Amiin markey u timid weji farxadeed oo ka duwan kii hore ayuu ku soo dhoweeyay, ileen maantu wejiga wuu ka duwan yahay kii hore, maxaa Wejigii hore wuxuu ahaa Walaaltinimo, kan maantana waa weji Kalgacal xambaarsan.

Soo dhoweynta ka dib waxey u sii gudbeen qolkoodii Waxbarashada, balse maanta waxey sheekadu noqotay in Kalgacalka bilowga ah la furo Beejkiisa bilowga, oo maanta dhankii Waxbarashada fasax laga qaato oo sheekadu noqoto, mid looga wada Xaajoodo qof walba sida uu yahay dareenkiisa Kalgacal ee uu u qabo kan kale, Mid kasta indhihiisu waxaa soo buux dhaafiyay i llintii jaceylka farxad awgeed, lagama sheekeyn karo maalintaasi waxa ka dhacay fagaarahaasi, ilaa ay sheekadu isku rogto Romantic xiiso leysku qabo dartiis, ilaa markii dambe ay gaarto iney meel dheer ay ka aragto Hooyo Warsan Amiin iyo Ugbaad oo isku dhex Milan, indhahoodana ay illintu ka socoto Warsan intey yaabtay ayaa xataa iyada indhaheeda illintu ka daadatay, malaha waxey gashay Xusuus iyo Waayo waayo.

Intaas ka dib Warsan waxey si hoose u soo wacday Xaajigeeda oo ah ku tiri:- Xaajiyow kaalay maanta wax arag ilmihii wax baahelay.

Ninkeeda Wahbi intuu soo istaagay ayuu soo daba galay Xaaskiisa Warsan, ka dibna si tartiib u tustay Caruurtii oo isku dhex Milan, illintana ka dhamaatay, indhahoodana wada guduudan, kolkaas ayuu Wahbi Xaaskiisa Warsan ku yiri:- Iska daa waa Xilligooda, waqti ha qaataan.

Warsan baa tiri:- Markii arkay iyagoo sidaas isugu Oynaaya ayaan Anigaba is celin waayay oo ilintu i soo dhaaftay.

Intaas ka dib Warsan iyadoo Xaajigeeda oo ay u deceyneeso jaceylkaan cusub ayaa waxey ku tiri:- Wahbiyow Wlhi waan jeclahay markaan arko Laba ruux oo aad isku jecel, jaceylkooda yahay mid Daacadnimo iyo Isfaham ku dhisan, Amiin iyo Gabadhaan ilaaheey haka dhigo kuwii jaceylkooda Miro dhala, waayo iyagoo yar yar ayey is doorteen, kuna,Walaaloobeen Waxbarashada, maanta jaceylkooda heerkaan aan aragno ayuu maraa, ilaahoow jaceylkooda ka yeel kii ay ku Guuleystaan.

Haddaba, maalintaas dhan Amiin iyo Ugbaad, waxey u noqotay Maalintii Xuska jaceylkooda, sidaas waqtigii ugu dhamaaday,ka dibna waxaa la gaaray Xilligii ay bixi jirtay Ugbaad, balse Caawa waxaa diyaar u ah, inuu kaxeeyo Amiin Aabihiis. Aabe Wahbi waa Aabe wax garad ah, markiina intuu u yimid Labadooda oo qolka ku jiraan ayuu ku yiri is diyaariyaayo Caawa Aniga ayaad ii Casuman tihiin. 

Amiin iyo Ugbaad wey ku farxeen hadalkaasi, durba Amiin isagana wuu soo lebistay oo is diyaariyay, daqiiqado ka dib wey soo baxeen. Aabe Wahbi intuu soo waday ayuu ku yiri:- Caawa halkee jeceshihiin inaan ka soo wada Casheyno ?.

Amiin wuxuu si hoos ah u weydiiyay Ugbaad, iyadana si hoos ah ayey ku tiri:- KFC ayaan ka helaa.

Kolkaas ayuu Amiin u sheegay Aabihiisa iney rabaan KFC iney ka soo Casheeyaan, sidii ayaana KFC loo wada aaday, oo laga si qurux badan looga soo wada Casheeyay.

