Inta yar ay la Sheekaysatay ilamaheeda ayay Nafis ku dareentay iyadoo illintu ka socoto, kadib iyado ka fikireysa Xwaladda ilmaheda ayay isku qasabtay inay nasato oo yara seexatom
Ka dib subaxdi marki la soo kacay ayaa waxa u yimid Warsame iyo Hooyadii oo wada jira, si fiican ayaa loo soo dhaweeyay, Warsan ayaa aragtay, waxeyna si hoos ah u weydiisay Hooyaded, iyadoo ku leh Ninkan muxuu naga soo doonay ii sheeg ?. Hooyadeed ayaa tiri:- Anigaba ma ogi waxay u socdaan, ee weynu eegi.
Markii meel la soo wada fadhiistay Labadii Maamo iyo Warsame, ayaa Warsame hooyadii waxey tiri Artin ayaan u soconay Wiilkeyga ayaa raba intay Warsan ka dhalayso iney nala joogto keliya Maalmaha kooban, waan Ogahay Inaanay Warsan Ogolaanayn
Warsan Hooyadeed ayaa tiri Ma markuu arkay Xanuunkii hore in aanay waxba u noqon ayuu haddana rabaa iney Agtiisa joogto oo maalin walba ay dhaawac ku sii darsato, Gavadheydu waa xamilo oo in la Ilaaliyo mooyee, wax yar uma dulqaadan karto, Marka aney agtayda joogeysaa, dayeelka inanteyda, cidna kuma aamini karo
Warsame ayaa ku dhahay wixii dhacay iminka Aniga kuma socdo, keliya ilmaheyga inaan Ilaaliyo oo aan Xilka Waalidnimo kaso baxo ayaan rabaa. Warsan oo maqleysan warkooda maqleysay ayaa is adkayn kari weysay oo wuxuu ku hadlaayo aad uga xanaaqday aya tiri i dhagaysta.
iyadoo indhaha Warsame si kulul ugu eegaysa ayay ku tiri:- Ma Adigaa Garanaaya Xilka Waalidnimo, oo weliba waxaas ila imanaaya, xageed ku ogeyd ilmahaaga, markii hore Agtaada haddan imaado xanuun kama baxayo Marka Adigoo Waxba is dhibin markuu dhasho Marmar waad soo eegi kartaa meelna kuuma raacaayo.
Ugu Dambeyn Warsan wey ka diiday wixii uu meesha la yimid, ka dibna wey iska tageen Isaga iyo Hooyadiisa. Haddaba halkee ayuu marayaa xaalka Weris iyo Warsame ?.
Weris waxey ku jirtaa Maalmihii Farxadeada oo waxba kama maqna, isaguna sido kale ayuu qanacsan yahay. Weris keliya waxay ku xun tahay sodohdead wax ixtiraam ah uma muujiso, xataa, xaraa Hooyo ma tiraahdo oo waxey ugu wacdaa Magaceeda caadiga ah. Marar badan ayuu Warsame dhahay Aniga hooyadey sidaad ula dhaqanto kama helin ee isku day inaad Hooyo ka dhigato.
Warsan Qolkeeda ayey tagtay iyadoo Ooyeysa
Wejigiisa markay aragtay Qalbiga ayaa si xad dhaaf ah u garaacmay, indhihiisana waxay ka dhex arkaysay xumaantii oo dhan, Ciil ayey meel ay kula dhacdo weyday.
Weris iyo Warsame ayaa isku raacay meel hoteel oo Caweysin ah, iyagoo halkaas Waqtigoda ku qaadanaaya ayaa waxay si kedis ah isku arkeen Wardi, oo ahaa Wiilkii ay asxaabta ahaayen Warsane, oo muddo dheer isugu war dambeysay.
Wardi ayaa si gooni ah ula baxay Saaxiibkiis Warsame, ka dib wuxau ku yiri: Waan ku arkaa inaad Baashaaleysid aaway Dumaashideey ?, Qoftaana yey ahayd ?, Warsame ayaa yiri:- Qoftaas waan kala tagnay oo gabadhan waa Xaaskeyga. Wardi ayaa dhahay waan gartay bal Caawa ayaan ku soo wici oo is wareysan doonaa, iminkana wakhtigaada iska qaado, iguna Salaam dumaashidey.
