Qureysha Hospitalkii ayay timid iyadoo Niyad jabsan, oo yara Warwarsan, Ka dib waxaa la hadashay Maamulaha Hospitalka, Iyadoo ka qaadanaysa Fasax, wuuna ogoladay, xafiiska ayay ku soo noqotay, Alaabteedii ayay soo qaadatay iyada oo ka soo baxaysa Xafiiska ayay kulmeen Qaasim iyo Walaalkiis oo ka soo baxaaya Qolka.
Markaas ayuu Qaasim ku dhahay walaalkiis Iska sii soco, Qureysha ayuu soo ag istaagay, isaga oo ku leh ilaa maanta kuma arag miyaad maqnayd, Markaas ayay ku tiri Maya, laakin waan mashquulsanaa, waxaana filayaa hospitalka waad ka baxaysaa. Markaas ayuu ugu jawaabay: Haa Alhamdulillah hadda waan Caafimaaday.
Haye ayay tiri Waan ku salaamaa, weyna iska dhaqaaqday, Isaguna wuu iska tagay sidii ayuu gurigooda ku aaday, haddaba Qureysha xanuunka qalbiga ka haya wuu siyaadaa, markay Qaasim aragto, laakin ma rabto Inay la wadaagto dareenka jacaylka ee haya.
Guriga ayay timid markay albaabka soo gashay ayay hooyaded ku tiri “Inantaydii ugu danbeyn waad timid” dharka iska soo bixi, oo soo yar nafis, Ka dib aan qadeyno, Qureyshana Haye hooyo ayay tiri, halkaa iyo qolkeedii ayay ku dhaqaaqday Cabaar ka dib wey soo baxday, miiska Cuntada ayay tagtay, waxayna aragtay cuntadu inay diyaar tahay, intey fadhiisatay ayay tiri Kaalay dee cuntada cuna Gaaja ayaa i heysee.
Hooyadii ayaa soo booday iyada oo leh Naa Xishoo, markas ayay Qureysha yaabtay! maxa dhacay ayay tiri awalba waan qaylin jiree, Markaa ayay Hooyaded tiri Asad ayaa jooga, Xishood Mahdiya intay Qososhay ayay tidhi hooyo aniga gaaja i haysa ee qofkii wax cunayow Kaalay, ka dib cuntadeedii ayay iska soo qabsatay, weyna iska bilaaboway, Ka dib dadkii guriga joogay ayaa soo baxay Miiskii ayay soo wada fadhiisteen.
Asad kursiga Qureysga ka soo horjeeda ayuu fadhiistay, markaasuu dhahay Haye Qureysha see tahay inaga oo yar ayaa isku keen dambeysee, Markaas ayay tiri waan fiicanahay Waa runtaa Waqti dheer ka hor ayaa isku keen dambeysay, Qureysha wejigeeda ma fur-furna, oo inay u qososho wiilkan ayay diideysaa.
Markaas ayay kacday iyadoo leh caafimaad ku cuna, Asad ayaa ku dhahay May cuntada nala Cun, maxaad nooga kici ?, waxay ku tiri Waan dhergay, weyna iska tagtay, Qolkeedii ayay Book yar oo ay mar walba Akhrisato ayay la soo baxday Halkeeda ayay isaga jirtay.
Goor casar ah markay noqotay ayay Maamadii u soo gashay, Qureysha iyada oo ku leh Hooyo kaalay Casariye inoo soo samee, Qureysha yaab! Hooyo Aniga maxaad ii dhibaysaa gabarta shaqalaha u dir ama Marwa Maamadii ayaa tiri: May adiga baan rabaa in aad inoo soo sameyso ee Orod.
Marka maamadu waxay rabta inay isku soo jiido Qureysha iyo Asad, Qureysha Haye ayay tiri, wey kacday jikada ayay tagtay, Caffe iyo Macmacaan ayay u soo sameysay, Qolkii fadhiga oo ay joogaan Maamadi iyo Aabahed ayay aragtay, Marwa ayay ku tiri kaalay u qaad Casariyaha, Anigu uma tagayee, Marwa ayaa soo qaaday, Maamadi xanaaq hoosta iska Cuneysaa, maxay iyadu u soo qaadi wayday camal.
