Ayuub markuu intaas sameeyay ayuu isaga oo aan hadli karin oo dhulka fiirinaayo falka guracan ee uu sameeyay dartiisa, ayuu inta uu Cagaheeda dhunkaday si Deggen Cafis uga codsaday.
Dadkii meesha joogay oo War moogayaal ahaa ayaa yaab la noqotay wuxuu Ayuub sameynaayo, iyadiina talo ayaa ku cadaatay, oo iney, la hadasho ma eysan rabin, jawaab ku haboon oo ay siisana ma diyaarsan, intaas waxaa uga sii daran, dadkii oo dhan ayaa wada dhowraaya jawaabta ay siin doonto.
Ifraax markay aragtay Ayuub ilamada ka daadanaysa iyo Murugta ka muuqata, iyo sida uu iyada u hoos fadhiyo ayaa inta Gacanta qabatay, Boorkii gacanteeda kaga tirtay, ilmadiina Shalmadeeda kaga tirtay, ayey qolkii fadhiga u sii gudbisay, ileen Qatar jaceyl ma qarsoomi karee, Dadkii ayaa Ifraax waxey ku yiraahdeen, Heedhe Ninku muxuu kaa rabaa?, kolkaas ayaa waxey ku tiri:- Waa nin i jecel oo Xiriir wada laheyn, balse sidey wax u dhaceen iyo Qisadii dhex martay Cidna uma eysan sheegin.
Sharaab iyo Biyo qabow intey u keentay, ayey soo ag fadhiisatay, malaha Ninkani Oon iyo Gaajo midna ma heyso, balse wuxu u ooman yahay keliya Aragtida Gacalisadiisa.
Sheeko yar oo kooban ka bacdi, waxay ku tiri hadda iska tag, aniga ayaa caawa kugu imaan doona, Hotelka aad degan tahay. Haye iyo Hawraar san ayuuna ugu jawaabay.
Isaga oo faraxsan ayuu soo noqday, wuxuu u soo iibiyay, Alaabo Hadiyad ah oo aad u Qiimo badan, maadama uu waxoogaa hadda sidii hore dhaamo oo uu shaqaysto, meel barxada Hotelka ayuuna ku sugay.
Markii la gaaray Xiligii balanta, ayey soo baxday, iyada oo aad u xaragooneysa, isna markuu arkay, ayuuba fadhiga isaga kacay, oo uu kursiga isku Hagaajiyay.
Markay fadhiisatay, ayaa Sheeko hoose iyo wada xaajood la bilaabay, wuxuuna ku yiri, isaga oo ilmeynaaya:- Wax walba oo aad adiga naceyso ama aad dhibsaneysid waa igu Ballan ma sameynaayo, dibna ugu noqon maayo wixii dhacay ee ilaah dartiisa igu Cafi.
Ifraax dareemayaashii ayaa wada kacay, maadama ay Ayuub aad u jeclayd, daqiiqado gaaban ka dib, waxaa laga war helay iyadii oo ay Indhaheedu ka soo burqadeen Illintii jaceylka, ileen horaa loo yiri Qalbi jaceyl galay ma Quusto, iyadoo ilmeeneysa intey Gacanta qabsatay ayey ku tiri:- Xabiibi anigana kaama maarmo, waana ku jeclahay, Cafisna waad iga tahay, balse dib dambe yeysan u dhicin wixii hadda dhacay oo kale.
Ifraax Hadda wey is dhiibtay, jawi jaceyl ayaa lagu jiraa, Hadiyadii uu u wadayna wuu guddoonsiiyay.
Cajiib, Ifraax oo aad moodid iney meel kale ku maqan tahay ayaa intuu Gacanta qabsaday, qolkiisa oo ay hor fadhiyeen gudaha ula galay, jawiguna wuxuu ahaa mid aad u macaan, in yar ka dib waxey sheekadu gaartay in Hawada leys kala baxo, ilaa ay xaajadu gaartay in leys iloobo, Ul iyo Diirkeed ayaa la isku noqday.
Waa yaab, bal aynu aragno halka leysla gaaro, koleey Xaalku ma yara, Waa yaabe Ifraax maxaa waxaan daba dhigay, bal aan aragno Xaalku siduu noqon doono.
Xaalad aan la qiyaasi karin ayaa la wada galay, Ifraaxna markii laabta la geliyay, ayaa miyir ugu dambeeyay, waxaana Hawada ka tuuray Jacaylkii xad dhaafka ahaa oo ay u qabtay isaga iyo dareenkii lagu abuuray, misana waxaa habeenkaas hawada ka tuuray jawiga oo ahaa mid qabooban oo roob yar wehliyo, Romantigana aad ugu macaan, oo weliba dareen xambaarsan, jirkuna uu wax tebaayo, misana uu weliyo Sheydaan. Ayuubna Naftiisa wuu xakameyn waayay, oo waxba hadal kugu daalin, Ciyaar aad u kulul ayaa goobtaasi ka dhacday.
Habeekaas Hawl aan meesha loogu tala gelin ayaa dhacday, Ifraaxna Gabarnimadeedii sidaas ayey ku seegtay, malaha waa Riyo ayey Nafteeda ku maaweelineysay, balse waxey aragtay Sheekadu iney dhab tahay.
Hadal iyo Canaan ma jirto Caawa, balse cabsi aad u daran ayaa Ifraax soo food saartay, Nafteeda ayaa waxey weydiineysay toloow Ayuub muxuu ka yeeli doonaa arrintaan caawa dhacday?, ileen talo faraha wey ka baxday.
Iyadoo ka duwan sidii hore ayey Caawa u soo hoyatay Gurigeeda, balse Caawa fikirkeedu wuu ka duwan yahay, oo waxey ku fakareysaa, siduu doono ha ahaado, hadduu doono haba iska qayilee, Ayuub inuu ku Guursado, oo nolasha kula wadaago ma Oggolaan doonaa toloow.
Sidey caadadu aheyd waxaa qalbigeeda ku jira Ninka wuu ku nacayaa, mar hadduu jirkaagii taabtayba, wuxuuna kuu maleynayaa in aad sidaan un tahay.
Ifraax maanta ninkii ayay hoos joogtaa, waxay is leedahay, ma laga yaabaa inuu fiiriyo wanaagii hore idinka dhaxeeyay, ee aad u sameysay, oo ma laga yaabaa inuu si Sharaf leh kuu guursado.
Maalintii dambe ayey wacday wuxuuna u sheegay inuu ku laabtay Magaaladii uu ka yimid, balse markii hore uusan iyada u sheegin maadama uu si kedis ah ku soo baxay. taasna Waa isbeddel kale oo ay fileysay. Ifraax ku sii kordhay murugtii, mar walba Qalbigeda waxaa ka guuxayaa armuu kugu yiraahdaa iga Har ama uu Gabar kale iska Aroosaa.
Markuu nagaaladii tagay muusan soo wacin, maalintaas oo dhan ayey sugeysay, maalintii dambe ayey iyadu wacday, balse maxey kala kulantay ?.
( La soco Qeybta Xigta).