Warsame iyo Wardi sidii ayay ku kala tageen, ka dib Wardi markuu dib ugu laabtay Miiskii uu fadhiyay wuxuu aad ula yaabana hadalkii saaxiibkiis iyo wuxuu u sheegay, markaas buu Xaaskiisa ku tiri: Waxaan halkan ku kulanay Warsame, wuxuuna ii sheegay waxaan la yaabay. Xaaskiisa ayaa ku tiri Oo maxaa ku dhahay ?.
Mardi ayaa yiri Wuxuu igu yiri Warsan waan kala tagnay, welibana wuxu la joogay Gabar uu ii sheegay inuu qabo, oo ah Xaaskiisa tahay, Sheekadaas ayaan la yaabay. Anigana Warsan maalmihii Arooskooda ayaa igu dambeysay, bal Caawa markaynu Guriga tagno ayaan la hadli doonaa, qad ayaan uga naxay, warkaas uu saaxiibkey ii sheegay.
Weris oo TGga dqawaneysa ayaa waxaa soo Ag fariisatay Sodohdeeda, ka dib Maamadi ayaa tiri: Weris Qolkan Cidla iyo Caajis baan ku dareemay. Warsame ma joogaa, marka waxan is iri Weris is kala soo sheekeyso, adna kolay waad cidlortay. Weris juuq umaysan oran, intay indhaha ku eegtay ayay iska aamustay. Maamadii intay yaabtay ayay iska Aamustay, Markey Cabaar is ag fadhiyeen ayey Maamadi tiri: Hooyo Agtaada ayaan joogoa, Hal saac in ka badan ilama hadlaysid, ee maxaa dhacay ?.
Weris intay aad u Xanaaqday ku tiri Dee iska fadhi waad aragtaa Filim baan daawanayaa, Sheeko hadaad rabtid wiilkaaga Sug maxaad ii Mashquulin aniga?, mida kale maxaad mar walba ii tiraahdaa ila sheekeyso aniga islaan miyan kula ekaaday ?.
Maamadii ayaa ku tiri Bisinka Hooyo Anigu islaan ayaad ila ekaatay kuma dhihin ee hadad ila hadasho Xumaan miyaa ku jirta?, Wiilkayga oo kale ayaad ii tahay Waalidkana narkay Cidloodaan Qof ay la sheekaystaan ayay iska jecel yihiin.
Warsame ayaa yimid, wuxuna Arkay Weris oo Afka taageysa, markaas ayuu weydiiyay Naa maxaa ku helay ?, ka dib Waxay tiri Hooyadaa Mar walba wey igu qeylisaa oo waxay igu tiraah Adaa dumiyay Wiilkeyga reerkiisa iyo hadalo aan fiicneyn. Markaas ayuu yori: Ma Hooyadey ayaa sidaas kula dhaqanta, I sug anaa u tegaya imikee.
Warda Been ayay ka sheegeysaa Maamada oo waxay rabtaa inay guriga ka saarto, Bal aynu eegno wuxuu Warsame ku yiraah Hooyadiis.
Maamadi oo Qol iska jiifta ayuu u soo galay, Ka dib wuxuu dhahay: Hooyo qof maskiin ah inaad hadalo Xun ku tiraah ma fiicna Weris waa qof Maskiin ah ee si Naxariis leh ula hadal, iyadu Qoys may dumin, Calafka unbaa dhamaaday.
Maamadii waxaan uu sheegayo Ma fahminba Waxay ku tiri Horta Sug oo i fahamsii waxasd ka hadleyso, muxuu yahay?, Wuxuu yiri:- Weris ayaa ii sheegtay in markaan maqanahay Aad hadaladaas ku tiraahdo. Maamadii intay aad u Carootay ayay tiri: Weliba ma iyadaa aniga iga dacwooneysa oo been iga sheegeysa ?.
Midda kale Hadalkeeda ayaad soo rumaysatay Waa waxey hadana Reerkaaga kaaga dumisay iminkana igala tag Hadalkan soco iga bax Nacasyahow.
Warsan waxey dhexda u xiratay sidey Nolol Qurux leh u eiin lahayd ilamaha u dhalan doona iyado aad isku ilaalineysa Caafimaad ahaan iyo Qurux ahaan Hospitalka ayay Bil walba la Xiriirtaa si ay ilmaha u Ogaato xaaladiisa.