Aabe Wahbi intaas ugama harine, Ugbaad si khaas ah ayuu u soo guddoonsiiyay hadiyad ay Warsan ugu soo dhiibtay markey ka soo baxaayeen guriga, kuna tiri: Gabadhaas aad ayaan u jeclahay ee Haddiyadaan iga gaarsii.

Ugbaad markey aragtay Haddiyadda qiimaha ay xaggeeda ka laheyd farxad ayey la Oysay, haddiyadaas oo aheyd Taleefan I PHONE 13, oo ay aad u jecleyd isla markaas ay duruuftu u saamixi weyday iney iibsato. Ugbaad markey gurigooda timid iyadoo wejigeeda ay farxad ka muuqato, ayey Hooyadeed ugu bishaareesay Taleefanka Haddiyadda loogu keenay, una sheegtay inuu u keenay Amiin Aabahiisa.

Ugbaad hooyadeeda aad ayey ugu duceysay Amiin Aabahiisa, waayo Taleefanka noocaan ah Gabadheeda dhowr jeer ayey weydiisay oo ay ku laheyd Hooyooy Taleefankaas ayaa soo baxay ii iibi, iyadana wey u awoodi weysay daruufo jira awgood, sidaasi darteed ayey Maanta aad ugu faraxday tallka loo keenay Gabadheeda, sidaasi darteed ayaa waxey ku tiri gabadheeda Ugbaad:- 

Ugbaadeey Hooyo Reerkaan waa Reer aad u Wanaagsan ee Reerkaas weligaada Ogoow, oo haku ciyaarin.

Ugbaad:- Hooyo aad bey u fiican yihiin Amiin Hooyadiis iyo Aabahiis, markaan gurigooda aado aad ayey ii soo dhoweeyaan, Aniga iyo Amiin isku si ayey noola dhaqmaan, wax kasta oo Amiin loo keeno Anigana waa ley keenaa.

Hooyo Warda:- Maasha Allaah Hooyo waan arkaa ilaah hakuu dhowro, waa Reer wax ka yaqaan Sharafta iyo ixtiraamka Diinteena.

Hooyo Warda waxey gabadheeda kntaas ay u raacisay:- Ugbaadeey hooyo Amiin isna waa Walaalkaagee, ixtiraam ayuu laa mudan yahay Ogoow.

Ugbaad baa tiri:- Hooyo Amiin iyo Dadla kale isku key mid maaha, maxaa yeelay Amiin Walaalnimada ka sokow, waa Wiilka i baray iftiinka Nolosha, mana laga yaabo inaan marnaba xumeeyo, waayo wax kasta isaga ayaa igala weyn.

Amiin iyo Ugbaad jaceylkoodu maalinba maalinta ka dambeysa wuu sii kordhaayay oo waxey gaareen xataa Iskuulka markey joogaan oo ay fasalka ku jiraan iney muujiyaan xiisaha uu midba midka kale uu u qabo, ilaa Ardayda ay u xaqiiqowdo iney markaan Amiin iyo Ugbaad ay noqdeen Lammaane wadaagay badweynta jaceylka.

Amiin iyo Ugbaad weligooda lama gamban jaceylka iyo xiisaha ka dhaxeeya, dadka qaar ayaa markey soo socsaan ugu yeera Qeys iyo Leyla, qaarna Cilmi iyo Hodan.

Amiin iyo Ugbaad weliba waxaa u sii dheer in Labada dhinacba Waalidkooda ay Raali ka wada noqdeen ama is jeclaaday Lamaanahan ku soo biiray Badweynta Caashaqa, Hooyo Warsan dhowr jeer ayey Xaajigeeda kala tashatay in Wiilkood iyo Ugbaad leysku guuriyo, wey isku raaceen fikirkaasi, balse Amiin Aabihiisa ayaa Warsan ku yiri:- Bal aan u yara Sugno intuu dhameynaayo Jaamacada.

