Warsame wuxuu bilaabay keli isla hadal iyo dhul Xarxariiqid, oo waxaa laga dareemaa inuu soo weeraray Cudurkii waalida, oo qofkuu arko Rag iyo Dumarba, wuxuu ugu yeeraa Magacii Warsan, dadka qaar ee aan aqoon u laheyn waxey is weydiiyaan Warsanta uu sheegayo maxey tahay, ma isagoo qabo mise waa Walaashiis, Saakaba hooyadiis oo safar ah ayaa ugu timid macsalaameyn, markey albaabka qolkiisa soo istaagtay iyadoon weli bilaabin ayuu kaga hor tagay Warsan intee u socotaa Xabiibti ?.

Hooyadii baa waxey ku tiri:- Warsantaada maahee Waa Aniga ee hadda ayaan baxayaa Macsalaama. Kolkaas ayuu ku yiri: Warsaney sidaan miyaad igaga tageysaa, sow ma ogid inaan weli ku jeclahay, Xabiibti wax kasta wey dhacaan iga raali noqo wixii aan ku yeelay, waxey ahaayeen Qaddar ilaah.

Maamada ayaa ku tiri: War balaayo kugu dhacdayee, waa maxay waxaad ku hadleysid, Warsan meesha ma joogto, weyna ku nacday ee Afkaaga ka dhowr Gabadhaas Miskiinada ah, hakaa Nabad gasho.

Intuu gacanta qabsaday Hooyadiis ayuu dhunkasho kala dhacay, isagoo leh:- Warsan Aniga weligeey ku iloobi maayo, Warsaneey waan ku jeclahay, Warsaneey la’aantaada ma Noolaan karo, Nolosheyda ayaa tahay, Macaan dhibka ha igu eegin mar un ii naxriiso.

Hooyada waxey xaqiiqsatay Wiolkeeda inuu waashay oo uusan caadi aheyn, kolkaas ayey ku tiri:- Hooyo maxaa ku helay maanta miyaad xanuunsaneysaa?, waa maxa waxa aad ku hadleysid ?, Warsan meesha ma joogtee ee Hooyo bal is deji.

Sidii ayey Warsame hooyadiisa ugu Safartay Dalka Turkiga, iyadoo aad uga Naxsan dhibka ka muuqda, Wiilkeeda Warsame, iyo sida aan arrintiisa wax looga qaban karin, waayo dhibka uu Warsan u geystay ma ahan wax loogu dulqaadan karo.

Dhinaca kalena Waa Xilli habeennimo, weliba waa Xilli dambe, waa 4ta xiliga aadaanka Salaadda Subax, Weris waxey ka soo baxday Clubka tumashada iyadoo aad u Saqraansan, waxey soo qaadatay Taksi, waxey Xilligaas soo Cago dhigatay Albaabka Gabadhii ay saaxiibka ahaayeen oo ay Ninka ka xoogtay ee Warsan. Durabadiiba waxaa Dood iyo Dagaal dhex maray Iyada iyo Darawalkii Taksiga, maxaa yeelay waxey Tsksiga soo fuushay iyada oo aan jeebkeeda waxba ku jirin, ka dib Taksiilihii wuxuu weydiistay Lacagtiisa, iyadana, waxey leedahay Lacagta waa leyga soo jeebsiibay, Boorsada ayey iigu jirtay, hada markaan eegsyna,waxba kuma jiraan ee Aboowe mar kale ayaan ku siinaa hadda iga raali noqo, Talsiilagana wuxuu leeyahay halkaan gurigaada sow maaha, Gurigaada iga sii lacagteyda. iyadana waxey leedagay halkan gurigeyga maaha, waxaa deggen Gabar aan Saaxiibo nahay.

Taksiilihii iyo Weris oo Buuqa iyo Dagaalkooda socda ayaa waxaa Guriga dhexdiisa ka maqleysay, Warsan hooyadeed, markiiba waxaa soo kacday Warsan, ka dib ayey ku tiri Hooyadeed:- Warsaneey wax neesha ka buuqaayo sow tii Weris ahryd maaha?, Warsan ayaa ugu jawaabtay:- Haa Hooyo waa iyada maxaa halkaan keenay xilligaan ?, Warsan baa tiri:- Ma naqaan hooyo ee ka aamus balaayada hana dhaaftee.

