Warsame Hooyadiisa, Isaga iyo dhammaan Reerkiisa wey ka soo guureen Dalka Turkiga, waase Cajaa’ib ileen Bini’aadan lagama waayo wax war badan, waxaa Warkii loo soo sheegay Warsan iyo Reerkeeda, balse Warsan Reerkaas mar hore syey Go’aan ka qaadatay ineysan Warkooda kor u qaadin, wey maqashay iney Reerkaasi soo guureen, balse dheg jalaq uma siin, waayo waxey mar kasta is leedahay yaan Xumaan lagaa qaadin, oo Reerkaas ixtiraam ayaad kala mudan tihiin, Afkaaga ka dhowrso.

Waqtigu wuxuu is guroba Warsan Wiilkeeda Amiin Dugsi Quraan ayaa la geeyay, maadama uu yahay Lix jir, Maasha Allaah Amiin wuxuu ahaa Wiil aad u sareeyo Fahamkiisa, kuma Wanaagsan Waxbarashada, Sannadkii xigayna waxaa la geeyay Iskuul, Hooyadiisa Warsan iyo Aabihiisa Wahbi iyagana aad ayey xoogga u saareen Waxbarashada Wiolkooda Amiin, oo aad ayey ugu dadaaleen Waxbarashada iyo tarbiyada Wiilkooda.

Isla Sanadkii waxaa iskuulka la keenay Warda Gabadheeda Ugbaad, oo iyada iyo Amiin isku fasal ayey noqdeen, Amiin iyo Ugbaad waa Caruur yar yar oo Waxbarashada ku Walaaloobay, warna uma hayaan Dabka ka dhex shidan Labadooda Reer, oo weyna ku faraxsan yihiin Waxbarashada iyo Duruusta ay wada qaataan.

Waxbarashada ilaa Dugsi dhexe sidaas ayey iskula socdeen, oo wax aan Waxbarashada aheyn kama dhaxeynin, aad ayeyna u dadaali jireen dhanka Waxbarashada, xataa Ardayda qaar markey arkeen sida ay ugu dadaalaan Waxbarashada iyo sida ay mar kasta isku xiriiriyaan, Ardayda qaar ayaa waxey ku xantaan waa Saaxiibo Wax baa ka dhexeeyo, xataa markii dambe waxey gaareen inuu Amiin uu soo baro Gurigooda, laakin Waxbarashada wax dhaafsiisan kama dhaxeynin Labadooda oo wax wey isla baranaayeen, oo guriga Amiin wey imaan jirtay Ugbaad, waayo Labadooda waxey ahaayeen Labada Fasalkooda ugu Waxbarashada fiican.

Maantaba waxaa dhacday iyaga oo guriga jooga oo qolka fadhiga wax ku baranaaya ayaa waxaa u timid, Amiin hooyadiis Warsan, kolkaas ayey ku tiri Wiilkeeda Amiin:- 

Hooyo Warsan:- Amiin Hooyo Gabadhaan magaceed ?

Amiin:- Hooyo waxaa la dhahaa Ugbaad.

Hooyo Warsan:- Maasha Allaah, waa gabar Wanaagsan, Hooyo Dadaala Waxbarashada wey fiican tahay.

Amiin:- Haye Hooyo macaan.

Wareysigaas gaaban ka dib Warsan wey ka tagtay, daqiiqado ka dib waxaa yimid Amiin Aabihiis Wahbi oo Haddiyad ugu soo talogalay Wiilkiisa iyo Ugbaad, maxaa yeelay wuxuu og yahay Xilliga Galabtii iney Amiin iyo Ugbaad ay guriga wax ku bartaan.

Amiin iyo Ugbaad aad ayey ugu farxeen Hadiyadda loo keenay, kolkaas ayey Ugaad ku tiri Amiin:- 

Ugbaad:- Amiin Maasha Allaah Aabe fiican iyo Hooyo Wanaagsan oo wax garad ah ayaa ku dhalay, ilaah hakuu daayo.

