Warsame hooyadiisa maadaama ay soo guureen oo ay Dalka ku soo laabteen, waxey xasuusatay Gabadhii Marwa aheyd ee uu dhalay Warsame, una dhashay Warsan, wey soo baxday oo Gurigii ayey timid, sii diiran ayaa loo soo dhoweeyay, Warsan hooyadeed ayaa si Wanaagsan oo aan Niyadda jirin ku soo dhoweysay, iyadoo laabta iska leh “War balaayada maxaa noo soo celiyay?”.

Intaas ka dib waxaa dhex maray:- 

Warsame hooyadiis:- Ii waran See la yahay ?

Warsan hooyadeed:- Nabad iyo kheyr soo dhawoow Xaajiyo.

Warsane hooyadiis:- Waan dhowahay, xaalada ka warama.

Warsan hooyadeed:- Aad baa loo wacan yahay waa ilaah Mahadiis.

Warsame hooyadiis:- Aaway Gabadheyda Marwa, ma weynaatay ?

Warsan hooyadeed:- Haa weynaatay Warda hadda Jaamacadda ayey ku maqan tahay, wey imaaneysaa goor dhow.

Warsame hooyadiis:- Maasha Allaah, waan kala fogaanay gabadheyda iyadoo aad u yar ayaa iigu dambeysay, oo ad Hal sano gaarin.

Warsan hooyadeed:- Waa Run Waqtiga ayaa sababay in la kala fogaado.

Intaas ka dib waxaa Kushiinka ka soo baxday Asma oo ay ku Mashquulsaneyd Qado karin, markey soo baxday ayey Salaantii, aad bey isku xaal wareysteen, iyagoo wadalkii ku guda jira ayaa waxaa Jaamacadda ka timid Warda, Warsame hooyadiisa ayaa Aragtay Marwa oo Asma dhaheyso Habaryar, waxey Maskaxdeed ka qiyaasatay iney Warda tahay maadaana ay si fiican ugu egtahay Hooyadeed Warsan, kolkaas ayey Warsame hooyadiis ku tiri Asma: 

Warsame hooyadiis:- Ma gabadheydii Wardo ?

Asma:- Haa, Haa Warda jaamacadda ayey ka timid hadda.

Warsame hooyadiis:- Maasha Allaah, wey weynaatay gabadheyda, Alla hanoo daayo.

Asma:- Aamin yaa Rabbi.

Warsame hooyadiis oo la hadleysa Warda baa tiri:- Marwa kaalay Hooyo.

Marwa wey u timid, kolkaas ayey ku haddana ku tiri:- 

Warsame hooyadiis:- Warda Aniga Ayeeyadaa ayaan ahay, adigoo yar ayaa igu dambeesay, intaas dibadda ayaan ku maqnaa, see tahay Ayeeyo.

Marwa oo la yaaban islaanta la hadleysa oo aan fahamsaneen waxey tahay ayaa tiri:- Waan fiicanahay Alxamdulilaah.

Warsame hooyadiis:- Jaamacadda immisa sano ayaa kaaga dhiman hooyo.

Marwa:- Hal sanno ayaa iiga dhiman. 

Warsame hooyadiis:- Maasha Allaah, ilaah hakuu fududeeyo Hooyo.

Intaa ka dib Warsame hooyadiis, Boorsadeeda intey soo qabatay ayey ka soo saartay hadiyad ay ugu soo talagashay Gabadheeda Warda, taasoo aheyd:- Taleefan IPHONE 13, iyo Sad Dahab ah, isla markiiba gacanta ayey ka saartay gabadheeda Warda.

Marwa aad ayey ugu faraxday Haddiyadahaas ay u keentay Islaanta Ayeeyadeed isku sheegeysa, ileen Warda weli ma oga sida ay ku noqotay Ayeeyadeed, balse waxey u heysataa Waayeelnimada darteed iney ku u dhaheyso Ayeeyo. Warda Hadiyadihii waxey u dhiibatay Habaryarteed Asma, Asma ayaana meel u dhigtay.