Hooyadii ayaa kacday Qureysha oo Qolkeeda Iska joogta ayay u soo gashay waxay ku tiri Adiga maxaa dadka u soo dhex feli la’adahay ee qolkan un ku dhex dhigay, kaalay Wiilka martida ah la Joog, oo la sheekayso, waxani waa ceebe, Is furfur weliga sidan miyaad Raga uga carari. markaas ayay Qurwysha tiri: Hooyo maxaan ugu sheekeya Aniga waad Ogtahay Wiil Ilama dhalan oo lama qabsan Wiil iyo waxaas, Aabo hala sheekaysto.
Hooyadii ayaa hadana ku tiri Quruxlaydii aan dhalay waxaas Intaad Iska dhaafto Caawa banaanka u kaxee, oo dareensii in la Joogista uu inala joogo lagu Faraxsan yahay.
Qureysha yaab ayaa ka soo haray, hadana Hadalka Hooyadeed ma diidi karto, markaas ayay ku tiri Haye anaa Caawa banaanka geyn. Hooyadii Haye waad ducaysan tahay intey ku tiri, ayey iska soo baxday. Ka dib Qureydha Ciil ayaa haya Ninkii ay jeclayd ayayna meel u raacin oo xataa u sheegan kari la’dahay markaas ayaa wiil kale lagu leeyahay Waqti sii.
Markey Habeen noqotay ayey Qureysha is diyaarisay, ka dib Marwa ayay ku tiri Asad u sheeg inaan diyaar ahay soo bax ku dheh, Marwana Sidii ayay sameysay. Qureysha oo guriga banankiisa ku sugeysa ayuu soo baxay weyna is raaceen, Markey dhexda sii socdeen vuu ku yiri: Markaad Ciyaalka ahayd Qof aad u kaftan badan ayaad ahayd, oo Naxariis badan, Markaas ayay ku tiri Weli waan naxariis badanahay ee iminka waa la weynaaday oo hadalkii badnaa ma jiro, markas ayuu dhahay Haa waa runtaa ee laakiin Quruxdii ayaa kuu sii siyaaday. Markaas ayay ku tiri Adi sidii yarantaadi ayaad u hadal badan tahay.
Hotel qurux badan ayay yimaadeen, Markay Miiskii fadhiisteen ayay Qureysha ku tiri Haye hawiga ka waran, wuu Qurux badan yahay ayuu ku yiri, Ee su’aal maku waydin karaa Haa soo daa ayay tiri, Wuxu ku dhahay Ma jaceyl ayaad leedahay ?, markaas ayay ku tiri Laga yaabee, Qureysha wey u dul martay Hadalka oo ma lihi iyo waan leeyahay midna mey oran.
Markaas ayuu dhahay Malaha Su’aal khaldan ayaan ku weydiiyay ee Sorry, dhib maleh ayay ku tiri, Markaas waxay weydiisay Magaaladan waxa uu ka soo doonay, isaguna wuxuu ugu jawaabay Jawi beddelasho, Waan gartay ayay tiri, Ka dib Waxay isha ku dhufatay Qaasim iyo Wiilal kale oo Miis halkaas ah wada fadhiya.
Wey naxday cabsi ayaa galay hadduu Ninkan kugu arko muxuu u qaadan doonaa ayey is tiri, Intay booday ayay ku tiri Asad Halkaan waan ku Caajisay ee ina mari Badda agteeda ayaan aadeynaa, Haye ayuu dhahay markey soo baxayeen ma uusan arag Qaasim.
Meeshii markay yimaadeen ayaa Roob weyn soo da’ay, Baabuurkii ayaa iska soo fuuleen guriga ayayba yimadeen. Qureysha markiiba Qolkeeda ayay gashay, Marwa oo dusha guriga fushan oo Roobkiina ku da’ayo ayaa Asadna Roobka wuu jecel yahay, wuxuu is dhahay dusha sare Iska Kor, wuu soo koray, wuxuuna arkay Marwa oo Roobka dhex taagan Magaaladana halkaas ka Daawanaysa wuu soo ag istaagay, isaga oo ku leh Haye Marwa, adigana Roobka miyaad jeceshahay ?.
Aaad ayaan u jeclahay ayey ku tiri. Cabaar ayay joogeen, markaas ayuu dhahay wuu sii badanaya Roobkuye Ina mari guriga.
Mid walba qolkiisa ayuu tagay, Ka dib Marwa ayaa soo baxday Caffe ayay u sameysay Asad Qolkiisa ayay ku garaacday soo soco ayuu dhahay, Wuxuu arkay Marwa oo Caffe u wada markaas ayay tiri Caffe ayaan kuu keenay maadama dhaxan ka timid, i sii ayuu dhahay waan u bahnahay, waadna mahadsan tahay.
( La soco Qeybta Xigta).