Ifraax waxey aheyd Gabar quruxdeedu tahay Dhaqan Wanaag iyo Asluub wacnaan, Farxadda nolasheeduna ay dadka soo wada jiidaneyso, Qof walbana wuxuu ku qancayaa Caqligeeda saliimka ah, Dhoola cadeynta iyo Daacadnimada ka muuqato.

Ifraax waxey ka soo jeedaa Qoys noloshoodu ay dhex-dhexaad ah, Hanti fara badan aan laheyn, balse Qalbiga iyo dhaqanka qani ka ah.

Waxey maalin si kedis ah isku barteen Wiil la yiraahdo Ayuub, oo ay markaasi ku qanacday, iyadoo aan wax war ah ka heyn Dhaqankiisa iyo Akhlaaqdiisa ayeyna ka heshay, waayo wuxuu ahaa Wiil xaragobadan, jirkiisuna dhisan yahay, isaguna sidii caadada u aheyd mar walba wuxuu ku dadaali jiray inuu qariyo, Dhaqankiisa xun, wuxuuna soo bandhigi jiray Wanaagga yar ee uu haysto.

Ifraax iyo Ayuub Waxaa la dhex dabaashay, Mowjadahii Jaceylka, iyada oo Habeenkii oo dhan lagu soo jeedo, Sheeko iyo Haasaawe, Qosol badan. Maalmaha qaar waxaa lagu kulmaa meelaha dadku ku Caweeyaan, mana laga arko waxaan Wanaag ka aheyn.

Ifraax waxaa Qalbigeeda ka buuxsamay jaceyl iyo kalsooni, Ayuubna sidoo kale waxaa ku dhibcay qabigiisa jacayl aad u baaxad weyn, wuxuuna aad ugu faraxsan yahay, inuu ku guuleystay Jaceylka Gabar uu Nin walba jecel yahay.

Ayuub ayaa maalmo ka dib ku qanciyay Ifraax iney ku kulmaan meel gooni ah, oo Cidi aan arkeyn, si ay u wada qaataan Jawi faraxadeed, maadama ay kalsooni badan ku qabtay, hadalba kama soo celin Codsigiisa dhaqsiba wey aqbashay, oo waxey ku tiri:- Haye Xabiibi.

Dhanka kale Ayuub, waxaa u qarsoon damac kale kaas oo ka weyn kulan keliya, oo wuxuu damacsanaa inuu Laabtiisa geliyo.

Habeenkii ayey isugu yimaadeen goobtii ay balantu aheyd, iyaga oo ay Wejiyadoodu ka muuqato Farxad aad u badan, mid walbana mid kale inta Ishiisa iska ilaaliyo, ayuu hoosta daymo jaceyl ku eegaayey, waxaa la bilaabay Sheeko Shuux shuux oo Cod hoose ah, Ayuub durbadiiba wuxuu bilaabay Gacan ka hadal aan gambasho laheyn, balse micna kale xambaarsan.

Sheekadii ayaa sii kululaatay, durba waxaa leysla aaday Hawada Sare, waa Cajiib Ifraax waxaad mooda iney Dhiiqo lugaha la gashay.

Ayuub oo baahi badan u qabay jirka Ifraax ayaa gacan ka hadal bilaabay, Indhihii ayaa isku dhegeen Labada dhinacba, in yar ka dib Ifraax oo aan dhaqan xumidaas aqoon soo booday iyadoo Neef tuureysa, awood badan oo ay isku difaacdana malaha.

Waxay isku dayday inay iska celiso, War iga fuq oo i daa, ayey ku celcelisay, isagana maba maqlo hadalkeeda, ugu dambeyntii iyada oo Xanaaqsan ayaa Xoog isaga fujisay.

Ifraax intey aad ugu xanaaqday ayey ku qeylisay, oo ay Canaan iyo Caay isugu dartay, ayadoo leh, War Ciyaal suuqyahow maxaad sameysay, ka dib intey Boorsadeedii qadatay, oo ay Kabaheeda gashatay, ayey meesha Orod uga baxday.

