Warsame talo ayaa ku xumaatay, meel uu wax ka bilaabo ayuu garan la’ yahay, Maskaxdiisa waxaa ka guuxayo Warsan, sidee ku qancisaa, waa Adigii Xumeeyay iyadoo si daacad ah kuu jecel, ifkana Adiga mooyee Cid kale iyadoon aqoon, weliba Adiga uun kuu Uur nugul, waa Anigii si bareer ah Xumaan aan gambasho laheyn u geystay, Weris waa tan iyada Umaddii dhammaan igu dirtay, weliba xumaanteeda dadka oo dhan wada Ogsoon, maantana waa iyada darteed waxa leygu wada nacay, waa iyada waxa Hooyadeey iyo Asxaabteyda igu diray, waa iyada Sharafteyda waxa dhaawacay, waana iyada waxa maanta Cidlo ciirsiga i baday.
Warsame markuu intaasi uu ku Canaantay Naftiisa, ayuu wuxuu go’aansaday inuu raadiyo Hooyadiisa oo joogta Guriga Warsan, wuu soo baxay Nafsadiisa wuu soo biimeeyay, balse wuxuu is leeyahay Reerkaas armaad dhibaato kala soo kulantaa, wuxuu soo socdaba gurigii ayuu yimid, isla markiiba Albaabka ayuu soo garaacay, Asma ayaa tiri:- Yaa waaye?, kolkaas ayuu ku yiri:- Waa Aniga Warsame. Hooyadiisa oo maqleysay ayaa ku soo qeylisay, iyadoo leh: War Balaayo kugu dhacdaye, maxaa Agteyda ku keenay?. Kolkaas ayuu ku yiri: Hooyo adiga ayaan ku rabaa inaan kula hadlo, mar ii soo bax. Hooyadii ayaa ku yiri:- War kuu soo bixi maayee, orod Dhoocishii xuneyd aad qabtay u aad iyada ayaan kugu Ogahay. Warsamaa yiri: Hooyo sidaas maahee, Arrintaas ayaan War kaaga wadaa, mar keliya ii soo bax.
Isagoo Albaabka kagala hadlaayo Hooyadiisa ayaa waxaa Codkiisa Guriga ka maqashay Warsan, intey Xanaaqday ayey Cod dheer ku tiri:- Waryaa Ciyaal suuqyahoow asaagaaga raadso, ee mar dambe yaan ku arkin Adigoo Albaabkaas taagan, orod raadso wixii kula garaado Damiirlaawe yahoow.
Warsame intuu codkeeda ku naxay ayuu horey u soo Cararay, isagoon Hooyadiisa xataa aan la soo hadlin. Gurigiisa ayuu yimid isaga oo yaaban, oo qalbiga iska leh:- Warsamow ma sidaan baa kuu dambeysay, waxaad Nolol raaxo leh soo aragtid, maanta ma waxaad la’dahay Saaxiib kula damqada oo dhibaatada aad kagala tashatid, Warsamow sidaan talo maahee Armaad qurbahaaga isaga laabataa.
Isagoo gurigiisa iska dhex fadhiga oo xataa uusan heysan Wax Qadada u kariya, ayaa taleefankiisa soo dhacay, wuu qabtay, mise waa Saaxiibkiisa Wardi, Salaan ka dib, Wardi baa yiri:- Warsane Saaxiboow bal iska waran?. Warsame ayaa ugu jawaabay:- Saaxiboow maxaan kuu waramaa, bal mar ii imoow oo dhibaatadan i heysato ila xalo. Wardi baa yiri: Waxaa maxay dhibka ku heysta ?, Warsamaa yiri:- Waad ogtahay Saaxibow ha igu jeesjeesin ee ila tali sidee Warsan ula heshiin karaa ?.
Wardi baa yiri:- Saaxiib Warsan iyo Adiga dhexdiina waxba ma yaalee, Gabadhaas ka leexo dhib yar uma aadan geysan, wixii fool xumaa ee aad ku sameysan miyaad iloowday Saaxibow, horta Aniga Been kuu sheegi maayo Warsan Weji aan ugula hor tago ma haayo, waayo markii horeba Anaa soo baryey iyada oo Nin iyo Baddiisaba ku jirin, Codsigeygana si Sharaf leh ayey iiga aqbashay, ka dib waa Adigii u geystay xumaantii la wada Ogaa, sidaas darteed Saaxibow Gabadhaas Weji aan ugula hortago oon ku iraahdo Warsame ayaan kuu soo celinaa iguma yaal, ee waxaa adiga sameyn laheyd Adigey kuu taal.
