waxey arrintii la wadaagtay Walaasheeda Asma oo ay la socodsiisay Arrinta soo korortay, Asma iyadana aad ayey ugu faraxday Arrintaas, aad ayeyna ugu dhiiri gelisay Walaasheed.
Waa Xilli galabnimo Warsan iyo Asma waxey isku raaceen Magaalada si ay uga soo Suuqeystaan, ileen Warsan ayaa waxey bilowday u Diyaar garowga Arooskeda, waayo Saaxiibadeedii ay wax kasta kala tashaneysay ee Weris wey kala fogaadeen, balse hadda Saaxiib iyo Walaalba waxaa u ah Asma, oo u buuxisay booskii Weris. Warsan iyo Asma Suuqdii sidii ay u galeen Galavnimadii, waxey ka soo baxeen Maqrib iyo Cishe dhexdooda, Warsan ayaa waxey soo iibsaneysay Adeeg fara badan,kolkeey Adeegii soo dhameysteen, ayey u soo huleeleen dhankii iyo guriga.
Warsan iyo Asma oo Taksi Suuqda ka soo qaadanaaya, kolkeey Taksiga soo fuuleenba waxaa dariishadda ka arkeen Warsame oo Garkii ku baxay, timihiina Raameysteen, diifta iyo dhibaatada ka muuqatana aad yaabeyso, Asma ayaa aragtay oo Warsan ku tiri: Warsan iyo Asma oo Taksi Suuqda ka soo qaadanaaya, kolkeey Taksiga soo fuuleenba waxaa dariishadda ka arkeen Warsame oo Garkii ku baxay, timihiina Raameysteen, diifta iyo dhibaatada ka muuqatana aad yaabeyso, Asma ayaa aragtay oo Warsan ku tiri:-
Warsan Abaayo Ninka halkaas taagan ma taqaan ?.
Warsan ayaa ugu jawaabtay oo tiri:- Haa sow kii maaha?, Duligaan miyaa u dambeeyay ?, Wallee waa Adduunyo iyo Xaalkiis.
Asma ayaa tiri:- Wlhi markaan arko Caloosha ayaa i hurta, siduu ahaa iyo siduu noqday, Wejigaada Ruux ku aminay lama qiyaano, dhibkaas ka muuqda maanta Ciyaal suuqdii Weris ayaa u sabab ah, bal arag Sharaftuu lahaa iyo sida ay u bshdishay Maanta.
Warsan ayaa tiri:- Asma Walaaleey waxaasi wey dhamaadeen ee naga beddel warkaas, isagey u taalaa.
Intaas ka dib Warsan iyo Asma waxey ku soo laabteen gurigooda. Isla markiiba waxey la kulmeen Hooyadood, oo ku tiri:- Haye bal warama, maxaad soo iibiseen maanta Casarki sidaad u baxdeen waxaad ku soo gaarteen Cishihii, bal waxaad keenteen i tusa bal.
Warsan ayaan uga war bixisay dhammaan inta shey ay soo iibiyeen, iyo Hadiyado ay ugu soo tala gasheen Hooyadeed iyo Gabadhii yareed ee Warsan dhashay.
Weris iyada wey u bareertay Tumashada iyo isticmaalka Daroogada iyo Qamriga, har iyo habeen kama baxdo goobaha Tumashada, waxey caan ka noqotay meel kasta oo lagu kulmo tumasho iyo Isticmaalka Daroogada, waxey leedahay Saaxiib aan lagu iyadoo kale ah ay ku bahoobeen isticmaalka Daroogada, labadooda waxaa is tustay Balwada ay wada isticmaalaan, waxey in muddo ah wada socdaanba Weris waxaa la soo dersay Xanuun aan la garaneyn waxa uu yahay, muddo ka dib waxaa la geeyay Dhaqtar si loogu sameeyo baaritaan, Baaritaan dheer ka dib waxaa la ogaaday Weris iney Uur leedahay.
Weris Reerkeed markey ogaadeen Arrintaasi, waxey yiraahdeen waxba nagama gelin, iyada ayey u taalaa, anaga Gabar Qamri cab ah nama sheegato, Wacalkeeda meeshey rsbto hala aado, Anaga gurigeena Wacal ma soo galo, meeshii ay kala timid ha geyso.
