Dhanka kale ileen Bini’aadan War sheeg laga waayi maayo, islaan ay Saaxiib yihiin Warsame hooyadiis ayaa Dhowr Maalmood waxey jidka ku aragtay Amiin iyo Ugbaad oo wada socda, markey aragtay sansaankooda waxaa galay Shaki ah in Labadaan uu Xiriir ka dhaxeeyo, kolkaas ayey Maalin ay meel Waddo ah ku wada kulmeen Warsame hooyadiis, Salaan ka dib waxaa dhex maray Doodaan:-

Warsame hooyadiis:- Xaajiyo see tahay ?

Islaantii:- Nabad iyo kheyr, waan fiicanahay.

Warsame hooyadiis:- Haye waa lagu waayay waayadan, xaggee ka dhacday ?

Islaantii:- Leyma waayine, Waan joogay Anigu, ee heedhe waxaan kaa iloobay oo mar kasta aan i dhahaa u sheeg, Gabadha Wiilkaaga dhalay ee Ugbaad, waxaan mar kasta ku arkaa Wiil aan Deris nahay oo Amiin la yiraahdo, ayna dhashay Warsantii ay Wiilkaagu kala tageen, ee Arrintaas mala socotiin, maba kala Labadooda, malaha wey is jecel yihiin.

Warsame hooyadiis:- Yaa, Naa waa maxay waxaad ku hadleysid, ma Gabadheyda ayaa Reerkaas wax la wadaageyso ?, taasi ma dhici kartee maxaad kaloo ii heysaa ?

Islaantii:- Heedhe waxba ha is waalinee bal Arrintaas Baaritaan ku sameey, adaa wax ogaan doonee, xataa Galab kasta Gurigooda kama baxdo, mar marka qaar Wiilka Aabahiis ayaa Baabuurkiisa ku qaado Labadooda oo magaalada geeyo, haddaad aragtid waxaad is leedahay Labadaan wey is qabaan, waxooda jaceyl wuu dhaafay. 

Warsame hooyadiis:- Oo ma waxad i leedahay Galab kasta wey u tagtaa ?, 

Islaantii:- War hadal kugu daalin maayee, bal Galabtaba ii kaalay anaa ku tusaayo.

Warsame hooyadiis:- Wallee Arrintaan waa wax kale, oo ma Reerkii Wiilkeyga sidaas u waalay ayaa haddana Gabadhiisa rabaan iney sii Waalaan, taasi dhici meyso waa inaan ka Gun gaaraa Arrintaas, ee Saaxib galabtadan waan kuu imaanaa bal i tus oo isha ii saar.

Islaantii:- Waa yahay yaan Adiga lagu waayin, Saddexda Galabnimo ii kaalay guriga, bal ishaada wax ku arag.

Warsame hooyadiis:- I waayi meysid ee waa inoo Galabta.

Si kastooy Arrintu ahaato Amiin iyo Ugbaad waxey wada qaateen Hal go’aan oo ah in jaceylkooda Cid kasta oo soo fara gelisa ay ka hor tagaan, weerar kasta oo lagu soo qaadana ay difaac Adag kala hor tagaan.

Haddaba, Warsame Hooyadiis inta galab laga gaaraayo wey dharareysay, intaan Saddexda galabnimo la gaarin waxey Xaadir ku aheyd Guriga Islaanta ay Saaxiibka ahaayee. Dhawr daqiiqado ka dib Ugbaad ayaa Baabuur ka soo degtay, iyadoo Guriga u soo socota ayaa loo yeeray Warsame hooyadiis, oo qolka fadhiga ku jirtay, ka dib islaantii baa ku tiri:- 

Bal kaalay Gabadhaada waa taase bal eeg.

Warsame hooyadiis intey Albaabka soo istaagtay, ayey isla markiiba u wacday Ugbaad oo guriga Amiin sii galeysa, kuna tiri:- 

Warsame hooyadiis:- Naa Ugbaadeey kaala.

Ugbaad:- Haye Ayeeyo see yahay ?

Warsame hooyadiis:- Naa Ayeeydaa maahee, maxaad halkaan ka soo raadisay ?.

Ugbaad:- Ayeey gurigaad ayaan Wax ku bartaa galab kasta.

Warsame hooyadiis:- Naa Balo kugu dhacdaye yaa wax ku bara Halkaan.

Ugbaad:- Aniga iyo Wiil Amiin la yiraahdo oo aan isku iskuul nahay ayaa wax isla baranaa.

Warsame hooyadiis:- Amiinkaaga ma aqaanee Naa orod Gurigiina aad.

Ugbaad hadalkaasi kuma qancin intey eegtay ayey ka dhaqaajisay oo ay guriga Amiin dalaq tiri. 

Intey Ugbaad sii socotay ayey Ayeeydeed ku tiri:- Naa Anigoo kula hadlaayo ayaad iga Carareysaa sow maaha, aan arko hooyadaa.

Ugbaad:- Ayeeyo hooyadeey wey ogtahay, wax kastana wey la socotaa.

Warsame hooyadiis:- Waa yahay aan Arko iyada ayaa ka jawaabi doonta.