Subax iyadoo gurigooda Banaankiisa iska fadhida Khadka iska isticmaleysa waxaa soo wacay Wardi ah wiilkii is baray Warsame iyo iyada, ka dib wey ka qabatay, wuxuuna ka waraystay Xaladeeda, waxayna u sheegtay inay fiican tahay, ka dib wuxuu dhahay Xalay Aniga iyo Hani oo Hotel Caweys u tagnay ayaa waxaan kulanay Warsame, waxaana arkay wax iga yaabiya Isagoo la jooga Gabar kale Markaan ku weydiyay aan dhahay aaway Warsan wuxuu igu yiri wasn kala tagnay oo iminka Xaas kale ayaan qabaa. Arinkaasna Ruunti Maskaxdeyda ayey geli weyday oo kedis ayay igu noqotay, sababtoo ah Arooskiini ayaa igu kiin dambeysay oo Hawlaha Aduunka lagu kala Mashquulay, ee bal ii waran oo sidee wax u dhaceen ii sheeg.
Warsan ayaa tiri Horta waxaad aragtay waa run, sidii kuu sheegayna waa Run oo waan kala tagnay, Maalin dhow oo waxaa dhacay Walaal Warsame si xun ayuu ii qiyaanay oo Aniga saaxiibtey oo guriga ila joogtay ayuu Xiriir qarsoodi ah la sameeyay, Ka dib sidii ayuu iga tagay oo iminka iyad ayuu qabaa, anigana waan ka dhex baxay.
Warsan markey Wardi u sheegtay sida ay ku kala tageen Runtii wuu ka xumaaday, wuxuna ku yiri Aad ayaan uga xumahay waxa dhacay.
Intaas ka dib Wardi Xaaskisa Hani ayuu uga sheekeeyay wixli dhacay oo dhan, isago lu leh Saxiibkey wuxuu sidaan u sameeyay garan maayo, balse Gabadha wuu xumeyay waxaaba kaaga sii daran Saaxiibteed ayaa Qiyaanada ku jirta, Warsame Qofta uu Guursaday waa iyada Saaxiibteed.
Wardi Xaaskiisa Hani ayaa yaabtay iyadoo tiri Ragga wax la Aamino maaha, sidoo kale saaxiibna lama soo dhaweysto. Wardi ayaa yiri Marwo aniga ha igu darin Ragga kuma jiree, midda kale mid keliya ayuun baa xumada ee kulli maaha, Adna niyada khayr u sheeg.
Warsan waxaa soo dhawaatay Xilligi ay Umuli lahayd iyada iyo walaalshed ayaa suuqa isku raacay si ay u soo iibsato wixii ka maqan iyago ku jira meel lagu iibiyo Alaabta Caruurta, ayaa waxey isku arkeen Warsame oo Isaguna rabay wata Alaabtii inuu ilmihiisa halkaan uga iibiyo
Alaab, ka dib Warsan markay aragtay waxaa durbadiiba is beddelay wejigeeda.
Markaas ayuu ku dhahay waa laga fiicnaa inaad Suuqa u soo baxdo, sababto ah Culays ayaa tahay kuuma fiicna. Warsan intay si Caro leh u hadashay ayay ku tiri: Waxacaad iila hadlaysaa sidii Nin iga naxaayo, mida kale ilaalin iyo waxaas kaagama bahni. Warsama ayaa haddana ku yiri Anigu Adiga kaama fikiraayo Ogow ee ilmahayga ayaad Caloosha ku sidaa, Adigu hadaad Naftaada Dan ka lahayn oo wax walba Caadi kula yihiin. Imika waxaad u baahan tahay anaa ku keenaaya keliya Guriga ku noqo.
Warsan ayaa ku tiri ilmaheyga ilaalintiisa iyo ka Warheyntiisa Anaa ku filan Ogow, Adigana Wax uu kaaga baahan yahay ayaan jirin.
Markay inta ku tiri ayay ka hor dhaqaaqday waxeyna iska sii wadatay Hawsheedi, markay Dhamaysatay ayay Guriga timid iyadoo aad u xanaaqsan Hooyadeed ayaa ku tiri Maxa kugu dhacay ee kaa xanaajiyay. Waxay tiri Hooyo Warsame ayaan ku kulanay Suuqa wejigiisa markaan arko dhamaan xumaantii ayaa i hortimaada.