Weris iyo Taksiilihii ayaa Dagaalkoodu aad u weynaaday, oo Taksiilaha wuxuu ku leeyahay Dharka ayaan kaa siibaa, haddaad lacagteyda i siinin. Iyadana waxey leedahay Walaaloow wax ma haayi hadda, waa leyga soo dhacay waxaan heystay. Taksiilihii markuu maaro u waayay ee uu lacagtiisa ka soo saari waayay ayaa wuxuu ku dhegay Dharkii ay xirneed Weris, isagoo damacsan inuu ka siibo dharka, ka dib ayaa haddana intuu iska daaysy ayuu garaacay Albaabka guriga Warsan, Warsan iyo hooyadeeda oo soo jeeday ayaa waxey ku yiraahdeen:- Yaa waaye waxa Albaabka garaacaayo ?, Taksiilihii ayaa ku yiri:- Waa Aniga Walaalayaal gabadhaan ma taqaaniin?. Warsan ayaa Dibadda u soo baxday oo tiri:- Gabadha yaa waaye?, Weris oo Taksiga saaran ayaa soo qeylisay oo soo tiri:- Warsan Xabiibti waa Aniga Weris ee abaayo Ninkaan igala hadla. Ninkii baa Warsan ku yiri:- Walaaleey Waxaan ka soo qaaday Meel Baar ah iyadoo Qamro Cabsan, markaan inta keenay ayaa waxey i leedahay Lacag ma haayo, waa leyga soo dhacay Lacagtaan heystay.

Warsan intey yaabtay ayey Taksiilihii waxey ku tiri:- Walaaloow waan ku baryaa Waxaan naga fogee yey Sumcadda noogu ciyaarin, Wax Qamri Cabbo ma naqaanee, Wasaqdeeda naga fagoo.

Weris oo Warsan hadalkeeda ka maqleysay Taksiga dhexdiisa, ayaa Cod dheer waxey ku tiri:- Naa Warsaneey ma Anigaad sidaas i leedahay?, Warsan baa ku tiri:- Naa magaca hanaga wasaqeynine, Orod raadso Asaagaa.

Taksiilihii markey Warsan intaas ku tiri ayuu soo kaxeeyay oo siduu u soo waday Saldhiga Booliska geeyay, una sheegay sidey wax u dhaceen, sidaas ayaa iyadana lagu xiray.

Waa Xilli Galabnimo, Warsan iyo Walaasheeda Asma ayaa waxey Dukaameysi u aadeen Magaalada si ay Warsan gabadheeda yar ay ugu iibiyaan Shoping, iyagoo magaalada dhex jooga ayaa waxey Warsan is arkeen Hana oo ah Wardi Xaaskiisa, Salaan ka dib, waxaa dhex maray Sheekadaan:- 

Hana:- Ii Waran Warsan see tahay, waxaan maqlay Shil ayaad gashay, mana ku soo raadin waan ceeboobay walaal.

Warsan:- Dhib maleh walaal, Alxamdulilaah ilaah wuu na Badbaadiyay, waan u fiicanahay.

Hana:- Waan maqlay xaaladaada, inuu kii aad kuu xumeeyay, laakin ilaah baa Mahad leh oo Shartiisa ku dhaafiyay, xataa Wardi wuxuu yiraahdaa Warsan, uma qalmin Warsan, laakin qaladka anaa lahaa oo Is barashadooda sabab u ahaa.

Warsan:- Micno maleh, Alxamdulilaah hadda ilaaheey ayaan kaas i dhaafiyay, hadda waxaa la lahaa wuu Waashay, tii uu qabayna waxey baratay Qamri iyo Balwad Suuqda ayey gashay

Hana:- Waa Run habeen dhexdaas Aniga iyo Wardi ayaa waxaan ku soo aragnay Hotel halkaas iyada iyo Nin oo isku Dhegdhegaayo.