Warsi wuxuu intaa sii raaciyay: Arrintaan xataa Xaaskeyga Hana waan la socodsiiyay, iyadana Eedda dhankaaga ayey soo saartay, weliba aad ayey uga xun tahay wixii foolxumaa ee aad Adigu sameysay, waan dadaalay xataa waan ku iri Arrintaan ila dhameey, waxey Af buuxo igu tiri:- Warsame warkiisaba ha igu soo qaadsin, waayo haddaan maqlo Xasaasiyo ayaan ka qaadaa.
Warsame baa yiri: Saaxibow sida talo maahee bal Xal ila raadiya, Aniga qaladkeyga waan qirtay, waana qaatay Eediina, mar dambana dhici meyso tan oo kale, ee markaas dhibka yaan leygu eegin, Warsan waan jeclahay haleyla heshiisiiyo, xataa waxaan bixinaa Xaal marin, Dahab waxey dalbato ayaan u iibinaa.
Wardi wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay oo uu ku yiri Warsame: Saaxibow hada waxba lagama gaaro, talo faraha wey baxday, Adiga ayaana u sabab ahaa, Aniga Warsan weji aan kula hadlo ma haayo, iga raali noqo.
Warsame oo yaaban oo guriga iska fadhiya ayaa waxaa u timid Hooyadiisa, waxeyna ku tiri:- War heedhe maad xishootid, gurigaas maxaa kaa yaalo, Reerkaas gabadhooda ayaad soo xumeysay, Reerka oo lagaa wada jecel yahay Adiga ayaa soo xumeysay, bal maxaa maanta ku keenay Gurigooda?. Wuxuu ugu jawaabay Warsame:- Hooyo waxaan kuu waday War Farxad leh, oo aan rabay inaad farxadaasi ila qeybsatid. Hooyadii baa ku tiri: Waa maxay farxadda aad sheegeysid?, kolkaas ayuu ku yiri:- Hooyo Weris waa furay Warqadiina waa tan, Hoo Aqri.
Maamada Warqaddii ayey aragtay iyo in la soo furay Weris, kolkaas ayey ku tiri:- Wax fiican ayaad sameysay, mar hadaad Balaayadii iska furtay, ilaah kuuma soo celiyo taasi.
Warsame syaa soo booday oo hooyadiisa ku yiri:- Hooyo hadda maxaa talo ah, Warsan xaalkeeda, sideen u dejinaa, koley wey adag tahay Arintaas waa hubaayee, sidee wax loo xalin karaa ?. Hooyadiisa ayaa ku yiri: Heedhe Warsan Warkeeda haba soo qaadin, Adduunka Adiga ayey kuu neceb tahay, ee mar dambe Albaabkooda ha soo istaagin, waxaa Suurta gal ah in dhibaato lagugu soo gaarsiiyo, waxaan la hadlaa Hooyaded, waa arki doonaa Xaalka siduu noqdo.
Warsame waxaa soo weeraray Jaceylki uu u qaaday maalintey is baran jireen Warsan, mid ka baaxad weyn, har iyo habeen wuxuu ku Cataabaa:- Alla Doqonsaniyaa, Gabadhi aan ifka ka doortay ee aan darteeda Dalka u imid, ilaaheey wuu ii sahlay, balse maxaa i soo dhigay Balaayadan baas ee Nolosheyda iyo farxadeyda ku ciyaartay, darteedana ay igu wada naceen dhammaan Ehelka iyo Asxaabta, bal hadda waxaaba iiga sii daran Warsan, naceybka ay ii qaaday, cid ila xallin kartaa ma jirto oo aan Allaah ka aheyn, ee ilaahow waad i aragtaa maanta dhibaatada iga heysato jaceylka aan Warsan u qabo dartiis, taasna anaa u sabab ahaa, oo godob weyn ka galay, ee Rabbiyow Raxmaanow jaceylkeyga Warsan Qalbigeeda ii soo jeedi, haddaan ka fiirsan lahaa, maanta Cidla ciirsi kumaan jireen.
Xilli Aroornimo ayaa Warsame hooyadiis timid gurigii ay waayadaanba joogi jirtay ee guriga Warsan, waxey ugu horeyn is arkeen Warsan hooyadeed oo xilligaas Reerka u diyaarisay Qaxwihii iyo Quraacdii, Salaan iyo bariidin ka dib Warsame hooyadiisa ayaa tiri:- ii warama xalay maxaad ku barideen?, Warsan hooyaded baa tiri:- Nabad iyo kheyr, (waxeyna u raacisay Xalay waad soo dhaxdaye xaggee aaday?). Warsane hooyadiisa baa tiri:- Balaaya qanihii Warsame ahaa sow ima waalin, Naagtii ayey kala tageen, oo Warqadeedii buu i tusay, aad baan ugu farxad taas furiinkeeda, balse hadda wuxuuba i leeyahay Hooyo Warsan Qalad baan ka galay, inaan ku noqdana waan rabaa waxey rabto oo Xaal marin ahna waan siinaa.
