Magalada Muqdishu ayaan ka tagay maalin Arabco ah, oo tariikhdu tahay 18 May 2022.
Safarkeyga waxaa igu wehelinayay rag Saxiibeyda ah, ujeedka socdaalkeygu waa dalxiis iyo dhul barasho.
Caasimadda dalka talyaaniga ee Roma, ayaan ka degay 10:00Pm. Waxaan galay jawi kale oo degan.
Waxaana arkay wax aan weligay arkin, Waxaan cunay wax aan weligay cunin..
Madaarka Roma waxaa ku xardhan hal-ku dhig ah “Roma Maalin laguma dhisin ( Rome wasn’t built in a day)” Waxaa hubaal ah inaad maah-maahdaan mar uun noloshaada ah maqashay. Roma, waa Caasimadda dalka Talyaaniga iyo caasimadda dawladda adduunka ugu yar ee dawlad-diimeedda ah ee vaticanka, sidoo kale waa magaalo madaxda gobolka lazio. Waa caasimadda 3aad ee ugu dadka badan midawga yurub. Waxaa ay jirtay magaaladaan inta tariikh laga haayo 28 qarni.
Maalin maalmaha kamid ayaan safar dhulka ah ku tagay Venice caasimada gobolka Veneto ee dhacda waqooyi bari talyaaniga. Waa gobol ka kooban 118 jasiiradood oo yar-yar oo ay 400 oo buundo isku xiraan.
Venice waxa lagu naanaysi jiray La Serenissima qarniyadii dhexe iyada oo lagu sharfay quruxdeeda, laakiin sanaddaan dambe waxaa ka muuqata hoos u dhaca ballaran.
Dadka deegaanka ayaa hoos ugu dhacay in ka yar 50,000 laakiin Venice waxaa soo booqata 36 milyan oo dalxiisayaal ah sannad kasta.
Genova waa magaalo xeebeed dhacda waqooyiga talyaaniga, waa caasimada gobolka Liguria. Waa magalada lixaad ee ugu weyn talyaaniga. Waa mid ka mid ah magaalo xeebeedyadii tariikhiga ahaa ee badda mediterraneanka, ugu hantiilaysan.
Intii aan joogay Magalada waxaan booqday matxafka Genoa oo ah Matxafka ugu weyn waqooyiga talyaaniga, Waxaan halkaas yaalla buugaag ku xusan taariikhda Maagalada iyo xiriirka ay la leedahay adduunka intiisa kale.
Milan waa Magalada labaad ee ugu weyn talyaaniga roma ka dib, waana magaalo madaxda gobolka lombardy.waxa ay dhacdaa waqooyiga talyaaniga. Waxa ay ka mid tahay afarta magaalo ee adduunka dhar xayaysiinta ugu haysta.
Subax kamid subaxyaha ayaan safar ku tagay Ferrera oo ah magaalo ku taalla talyaaniga oo ka tirsan tahay gobolka emilia romagna. Waa magaalo ku xusan sooyaalka talyaaniga ee waayihii hinqashada.
Waxaan safarkeyga ku soo gabo-gabeeyay Carmagnola oo ah waa degmo ka tirsan deeganka turin ee gobolka piedmont, talyaaniga. Ninka magaladaas ka talinaayey waa reeer venice ka cabsi qabeen waxaa la oran jiray francesco da bussone (1382kii—1432kii)
WQ : Xasan Abshir
Email : Heegan1122@gmail.com
Hadii aad haysid Qormo Oo aad doonaysid in Lagu Daabaco Halkaan Fadlan Fariintaada kusoo Gudbi info@uukow.com