Warsan:- Habeen horena iyadoo Qamri cabsan ayey Taksi soo raacday oo gurigeena keentay, itada iyo Taksiilihii oo ku dheggen, isagoo leh Lacagtryda i sii, iyadana ay leedahay Wax ma heysto, Aniga ayaan u soo baxay oo ku iri Buuqiina halkaas la aada.

Sheeko gaaban ka dib, Hana ayaa tiri:- Warsan waan kuu baahanahay, oo waxaan rabaa inaan mar wada sheekeysano Aniga iyo Adiga maku heli karaa ?. Warsan baa tiri:- Waa Caadi waad i heli kartaa Walaal mar kasta.

Intaas ka dib wey wada balameen, weyna isa Macsalaameeyeen.

Warsan iyo Walaasheed Asma, markey guriga ku soo laabteen, Warsan waxaa Maskaxdeeda ka guuxaayay hadalkii ay laheyd Hana, ee ahaa:- Warsaneey waan kuu bahanahay ee Goormaan ku heli karaa oo aan Aniga iyo Adiga wada sheekeysanaa, oo waxey Warsan is laheyd:- Haddana ma waxey rabaan Hana iyo Ninkeeda Wardi iney kii Alla i dhaafiyay ii soo celiyaan?. Wallee taas dhici meyso mar kale, mar i dage Alla ha dago. (Ayey Warsan Nafteeda ku Canaananeysay).

Warsame isaga xaggiisa talo faro wey ka baxday oo wuxuu bilaabay inuu Wadooyinka ka Qeyliyo iyo Har iyo habeenka wuxuu Afka ku haayaa Warsan, Warsan, Warsan, Qofkasta oo Waddada maraayo wuxuu ku leeyahay Warsan ma aragtay ama Warsan meel iigu sheeg Walaal. Mararka qaarna Caruurta ayaa ku ciyaaro oo waxey leeyihiin ereyo ay ka mid yihiin (Wuu Waalan yahay, Jiniyuu qabaa), iyagoo weliba Dhagxaan la dhacaayo.

Hana, iyadu markey gurigeeda timid oo ay in yar nasatay ayey Ninkeeda u yeertay, waxeyna wada fariisteen Qolkii fadhiga, iyagoo talo isku darsanaaya. Ugu horeyn Hana ayaa Wardi waxey ku tiri:- Wardiyoow maanta waxaan Magaalada isku soo aragnay Gabadhii Warsan aheyn oo aad u Qurux badnaatay, halkaas ayey Nuunaheeda yar uga Adeegeysay, waan wada Sheekeysanay, Maasha Allaah Gabadhaas waxaan la jeclaaday Walaalkeey iga yar ee Wahbi, sidee u aragtaa haddaan ku daro Walaalkeey. Wardi baa ugu jawaabay:- Waa fikir aad u fiican, waayo Warsan waa gabar ilaah siiyay Qurux iyo Asluub wanaagsan, wax kastana wey u qalantaa. Hana ayaa tiri:- Bal talo keen ma u doonaa mise iyada ayaan u yeernaa marka hore oo aan arrinta la socodsiinaa?. Wardi wuxuu yiri:- Waan u yeereynaa, oo iyada ayaan marka hore kala tashaneynaa, koleey Warsan wax naga diidi meyso, oo aad ayey noo ixtiraamtaa.

Intaas ka dib Hana iyo Wardi waxey go’aan ku gaareen iney Warsan Casumaan maalinta jimcaha maadaama ay tahay maalin fasax ah oo Shaqada laga nasanaayo, si ay uga wada hadlaan Mowduucii ay Hana soo bandhigtay.

Weris Shan maalmood ayey xirneed, ka dib waa la soo daayay, iyadoo Diif iyo Dandarro wejigeeda ka muuqdo, aad ayey u dareentay kaalintii ay u heysay Warsan, maanra Weris Nolosheeda ayaa Khal-khal ku jirto, waayo waxey deris la noqotay Qamri iyo Daroogo, har iyo habeen kama baxdo Baararka tumashada oo waxey Caan ka noqotay Meel kasta oo ay ku kulmaan, kuwa Xumaanta u saaxiibka ah.

