YAA DILAY IBRAAHIM? ( 7 ).
5tii eedaysane, oo ay weheliyaan ilhaan, axmed, iyo Xashiishlaha ayaan ku balamiyay Buundadii Ibraahim laga helay maydkiisa hoosteeda. Saacadu waa 02:16 habeenimo. Waa xili ku aadan xiligii uu Ibraahim dhintay oo kale. Qarka buundada ayaan fuulay, halka aan iyaga oo dhan aan istaajiyay buundada hoosteeda. Anigoo kor saaran oo hoos u fiirinaya, iyo iyagoo hoos taagan oo kor ii soo eegaya sidii fanaan Masrax bandhig ku leh, ayaan hadalka u bilaabay:-
Halka aad taagan tihiin, waa halkuu Ibraahim ku dhintay. Ibraahim isla markiiba naftu kama bixin sida ay sheegeen dhakhaatiirta Maydka baartay, ee cabaar ayaa uu nafta la silcayay oo uu buundada hoosteeda yiillay. Waxaan rabaa bal in aad sawirataan xanuunka, cidlada iyo murugada ay leedahay inaad ku dhimataan meel sidaan mugdi u ah, cidlo u ah, qabowna u ah. Waxaan rabaa inaad sawirataan wixii aad dareemi lahaydeen haddii daqiiqadaha nolosha kuugu dambaysa aad cid shahaadada kuu qabata waydid. Ibraahim dhimashadiisa waxaa ka xanuun badnayd, daqiiqadaha yar ee uu buundadaas hoos yiillay naftana uu la silcaayay. Intaas markeynu ka gudubno, waxaan doonayaa in aan idiin sheego cida rasmiga ah ee dishay Ibraahim, hase ahaatee inta aanan magac dhabin, sida uu habeenkaas Ibraahim ku dhintay ayaan idiin dulmarayaa.
Ibraahim markuu Ifraax ka soo tagay habenkii dilkiisa ee uu soo raacay Cimraan, ayaa uu jeebkiisa kasoo saaray taleefoonkiisa si uu u isticmaalo. Markuu soo saarayba, wuxuu arkay in uu soo qaatay taleefoonkii Ifraax. Cimraan ayaa uu ku yiri:- Saaxiib ii wac Ifraax, waxaan u sheegayaa inaan taleefoonkeeda isku soo ilaaway.
Ka dib ayuu Cimraan ugu jawaabay:- Midka iyadu ay leedahay ee aad wadatid ka wac saaxiib. Kolkaas Ibraahim baa ku yiri:- Saaxiib Telkeeda looga (Lock) ku xiran garan maayo.
Cimraan baa haddana ku yiru:- Balo! War keen anaa kuu furayee.
Ibraahim oo yaaban ayaa Cimraan ku yiri:- Ifraax talefonkeeda waxa lagu furo sideed ku ogaatay saaxiib?.
Cimraan baa ugu jawaabay:- Weligay baan aqaanay oo anaaba ugu xiray, Kuuma sheegin miyaa?.
Ibraahim wuu ka aamusay, ka dibna wuxuu taleefoonkii Ifraax uu watay ka wacay lambarkii Cimraan, si uu u fiiriyo waxey Ifraax ku qoratay Lambarka Cimraan. magacii uu filayay mid aan ahayn ayaa u soo booday. Ifraax Talefankeeda markuu soo waco Cimraan ama ay iyadu wacdo, waxaa ugu qornaa “Gabadha Shaqaalaha ah”.
Ibraahim markasta oo uu la joogo Ifraax, lambarkaan ay ku qoran tahay “Gabadha shaqaalaha ah”, wuu wici jiray Ifraax. Iyaduna inta ay fiiriso ayay ku dhagaysan jirtay.
Ibraahim dhowr jeer ayaa uu waydiiyay waxa ay Gabadha shaqaalaha ahi u wacdo markey wada joogaan, balse mar kasta jawaab macquula ma ayna siin jirin.
