Ifraax taleefankiisa ayey dhowr jeer wacday, balse wuu xirnaa, Dhawr maalmood markey ka weysay taleefankiisa, ayuu maalintii dambe u dhacay, wuxuuna u sheegay, inuu Mashquul ahaa.
Geenyadii la yaqaanay ee gobta aheyd, baryo ayey ku dhacday, maalin walba iyadaa wacdo, balse isaga inuu soo waco iskaba daayee xitaa daqiiqad keliya ma soo Xasuusto, maba aha Ninkii liitay oo faqriga ahaa ee Abaalka loo galay, marka ay soo wacdana mar wuu ku jaraa, marka ay ku tiraahdo maxaad u jartayna wuxuu ku yiraahdaa Caruur ayaa Game ku ciyaareysay, iyagaa kugu jaray, sorry ka raali noqo, marna maba ka qabto, oo wuxuu Marmarsi ka dhigtaa, silenti ayuu ahaa. Waqti lama hadlo, markey soo wacdona mashquul ayaan ahay ayuu sheekaba ugu soo gaabiyay.
Ifraax waa Qof wax jecel, hadana jirkeeda aan u fiyoobayn, wax kastoo uu ku yiraahdo ama uu ku sameeyo, wey isaga samirtaa mar walba, Iyada oo Og inuusan maanta isagu u baahnayn.
Ayuub wuu kibray oo Ifraxdii Sharafta badneyn ee Abaalka u soo gashay, kana soo saartay Noloshii xumeyd ee Ciriiriga badneyd, wuuba iska iloobay oo warba uma haayo waxey ku sugan tahay, oo hadalkeeda ayaaba dhiba, rajadii Guurka ee uu ka lahaana wuu ka quustay, oo gabadhii qaaliga aheydna, waxey agtiisa ka noqotay wax aan Qiimo iyo Qaayo midna aan laheyn. Hadda wuu shaqeystaa oo wuxuu rabaa inuu guursado, balse wuxuu goobayaa Gabar kale oo uu Nolasha la wadaago,
Gabadhii waxey la nooshahay Calaacal iyo Caloolyoow, indhahii ayaa wada Casaaday, har iyo habeen illin aan kala go’ laheyn ayey indhaheedu soo wajaheen, mar walbana wuxuu ku xujeeyaa, wax aysan awoodin, si ay uga harto, ileen si Cad uma oran karo walaal kuma rabo, balse wuxuusan ogeyn in runta oo la sheegaa ay aad u wanaagsan tahay.
Waa Dagaal iyo Eed taagan, waa Caro iyo Xanaaq aan dhamaaad laheyn, isaga wuxuu diyaar u yahay, inuu nolasheeda ka baxo, kuna qanciyo in Calafkii dhamaaday, ama aysan is fahmi karin, balse iyadu waxey weli Xasuusan tahay Wanaagi ay u sameysay iyo jaceylkii ka dhaxeeyay.
Ayuub inta uu dagaalkani socday ee uu iyada iloobay, wuxuu isagu barasho la waadaaagay gabar Cusub oo la yiraahdo Amran.
Amran waxey aheyd Gabar quxux badan, oo ay Ayuub isku meel ka wada Shaqeeyaan, Amran waxey xiriir ay wada lahaayen Nin qurbaha jira, oo Masaariifta bil kasta u soo dira, balse aan iyadu aan u qabin jaceyl lacagta dhaafsiisan, waxeyna aheyd gabar iska da’yar, Ninkana intaas uun kula socoto, balse rabtay iney dhowaan ka harto.
Amran iyo Ayuub waxey wada galeen Jawi Shukaansi sarbeen ah, Kaftan iyo Haasaawe aad u xiiso badan, balse aan weli leysku soo bandhigan jaceyl.
Ayuub iyo Amran waxaa u bilowday Sheeko taxane ah, iyada oo mid walba uu midka kale, u sheegaayo inuu ka helay. Ugu danbayntiina waxaana si rasmi ah loo yagleeyay jaceyl hadafkiisu yahay Guur.
Jawi deggen iyo Nolol jaceyl ayaa la wada galay, Ayuub hadda waa Nin u diyaarsan, inuu Guri sameysto oo uu guursado, Amrana waxey u heysataa Wiil wanaagsan, Dhaaqaale fìican heysta, oo jaceyl u muujinaayo, maba oga dhibtada lala soo maray iyo Marwadii Sharafta laheyd ee uu nolasheeda iyo Dhaqaalaheeda galaaftay.
Isaga dhibka ugu weyn ee heysta, waa siduu isaga reebi lahaa Marwadii Ifraax aheyd ee uu ku soo meel gaaray, Calafkana ugu qancin lahaa, balse wax walba haddii uu ku sameeyo, kama hareyso oo daba taagan tahay, waayo weli wey jeceshahay.
Markey u yara Calaacasho, ayuu niyada isaga dhisaa, kuna yiraahdaa waan ku jeclahay, waan is guursaneynaa, hadduu Alle yiraahdo, iyadana intaas ayey niyadda ku dhisataa.
Haddaba, Ifraax iyadoo ka sheekeeneysa sidey aheyd Xaaladeeda, waxey tiri:- Markuu iga qaban waayo taleefanka, waxaan is oran jiray, ilaahow muu ku dhaho lama joogin, si aan Cudurdaar ugu sameeyo, nafteydana ugu qanciyo. Waxaan sidii ahaanaba maalin ayaa wuxuu igu yiri, aan hoosta kaa meher xado,(Qudbo siro), anigana waan ka diiday, waayo ma garaneyn waxa ku kalifaaya arintaas. aad ayuuna isku xanaajiyay, habeenkii ayaan wacay markuu dhowr jeer iga qaban waayay, ayuu markii dambe iga qabtay, waxaana ku iri Qaali, Guurkeyga shuruud laguma xiraayo, xataa Aabo anaa u sheegi, Lacagta fadhiga, anaa qeyb bixinaayo, Reerkana ku oranaayo Lacag ma heystee ii Guuriya Ayuub, fadhi, iyo Sariir midna kaama rabo, keliya aan nolosha wadaagno, inoo whaqee, waxaad heyso ayaana ku qanacsanahay.
Wuxuu iigu jawaabay:- Wax jaceyl ah iima qabtid, waayo imaadan diiddeen, inaan ku Meher xado haddii aad i jeceshay, wuuna igu jaray.
Ciil ayaan dareemay, telkiisana wuu iga qaban waayay, marna wuu igu jaraayay waxaan u heystay inuu xanaaqa ku maqan yahay, sidii Caadiga aheydna uu dhowaan Cudurdaar sameyn doono. Waxaan is lahaa wuxuu ku oran doonaa kuwa yar yar ayaa Game ku ciyaaraayay Mobilka.
Subaxdii dambe ayaan Facebook soo galay, waxaana arkay isaga iyo Gabar Amran la yiraahdo oo Sawiro Qurux badan soo galay.
Filan waa ayey igu noqotay Arrintaasi, waxaan is iri Armey indhahaagu been kuu sheegayaan, malaha waaba isagii ayaan marna isleeyahay, si fiican u fiiri, waana isagii oo Asxaabtiisa ay u wada Hambalyeynayaan.
Argagax iyo Anfariir ayaa igu dhacay, meel aan joogana waan is garan waayay, Naftu iney iga baxday ayaan mooday, Cirkuna inuu ila soo dumay ayey ila noqotay, Alla tanina ma ii dambeysay ayaan ku Cataabay.
( La soco Qeybta Xigta).






