AI waa farsamo la baro kombiyuutarrada si ay uga fikiraan ama ay uga falceliyaan sidii bini’aadamka oo kale. Waxaad la kulantay AI marar badan noloshaada oo adiga oon u fiirsan.

๐’๐ข๐๐ž๐ž ๐š๐ฒ๐ž๐ฒ ๐€๐ˆ ๐ค๐ฎ๐ฎ ๐’๐š๐š๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐š?

1. ๐’๐š๐š๐ฑ๐ข๐ข๐›๐ค๐š๐š๐ ๐š ๐‚๐จ๐๐ค๐š ๐ฅ๐ž๐ก (๐•๐จ๐ข๐œ๐ž ๐€๐ฌ๐ฌ๐ข๐ฌ๐ญ๐š๐ง๐ญ๐ฌ): AI waa waxa ka dambeeya codadka ay isticmaalaan adeegyada sida Siri (Apple) iyo Google Assistant. Waxay kaa caawinayaan inaad si fudud u hesho xogta, u dhagaysto muusikada, ama u dirto fariimaha.

2. ๐…๐ข๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐ž๐ž๐ฌ๐š๐ก๐š (๐„๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ญ๐š๐ข๐ง๐ฆ๐ž๐ง๐ญ): Markaad daawaneyso Netflix ama Spotify, AI ayaa ah waxa kugula talinaya filimada ama heesaha aad jeclaan karto. Waxay baranayaan waxyaabaha aad doorbidid si ay kuugu keenaan waxyaabo la mid ah kuwa aad hore u jeceshahay.

3. ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š (๐’๐ž๐œ๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐ฒ):  AI waa waxa ka caawiya taleefannada casriga ah inay ogaadaan wejigaaga marka aad furto (Facial Recognition) ama ay soo qabtaan tuugta iyagoo isticmaalaya kaamirooyinka amniga.

4. ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐Ž๐ง๐ฅ๐ข๐ง๐ž-๐ค๐š (๐Ž๐ง๐ฅ๐ข๐ง๐ž ๐’๐ž๐ซ๐ฏ๐ข๐œ๐ž๐ฌ):  Markaad wax iibsanayso si online ah, ama aad raadinayso adeegyo sida gaadiid raaca (Uber), AI ayaa ah waxa haga dalabkaaga oo ay hubiso in adeegga aad hesho yahay mid degdeg ah oo sax ah.

5. ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š (๐‡๐ž๐š๐ฅ๐ญ๐ก๐œ๐š๐ซ๐ž): AI waxay ka caawisaa dhakhaatiirta inay ogaadaan cudurada adoo isticmaalaya sawiro caafimaad (Medical Imaging) isla markaana soo jeediso daawaynta ugu fiican.

6. ๐’๐ฎโ€™๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐…๐š๐ฅ๐š๐ง๐ช๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š (๐‚๐ฎ๐ฌ๐ญ๐จ๐ฆ๐ž๐ซ ๐’๐ฎ๐ฉ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ): Markaad isticmaalayso adeegyada macaamiisha (Customer Service) ee shirkadaha waaweyn, AI ayaa inta badan ah waxa ka jawaabataa suโ€™aalahaaga ama ku hageya waxa aad rabto.

7. ๐‡๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก (๐ƒ๐š๐ข๐ฅ๐ฒ ๐“๐š๐ฌ๐ค๐ฌ): AI waxaa laga heli karaa barnaamijyada (Apps) kaa caawiya qorshaynta maalinlaha ah sida agendaha (Calendar Apps) iyo xasuusinta (Reminders).

8. ๐€๐ˆ-๐ ๐š ๐‡๐š๐ฅ ๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š (๐†๐ž๐ง๐ž๐ซ๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ž ๐€๐ˆ): AI-ga hal abuurka naga caawiya sida ChatGPT ama DALLยทE wuxuu abuuri karaa qoraalo, sawiro, iyo naqshado cusub iyadoo la raacayo tilmaamahaaga(Prompts). Waxaad u isticmaali kartaa in aad hal-abuur sameysid, qoroto qoraallo, ama abuurtid waxyaabo kale oo kala duwan.

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐“๐š๐ก๐š๐ฒ ๐…๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐๐š๐๐š ๐€๐ˆ?

AI waxay nolosheena ka dhigaysaa mid fudud, degdeg ah, oo naga caawinaysa hawlaha culus. Laakiin waa muhiim inaad fahanto in AI sidoo kale la xidhiidho xogtaada, sidaa darteed, waa inaad taxaddar samaysaa.


๐‘บ๐’–โ€™๐’‚๐’‚๐’: ๐‘ด๐’‚ ๐’๐’‚ ๐’”๐’๐’„๐’๐’•๐’‚๐’‚ ๐’Š๐’ ๐‘จ๐‘ฐ ๐’‚๐’š ๐’Ž๐’‚๐’“๐’˜๐’‚๐’๐’ƒ๐’‚ ๐’๐’๐’๐’๐’”๐’‰๐’‚๐’‚๐’…๐’‚ ๐’”๐’‚๐’‚๐’Ž๐’†๐’š๐’ ๐’Œ๐’– ๐’๐’†๐’†๐’…๐’‚๐’‰๐’‚๐’š?


Abdulkadir Uukow

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.