Warsan Hooyadeed ayaa intey Cirka u booday ku tiri Warsame hooyadiis:- Warkaas haba naloo sheegin, waayo gabadheyda xanuun xoog leh ayey soo martay, haddana Warkaan hadey maqasho wax ka weyn ayaa imaanaayo, ee Gabadheyda Wiilkaaga ha ii Nabad geliyo, waad ogtahay Wiilkaaga Sharafta buu kaga ciyaaray Gabadheyda, markii hore ayaan ku soo qaldanay, mar dambe dhici meyso taas oo kale, Shartiisa ha ina dhaafo.
Warsame hooyadiis ayaa tiri:- Anigaba waan ku iri taas, waayo wax fiican ma uusan sameynin, Aniga Wiilkeyga inasta uu yahay, misana raali ku noqon maayo inuu dulmiyo Gabar Sharaf leh oo misana isaga Nafsadeeda ku Aamintay, walley ka tahay weligiis heli maayo Gabar Warsan oo kale, weligiisna ka bixi maayo Ciqaabta Caashaqa ee maanta heysata.
Warsame wuxuu rajo ka filaayay Hooyadiisa, Hooyadana markey guriga timid isagoo aad u faraxsan ayuu u soo orday hooyadiisa, weliba isagoo leh:- Hooyo kheer sheeg mala soo Oggolaaday Warsan ?. Hooyada oo qosleysa ayaa ku tiri:- Reerka wey ku soo diideen, mana ku rabaan, waayo adiga ayaa hore Reerka u soo dhaawacay, Warsame waad ogtahay, sida foosha xun aad ku sameysay Gabadhooda oo sida aadka Adiga kuu jecleed. Sidaa awgeed hadda adkeyso Wiilkeygiyow, Anigana Berito waxaan ahay Safar oo waxaan ku noqonaa Turkiga, Adigana Kheerka ilaah haku Waafajiyo.
Warsame waxaa la soo dersay Niyad jab kii ugu weynaa, Cirka iyo dhulka ayaa ku Ciriiriyoobay, Rajadii ugu weyneyd ee uu ka lahaa Hooyadiis ayaa soo Gabagabowday, Asxaabtiisana horey ayey ugu soo yiraahdeen Arrintaan waxba kama qaban kano, Fikir iyo Oohin ayuu Deris la noqday Warsame, waxaa ku sii kordhay jaceylkii uu u qabay Warsan, mana heysto Cid ku saacidda helitaanka mar labaad ee Warsan.
Wuxuu waqtigu is guroba Weris Suuqi ayaa ku xumaaday, Ceebteeda ayaa meel walba lagu sheegaa, waxey isku dhiibtay Balwad iyo yamashita, haddaba goor ay tahay habeenimo ayaa Weris oo la socota Wiil ay isku barteen isticmaalka Balwadda, isla markaana ay Saaxiibo yihiin ayaa waxey tumasho u aadeen meel Hotel oo lagu Caweeyo, iyaga oo halkaas ku wada Caweynaaya oo Musik Jazz ku wada ciyaaraaya, ayaa waxaa meesha soo galay Wardi iyo Xaaskiisa Hana oo ay u yimaadeen iney ka Casheeyaan Hotelka, Wardi Xaaskiisa ayaa aragtay Weris oo Wiil kula Ciyaareysa meel hortooda ah, kolkaas ayey ku tiri :- Wardiyow Gacaliye qoftaas sow tii uu qabay Warsame maaha?, Wardi baa yiri: Haa waa iyada. Hana ayaa tiri: Bal eeg sida xishood darada ah oo ay Wiilku ugu dhegen tahay, maxey sidaas ugu dhageysaa ma isagaa qabo, Wallee Warsame wuu inkaarnaa.
Wardi baa yiri:-Gacaliso kaas warkiisa naga daa waa Doqon aan dantiisa Ogeyn, gabadhii sharafta iyo ixtiraamka badneyd siduu u galay waad Ogeyd, qoftaan aad arkeyso ee aan Xishoodka laheyn ayuu ka doortay, bal waa kaas maanta haka saarto isagana, inuu waasho ayaa wax yar uga dhiman, haddaad aragtid sida uu noqday.
Weris waxey Hoteelkii ka soo baxday Xilli dambe ee habeenkii, iyagoo soo wada tuntay, Qamri iyo Balwad oo dhan la soo isticmaalay, haddaba iyada oo Qamriga ka soo badatay ayaa waxey soo xusuusisay Saaxiibadeeda Warsan, intey Taksi soo qaadatay, ayey Wiilkii la socday ku tiri:- Saaxiibadeey ayaan u aadaa ee Gacaliye Nabadeey, waa inoo mar kale, Taksigii wuxuu soo socdaba Aakhirkii wuxuu soo dhigay Albaabka guriga Warsan.
(La soco Qeybta kale).