Warsame iyo Hooyadiisa markii ay ka soo laabteen Guriga Warsan oo ay Hadiyadihii ay u wadeen soo guddoonsiiyeen, ayey gurigoodii yimaadeen, Maamada iyadoo aad u daalan ayaa waxey fadhiisatay Qolkii fadhiga, ka dib Werisbayey u wacday oo ay ku tiri: Hooyo Biyo Qaboow ii keen. Hadaba Weris oo hoosta ka guuxeyso iska maraasna ka xun Dahabkii Quruxda ee la siiyay Warsan, ayaan Weel Quraarad ah ugu soo shubtay Biyihii Qaboobaa, markey soo gashay qolkii fadhiga oo ay Maanada ku jirtay ayaa Weelkii iyo Bakeerigii ka fakadeen oo ay dhulka ku dhaceen, weyna jabeen labadiiba.

Maamada markey Weelasha dhaceen aad uga naxday ayaa waxey tiri:- Bismilaah maa tartiib u socotid. Warsan oo Ciilkii dahabka haaya ayaa waxey Maanadii ku tiri:- Islaanyahey, maanta dhan guriga wuu deggenaa, hadda markaad soo gashay un baad Sharka la timid.

Maamadoo oo aad uga xanaaqday hadalkaas ay ku tiri Maanta Weris, ayaa waxey ku tiri:- Waryaa ma anigaas sidaa i leedahay, Hoog kugu dhacyee, wixii Naag ahaan kuu soo guursaday ayaaba iga daran, Wax yaheey aan Aqlaaqda aqoon.

Maamada qeyladeeda ayaa waxaa ku soo baxay Warsame oo qolkiisa iska jiifay, kolkaas ayuu ku yiri Hooyadiisa: Hooyo maxaa dhacay, yaa wax ku yiri ?. Kolkaas ayey ugu jawaabtay War waa Waxaan aan la aqoon meel kaga keenay oo aah guriga ku heysatid.

Kolkaas ayuu Weris ku jeestay oo ku yiri: Weris maxaad ka sameesay Hooyo ?, Weris ayaa tiri: Iyadaa Og bal weydii. Maamadii ayaa soo booday, oo Wiilkeeda ku tiri:- Bal eeg waxa aad Guriga keensaneysid, iyo Gabadha Sharafta iyo Maamuuska leh ee Warsan oo aad soo dayacday, Alloow Balaayadaan oo kale hana daba dhigin. 

Weris hadalkaas markey dhegaheeda ku soo dhaceen, intey aad u Carootay, ayey Maamadii ku tiri: Waa kaas Wiilkaaga Naag kale u raadi islaanyahey waalan, oo waxey ku hadleyso aan kala Aqoon.

Arrintii ayaa Cirka isku Shareertay, Warsame Dhulka iyo Cirka ayaa ku Ciriiriyoobay, oo talo

ayaa ku Cadaatay. Hooyadiis intey Xanaaqday ayey ku tiri Wiilkeeda: Waley ka tahay Naagtan Guri ay joogto inaan Caawo ku baryeynin, ii soo qaad Alaabteyda, ee Guriga gabadheyda Warsan Duceysan iiga daba keen.

Warsan iyo Walaasheed markuu Shilku dhacay Dhakhtarka ayaa loola cararay, in yar ka dib waxaa guriga timid Warsan Hooyadeed, Wiilkii yaraa ee guriga ku haray ayaa ku yiri:- Hooyo Warsan ayaa xanuunsatay, Walaalo Asma ayaa Dhakhtarka u kaxeysay, Maamadii isla markiiba Mobeilka ayay la soo baxday oo waxay u wacday Asma, ka dib waxaa ka qabatay Gabar dhakhaatiirta ka mid ah, waxa ayna ku tiri Hello:- Maanta oo dhan ayaan sugeynay Cid naga soo wacda Labadaan Mobail, waxaana idin Sheegeynaa Hablihii in uu Shil gaari ku dhacay, Hospitalkana ugu imaada.

