Markaad waqtiyada qaarkood aad dareentid in aanad riyo wacan arkin oo aanad ku riyoon, ama inaan salaadaada iyo ducadaada la aqbalayn, Markaad dareentid ilaahay in aanu kula hadlayn ama aanad dareemin dhadhanka iyo macaanka iyo cibaadada. Markaad eegtid duruuftaada iyo dhibaatada ku haysata noloshaan ee aad ka fakartid, markaad aragtid in aad dadaalaysid oo tabceysid oo natiijadii aad filaysay aanad helayn,
Markaad aragtid oo aad dareentid arsaaqadii iyo ubadkii inay habsaameen, albaabadii inay xidhmatay, markaad marmarka qaarkood aad isla hadashid oo aadn tidhaahdid “ilaahay ducadeyda ma aqbalayo malaha ilahay ima jecla”!! markasta oo aad murugo aad dareentid waxaad xasuusataa
Xikmadda Suuradda Ad-Duxaa:
Suurad Ad-Duxaa waa suurad gaaban oo inta badan salaadaheenna aan akhrinno laakiin uma fiirsanno qiimaheeda mana dhuuxno macnaheeda, mana garanayno awoodeedda iyo ahmiyadda wayn ee ay leedahay. Suuraddaan waxay gaar u tahay oo ay ku soo degtay nabigeenna suuban naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, taasina ay ugu wacnayd dareen iyo murugo haysatay, waxayna u gaar tahay qof kasta oo muslim ah oo culayskii uu nabiga dareemayay Nabiga CSW dareemaya ama dhibaato ay nolosha ah ay haysato.
Suuratu Ad-duxaa waxaa loogu talo galay inay nabad galyo wadnahaaga ay geliso, niyadaadana ay dejiso iyo inay kaa dhigto qof si saxan u fekeraya oo noloshiisa ku faraxsan oo khayr iyo wanaag ilaahay ka rajaynaya.
Suuraddaan dhowr arrimood ayaa la sheegaa sababta ay u soo degtay, culimada qaar waxa ay leeyihiin Jibriil ayaa Nabiga N.N.K.H u imaan waayay oo quraan ku Qur’aan ku soo dejin waayay muddo gaaraysa lix bilood, riyo wacanna Nabigii N.N.K.H waqtigaas oo dhan muu arkin.
Sababta kalena waxay ku Nabigii saddex cisho ayuu xanuunsaday oo gurigiisii uu ka bixi waayay, markaas ayay xaaska Abuu Lahab oo ay ku tiri: “waxa aan arkaa shaydaankaagii inuu ka tagey” oo ay uga jeeday Jibriil, waxa ay aaminsanayeen Nabiga N.N.K.H inuu jinka la macaamilo. Waxa aanay culimada qaarkood ay leeyihiin, Nabiga inta uu Jibriil ka habsaamay gaaladii Qureysh ayaa bilaabay inay hadal xun ku yiraahdaan: “Saaxiibkii ayaa ka tagey”. Nabiga CSW marka waxaas oo dhan uu maqlay wuu ka xumaaday, niyaddiisa waxaa ku soo dhacday malaha Ilaahay kuma jecla, malaha Ilaahay ma doonayo inaad Nabi sii ahaatid, Fikradahaas ayaa maskaxdiisa ku soo noqnoqnaysay mar kasta, Sababtaas ayaa Ilaahay SW usoo dejiyay Suuradda Ad-Duxaa
Suuradda Ad-Duxaa, waxay kamid tahay suuradaha sha’niga weyn leh, waxay soo degtay goor uu waxyiga ka daahay suubbanuhu (NNKH) sida lasoo weriya. Waxaana uu Eebbe kor ahaaye usoo dejiyey si uu ugu bishaareeyo nebigiisa (NNKH) inaanu deyrin doonin, oo marnaba uusan ka tegi doonin. Markii uu waxyiga nebiga (NNKH) ku billawday, ayaa xoogay yar laga joojiyey, markaasay gaaladii Qureesheed yiraahdeen ”Muxammad Rabbigiis waa deyriyey oo waa ka tegey”. Markaas bayna soo degtay suuraddan Ad- Duxaa. .
Suuradda Ad-Duxaa Ilaahay waxa uu marka hore ku dhaaranayaa qorraxda, subaxda iyo iftiinka, yacnii macnahadeedu waa qofka oo murugaysan khaas ahaan Nabiga CSW, indhahaaga fur, eeg qorraxda, iftiinka iyo cadceeda, ayaamaha noloshu ma wada madooba, murugana ma wada ahan, waxaa ku jira ayaamo qurux badan oo wacan oo sida iftiinkaas oo nuuraysa .