Habeenkaas la isma soo galbinin, qosalkii iyo dhoola cadeyntii ay isku macasalaameyn jireena Caay iyo Carar ayaa isku beddeshay, Ayuubna gurigiiba kama uusan soo bixin.

Ifraax waxey qaadan weyday waxey sameysay, maadaama Ninba uusan weligeed taaban, mar Nafteeda ayay Canaanataa, marna ninkii ay aamintay oo Shabaqa u dhigay, ayay Habaar iyo Caay isugu dartaa.

Waa kaligeed, oo waddada iska socota, xataa habeenkaas Taksi ma aysan raacin, meel ay socoto xataa isma aysan ogeyn, Ifraax Xilli dambe ayay gurigooda timid, iyadoo ka qoomameeneysa, bixitaankii ay ka baxday Caawa, iyadoon cidna la hadlin ayey Qolkeedii gashay.

Hooyadeed oo aan uga baran iney Xilligaas maqnaato iyo Aamusnaanta midna ayaa ku tiri:- Bisinka Hooyo Caawa maxaa kugu dhacay?. Ifraax Hooyadeed uma jawaabin, oo markey qolkeeda gashayba, intey Firaashkeda isku tuurtay, oo barkinta ay Wejiga saaratay ayey oohin bilowday.

Ifraax iyadoo Xaaladaas ku sugan, ayuu soo wacay, Ninkii Ayuub ahaa ee Caawa soo xumeeyay Ifraax, balse kama aysan qaban oo intey ku jartay ayey Block saartay.

Ifraax habeenkaas ma aysan seexan, marba wey sasaysay, Ayuubna marba taleefan kale ayuu ka soo wacaayay, iyadoo aan indhaha isa saarin ayuuna waagii u baryay.

Waxey isku dayeysaa iney is ilowsiiso wax walba, balse waxaa mar kasta Qalbigeeda ku soo dhacaaya, iney waddo Xun u furantay, isagiina markuu wicidda ka badiyay ayey dartiisa iska beddeshay Numberkeedii.

Muddo ayaa laga soo wareegay, Ifraax in kastoo ay weli xasuusan tahay, haddana xoogaa sidii hore wey dhaantaa. Maalintii dambe ayaa albaabka Xaafadda la soo garaacay, Ifraax Hooyadeed ayaa ka furtay, Waa Wiil dhalinyaro ah oo aysan Aqoon u laheyn, Hooyo Ifraax ma joogta ayuu weydiyay, iyadana Haa hooyo ayey ugu jawaabtay, iyada oo aan ogayn waxa uu ka rabo.

Xishoodkii Hooyadaa lagu yaqaanay markey gabar gashaanti ah u joogto, ayey u muujisay, durbana Qolkii fadhiga ayey fadhiisiisay, malaha waxay isleedahay, Ninkaan laga yaabo inaad Sodoh u noqotid.

Inta gabadhedii oo Qolka kale ku jirta u tagtay, ayey ku tiri:- Hooyo nin ayaa kuu imaaday, ee kaalay u tag, Ifraax oo aan Ninkaan xisaabtaba ugu jirin, oo aan u maleeneynin inuu gurigooda imaan karo, ayaa soo kacday, Waa xaqiiq inay is weydiinaysay tolow waayo Ninkan Xaafada imaaday ee adiga ku rabo?, tolow ma dhalintii aad isku fasalka ahaydeen baa?

Markey Qolkii soo gashay, waxey Indhaheedu qabteen, Ninkii ay Numbarkeeda dartiisa u bedeshay, oo ay Ciilka u qabtay, oo gurigooda dhax fadhiya, weliba Hooyadeed ugu yeeray, naa indha adagaa oo dhiirana.

( La soco Qeybta Xigta ).

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted
Inline Feedbacks
View all comments