Dhanka kale Warsan Hooyadeeda iyadana dhankeeda aad bey uga heshay Amiin iyo Waalidkiisa, xataa mararka qaar waxaad in iyada Nafsad ahaanteeda Hooyo Warda marka ay aragto Haddiyadaha uu soo siiyo Amiin Aabahiis in Qalbigeeda uu dareemaayo Hamilton dhankiisa ah, waayo markey aragto Gabadheeda oo Haddiyado Qaali ah loo soo iibiyad ayey is leedahay “Oday Qiimo badan waa kan oo kale, Alla Ninkaan Naagta heshay Nasiib badanaa, waa kan anigana Nasiibkeygu uu sidaan u xumaaday, oo gabadheydu Aabe la’aanta dhigay, bal muxuu taraa Oday halkaan kuu fadhiya oo aan Waxba laga dheefeyn, oo isaga Nadaafadiisa iyo dhar ka Beddelkiisa adiga kaa sugaayo, isla markaasna aadan ku heysan Wax farxad ah”.

Hooyo warda iyada ayaaba looga baqaa iney dhex dabaalato Badweynta Caashaqa, wallow beryahaan dambe ay aad u soo kordheyso Hammiga ay dhanka Amiin aabahiisa u qabto, waayo markey Aragto gabadheeda oo hadiyad Qurux badan la soo siiyay habeenkaa iyada iyo Hurdada wey kala dhaartaan, oo waxaa horteeda la soo dhigaa Sawirka Wahbi oo ah Amiin Aabihiis, oo wuxuu noqday beryahaan midka keliya oy ku duceysato Hanashadiisa. Aad buu Qalbigeeda saameyn ugu yeeshay Ninkaasi, waxaanba ka baqaa in ay Warsan ku soo farahmaan Biyo meel iska fadhiyay, Alloow kala badbaadi Warsan iyo Warda.

Haddaba, waxey arrintu sdaa ahaataba Warda waxey go’aansatay iney Casumaad u dhigto Amiin Aabahiisa Wahbi, oo ay gabadheeda u soo sheegto in Guriga laga Casuumay maalinta Jimcaha soo socota, waxaa dhex maray iyada iyo gavadheeda hadaladaan:- 

Hooyo Warda:- Ugbaadey Hooyo guriga Amiin markaad aadid u sheeg Aabahiisa in maalinta jimcaha uu gurigeeda yimaado oo halkaan uu ka Casuuman yahay.

Ugbaad:- Waa yahay Hooyo, markaan galabta aado anaa u Sheegaayo.

Hooyo Warda:- Waa yahay hooyo adiga ayaan kaa war sugaa Caawa Insha Allaah.

Ugbaad:- Waa yahay hooyo, Aniga igu halee.

Toloow maxaa dhici doona Warkaan markey maqasho Warsan, koley wax baa dhici sidaan arkaayo ee Alloow Kheyr ka dhig.

Maalintii Xigtay, markuu waagu baryay oo ay Ardaydu soo aadeen iskuuladooda, oo Amiin iyo Ugbaad wada kulmeen, xiisadihii hore iskuulkooda ayey dhigteen, markii la gaaray xilligii Nasashada ee Quraacda, ayey Ugbaad ku tiri Amiin:- 

Ugbaad:- Amiin gacaliye Maalinta jimcaha soo raac Aabahaaga, Guriga ayaa laga Casuumay oo hooyadeey ayaa igu tiri u soo sheeg Amiin Aabshiisa.

Amiin:- Oo Hooyadaa miyey taqaan Aabaheey

Ugbaad:- Maya, balse Haddiyadaha uu ii keeno ayaan ku fjihi jiray waxaa ii keenay Amiin Aabahiis, sidaas darteed ayey igu tiri Waa Oday Wanaagsan, anagana waa Casumeynaa ee Jimcaha u soo sheeg ha inoo yimaado.

Amiin waa iska ciyaal oo wax Shaki ahba ma dareemin balse wuxuu ku yiri:- 

Amiin:- OK, anigaba waan soo raacaa Aabe.

Waa yahay iyo Waa yahay ayaa ku kala tageen.

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.