Amiin wuxuu ugu jawaabay:- Aamiin, Adigaba hooyadaa wey fiican tahay Maasha Allaah iskuulka ayaan ku arkay, aad ayeyna kuu jeceshahay.

Ugbaad:- Amiin waa Runtaa Hooyadeey wey i jeceshahay, Anigana waan jeclahay, ilaah ha ii deesto.

Amiin baa haddana yiri:- Aabahaaga laakin weli na arkin, ma joogaa ?

Ugbaad ayaa ugu jawaabtay:- Haa wuu joogaa Aabe, laakin wuu Xanuunsan yahay, ilaah ha ii Caafiyo.

Amiin:- Aamiin yaa Rabbi.

Cabbaar ka dib markey soo dhameysteen Waxbarashadooda, ayey Ugbaad soo baxday, oo Amiin Aabahiis ayaa maalin kasta soo dhoweeyo oo Gaarigiisa ku soo qaado ilaa iyo gurigooda. 

Amiin Aabahiisa Wahbi isaga War uma haayo, Aoona uma laha Labada Reer dabka ka dhex shidan, mararka qaarna markuu gabadha keeno gurigooda wuu arkaa Hooyadeed oo Albaabka ka fureysa, balse aqoon sidaas ah uma qabo, warna kama iney yihiin Warsame Reerkiisa, xataa Warsame isaga Maqaal ahaan un buu u yaqaan, balse weligiisa ma arkin.

Ugbaad markii gurigooda la keenay ayaa Hooyadeed Warda aragtay Hadiyadda qaali ah oo gabadheeda heysato, kolkaas ayey ku tiri:- 

Hooyo Haddiyadaan halkee ka keentay ?.

Ugbaad :- Hooyo Amiin Aabahiis ayaa inoo keenay Aniga iyo Amiin.

Hooyo Warda:- Maasha Allaah, waa Aabe aad u Wanaagsan oo wax garadna, hadduu Adiga iyo Wiilkiisa Haddiyad idinkaga farxiyay, ee Hooyo Adigana Aabahaa u duceey inuu ilaah Caafimaad siiyo.

Ugbaad:- Haye, Hooyo Aabe ilaaheey hanoo Caafiyo.

Amiin iyo Ugbaad waxey ahaayeen, Labada Arday ee ugu Wanaagsan Waxbarashada, Dhammaan Maclimiinta Iskuulka aad ayey u jeclaayeen suda ay mar walba ugu dadaalaan Waxbarashada. Sanad kasta waxey ka galaan Dugsiga Kaalinta Koowaad.

Amiin iyo Ugbaad waxaa intaas u sii dheer, in ay noqdeen Waayadan dambe, Laba wada dhashay oo kale, haddii mid la soo hujuumo midka kale wuuu garab taagnaa, oo waxey noqdeen Laba qof is hrysata oo Cadowgana meeluga soo wada jeesta, ilaa ay Ardaydu hoosta isugu sheegaan oo ay is yiraahdaan Labadaan Amiin iyo Ugbaad waa Saaxiib, wey is jecel yihiin, balse iyaga waxey isku jeclaayen si Walaaltinimo ah, wax Saaxiibtinimo ama wax jaceyl la yiraahdo ma jiraan.

Amiin markuu iskuulka ka soo baxo Maalinta aan la socon Ugbaad, Hooyadiis iyo Aabahiis xataa waxey yiraahdaan: Amiin aaway maanta Ugbaad, maxaad gu soo tagtay ?, oo Reerka Ugbaad wey barteen aad ayeyna u wada jecel yihiin Ugbaad, oo xataa marka Wiilkoda Amiin Wax loo soo iibiyo, Ugbaadna waa loo soo ibin jiray oo waxey la mid aheyd Qof Reerka ka dhalatay, si kalena looma jecleyne, keliya waxa loo jeclaa maadaama Wiilkooda ay Wax isla bartaan, gurigana ay maalin kasta timaado.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa Warsan iyo Wiilkeeda Amiin wada sheekeysteen, Warsan ayaa Wiilkeeda Amin ku tiri Amiin:- 

Hooyo Warsan:- Amiin Hooyo Adigana guriga Ugbaad ma aadaa ?.  

