Raadinta jaceylka waa Shil sahlan oo naftaada galineysid, waxaad la kulmeysaa Qof ku weyn naftaada oo ay dooneyso in ay waqti badan oo qiima leh la qaadato.

Markaas haddey si Sax wax walba u dhacaan waxaad heleysaa jaceylkii dhabta ahaa ee aad ka raadin jirtay dadka ama Adduunka.

Jaceylku maahan waxyar ee waa Shey baaxad weyn, dadka qaar baa mooda wax aan qiima laheyn, balse xaqiiqadiisa aysan wax badan ka ogeyn.

Jaceylka dhabta ah wuxuu leeyahay waqti iyo imtixaano oon sahlaneyn, loona baahan yahay in si wadajir ah looga wada gudbo marka laga hadlo xaqiiqda.

Waa wax adag in aad naftaada u ciqaabto Ruux aan ku jecleyn ama wax qiima ah u hayn naftaada iyo qalbigaada adigoo ka fikiraaya Farxadda aad heli karto maalin maalmaha ka mid ah.

Jaceylka dhabta ah si fudud kuma yimaado, wuxuuse ku yimaadaa sababo u horseeda inuu ka dhex dhasho Lamaane dhab ahaan nolosha u diyaarsan inay wadaagaan.

Sida ugu fudud ee uu ku yimaado jaceylka dhabta ah waa inaad qofka la joogtaa muddo si aad u ogaato una hubsato waxaad heysato Sheygii ay noloshaada u baahneyd.

Jaceylka dhabta ah looma heli karo si fudud waxaa ka horeeya Dulqaad iyo in la baro nafta Adkeysi iyo Samir, Ogowna nolosha kalinimo kuma qurux badna ee wehelka waa muhiim.

Markasta oo aad raadineyso jaceylka dhabta ah, waad kufeysaa, waad Murugooneysaa, waad ilmeeneysaa, waad Cidlooneysaa, waadna Shalaayeysaa, ilaa si tartiib tartiib aad kaga baxdo Cariiriga nolosha.

Inkastoo jaceylka dhabta ah uu yahay Shey qurux badan, haddana ma jirto lammaanaha badankooda dhexdooda in laga helo markuu Qalbiyadooda dego ama jirkoodu galo.

Laakiin si mala awaal ah qof walba wuu aaminsan yahay jaceylka inuu yahay wax ku abuuran Qalbiyada bini-aadamka iyo nolosha.

Waxaa run ah in qaar Rag iyo Dumar ka mid ah ay ka aamin badan yihiin kuwa kale, laakiin waaya aragnimada badan ee aad u leedahay jaceylka iyo Cilaaqaadkiisa ayaa laga yaabaa inuu ku saacidayo.

Jaceylka dhabta ah maaha Erayo la isaga dhawaaqo ee waa ficil iyo xaalad la dareemi karo dadku waxey sameeyaan Qaladaad, qaarkoodna weyba is beddelaan.

Dadka qaar ayaa ku guuleysta inay noqdaan lammaane iyagoo Jaceyl iyo Saaxiibtinimo dhab ah wadaagayo, kalsoonina dhexdooda taalo, balse waxaa kala fogeeya Qadarta Alle.

Xaqiiqda jaceylka dhabta ah waa taas, Qofkii u maleeya jaceylka Wax mala awaal ah iyo in Waqtigala isaga lumiyo, koley iyagana wey heli doonaan dad waqtiga ku lumiyo, Ogoow wanaag iyo Xumaan waxaad la timaadid waa wax keyd kuu gelaaya.

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.