Suleeqo Siman waa Gabar dhalinyaro ah Hooyadeed waxey Dhimatay iyadoo aad u yar waxry la joogtay Ayeydeed Hooyo ila intey 8 jir ka gareysay Ayeydead ayaa Korsatay muddo ka dib Ayeydii wey dhimatay, Suleeqo siman waa inan yar oo iska Aamusan, waxaa soo Kaxeysatay Habaryarteed, badanaa waxeynu Ognahay iney Habaryartu tahay Hooyo, balse Suleeqo siman Habaryarteed waa qof ilaa Xad aad u xun gabarta yar si Adag ula dhaqanta, sidii ayey Suleeqo siman nolol Mugdi ah u gashay.
Suleeqo siman walaalo wey leedahay laakin waa kala Bah iyada waa Bah gooni, kaligeed ma heysato walaal ay la ciyaarto ama wehel ka dhigato, Habar yarteed Afar ciyaal ayey heysataa Laba iyada ka weyn iyo Laba la’eg iyaga waxey jecel yihiin Hawsha inay iyada kaligeed qabato oo ay wax walba ku eegaan, Suleeqo waxey ka cabsataa Habar yarteed oo si Xun u disha, Indho naxariis darana ku eegta wixii loo diraba ma diidikarto.
Iyadu wey yartay oo qofkii u Xun iyo kii u San ma kala taqaan waxey ka dhigata Hooyaded iyo walaalaheed, Waxbarasho lama geyn oo guriga ayun bety ka shaqeyn jirtay, Suleeqo siman iyadoo mar wwlba Ciyaalka habar wadaga yihiin ay hooyadeed ku ag caayan iyadu markay hooyadeed oo dhimatay la caayo aad ayey u Ooyi jirtay, intaas waxaa u dheer Beenta ay ka sheegaan iyada, intay wax sameeyan ayey iyada ku Nabi jireen markaas Caay iyo Garaacid leysugu daaraa.
Suleeqo siman Aabaheed wey kala tageen hooyadeed, iyado sannad jirta markaas ayuu ka tagay, dibna uguma soo noqon, oo Aabe maba arag noloshu waa xanuun markaad bilaa waalid iyo walaal noqoto.
Suleeqo siman waxey noloshii adkeyd ku jirto wey soo weynaatay 12jir ayey noqotay, waxey aragtay Silaca ay ku jirto iney qayrkeed ka hooseyso haddey wax u baahato kuma dhiiran kareyn iney weydiisato Habaryarteed, waayo qof bilaa Hooyo ah maleh dhiirasho, mana sheegan karo dhibkiis.
Xataa cuntada ay cuneyso hadey ku yaraato ma oran jirin inkale i sii, wey iska kici jirtay Dhar fiican ma laheyn, kabo iyo lebisna warkoodaba daa, waxaa u dheeraa Caayda ciyaalka iyo Cayda habaryarteed.
Wuxuu Waqtigu is guroba, iyaduna wey sii koreysaa markay 14 jir noqotay ayey maalin go’aan ku gaartay iney Aabaheed raadsato iyo Reerkooda, maalin ayey baxday meel ay ka doonto garan meyso, laakin waxry ku adkeysatay inay raadiso. maalin dhan ayay socotay halkii lagu sheegi jiray aabahed ayey tagtay ugu dambeyn wey soo heshay sidii ayey Reerkoada ugu tagtay.
Suleeqo siman, waxey ku fikireysay markey Aabaheed iyo reerkooda u tagto iney farxad iyo nolol tii ka fiican heleyso, balse ns dhicin, oo hore iskumeysan aqoon iminka ayaa lays bartay, Inanta yar hore looma Aqoon Aabahed oo un oga inuu gabar dhalay mooyee, xitaa isagu Wejigeeda maanta ayaa ugu horeyso, Halkii ayey la joogtay.
Aabaheed wax hanti ah maleh muddo ka dib waxaa loo geeyay inan ay ilmo adeer yihiin oo Qurbaha ka timid, oo gabar iska yar fiican ah markii Suleeqo siman guriga u soo wareegtay wax yar ayaa nolosheeda iska badeshay oo Waxbarasho ayey heshay iyo guri ay ku nolaan karto, inkastoo Suleeqo cuqdad nololsha ka qaaday iyo kelinimo ay dareemeyso waqti walba.
Suleeqo siman wey sii weynaaneysaa oo waxaad moodaa iney farxad heleyso, waqti ka dib Waxbarashadii ayey nacday in yar oo ku filan ayey baratay, Giri joog ayay iska noqotay Gabadha la joogto ayaa dhashay ilmo badan, oo aad u dhib badan, mar walba Suleeqo siman dhiba, Alaabteeda ka tuura, iyada Been ka sheega oo Hooyadood ku dira.
Ciyaalkaas hooyadood waxay qaadataa ciyaalkeedu waxey u sheegaan, markaas ayey Suleeqo siman canaanataa, haddana ma daayaane dhib kale ayey u geystaan markaas ayey Suleeqo siman Ciyaalkaas iska dhicisaa oo ay dishaa, ileen waa bini’aadan oo Ciilka ayaa ka badanaayo, markaas ayay Ciyaalka hooyadood qeylo iyo caanan isugu dartaa.
Suleeqo siman mar walba ilaahey ayey talo saarataa Culays weyn ayey dareemeysaa Aabaheed maaha mid ka war haaya xaladeeda iyo waxay inantiisa ku sugan tahay.
Suleeqo siman waxey dareentay inuu Aabo waxba u tareynin, cidna aduunka kama heysatid ayey iska dhaadhicisay, walaalaheed iyagana ma aha qaar xaaladeeda la socda marmar ayey la soo hadlaan, mana ka war haayaan, iyaduna waxba uma sheegto xataa hadey u sheegto maaha dad wax u qabanaayo marka inay aamusto ayey go’aan ku qaadatay.
Waqtigu wuxuu socdo, maalmuhu weysi adkaanayaan, Suleeqo siman xanuun badan ayey dareemeysaa oo ay keli ku tahay, Mar walba ilaheey ayey ka baridaa inuu ka saaro Dhibka iyo Ciriiriga.
La soco Qeybta Xigta
¡ Hope This Story Love W¡ll Be Very ¡nterest¡ng