Warsane ayaa Gurigiisa tagay isaga oo eata Alaabtii u ilmihiisa yar u soo iibiyay, ka dib Weris oo moodaysa inuu Hadiyad iyada u wado ayaa si farxad ka muuqato u tiri Xaaji goormaa igu dambeysay Hadiyad aad ii keento, ii dhiib aan eegee waxaad i keentay. Warsame ayaa ku dhahay Gacaliso Adiga kuuma keenin ee waa Alaab yar yar aan ugu talo galay ilmaheyga inaan siiyo.
Weris baa tiri Ma waxaad u keentay ilmahan kuu dhali doono, laakiin weli lama gaarine. Warsame ayaa dhahay Maxaad ku Hadleysaa aniga ilmaha soo socda kama hadlaayo miyad iloowday Warsan iney Uur leedahay oo ay Calooshaku sido Curadkeyga, isaga ayaan ugu soo talo galay, imikana aad ayaan u daalanahay ee Qadada sii diyaari.
Weris aad ayay uga gubatay hadalkaas Ciil iyado Is Celcelineysa ayay jikada tagtay oo hawsheedii ayay iska qabsatay, ka dib Markii Hal meel isugu yimaadeen Warsame iyo Hooyadiis, oo ay Werisna timidi ayay Maamadi tiri: Wiilkeygiyow waxaan rabaa inaan Caawa is raacno oo Warsan u tagno hadiyad ayaan rabaa inaan u geeyo iyada iyo ilmaha soo socda, maadaama aan rabo inaan turki dib ugu laabto. Warsame ayaa yiri: Waa si fiican, weynu u tageyna Caawa.
Habeenimadii markay noqotay ayay Weris aragtay Dahab aad u Qurux badan, ka dib waxey weydiisay Sodohdeed, waxayna ku tiri Maasha Allaah, Waxaan filaa Dahabkaan in loo wado Warsan. Maamadii ayaa tiri Haa, Gabadheyda Warsan ayaan u wadaa.
Ka dib wey is raaceen Warsame iyo hooyadiis, waxeyna yimaaden Guriga Warsan, isla iyada ayaa albaabka ka furtay, inkastoy aad uga naxday, hadana si weji furan ayey ku soo dhoweysay, Qol ayay fadhisisay. ka dib Warsan ayaa Maamadii Xaalkeda wrydiasay, si fiicana wey isku wareysteen.
Warsame Maamadiis ayaa tiri Waxaan Xiligan kugu imid ayaa ah Beri inaan ku noqonayo turkiga, waana jeclaa intad dhaleyso inaan kula joogo, laakiin Ciyaalkii iyo Reerki Intaan wax ka badan, kama sii maqnaan karo. Warsan ayaa tiri Wey ficnaan laheyd inaad maalmo sii yara joogtid, lakiin dhib maleh ilaahey haku Nabad geeyo. Sheeko gaaban ka dib Maamadii ayaa tiri Hoo Hadiyadan ayaan kuugu talo galay, Adiga ayaan kuu soo qaaday markaan imid ayaan rabay inaan ku siiyo, balse Waqtigaa xumaaday marka iminka iga gudoon. Warsan aad ayay uga heshay hadyadi weyna u mahad celisay.
Warsame isaguna Alaabtii uu siday ayuu agteeda dhigay, ka dib wuxuu yiri: Waa xilli dambe waan sii baxeynaa. Sidii ayey ku soo kala tageen.
Subaxnimadii ayaa Warsan Xanuun ku soo kacday, ka dib Guriga Cid ma joogin iyada iyo Wiil yar oo walaalo yihiin mooye Xanuunkana aad ayuu ugu sii badanayaa, Nasiib wanaag waxaa timid walaasheed, markiiba Gaari ayey u yeertay, iyaga oo degdegsan oo Darawalkii gaariga ku leh gaariga si fiican u wad oo dhakhso ayaa waxaa si kedis ah ugu dhacay Gaari kale, halkaas ayey Shil ku galeen Warsan iyo Walaashed.
( La soco Qeybta Xigta).