Amin:- Maya Hooyo ma aado.

Hooyo Warsan:- Maasha Allaah, sidaas ayaa kuu fiican Hoouo, inta imaada Waxna inta ku barta.

Amiin:- Haye Hooyo, intaa noo fiican.

Waa Xilli Galabnimo, waxaa isa soo raacay Warsan hooyadeed iyo Walaasheed Asma oo ay Suuqda u soo aadeen Dukaameysi, intii ay Suuqda ku jireen ayaa waxey la kulmeen islaan la yiraahdo Xaliimo oo ay Saaxiibo yihiin Warsan hooyadeed oo muddo badan isugu dambeysay, Salaan iyo is Xaal wareysi dheer ayey galeen, intey wada Sheesanaayeen ayaa meel u dhow waxaa soo mareen Amiin iyo Ugbaad oo ka yimaadeen Guriga Amiin, kaasoo ay wax ku soo baranaayeen, Amiin iyo Ugbaad waxaa aragtay Warsan Hooyadeed oo ku tiri:- 

Warsan hooyadeed:- Amiin Hooyo xiligaan inte u socotay ?

Amiin:- Ayeey Gabadhaan ayaan guriga wax baraneynay, hadda ayaan Sagootinaa oo aan saari rabaa Baska Xaafadooda.

Warsan Hooyadeed:- Haye Hooyo Baabuurta iska ilaaliya.

Amiin:- Haye Ayeeyo.

Amiin iyo Ugbaad markey baxeen ayaa waxaa hadalki qaadatay, Islaantii Xaliimo, oo ay ku tiri Warsan Hooyadeed:- 

Xalimo:- Oo Wiilkaan Gabadhaada Warsan kii ay dhashay maaha ?

Warsan hooyadeed:- Haa Waa Amiin.

Xaliimo:- Gabadhana maxey u tahay ?

Warsan hooyadeed:- Waxba ma ahan ee wax bey isla Akhristaan, guriga Warsan ayey wax ku bartaan.

Xaliima:- Gabadha Aqoon ma u leedhiin ?

Warsan hooyadeed:- Maya iskuula ayey iska dhigtaan bes.

Xaliimo:- Gabadha Aniga ayaa nahay, waxaa dhalay Wiilkii Gabadhaada Warsan xumeyn jiray ee Warsane ahaa, Warsame hadda wuu waashay, gabar ina Adeertiisa oo Warda la yiraahdo ayaa u dhashay.

Warsan hooyadeed oo hadalkaasi la yaab ku noqday, ayaa tiri:- 

Warsan hooyadeed:- Oo Reerkaasi sow Turki ma deggena ?

Xaliimo:- Turki wey ka soo guureen mar hore, hadda Xaafad Agteyda ah ayey soo degeen.

Wada Sheekeysi dheer ka dib, wey kala tageen oo Warsan hooyadeed iyo Gabadheeda Asma, wey isa soo raaceen oo waxey soo aadeen dhankii gurigooda, markey guriga yimaadeen ka dib ayaa iyagana waxaa dhex maray :-

Warsan hooyadeed:- Asma ma maqleysay islaanta waxey laheyd ?

Asma:- Haa sow hadalkii Gabadhii Amiin la socotay maaha ?

Warsan hooyadeed:- Haa, kii Warsame ahaa ayaa dhalay bey tiri, ee Warsan wax ma ogee, anaa wacaayo oo u sheegaayo.

Asma:- Hooyo dhib maleh waa Caruur oo wax ayey isla bartaan.

Warsan hooyadeed:- Maya, Reerkas ma rabno Warna nagama dhexeey, Warsan hadda ayaan u wacaa, Gabadhaas iska buri ayaan dhahaa.

Asma:- Hooyo ilaah ka baq, waa Caruur ha niyad jebinin.

Warsan hooyadeed:- War iga tag hadda ayaan wacaa Warsan, iyadana haddey eryi weysana gabadhaas, isma sheegano.

( La soco Qeybta Xigta)

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.