Ugbaad howsheeda ayey sii wadatay, ileen iyadu waxey oofineysaa Go’aankii adkaa oo ay wada galeen iyada iyo Amiin, kaas oo ahaa in ay Guntiga dhiisha isaga dhigaan Cid kasta oo 

weerar ku ah Wada socodkooda, Waalid ha noqdo ama Walaal ama Ehelkaba ha noqdeen.

Islaantii Warsame hooyadiisa aheyd intaas kuma harine ee waxey u aaday Warda oo ah Ugbaad hooyadeed, waxaana dhex martay dooddaan:- 

Warsame hooyadiis:- Naa Warda gabadhaada ma Adaa u fasaxay iney Reerkaasi aado?

Warda:- Waa Reerkee, reerka aad sheegeysid ?

Warsame hooyadiis:- Waa Reerka la sheegayo iney Galab kasta aado oy Wax ku soo barato.

Warda:- Haa anaa u fasaxay waa Reer fiican, oo aan hubo iney gabadha wax haleeneynin.

Warsame hooyadiis:- Naa Balo ku dhacdaye, balse aad u dirtidee, horta Reerka Aqoon ma u leedahay ?.

Warda:- Aqoon uma lihi, laakin Wanaagooda ayaan arkaa.

Warsame hooyadiis:- Wanaaga aad sheegeyso muxuu yahay, bal ii sheeg.

Warda:- Gabadha markey Waxbarashada soo dhameysato Baabuurkooda ayey ku soo qaadaan Guriga ayeyna ii keenaan, Gabadha iyadana wey ku faraxsan tahay, Anigana Aminka ayaan ku qabaa Reerkaas.

Warsame hooyadiis:- War illeen tan oo kale, Naa Reerka ma taqaanidee, ka joog oo ka ilaali gabadha, maxaase isku geeyay Wiil iyo Gabar ?

Warda:- Waxbarashada ayaa isku geysay.

Warsame hooyadiis:- Oo adiga ayaaba sidaas ku hadleysid, waa tahayee horta Reerka aad ku sheegeyso Fiicnaanta aan ku baro, Wiilka yar ee Amiin la leeyahay oo gabadhaadu daba soco Ogoow waxaa dhashay, Gabadhii Warsan la lahaa ee Ninkaaga Warsame sidaas u gashay ilaa uu ka Waasho gaarsiisay, haddana ma waxaad dooneysaa iney Gabadha inaga Waalaan, Wallee taas anaa hor taagan, Adiga wey fiican yihiin dhex ama wey xun yihiin dheh.

Warda oo la yaabtay hadalkaan loo sheegay ayaa waxey Qalbiga iska tiri “Haddii Gabadha ay Warsame kala tageen ay Reerkaan yihiin, Reerka waa Reerku waa Reer Wanaagsan, malaha Islaantan iyo Wiilkeeda Warsame iyagaa Xun, sababtoo waan maqlay gabadha iyadoo qaba ayuu Saaxiibadeed la Guursaday, taasna Qof u dulqaadan karta ma jirto”. Intaas ka dib ayey Warda ku tiri Islaanta:- 

Eeddo sow tii la lahaa Warsame ayaa gabadha xumeeyay oo Gabar Saaxiibadeed oo guriga la ayuu la guutsaday, taas hadey jirto sow isaga ma gardarna Wiilkaagu, malaha waxa hayo waa Nabsiyee, gabadho aan ugu tagno bal ha u soo Duceyso, waa intaasoo ku Caafimaado.

Warsame hooyadiis oo Qosleysa baa tiri:- Alla Adigana miyey ku Sixreen Reerka mar hadaad gabadhaadana ku fasaxday Wiilkooda iney Guriga ugu tagto, Adigana aad Reerka difaac u tahay, Wallee in lagaa Shaqeystay ayaan Shaki ku jirin.

Warda baa tiri:- Eedo Sixir wax la yiraah ma jiro oo Quraanka ayaa ka Adag, balse waxaan kuu sheegay oo keliya fikirkeyga siduu yahay, maadaama uu Warsame Dadka oo dhan wada qireen inuu isaga Gabadha xumeeyay, bal iyada aan Cafis uga soo Codsano, un baan ku iri, intaasi ma wax xun baa ?.

Warsame hooyadiis oo hadalkaasi ka yaabiyay ayaa tiri:- Naa Warkaagu Cad yahay, ee halkaas iga mar, ileen waxa gabadha Ugbaad duleynaayo oo Dulmiga uga Raali ahba waa Adiga.

Intaas ka dib Warsame hooyadiis wey ka soo tagtay, oo Gurigeeda ayey aaday iyagoo uu dhiigga ku kacsan yahay.

Dhinaca kale Islaantu maba oga in Wiilkeeda aan wax Niyad ahba loo heynin, maadaama uu Xanuunsan yahay, isla markaana aan lagu aan Nafsadda lagu Amini karin, mar marka qaar Warda waxey nafteeda ku Mashquulisaa sidey Warsame uga fasaqan laheyd, maadaama uu Waqti badan kaga lumay la Noolaanshahiisa, uusanna waxba u soo kordhineyn wada Noolaanshahiisa ileen qof Dhimirka la’. Hooyadiisana wey is Atooreeneysaa, maba Oga in sidaan ay Nabad ugu jirto.

Abdulkadir Uukow 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.