Warsan hooyadeed Qolka ayey ku jirtaa waxa meesha ka socdana Hal-hal ayey ula socotaa, iyo Haddiyadaha loo keenay Warda, markeey in yar ka soo wareegatay ayey Qolkii ka soo baxday oo ay u timid Islaantii iyo Asma oo isla fadhiya, Madadaalo iyo Sheeko gaaban ka dib wey baxday islaantii, waxaana isku soo haray Asma iyo Hooyadeed iyo Marwa oo Qolkeeda jiifto. Haddaba maxaa dhex maray Asma iyo hooyadeed ?.

Hooyada baa tiri:- Naa Asmo aaway Hadiyada la sheegaayo ay keentay Islaantu ?.

Asma ayaa soo bixsay Haddiyaddii oo ku tiri: Waa tan hooyo Hadiyadda loo keenay Marwa.

Hooyada markey Aragtay, bey tiri:- Balaayada Sixir bey la wareegeysaaye, Gabadha yey naga Sixrin Inkaar qabtada.

Asma:- Hooyo waa Caadi sow Ayeeyadeed maaha, Haddiyad hadeey u keento.

Hooyada:- War iga taga Adiga iyo Warsanba wax kama Ogidiin Adduunka waxa ka socda, Ma Bini’aadan baa la aminaa xilligaan la joogo, wallee weli Ciyaalnimo ayaa idin heyso.

Asma:- Hooyo Marwa wey ku faraxday hadiyada, waxey dhaheysay taleefankaan inaan soo iibsado ayaan rabay, ma haddii ley keenay Alxamdulilaah, ee Hooyo Gabarta ha niyad jebinin.

Hooyada:- War heedhe Haddiyadiina heysta Gabadheyda Marwa anaa u soo iibinaayi Taleefan Cusub oo noocaan ah iyo wixii kale oo ay rabto, Alaabtaan Balaayada lagu soo Akhriyay leyga siin maayo gabadheyda.

Intaas ka dib, Asma intey Haddiyadihii Sawir ka qaaday ayey WhatsApp-ka ugu dirtay Walaasheed Warsan, una sheegtay iney u keentay Ayeeyadeed, hase yeeshee ay diidan tahay Hooyadood in Marwa la siiyo Haddiyada baqdid ay ga baqeyso Sixir dartiis.

Haddaba waxeynu sugnaaba waa jawaabta ay Arrntaasi ka bixiso Warsan.

Warsan markey hooyadeed intaas ku tiri, ayaa waxey ugu jawaabtay, oo ay iyadana ku tiri:- 

Warsan:- Hooyo waa Waalid, waxey haddiyada ugu keentayna waa Waalidnimada iyo jaceyl ay u qabto Gabadheeda, balse Wax fiican maaha inaan Gabadheyda Marwa aan Cuqdad Waalid naceeb aan ku beerno, sidaas darteed aan ka ilaalino Gabadha Fikrad xun oo waalid naceyb ah inaan ku Abaabino.  

Hooyada:- Oo hadda miyey waalid u noqotay, maalintii la dhalay ilaa maantadan oo ay tahay Qaangaar maxey ka Ogeed Nolosheeda ?, War hooy Warsan islaantu Dad yar shidi meysee maad ka joogtid, adigaba waad Ogeyd dhibka aad ka soo martay Reerkaas.

Warsan:- Hooyo waxaas wey soo dhaceen, weyna dhamaadeen, hadda waxa taagan aan ku dadaalno sidaan wax uga qaban laheyn, ka gudub wixii hore oo ilaaheey aan talo saarano, wax uusan ilaah qorinna nagu dhici maayo.

Hooyada:- Wallee Warsaneey Adiga iyo Asma, Aniga ima raacina, waxaad noqoteen Doqomo aan wax fahmeynin oo Caqligii baad ka dhimateen, Bini’aadan weligaa lama Amino nooc kasta uu yahay, haddaad is leedahay Gabadhaada Marwa Haddiyadaas wey jeceshahay, kama maaranto, Anaa u soo iibinaayo, ee haddiyadaas Adiga iyo Asma kala qaata.

Warsan:- Hooyo Macaan ilaaheey Ruuxii wakiil ka dhigto dhib weligiis arki maayo ee aan Alla talada saarano oo gabadha hadiyadeeda aan u deyno, ilaaheyna Wax kama tusaayo.