Weris marka loo sheegay Natiijada iyo iney Uur qabto ayaa waxey isla maalintiiba fariin u dirtay Saaxiibkeeda, wuxuu is lahaa malaha qorsho ayey kuu heysaa bal u tag, si dhaqsi ah ayuu ugu yimid, isagoo leh:- Haye Xabiibto ii waran maxaa Cusub, xaaladda sow Caadi maaha?, bal iiga waran Xanuunki see ka noqotay ?. Kolkaas ayey ku tiri:- Saaxib war ma jiro, dhaqtarka ayaan aaday, Warqaddana waa tan, waxaa leyga soo sheegay Uur, ee Saaxiib Arrintaas Ogoow, waxaan kuu soo wacayba waa Arrintaas inaan kula socodsiiyo.
Isla markiiba, wuxuu ku bilaabay Sheeko kale, wuxuuna ku yiri:- War runta ka hadal waxaas ma jiree. Kolkaas ayey ku tiri:- Warqada waa tan Akhriso, ma hadda ayaad rabtaa inaad igu boodid (Inkirtid).
Intuu ku yiri: Waxaas war soconaayo maahee, wax kale ma heysaa?. (Ka dib ayuu ka tegay, iyadoo leh:- Saabiixoow maxaad ka wadaa warkaas?, ma waxaad igu inkireysaa Ubadka aad adiga igu beertay, adigoo weliba Og, inta aan isla soo marnay).
Hadal wuxuu ugu soo koobay:- Saaxiibeey Aniga keliya iguma koobneen, waad ogtahay in Qof kastoo Lacag ku siiyo inaad guriggisa u raaci jirta, haddaad Aniga igu koobnaan laheyd wax kale ayeyba ahaan laheyd, ee Weriseey raadi kii kugu beeray, koleey waad garaneysaa Adiga. (Intaas ka dib wuu baxay).
Waxaa warkii gaaray Warsan oo loo sheegay iney Saaxiibteeda Weris leedahay Uur aan Aabe laheyn, isla markaasna Gurigooda laga soo eryay, maantana ay fadhiso Cidlo ciirsi.
Warsan waxey tiri:- Waxaan hadda ku dhacay, wuu yar yahay, oo wax ka weyn ayaanba ka filaayey Aniga, Cuqubadii ay iga gashay ilaah wuu ka soo saaray maanta, koleey Aniga wax kale dhihi maayo, waxaanse leeyahay Dhibka ilaaheey haka qaado.
Weris iyada waxaa ku soo kordhay Murugo fara badan iyo Fikir xad dhaaf ah, waayo ma heysato Cid ay weheshato, oo Reerkeedii wey soo eryeen, had iyo jeer waxaa Qalbigeeda ka dhex guuxaayo, Alla haddaan Saaxiibteey Warsan aan xumeyn laheyn, maanta iyada ayaa garabsan lahaa, Alla haddaan tan filaayo iney dhaceyso Warsan ma xumeeyeen, Alla wehel ayey ii aheyd, Farxadeyda ayey ka talineysay, weligeed waxey iila garab joogtay Hiil iyo Hoo, damiir xumideyda ayaa Ceebtaan ii keentay, Sheydaan ayaan isku dhiibay, meel aan Naxriis oolin ayaan Nolol ka raadiyay, maanta Shalaay waxba iima taro, ilaahoow Dembigeyga Cafi oo Ceebteyda astur.
Warsame isaguna dhibka heysta ayaaba ka tan badan, oo Maskaxdiisii ayaa maqan, Afkiisa hadalka keliya uu karo waa Warsan, Erey kale waa laga la’yahay, maba is Oga Xaaladiisa sidey tahay, Waddooyi ka ayuu sidii Askartii ku dhex gaardiyaa, mar ay Caruurta ku Ciyaaraan iyo waa mar uu isaga Maskaxdiisa la ciyaaro oo wuxuu noqday Lama Miire, Anagana waxaan leenahay ilaahey Dhibka haka qaado.
( La soco Qeybta Xigta).