Amiin goortii uu gurigiisa yimid, Wiil Caqli badan ayuu ahaaye, wuxuu si hoos Arintii ugu sheegay Aabahiisa, iyagoo dhex martay hadaladaan:- 

Amiin:- Aabo maalinta jimcaha waxaa ku Casuuntay Ugbaad hooyadeed, sidaas ula soco, Insha Allaah.

Aabbe:- Ugbaad hooyadeed miyey i taqaan ? sideese igu baray ?

Amiin:- Anigaba taas waan la yaabanaa, waana weydiiyay Ugbaad, waxey igu tiri marka uu Aabahaaga Hadiyad ii keeno oo aanguriga aado, ayey i weydiisaa, kolkaas syaan ku iraahdaa Amiin Aabahiisa ayaa ii keenay, sidaas ayey ku baratay soo, oo waxey dhahday Amiin Aabihiis waa Aabe wanaagsan, sidaas darteed waa inaan Maalin Casuumaa, taasi awgeed ayey kuu Casuumeysaa.

Aabe Wahbi oo baqaaya, ayaa wiilkiisa wuxuu ku qanciyay:- Waa yahay Insha Alaah waan aadayaa.

Intaas ka dib Wahbi wuxuu soo galay Qolkiisii oo ay jiifto Xaaskiisa Warsan, dhinaceeda ayuu soo seexday isagoo fekeraaya oo aad moodid maqane jooge, Warsan wey iska jiiftaa Sariirta balse ma hurudo, intaas waxey eegeysaa Xaajigeeda oo ay Wejigiisa ka dareentay Feker iyo Mashquul uu naftiisa ku Mashquulsan yahay, intey sidaas u eegtay ayey ku tiri:- 

Warsan:- Xabiibi maanta Wejigaada Caadi maahee maxaa soo kordhay ?

Wahbi:- Xayaati wax sidaas ah ma soo kordhin ee Aniga ayaaba iska yaaban Maanta.

Warsan:- Maxaad la yaaban tahay Xabiibi ?

Wahbi oo Cabsi badan dareemaayo ayaa yiri:- Xayaati waxaan la yaabanahay Gabadha yar ee Ugbaad Hooyadeed ayaa la leeyahay jimcaha iyadaa ku Casuuntay ee guriga imow.

Warsan oo Karkareysa ayaa intey soo jiifka ka soo kacday, Ninkeeda ku tiri:- 

Koow, koow, ii wad sheekada, maanta Xaalka ma heerkaas buu gaaray ?, talaab ma qaadi kartid Ogoow, haddaad aadid Gurigaas ogow Saddexdeyda ayaad i siineysaa, horta aqoon ma u leedahay Naagtaas, mase Ogtahay in la qabo?, Ninka qabose ma taqaanaa?. Hadaad hadalkaas mar dambe iila timaadid waan ku kala tageynaa Ogoow, Aniga iyo Reerkaas na kala ilaali.

Warsan intaas ka dib waxey Maskaxdeeda dib u gocatay hadaladii ay ku laheyd hooyadeed ee ahaa Gabadhaas yar ee Wiilkaaga Amiin daba socoto ka reeb oo Ninkii Xumaa ayaa dhalay, marna ha soo dhoweysan Reerkaas wax ka socda. 

Warsan markey intaas soo xusuusatay ayey Xaajigeeda mar kale ku tiri:- 

Ileen Hooyadeed hadalkeeda run ayuu ahaa mar hore ayey igu tiri Reerkaas wax ka socda has oo dhoweysa, waa tan maanta hadalkeed ayaa soo baxay, ilaahoow Hooyo la’aan hana dhigin, ileen meel dheer ayey wax fiirisay.