Maamadii oo naxsan ayaa waxaa Albaabka ka soo gashay Warsame Hooyadiis oo ka soo carootay gurigeeda, ka dib ayaa is wareysteen Labadii Maamo, Warsan Hooyadeeda ayaa tiri: Gabadhii Warsan ahayd ayaa xanuunsatay,ka dib waxaa kaxeysay Walaasheed Asma, hadda waxaa ley soo sheegay iney Shil galeen oo ah Dhaqtarka yaaliin.

Warsame Hooyadii wey u naxday waxeyna tiri ina Kaxee waan ku raacaa, kaa hari maayo, iyagoo bixi raba ayaa Warsame soo galay oo Hooyada Alaabteeda uga soo qaaday guriga Weris, Alaabta ayey ka qabatay, waxna uma sheegin, isagana wuu iska baxay.

Labadii Maamo ayaa isa soo raacay, waxeyna yimaadeen dhaqtarkii iyagoo aad u naxsan, waxaana loo sheegay iney Asma dhaawacedu Sahlan inay yahay, laakiin Warsan xaaladeedu ay Xun tahay, Xilligii Fooshana ay tahay.

Maamooyinkii aad wyay u warwareen, Ka dib waxay waceen Warsame, waxayna u sheegeen waxa dhacay. Runtii isagu ilmihiisa yar ayuu ka warwaray markiiba xaga iyo Hospitaalka ayuu yimid, Dhakhtarkii ayaa u sheegay, Arrintu iney Adag tahay oo loo baahan yahay in la kala badbaadiyo ilmaha Uur ku jira iyo Hooyada si dagdag ahna ilmaha yar loogu qalo si loo Badbaadiyo ilmaha, maadaama isagu waxba qabin. 

Xaaladdu markey halkaas mareyso ayaa yiri dhakhtarkii:- Waqti Aamusnaan ah ma joogno keliya Saxeex ayaan idinka rabnaa, hadii kale ilmaha xaaladisa ayaa Khatar galeyso. Warsame ayaa dhahay Aniga ayay Xaaskayga tahay, waana kuu saxeexaya Keliya ilmaha yar Noloshiisa badbaadi (Sidii ayuuna Saxeexay). Waxoogaa ka dib Qaliinkii ayaa lagu sameeyay ilmihii yara oo caafimaad qaba ayaa laga soo saaray. Gabar yar ayaa dhalatay imran marku arkay inuu Aabo noqday aad ayuu u farxay, Hal mar Warsan Xaaladeeda ma uusan eegin.

Maalintii Laabad ayaa Asma soo caafimaaday, waxeyna tiri:- Walaasheey iyo ilmaheeda iiga warama xaaladooda. Hooyadeed ayaa tiri Warsan Nolol iyo Geeri ayay uu dhaxeysaa, laakiin Gabar yar ayaa dhalatay. 

Waxay noqotay Habeen, Dhaqtarkii wuxuu u oggolaaday in Qof ay la seexato Warsan, maadaama ay Xaaladeedu adag tahay. waxaana la soo seexatay Hooyadeed, Warsame hooyadiisa iyo Asma iyo Gabadhoodii yareed ee maanta dhalatay wey isa soo raaceen. Warsamena wuu soo dava kacay, balse Warsan Walaasheed Asma oo ahryd gabar aad u kulul ayaa markey aragtay inuu ilaa iyo guriga uu u soo raacay Warsame ku kacday oo ku tiri:- Gurigaan maxaa kaa yaalo, intaan ku arkaayo Albaabka ka bax.

Warsame oo aan awoodin inuu la hadlo Asma ayaa intuu eegay Hooyadiis, ka dib hooyadiis ayaa ku tiri:- Waa Runteed gabadha, waadna ogtahay Reerka sidaad u gashay uga bax Gurigooda, Anigana mar dambe agteyda ha imaanin, inta ay ku daba socoto Naagta baas ee Mustaqbalkaaga Burburisay. 

