Jacayl aan xifaaltan lahayn, jacayl aan shuruud lahayn, jacayl aan aargoosi lahayn, jacayl aan kibir lahayn, jacayl aan ka baqan maalmaha adag… jacayl ku dhisan daacadnimo, kalsooni iyo qalbi is fahmaya.

Ma noqona laba qof oo aan kala maarmi karin, laba naf oo marka ay meel kala joogaan haddana qalbiyadoodu is dareemaan? Ma noqonaa hal qalbi oo laba qof ku wada nool, hal riyo oo laba qof wada dhisayaan, hal jacayl oo aan waqtigu daciifin karin?

Waxaan rabaa inaan noqono wax ka weyn jacayl la sheego oo keliya; waxaan rabaa inaan noqono jacayl la dareemo. Mid aan ku ogaano indhaha, hadalka, aamusnaanta iyo daryeelka. Jacayl aan marka dhib yimaado kala cararin, balse isu noqono meel aan ku laabanno.

Anaga ayaa isu noqon karna saaxiibka ugu dhow, qofka ugu horreeya ee farxadda lala wadaago, qofka ugu dambeeya ee qalbigu xasuusto marka habeenku yimaado. Anaga ayaa noqon karna dad isku filan xagga qalbiga, oo aan is dhammaystir u raadin qof kale, balse isu noqda farxad iyo deganaan.

Hal qalbi… hal jacayl… hal sheeko. Mararka qaar waxaan noqon karnaa saaxiibo, mararka qaar walaalo qalbi ahaan, mararka qaar laba qof oo is garab taagan sida qoys. Adiga iyo aniga, waxaan noqon karnaa laba qof oo adduunku arko inay kala duwan yihiin, balse qalbiyadoodu ogaadaan inay isku dhow yihiin.

Ma noqonaa jacayl ka qurux badan kuwii hore? Jacayl aan lahayn masayr dhaawacaya, aan lahayn kibir kala fogeeya, aan lahayn hadal dhaawac reeba. Jacayl ay ku jirto naxariis, ixtiraam iyo in midba midka kale u rajeeyo wanaag.

Anaga uun… anaga uun. Sheeko inoo gaar ah, dareen noo gaar ah, xusuus aan cid kale la wadaagin.

Abdulkadir Uukow

5 1 vote
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted