Waxey Arrintu sidaa ahaataba, kolkuu waagu dilaacay, oo ay Xilli Subaxnimo qof walibana uu u foofo Arzaaqada Rabbi raadinteeda, bal maanta Warsame muxuu qorshihiisu yahay, oo uu is leeyahay bal Hawl maalmeedkaada soo qabso ?.

Xilli Aroornimo ayuu soo toosay, isagoon Hawl kale qaban, dhankii Suuliga ayuu u dhaqaaqay, kolkuu howlihiisa ka soo dhameystay oo uu soo Qubeystay, ayuu Lebiskiisii isku taagay, isagoo aad moodin Ruux meel Xaflad ah laga Casuumay oo kale, Barafuunka iyo Uduga kale ee ka soo Udgaaya warkiisaba daa, Xarakada iyo sida uu isku walaaqaayo aay yaabeysid ayuu isagoo Albaabka ka bixi raba Weris ku tiri:- Xaaji Saaka halkee u kalahday ee aad isku Walwalaaqeysaa ?. Intuu si qumaati u eegay ayuu ku yiri:- Xaajiyo Waayadan Arrimo aan ku mashquulsanaa ayaan rabaa inaan Maanta soo xalliyo, bal soo ducee inuu Muraadka Alle soo Sahlo. Weris ayaa haddana ku tiri:- Sow Quraacan meysid ?. Kolkaas ayuu ku yiri:- Quraacda kama gaaro hadda bal danteyda ilaah ha ii soo fududeeyo.

Weris ayaa ku tiri:- War heedhe danta maanta aad u socoto weynaa, maxey tahay ?, Wuxuu ku yiri:- Markaan soo laabto ayaad Ogaan doontaa Xaajiyo. Weris baa tiri:- Koleey wax faa’ido leh keeni meyside oo Wejigaada ayaan ka arkaaye, bal aan aragno. (Insha Allah waad arki doontaa, ayuu isna ku yiri), sidii ayuuna ku soo baxay Warsame.

Alxamdulilaah, maanta Warsan Hooyadeeda waxaa u yimid Datoorkii, wuxuuna u sheegay iney Gabadhu uu Caafimaadkeedu wanaagsan yahay, oo Usbuuc ka dib Hospitaalka ay ka bixi doonto, hase yeeshee loo baahan yahay in laga ilaaliyo Buuqa faraha ah, ilaa inta uu ka hagaagayo Caafimaadkeeda.

Laba Maalmood ka dib waxaa Warsan soo booqatay Warsame Hooyadiis, Salaan ka dib Islaanta Kursi baa loo keenay oy ku fariisatay, isla markiiba waxaa wada Sheekeystay labada Hooyo, ugu horeyn Warsame Hooyadiis ayaa tiri:- Haye Gabadha maxaa laga sheegay ?, Warsan hooyadeed ayaa tiri: Alxamdulilaah Saaka Datoorka wuxuu igu yiri Gabadha aad ayey u Wacan tahay oo Usbuuc ka dib wey baxeysaa, ee Buuqa badan halaga ilaaliyo. Warsame Hooyadiis baa tiri: Waa Mahad ilaah mar hadeey Gabadheena noo Caafimaaday, ilaahii noo Badbaadiyay ayaa Mahadaa iska leh. Gabadheyda Daacadnimadeedana wey furatay oo qof kasta oo Calooshiisu Nadiif tahay waxba ka halaabi maayaa, Gabadheyda Warsan, Daacadnimadeeda ayuu ilaaheey ku saaciday.

Intey labada Hooyo wada sheekeesanayeen Warsan wey hurdeysay, in yar ka dib ayey Indhaha soo kala qaaday, waxeyna aragtay Labadii hooyo oo wada fadhiya dhinaceeda, durba waxaa Salaan ku boobtay Warsame hooyadiisa, oo tiri:- Hooyo Warsan see tahay?, Warsan ayaa ugu jawaabtay:- Hooyo waan fiicanahay oo sidii hore Alxamdulilaah waan dhaamaa. Warsame hooyadiisa baa tiri: Hooyo ilaah hakuu Ziyaadiyo Caafimaadka. Warsan baa iyana tiri:- Aamiin hooyo.

Warsame Guriga markuu ka soo baxay si toos wuxuu u soo Abaaray Maxkamadda Guurka iyo Furiinka, wuxuuna codsaday Warqadda Furiinka ee Xaaskiisa Weris, Wareysi dheer iyo goob joogayaal Marqaati ka dib, Maxkamadu wey u soo fududeysay Arrinta uu u yimid Warsame, Warqadiisana si dhaqso ayey ugu soo Oggolaadeen.

Warsame hooyadiis waxey ku soo laabatay guriga, Asma ayaa weydiisay oo ku tiri:- See tahay Walaasheey Warsan ?. Maamadii ayaa ku tiri:- Maasha Allaah aad ayey u fiican tahay waan Salaamay maanta, wryna iga qaaday Salaanta Maasha Allaah, Datoorkana wuxuu yiri Usbuuc ka dib wey baxeysaa. Asma ayaa tiri: Alxamdulilaah haddii dhibkii weynaa uu ilaah naga Badbaadiyay.

Waa Xilli Duhurnimo, waa Xilligii Qadada, waxaa Albaabka ka soo galay Warsame oo daal uu ka muuqdo, Qolkiisa ayuu galay, si deggen ayuu Dharka isaga beddelay, intuu ku Mashquulsanaa Howlahaasi, Weris waxey durba Miiska ku soo diyaarisay Qadadii, isla markiina waxey u yeertay Warsame oo ay ku tiri:- Gacaliye Qadada waa diyaar. Isagoo aan u jawaabin ayuu Miiskii Qadada soo fariistay, si deggen ayey u wada Qadeeyeen, Qadada ka dib, iyagoo weli Miiska fadhiya ayey Weris waxey ku tiri:- Haye Xabiibi Ducadeyda Saaka ilaaheey ma kuu Aqbalay oo Muraadkaaga ma soo heshay?, Warsame ayaa ugu jawaabay:- Haa Alxamdulilaah wey ii soo dhamaadeen, kolkaas ayey ku tiri:-Haye bal ii sheeg maxey ahaayeen?, 

Warsame ayaa intuu istaagay oo qolka galay, ayaa Jeebkiisa Surwaalka wuxuu ka soo saaray Warqaddii Furiinka ee Weris, intuu soo qaaday ayuu ugu keenay iyadoo Alaabadii Qadada ku dhaqeysa jikada, wuxuuna ku yiri:- Waa taas Saaka Shaqadaan u kalahay ee aan soo qabtsy, oo Muraadkeyga ilaaheey wuu ii soo fududeeyay.

Weris markey ka qabatay Warqaddii oo ay furtay, durbadiiba markey indhaheedu qabteen Ereyga Maxkamadda Guurka iyo Furiinka, aad ayey u naxday, markey Aqrinta Warqadda ay dhex mareysayna Indhaha ayaa Madoobaaday oo Sare joogga ayey ka dhacday, kolkaas ayuu soo qaaday oo Sariirta ku seexiyay, ilaah ay ka soo naaxeyso, Dhowr daqiiqado ayey sidaas aheyd, ka dib ayey indhaha kala soo qaaday, oo ay Nasatay, Biyo ayuu u keenay, markey Cabtay ayey oo uu Miuirkeedu soo noqday ayey ku tiri:- Warsame sidaan maxaad u sameysay?, xaggeed ku iloowday wanaagenii, Aaway farxadeenii, ma Hooyadaa hadal ay kugu tiri oo keliya miyaad Reerkeenii u Burburisay?.

Warsame isagoon la Buuqin ayuu hadalka ku soo koobay:- Werisey suurtagal maaha inaan Hooyadeey aan u Caasiyo Adiga dartaada, Soomaaliya waxey hore u tiri Mar i dage Alla ha dago, ma Labaad i dage, Anigaa is dagay.

Anigoo Reer leh ayaad Reerkeyfa iga soo fidneysay, oo Mustaqbalkeyga ayaan ku soo ciyaartay, Maatana Hooyadaada iiga soo go’, taas weligeeda dhici meyso, ee walaaleey Meesha nagu kala wad.

Weris oo meel ay wax ka bilowdo garan la’ ayaa xoogaagii meesha u yaalay oo ay iyadu laheyd intey Boorso ku soo shubatay Albaabka ka soo baxday iyadoo weli indhaheedu illintu ay ka qubaneyso, sidey u soo socotay waxey Cagaha soo dhigatay Gurigooda oo ugu war dambeysay maalintii ay Warsame guursatay, Dhamaan Reerkeedu waxey is leeyihiin, Weris malaha maanta ayey Reerka soo xusuusatay oo waxey u moodeen, Gabadhooda maanta in ay reerka soo Booqatay.  

Kolkaas ayaa Hooyadeed waxey ku tiri: Weris Hooyo maanta miyaad na soo xasuusatay ?, sidaad Ninka nooga raacday Warkaaga lama maqal, ee maanta waan ku faraxsanahay haddii aad Reerkaaga soo xasuusatay.

Weris ayaa la soo booday:- Hooyo wax Farxad la yiraah meesha mayaalo, ee Ninkii ayaan kala soo tagnay, sidaas ayaan gurigeena u imid maanta.

Hooyadeeda ayaa tiri:- Hooyo tani iney kugu dhaceyso waan filaayay, waayo Saaxiibadaada ifka adiga kuu jecleyd ee Warsan, ayaad Xaq ka gashay, oo Reerkeeda sabab u noqotay, waad ogeyd inaan Aniga Ninkaas kuu diidana, waana dareensanaa inaadan isku raagi doonin waayo ma wanaagsana in Ruux ku Aminay oo Nafsadiisa kuu dhiibtay in la Qiyaano, bal hada Fadhigaada sow kuma soo noqon ?.

Weris intey xanaaqday ayey ku tiri Hooyaded:- Horta qof kastaba muxuu sidaas u dhahaa, Warsan iyo Ninkaas Calafkooda ayaa soo dhamaaday, haddii aan Aniga is guursanay ma qalad baan galay, Adduunka Wax walba waa Calaf, Aniga iyo Warsanena Calaf ayaa is keen keenay, maantana Calafkii ayaa dhamaaday, wax kale meesha ma jiro.

Hooyadii baa ku tiri:- Bal hadda waa kaas Isagiina wuu kaa cararay, Saaxiibadaadii kuu Wanaagsaneydna, adaa iska xumeeyay oo maanta Cidlo ciirsi soo mudatay.

Weris baa hadana tiri:- Aniga Cidlo ciirsi ma soo mudan, oo ilaaheey Rag oo dhan ma isaga kelita syuu abuuray, Rag wey buuxaan, weliba kuwo isaga ka fiican, kana Qurux badan.

Hooyadii ayaa tiri:- Bal waa kaase aan arag wax ku guursado, dhammaan dadka oo dhan wey ogyihiin inaad Saaxiibadaada xumeysay oo weliba Xaafadda dhan ayaa Xumaantaada wada ogsoon, wax sharaf ah kuuma taal Hooyo ha is daalin.

Waa Xilli Aroornimo, Dhaqtarkii ayaa u yimid Warsan hooyadeed oo ku yiri:- Hooyo Gabadha wey fiican tahay, waad baxsan kartaan maanta Caafimaadkeedu waa Okey, Guriga hala geeyo.

Warsan hooyadeed oo farxadi ka muuqato ayaa waxey taleefan u dirtay gabadheda Asma oo ku tiri: Hooyo meel u diyaariya Warsan iyo Aniga ayaa soo socono.

Asma iyo Warsame hooyadiisa si dhaqso ah ayey Gurigii u hagaajiyeen oo wax kasta diyaar uga dhigeen, iyagoo maanta uu wejigoodu ka muuqdo Farxad aan la soo koobi karin, Dhowr daqiiqado ka dibna waxaa Albaabka guriga soo istaagay Taksigii waday Warsan iyo Hooyadeed, si dhaqsi ah ayey Taksigii uga soo degeen oo ay guriga u soo galeen.