Waa maalin Jimco ah, waa maalintii, lagu balansanaa Gutiga Hana iyo Gacaliyeheeda Wardi, waxaa Qado sharaf loo sameeyay Gabadhii Aqlaaqda wacnerd ee Warsan, waxa loo diyaariyay wax kasta oo lagu Sharfo Ruux ixtiraam mudan. Warsan markey ka soo degtay waday oo ay Albaabka guriga Hana soo istaagtay waxey la kulantay soo dhoweyn diiran, Weji faraxsan iyo Qalbi furan. Intaas ka dib Warsan waxaa lagu soo dhoweeyay Qolkii Fadhiga.

Sheeko ay farxadi ku dheehan tahay ka dib, waxaa la soo gaaray Xilligii Qadada, waxaa Miiska Gees ilaa Gees wada buuxiyay Cunto Nooc kasta ah, weliba kuwa loogu tala galay Masuuliyiinta Sar-sare, si Heer Sare ayaa loo wada Qadeeyay, Farxadda, Kaftanka iyo Qosolkaba wey is daba socdeen.

Qadada markey dhamaatay in yar ka dib, waxaa leysugu yimid Fadhigii Shirka iyo Mowduucii maanta ee ahaa Warsan in lagu qalqaaliyo Hana Walaalkeed, haddaba waxaa Hadalka furtay Hana oo iyada soo balansatay Warsan, waxeyna hadalkeeda ku bilowday:- 

Warsan horta waad ku Mahadsan tahay Aqbalka aad iga Aqbashay Casumaadeyda, teeda kale waxaan maanta kula soo balamay, waxaan rabaa inaan Mowduuc aan aniga wato oo dhankaagana ah inaan kula wadaago, maadaama aad tahay Gabar aan Wanaag iyo Sharaf ku bartay, isla markaasina aad ii soo jiidatay Dabeecada, iyo Dhaqan wanaagaada, sidaas darteed waxaan aad jecleystay inaan Walaalkeey iga yar aan kugu daro, run ahaantii waa Wiil aan filaayo inaad is dahmi doontaan, waayo isagana waa kula mid waa Wiil aad u deggen, isla markaasina Aniga ayaa Masuul kaaga noqonaaya wixii Cilad ah ee dhankiisa kaaga yimaada, wax kastoo aad jeceshahayna waa laguu sameynaa, waxaana kuu balan qaadaa inaan Aroos weyn oo la Mahdiyo kuu dhigo. Sidaasi darteed waxaan jeclahay inaad iga Aqbashid Codsigeyga.

Warsan ayaa hadalkii qaadatay oo tiri:- Run ahaantii Anigaba aad ayaan idin ixtiraamaa Adiga iyo Seygaada Wardi, in kastoo uu Wardi kii hore Guyrkiisa uu isaga sabab u ahaa. 

Inteysan hadalkeeda dhameysan waxaa soo booday Wardi oo Warsan ku yiri:- Waa runtaa Warsama, waana xaqiiq inaan Aniga sabab u ahaa, balse Ninka waxaan ku ogaa Wanaag faea badan, mana is laheyn Warsane ayaa waxaan ku suuroobaan, in kastoo ay Qaddarta Eebe gooni tahay, isla markaasi waan kaa raali gelinaa Warsaneey Kun iyo koow jeer, laakiin Arooskaan hadda aan kula rabno ayaa kuugu Abaal gudeynaa, wixii godob hore lagaa galay.

Warsan ayaa tiri:- Calaa kulli Xaal maadaama aad Codsigaas hadda iila timideen, ma yihiin kuwo aan War ku celin jaro, waayo aad ayaan idiin ixtiraamaa, sidaas darteed, Walaasheey Hana Codsigaada waan kaa aqbalay, walow aad Xilkaasi Adiga qaaday oo Masuuliyadiisa madaxa saaratay, war kugu soo celin maayo, waan kaa Aqbalay.

Hana iyo Wardi aad ayey uga Mahad celiyeen Warsan, sida Sharafta iyo ixtiraamka ku jiro ay uga aqbashay Codsigooda. Intaas ka dib Casariya ayaa la Cunay oo la wada cabay, ka dib Warsan Baabuur ayaa lagu qaaday oo Gurigooda ayaa la geeyay. 

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.