Markuu Warsame baxay, ayaa hooyadiisa ku tiri Warsan walaasheeda Asma, Berito waxaan ahaa Safar, laakin bixi maayo Gabadheyda Warsan oo aan Arrinteeda meel ku Ogaan. Haddaba, Maamada iyadana sidaas ayey Safarkeeda uga baaqatay.

Qofkii Alla dilo ayaa dhinto, Warsan Dhowr Maalin oo ay Koome ku jirtay ka dib, Maanta indhahii ayey soo kala qaaday, waa ilaah mahadiisa, waxey Eegtay Dhinaceeda, mise ugu horeynba waxey indhaheedu ku dhaceen Hooyadeed oo dhinac fadhisay, Hooyadii ayaa intey aad u faraxday bey tiri:- Alxamdulilaah, ilaahoow Adigey Mahad kuu sugnaatay, oo wax kastaba awooda, (Haddana intey Warsan eegtay, ayey ku tiri:- Warsaneey Hooyo ilaah igama kaa qaado, ilaah ayaa Mahad iska leh oo ku soo Nabad kiciyey).

Warsan iyada weli ma hadli karto balse wey soo naaxday, ka dib ayey Hooyadeed u wacday Dhaqtarkii, markuu yimid Datoorkii ayuu aad u yaabay oo yiri:- Hooyo waxaan shaki ku jirin inuu ilaaheey Wax dilo, waxna nooleyo, marna is laheyn Gabadhaan ayaa Noolaneyso, waayo waxey ku sugneed Xaalad adag oo sida looga soo badbaado ay Adag tahay, ilaah baase Mahad leh, hadda waxaan dareemayaa iney soo fiicnaan doonto, Insha Allaah. 

Datoorka markuu baaritaan ku sameeyay wuxuu ka muujiyay Rajo aad u weyn, uuna rajeynaayo iney soo Caafimaadeyso, marba marka xiga, oo hadda keliya ay u baahan tahay iney Nasato oo hadalka badan laga ilaaliyo.

Warsame isagu markuu Gurigiisa aaday isaga oo aad u kacsan, isla markaasna Maskaxdiisu ay ka dhawaaqeyso hadalkii ay Hooyadiisa ku soo tiri ee ahaa:- Intaad Naagtaas Ciyaal suuqda ah daba socoto, ilama hadli kartid hana ii imaan. Isla markii uu guriga Albaabka ka galayba waxaa ka hor timid Weris oo ku tiri: Haye Gacaliye ii waran Warsan maxaa laga sheegay ?. Intuu ilxun ku eegay ayuu ku yiri:- Adiga Warsan ayaad sheegeysaa, Anigana waxaa murugo igu haayo Hadal ay Hooyo igu soo tiri.

Kolkaas ayaa Weris ku tiri:- Waan Ogahay islaanta wey waalan tahay, maxaan sameyn karnaa, ileen waa Hooyadaa. Warsame ayaa Weris ku yiri: Hooyonimo haddii aad u Ogaan laheyd hadalada qaar kulama hadasheen, xataa Aniga igumaadan xushmeyn oo sidii Ruux facaaga ah ayaad ula hadleysay, hadda waa kaas aad leedahay (Islaantu wey waalan tahay), oo weliba waxaad ka leedahay Aniga oo kula jooga horteyda, ee Weriseey ogoow Aniga iyo Adiga sidaan kuma wada noolaan karno, waayo Hooyadaa ma rabo, Adigaan ku rabaa Wax soconaayo maaha, waxaan arkaa iney arrintaas noqon doonto tii aan ku kala tegi laheyn.

Warsan Walaasheed Asma iyo Warsame Hooyadiis, guriga ayey joogaan, Gabadhii la dhalay ayey Guntiga u xirteen oo iyaga ayaa ku dadaalaaya, oo dadaalkii Hooyonimo la garab taagan, oo wax ka maqan Gabadha yar ma jirto, Caafimaadkeeduna waa Heer Sare.

