Walaal, waa inaad ku faraxdaa fursadda qaaliya ee Alle kuu siiyey si aad waxbarashadaada u sii waddo. Kumanaan qof oo adiga oo kale ah ayaan nasiib u helin fursaddan, iyagoo laga yaabo inay cudur ku khasbanaadeen, dhaqaale xumo heshay, ama xaaladaha nolosha ee kale aysan u saamixin inay heerkan gaaraan. Hase yeeshee, adiga waxaa laguu suurtagalshay inaad jaamacad gasho si aad u hesho waxbarasho sare.
Jaamacadda dhexdeeda, ardaydu waa kuwo kala duwan, mid walibana wuxuu leeyahay hab-dhaqan iyo hawl-karnimo gooni ah. Waxaa jira dhowr nooc oo arday ah:
- Kuwo dadaala oo maskax badan: Kuwaan waa ardayda si hagar la’aan ah ugu heellan waxbarashada, iyagoo u diyaar ah inay ka faa’iidaystaan fursad kasta oo aqoon kororsi ah.
- Kuwo maqanayaal ah: Ardayda qaarkood inta badan ma joogaan fasallada ama waxay u muuqdaan kuwo aan ku baraarugsanayn muhiimadda waxbarashada.
- Kuwo khasaaro ah: Kuwani waa ardayda aan ka faa’iidaysanin fursadaha ay haystaan, iyagoo aan wax dadaal ah gelin waxbarashadooda isla markaana wakhtigooda ku khasaariya wax aan faa’iido lahayn.
Haddaba, halkan waxaa ku qoran talooyin muhiim ah oo kaa caawin doona inaad guul ka gaarto waxbarashadaada jaamacadeed:
- Dooro taqasuska aad jeceshahay: Waxaa muhiim ah inaad barato waxa aad ku haminayso oo naftaada ay rabto. Iska ilaali inaad raacdo taqasus ay doorteen saaxiibbadaada haddii aadan hami iyo xiise u qabin. Tani waxay noqon doontaa khasaaro adiga kuu gaar ah, sidoo kalena waxay ku dhibaysaa waalidkaaga oo ku taageeraya sidii aad mustaqbal wanaagsan u heli lahayd.
- Xasuuso dadaalka waalidkaaga: Marka aad fadhido fasalka, ama macallinku casharka sharxayo, so xasuuso waalidkaaga sida uu u soo saaro qarashka waxbarashadaada. Waalidkaaga wuxuu subax walba u kalahaa shaqo adag, isagoo mararka qaarkood xanuunsan, si uu lacagta jaamacadda u bixiyo. Waxa uu leeyahay, “Fadhi iima yaallo, laakiin waa inaan u shaqeeyaa si aan wiilkayga ama gabadhayda wax ubartaan oo aanan laga soo saarin fasal-ka iyaggoo lacag lagu lee yahay…” Adiguna si wanaagsan u dhageyso casharrada oo dadaal, maxaa yeelay dadaalkaaga waa mahad-celin u dhiganta dadaalka waalidkaaga.
- Ka fogow saaxiibbada xun: Haddii aad leedahay saaxiibbo aan wanaagsaneyn oo waxbarashadaada dib u dhigi kara, hadda waa waqtigii aad xiriirka ka jari lahayd. Saaxiibbada xun waxay si weyn u saameyn karaan horumarkaaga waxbarasho, taasina waxay kuu horseedi doontaa khasaaro weyn. Ka dooro saaxiibbada wanaagsan kuwa ku dhiirrigeliya inay wax akhristaan, ka hadlaan arrimaha nolosha ee horumarka leh, oo kuu horseedi kara guulo.
- Sameyso jadwal waxbarasho: Qorshe wanaagsan ayaa muhiim u ah guusha waxbarashada. Sameyso jadwal aad ku qorsheyso waqtiyada waxbarashadaada iyo wax-akhriskaaga si joogto ah. Habkaan waxa uu kuu suurtagelinayaa inaad si nidaamsan wax u barato, isla markaana aad ka fogaato culayska ka yimaada shaqada is daba joogga ah.
- Naftaada la xisaabtan: Qof walba waa inuu iskiis ula xisaabtamaa. Jadwal ku darsada hal saac isbuucii si aad isugu eegto horumarkaaga waxbarasho. Tani waxay kuu noqon doontaa dhiirrigelin oo kaa caawinaysa inaad ogaato meesha aad joogto iyo waxa aad u baahan tahay inaad ku hagaajiso safarkaaga waxbarasho.
- Ku dadaal inaad skill iyo aqoon dheeraad ah raadiso: Haddii aad rabto guul waxbarasho, ku dadaal inaad maskaxdaada ka buuxiso aqoon. Ku talagal inaad ku shaqeyso dadaal dheeraad ah oo aad wax ka barato meel ka baxsan fasalka, buugaagta, iyo ilaha kale ee aqoonta leh.
Gunaanad, jaamacad waa lawada aadaa, laakiin guusha waxay u baahan tahay dadaal, adkaysi, iyo karti. Hadda waa waqtigii aad go’aansan lahayd inaad noqon doonto arday guulaysta, kana faa’iidaysato fursadda qaaliga ah ee aad haysato. Dadaalkaaga iyo guushaada waa riyooyinka waalidkaaga iyo mustaqbalkaaga.
Hello!
Good cheer to all on this beautiful day!!!!!
Good luck 🙂