Hooyada:- Waa tahay weynu eegeynaa, balse hadeey wax dhacaan Aniga yaan ley soo Cabanin, taas Ogaada.

Dhanka kale Ugbaad maalinba maalinta xigta waxey dareemeysaa inuu ku soo kordhaayo jaceyl dhanka Amiin ah, dhowr jeer hadalo si Sarbeeb ah wey ku tiri, balse Amiin ma fahmin Ujeedkeeda, balse maanta waxey go’aan ku gaartay iney Warqad qoraal ah oo jaceykeeda ay ugu soo bandhigeyso Amiin iney u qorto, oo ay Buuggiisa u dhex geliso.

Warqadii ayey soo diyaarsatay, Xisooyinkii markey dhamaadeen ee la gaaray Xilligii bixitaanta ayey Buuggiisa u dhex gelisay Warqaddii, waxey ku tiri: “Amiin galabta Hooyo ayaan meel u raacaa, Insha Allaah waa inoo berito”, isagana Waa yahay ayuu ku yiri.

Amiin wuu soo baxay, oo gurigiisa ayuu yimid, dharkii ayuu iska beddelay, wuu soo qubeystay

ka dib Salaaddii Duhur ayuu dukaday, ka dib intuu Qadeeyay ayuu in yar iska Seexday, waxa uu soo toosay Xilligii Salaadda Casir, markuu Salaadda soo dukaday ayuu Buugaagtiisii soo qaatay oo la yimid Qolkii Fadhiga oo uu wax ku Aqrisan jiray.

Amiin dhowr Saacadood markuu wax Aqristay, dhowr Buugna uu wada Eegay, ayaa Buuggii ugu dambeeyay markuu soo qabtay, waxaa ka soo dhacday Warqad Xiran, oo uu dusha kaga Sawiran yahay Love, kuma qoran “I ❤ Amiin”.

Amiin dhidid aad u fara badan ayaa ka yimid, waayo Arrinta waxey ku noqotay mid kedis ah, mana ahan wax uu hore u soo arkay, misana War uma haayo halka ay ka timid Warqadda, waayo Qofka soo diray Magaciisa kuma soo qorin. Amiin intuu Warqaddii dhulka ka soo qaaday ayuu kala furay, oo uu Akhris ku bilaabay, waxeyna u qorneyd sidan:-

KA:- Naf Wax Jecel

KU:- Gacaliye Amiin

Amiin waan ku Salaamay Xabiibi, iga guddoon Salaan kaaga timid Qalbi aad ku yeelayay Boos aadan weligaa ka tirmeynin, Laan Adiga kuu Nugul, Niyad aad ka habsaamin daqiiqad qura.

Amiin waxaa tahay Qeyb farxadeyda ka mid ah waxaan ahay Naf baadigoob ugu jirtay Helidaada, Waxaa tahay Muftaaxii laga hagaayay Qalbigeyga, waxaan ahay Naf u harraadan Hanashadaada.

Amiin si kasta ayaan wax kuu dareensiiyay, oo aad i fahmi weyday, dhan kasta ayaan wax kaa tusay weli maadan garan hadafkeyga, balse maanta waxey dantubi badday inaan kuugu soo bandhigo Qoraalkeyga dhammaan waxa aan Caloosha kuugu hayo muddo fara badan.

Amiin Walaalnomadeena waa halkeed oo taas weligeeda dhamaan meyso, balse maanta waxaa ii dhaar Hammuun aan u qabo Nolol inaan kula wadaago, waxaan kuu qabaa jaceyl soo Xarko goostay, aan Xal u waayay oo uu Xalkiisa dhankaaga jiro, isla markaana aad Adiga Dawo u tahay Bogsiinta Qalbigan adiga Bukaanka kuu ah, Amiin Xabiibi marka kaa filan maayo inaad igu Gacan Seyreesi doontid, waxaan ku kalsoonahay inaad si Kal iyo Laab ah iiga Aqbali doonto, Codsigeyga aan maanta kuugu soo bandhigtay Qoraalkan.

Waa Naf ku jecel Ugbaad.

(Haddaba, waxeynu Sugnaaba waa jawaabta Amiin oo aan u rajeyneeno inuu noqdo mid farxad geliya Ugbaad).

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.