Amiin hadalkii ayaa ku dhegay oo wax uu kula hadlo ayuu garan waayey, dhowr daqiiqado ka dib ayuu ku yiri Xaaskiisa:- 

Waa yahay Xabiibti aniga tegi maayo meesha, oo maxaa iga yaalo meesha mana Aqaan Naagta, maxaan gurigeeda ka raadinaa ee bal is qabooji Xubbi, waad i taqaan aniga inaan Badahaas gelin, balse waxaan jecleystay inaan kula wadaago Arrintaas soo korortay, waadna ogtahay inaad kugu qabo kalsooni fara badan, mar kastana aan jeclahay inaan kula wadaago wixii igu soo kordha.

Warsan intaas ka dib wey qabowday, weyna ku qanacday hadal Seygeeda Wahbi.

Intaas ka dib ayuu Wahbi ku yiri Xaaskiisa:- Warsan Xabiibti Gabadha yar ee Ugbaad waa ilmo yar oo Wiilkeeda weheshado, hadeey timaado wax ha dhihin ileen iyada waa caruur sidaas darteed Amiin waxaan ka baqaa inuu Qalbiga ka dhaawacmo haddii Ugbaad guriga laga eryo.

Warsan ayaa ugu jawaabtay:- Aniga Ugbaad waan jeclahay, waxna dhihi maayo, gurigana waa gurigeeda cid u diideysa ma jirto, ee Adiga iska ilaali Reerkaas. 

Warsan intaas ka dib maba eysan hakane durbadiiba waxey taleefan qabadsiisay Asma oo walaasheeda ah, waxaana dhex martay:- 

Asma:- Hello, Hello

Warsan:- Hello Asma ii waran see tahay ?

Asma:- Waan fiicanahay Warsan, Adigana see tahay ?

Warsan:- Waan fiicanahay Asma, waxaan kuu soo wacay maanta Arrin la yaab leh inaan kuu sheego.

Asma:- Maxey tahay Arrinta ?

Warsan:- Gabadhii aad Suuqda ku soo aragten habeenkii Adiga iyo hooyo ee Amiin la socotay Hooyadeed ayaa waxey leedahay Wahbi ha ii jimaado jimcaha Anaa Casuumaayo.

Asma oo naxday baa tiri:- Yaa oo haddana warkaan mey keeneen Reerka, wallee warkii Hooyo ay sheegeysay ayaa soo baxay, ee hadda Wahbi yuusan u aadin, Wallee Reerka wax kale ayey soo wadaan.

Warsan ayaa tiri:- Hooyo ha u sheegin warkaas maxaa yeelay wey naga qeylineysaa, koleey Wahbi anaa ku iri Ma tegi kartid meeshaas, wuuna iga Aqbalay.

Asma:- Oo maxaa is baray Isaga iyo Naagta ?

Warsan:- Isma yaqaanaan ee Gabadheeda yarta ayey ku aragtay Hadiyado uu Wahbi u keenay Gabadha iyo Amiin, kolkaas gabadha ayaa ku tiri Amiin Aabihiis ayaa ii keenay, sidaas ayey ku tiri Waa Oday Wanaagsan ee jimcaha hsnoo yimaado Aniga ayaa Cusumaa.

Asma:- U sheeg yuusan u aadin Naagtaas.

Warsam:- Waan u sheegay, aadi maayo.

Wuxuu Waqtigu is guroba iyadoo ay Berrito tahay maalintii Jimcaha oo aheyd maalintii loo balansanaa Casumaada Wahbi, ayaa Maalintii khamiista Galabtii sidii caadada aheyd markey Ugbaad Waxbarashada u timid guriga Amiin, ayuu Aamiin Aabihiisa wuxuu ku yiri:- 

Ugbaad Gabadheydiyeey Hooyo waxaad ku tiraahdaa Berito ma imaan karo Hawl ayaan meel kale ka leeyahay, oo ma awoodo inaan imaado, haleyga Raali ahaado Hooyo u sheeg.

Ugbaadna wey ka Aqbashay oo waxey ku tiri Waa yahay Anaa u sheegaayo, Insha Allaah.

Maalintii xigtay ee jimcaha, isla markaana loo balansanaa, Aroostii markey Hurdada ka soo tooseen Warsan iyo Wahbi, iyagoon weli ka soo kicin Sariirtay, ayey Warsan ku tiri:- 

Haye waran hee Maanta waa balantii, waana lagu sugayaa, maxaa sameeneysaa ?