Warsan oo Faraxsan oo Sariirteeda ku fadhisa ayaa Asma oo Cunugtii yareed xambaarsan, jilbaha u saartay Warsan, Warsan farxadeeda oo farxad dhaaftay, iyadoo Dhudhunkaneysa Gabadheeda ayaa waxey tiri:- ilaaheey ayaa Mahad u sugnaatay oo Maanta Gabadheyda ii soo saaray jilbaheyga, ilaahow Adiaan kun jeer kugu Shukrinaa, oo isu keen keenay Aniga iyo Gabadheyda, yaa Alaah ilaahoow il Xaasad ha iga tusin.

Warsame isagu gurigiisa ayuu iska joogaa, wuxuu ku Mashquulsan yahay siduu Hooyadiis uu ula heshiin lahaa maadaama uu furay Weris, wuxuu is lahaa guriga Warsan ayey joogtaa bal intey Warsan Hosbitaalka ku jirto ka faa’ideyso oo Hooyadaada u aad, lana soo socodsii inaad Weris kala tagteen, balse waxa uu maqlay in Warsan ay gurigooda joogto oo Hosbitaalka laga soo saaray, sidaas darteed wuxuu is leeyahay haddii Warsan ay ku aragto Buuq ayaa dhacaayo ee guriga ha aadin, oo si kale Hooyo u raadso. Warsame si kasto oo uu u raadiyey la kulanka hooyadiis, wuu la’yahay fursad uu hooyadiisa ugula socod siiyo Kala tegida isaga iyo Weris.

Dhowr maalmood ka dib waxaa meel ku wada kulmay Warsame iyo Saaxiibkiisa Wardi, salaan ka dib, Wardi ayaa hadslki qaatsy oo yiri:- Haye Warsame ii waran, waad qurux badnaatay, ma Naag Sadexaad ayaad hadana guursaday Saaxiiboow ?. Warsame ayaa isagoo qoslaaya ugu jawaabay:- Saaxiiboow mid Saddexaad warkeeda ma jiro, ee qofkii syaan furay, oo beryahaan iskaabulo ayaan ahay. Wardi oo isna dhoola cadeynaayo ayaa isna yiri:- Saaxiibow ma anaan fahmin qoftaasi habeenkaan kugu arkaayayba waan dareemay iney tahay Qof halis ah (Ciyaal suuq ah). ee Adiga ayaan kaa xishooday oo kuu sheegi waayay Qoftaas iyo Warsan meel ma wada geli karaan Saaxiboow.

Warsame ayaa yiri:- Saaxiboow Qaladka anaa lahaa waan Ogahay, ee hadda waxba lagama gaaro, Warsan anaa ka gardaran oo dayacay, mana aqaan hadda sidey iigu soo noqon karto Saaxiboow bal talo keen.

Wardi ayaa ugu jawaabay:- Warsan iney ku Oggolaaneyso u maleyn maayo, waayo waxa aad ku sameysay wax yar ma ahan, Warsan oo Sharafteeda ayaad meel kaga dhacday, sidaas darteed Saaxiib wey adag tahay, sidii lagu soo celiyo, koley waan dadaaleynaa, sidii aan wax ku xallin laheyn.

Warsame iyo Wardi sidii ayey ku kala tageen, ka dib Wardi Gurigiisa ayuu aaday, wuxuuna Arrintii la socodsiiyay Xaaskiisa Hana, iyadana markey Arrintaas maqashayba aad ayey uga kululaatay hadalkaas, waxeyna Wardi ku tiri:- Wardiyoow Ninkaas Arrintiisa hana gelinin, waayo waa Nin Ciyaal suuq ah, Warsana maba lagu Amini karo Ninkaas, waayo Gabarta sida uu Qiimaheeda u dilay waad Ogtahay, kaaga sii daran Adiga oo Gabadhaas bartay xataa wuu kugu xishmeyn waayay, mar kale loogu dari maayo, Warsame waxaad ku tiraahdaa Raadso Ciyaal suuq Adiga oo kale ah, Gabadhaas hadda ayaad Sharafteeda meel kaga dhacday, mar kale kuu suuroobi meyso ku dheh. 

(La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.