AI waa farsamo la baro kombiyuutarrada si ay uga fikiraan ama ay uga falceliyaan sidii bini’aadamka oo kale. Waxaad la kulantay AI marar badan noloshaada oo adiga oon u fiirsan.
𝐒𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐀𝐈 𝐤𝐮𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐚𝐚?
1. 𝐒𝐚𝐚𝐱𝐢𝐢𝐛𝐤𝐚𝐚𝐠𝐚 𝐂𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐥𝐞𝐡 (𝐕𝐨𝐢𝐜𝐞 𝐀𝐬𝐬𝐢𝐬𝐭𝐚𝐧𝐭𝐬): AI waa waxa ka dambeeya codadka ay isticmaalaan adeegyada sida Siri (Apple) iyo Google Assistant. Waxay kaa caawinayaan inaad si fudud u hesho xogta, u dhagaysto muusikada, ama u dirto fariimaha.
2. 𝐅𝐢𝐥𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐞𝐞𝐬𝐚𝐡𝐚 (𝐄𝐧𝐭𝐞𝐫𝐭𝐚𝐢𝐧𝐦𝐞𝐧𝐭): Markaad daawaneyso Netflix ama Spotify, AI ayaa ah waxa kugula talinaya filimada ama heesaha aad jeclaan karto. Waxay baranayaan waxyaabaha aad doorbidid si ay kuugu keenaan waxyaabo la mid ah kuwa aad hore u jeceshahay.
3. 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 (𝐒𝐞𝐜𝐮𝐫𝐢𝐭𝐲): AI waa waxa ka caawiya taleefannada casriga ah inay ogaadaan wejigaaga marka aad furto (Facial Recognition) ama ay soo qabtaan tuugta iyagoo isticmaalaya kaamirooyinka amniga.
4. 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐎𝐧𝐥𝐢𝐧𝐞-𝐤𝐚 (𝐎𝐧𝐥𝐢𝐧𝐞 𝐒𝐞𝐫𝐯𝐢𝐜𝐞𝐬): Markaad wax iibsanayso si online ah, ama aad raadinayso adeegyo sida gaadiid raaca (Uber), AI ayaa ah waxa haga dalabkaaga oo ay hubiso in adeegga aad hesho yahay mid degdeg ah oo sax ah.
5. 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 (𝐇𝐞𝐚𝐥𝐭𝐡𝐜𝐚𝐫𝐞): AI waxay ka caawisaa dhakhaatiirta inay ogaadaan cudurada adoo isticmaalaya sawiro caafimaad (Medical Imaging) isla markaana soo jeediso daawaynta ugu fiican.
6. 𝐒𝐮’𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐅𝐚𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 (𝐂𝐮𝐬𝐭𝐨𝐦𝐞𝐫 𝐒𝐮𝐩𝐩𝐨𝐫𝐭): Markaad isticmaalayso adeegyada macaamiisha (Customer Service) ee shirkadaha waaweyn, AI ayaa inta badan ah waxa ka jawaabataa su’aalahaaga ama ku hageya waxa aad rabto.
7. 𝐇𝐚𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐡 (𝐃𝐚𝐢𝐥𝐲 𝐓𝐚𝐬𝐤𝐬): AI waxaa laga heli karaa barnaamijyada (Apps) kaa caawiya qorshaynta maalinlaha ah sida agendaha (Calendar Apps) iyo xasuusinta (Reminders).
8. 𝐀𝐈-𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐥 𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 (𝐆𝐞𝐧𝐞𝐫𝐚𝐭𝐢𝐯𝐞 𝐀𝐈): AI-ga hal abuurka naga caawiya sida ChatGPT ama DALL·E wuxuu abuuri karaa qoraalo, sawiro, iyo naqshado cusub iyadoo la raacayo tilmaamahaaga(Prompts). Waxaad u isticmaali kartaa in aad hal-abuur sameysid, qoroto qoraallo, ama abuurtid waxyaabo kale oo kala duwan.
𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐅𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐈?
AI waxay nolosheena ka dhigaysaa mid fudud, degdeg ah, oo naga caawinaysa hawlaha culus. Laakiin waa muhiim inaad fahanto in AI sidoo kale la xidhiidho xogtaada, sidaa darteed, waa inaad taxaddar samaysaa.
Sideen ugu hortigi karaa dhibaa tooyinka AI