Wahbi intuu qoslay ayuu ku yiri:- Waxaas waan dhameeyay shalay ayaan Ugbaad ku iri Hooyo u sheeg, Berrito ma imaan karo Hawl ayaan leeyahay.

Warsan ayaa Ninkeeda waxey ku tiri:- Horta Adiga ma Ogtahay Naagtaas in la qabo, mase ogtahay Ninka qabo ?

Wahbi baa yiri:- Ma aqaan waxey tahay iyo wixii qabo, weligeyna maba Arkin.

Warsan baa ku tiri:- Hadaad ogeyn haddaba Ogow Naagta waxaa qabo Warsame, kii aan kala tagnay ee Gabadheyda Marwa Aabaheed ahaa, gabadhaan yar ee Ugbaad ahna isaga ayaa dhalay, balse isaga wuu waashay oo hadda waa Nin waalan waxba kala Oga, sidaas darteed waxaan ku leeyahay Aniga iyo Reerkaas na kala ilaali waan ku baryaa, mise waxaad rabtaa xataa inaan Eryo gabadhaas Masaakiinta ah ee Ugbaad.

Wahbi baa yiri:- Maya iska daa Gabadhaas waa Maskiin, Wiilkeena Amiina wehel ayey u tahay, waad Ogtahay inuu aad u jecel yahay, sidaasi darteed Wiilka ha iga Niyad jebin.

Dhinaca kalena Ugbaad markey habeenkii gurigooda aaday, ayey Hooyadeed ku tiri:- 

Hooyo Amiin Aabihiis wuxuu i soo yiri Hooyo u sheeg berito ma imaan karo Mashquul ayaan ahay, oo firaaqo ma heli karo ha iga raali ahaato Hooyo u sheeg.

Hooyo Warda ayaa tiri:- Oo Mashquulka waa maxay ?, waan ku tala galay wax kasta waan diyaariyay, ma hadda ayuu i leeyahay waan Mashquulsahay.

Ugbaad:- Haa, Hooyo sidaas buu i soo yiri u sheeg Hooyo, ee Hooyo dhib maleh mar kale ayuu iska imaan doonaa.

Hooyo Warda:- Waa yahay Hooyo dhib maleh.

Waayadaan dambe waxaa sii kordhay jaceylka Amiin iyo Ugbaad, heer wuxuu marayaa aan Caadi aheyn, Wiilkii Amiin ahaa wuxuu taagan yahay Heer uu Gabadhii ay ishiisu qabato uu ugu yeero Gacaliso Ugbaad, oo Indhihiisu wax kale ma arkaan miyaa ayaad is leedahay, Galabtii markey isku yimaadaan Guriga, intey iyadu wax Akhrineyso, isagana wuxuu ku Mashquulsan yahay Daawashada Wejigeeda oo aad u maleysid Wejigeeda loogu daabacay Dheeman iyo Luul, Duruusta Alhrinteeda waxaa uga qiimo badan Daawada iyo il doogdiga Ugbaad.

Ugbaad iyadana ka liidato mararka qaar waxa ayba gaartaan iney is iloowdo oo ay is arsgto iyadoo Garbaha heysato Amiin oo ay Dhunkaneyso, Labadoodaba waxaad dareemi kartaa iney Badweynta Kalgacalka ay dhex dabbaalanayaan, oo markaan ay maraayaan Heer aan Waxba laga qaban karin, Cid kasta oo soo hujuuntana aysan waxba ka qaadi karin, waxeyna ku balameen in hadeey dhacdo in jaceylkooda Cadow soo weeraro, Cid kasta ha noqotee aysan dheg u dhigin ilaa ay ka gaaraan Guushooda, xataa Waalid iyo Ehel haddey noqdaan ineysan dheg u dhihin oo ay isla wada baxsadaan, ilaa ay ka miro dhaliyaan Hadafkooda.

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.