Warsame maanta waa Usbuuc intuusan arkin hooyadiisa, Aragtida isaga iyo Hooyadiisna waxey hooyada ku xirtay isaga oo soo furo Weris, Warsame talo ayaa ku Cadaatay oo wax uu sameeyo ma yaqaan, Werisna wuu jecel yahay iyadoo sidaas u kibir badan, Hooyadana kama maarmo, weliba waxaa intaasi u sii dheer wuxuu aad u jecel yahay inuu soo arko Nuunihiisa yar ee loo dhalay.

Waxaa la gaaray xilligii Qadada, Weris Miiska ayey soo saartay Qadadii ay soo diyaarisay, horey ayey ka soo fariisteen, markey Cunistii bilaabeen oo ay dhex marayaan iyagoo intaas aamusnaa, ayaa Warsame hadalkii bilaabay oo yiri:- Wlhi wax aan sameeyo ma aqaan Hooyo Muddo Usbuuc ah ismeynaan arkin, haddaan Salaan ugu aadi lahaana, dagaal iney i siiyo ayaan ka baqaa, bal Weriseey talo keen, maxaan sameeyaa?.

Weris oo aad moodid in jawaabta hadalkaasi ay jeebka ugu jireen ayaa tiri:- Horta maxaad adiga iiga daba wadaa islaantaad hadalkeeda, haddii aad rabtid haddaba aniga i fur, sow maaha shuruudii ay iyada kugu soo xirtay Adiga oo aan Aniga i furin ineysan kula hadlin iyada, haddaba diyaar baan kuu ahay i fur, anigaba kuuma baahni, intey islaantaas waalan ku daba socoto.

Muddo 45maalmood ayaa laga soo wareegay, maalintii ay Warsan, indhaha soo kala qaaday oo ay Koomaha ka soo baxday, markaan wey ka fiican tahay, oo Cunto cunista wey bilowday, Caafimaadkeeduna wuu isa soo tarayaa, waxaa dib u soo noqonrysa Xusuusteeda, waxey la hadashaa Hooyadeed, in kastoo aan hadalka badan weli loo fasaxin, haddana si Deggen ayey Hooyadeed u wada hadlaan, waa loo sheegay iney Gabar dhashay oo ay Asma heyso gabadha, Caafimaadkeeduna uu taam yahay, Sawirka gabadheeda oo ay Hooyadeed hrysay ayaa ka tusay, Warsan ilaaheey ayey ku Shukrisay oo Caafimaadkeeda u soo celiyay, kana soo Badbaadiyay Halistii ay ku sugneed.

Warsame wax uu sameeyo ayuu garan waayay ugu dambeyn, wuxuu go’aansaday oo kula sheekeystay Maskaxdiisa, oo uu naftiisana ku canaantay:- War Ninyahow ilaaheey Nin rag buu kaa dhigay, Naagtaan kibirka badan ee mar kasta Hooyadaada caayeysa, oo xataa aan Adiga kaa xishooneynin maxaad u heysataa, waatii ay ku dhihi jirtay Warsan wax kuuma dhalin, maad iska furtid, bal waatan iyadaba maanta maxey ii dhashay?, Gabadhii Sharafta laheyd ee Warsan, dulmiga aan ku furan, waa kan maanta Nabsigiisa i heysto, waa inaan Sheydaanka iska naaro oo Naagtan go’aan adag ka qaato, oo aan Warqadeeda siiyo, intaan kala going laheyd Hooyadeey iyo dhammaan ehelkeyga, isla markaasna waa inaan falkeeda galaa sidii aan Warsan ugu raali gelin lahaa Qaladkii aan ka galay.

Intaas ka dib Habeen ayey noqotay Warsame isagoon Casheynin ayuu Seexday, xili dambe ayey Casho u kicisay, wuxuuna ku yiri: Wax ma cuni karo, waan iska Seexanaa. Weris oo qosleysa ayaa waxey hadal dhega hadal ah ku tiri:- Wallee Warsamow wax baa ku haayo, balse waad heleysaa, waxaad iga rabtid, Aniga ma ihi kuwa aad sidii rabtid ka yeelan kartid, hadalna lama gambado, Wadada Cad ayaan Cagaha kuu saari doonaa Ogow.

(La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.