Ibraahim wuu yaabay, ka dibna Cimran ayuu ka codsaday in uu tuso waxa uu isaguna ku qortay lambarka Ifraax. Cimraan waa uu diiday in uu tuso, sidaas ayaa uuna kudhacay dagaalka markii gaariga laga soo baxay. Jamaal markii uu gees fariistay, ayaa uu furay Whatsapp-kii Ifraax. Si aan labo-labayn lahayn ayuu isla markiiba baaris ku bilaabay. Wixii koowaad ee uu raadiyayna waxay noqdeen fariimaha iyada iyo Cimraan dhex maray. Waxa uu dul tagay lambarkii Cimraan oo ay ku qornayd “Gabadha shaqaalaha ah”. Wuxuu kala kulmay, aniguna aan arkay ayaan idiin sheegayaa. Ibraahim uu arkay fariin ay ku qoran tahay:- “Xabiibi Uur inaan leeyahay ayaan u malaynayaa, Ibraahim iyo anigu iskumaan tegin oo Guur ayuu iga doonayaa. Hadduu igu ogaado inaan Uur leeyahay, wuu iga tagayaa, aniga iyo adiguna lacagtiisa iska socota uu i siiyo mar walba ayaan waayeynaa. Uurkaan adiga ayaa leh, ee sidee wax ku xalinaa?”.
Ibraahim markuu fariintaas akhriyay, ayuu mar labaad dagaalka ku bilaabay Cimraan.
Aadam ayaa soo kaxeeyay, ka dibna siduu xashiishluhu sheegayba, Aadam mar walba waxaa xashiishka u gadi jiray Ibraahim, hase ahaatee lama uu cabi jirin. Habeenka Dilka Ibraahim, Aadam wuxuu Ibraahim ku tashkiiliyay inuu caawa Xashiishka la isticmaalo si Xanaaqa iyo Murugadu ay u ilowsiiso. Ibraahim xanuun daran ayaa hayay markaas, wax kasta oo khafiifin kara xanuunkaasna inuu sameeyo diyaar ayuu u ahaa. Sidaas awgeed, habeenkii wuu la isticmaalay. Ibraahim markii ugu horaysay balwada ayey ahayd, sidaas awgeed wuu ku wareeray inuu matago ayuuna bilaabay.
Abaare 12:00 habeenimo ayuu Aadam guriga geeyay Ibraahim, ka dibna inta uu guriga ag dhigay ayuu ka dhaqaaqay. Sadiiq ayaa Albaabka ka furay Ibraahim, gudaha ayuuna soo geliyay. Ibraahim banaanka fadhiya, ayaa uu gudaha Dagaal iyo Qaylo ka maqlay. Qolka gudihiisa ayuu galay, si uu u fiiriyo cida dagaalameysa. Waa Sadiiq oo xaaskiiskii ilhaan dilaya. Ibraahim isagoo aan waxba hubsanba, Sadiiq ayuu feer ku bilaabay. Sadiiq ayaa laga adkaaday oo si fiican ayaa loo garaacay. Ilhaan ayaa gudaha intey gashay, ayay Kal soo qaadatay, ka dibna Ibraahim ayay madaxa uga dhufatay. Ninkeedii oo dilaaya ayuu walaalkeed uga hiiliyay, ka dibna walaalkeed oo ahaa qofkii u hiilinaayay ayey dishay si ay ugu hiiliso Ninkeeda oo ahaa midkii garaacayay iyada.
Ibraahim maadaama uu daroogeysnaa, ma uu dareemin nabarka, hase ahaatee waxaa dhaawac ku reebay walaashiis iyo waxey samaysay. Isaga oo dhiig ka daadanayo, ayuu guriga ka baxay oo cararay. Cabaar markuu sii socdayba, wuxuu soo xasuustay inuu talefankii uga soo tagay guriga, dib ayuuna u soo laabtay. Markuu guriga soo istaagay, ayuu maqlay codka ilhaan iyo Sadiiq oo wada sheekeysanaya, weliba Sadiiq oo ilaah ku dhahaayo:- “Inta uusan Ifraax guursan oo uusan ilmo dhaxalkiisa qaata uu dhalin aan dilno Ninkaan ilhaaneey. Caawa ayay ugu dhawayd oo Xashiish ayaan ku iri Aadam soo sii si uusan isaga kaaya celin, ka dibna riwaayad ayaan jilnay, hadana ma aadanan ku guulaysan dilkiisa. Hadda isagiina wakaas waad cayrisay, mana aynaan dilin” ayuu lahaa Sadiiq oo canaanaya Ilhaan.
Jamaal intaas markuu maqlay ayaa guriga inta galay ayuu taleefoonkii ka soo qaatay, isaga oo aan la hadlinna wuu soo baxay. Intuu wadada maraayay ayuu Ifraax wacay, wada hadal dheer ayaa dhex maray, hase ahaatee aniga inta muhiimka ah ayaan idinkaga sheegayaa. Ifraax waxay u sheegtay in xiriirka iyada iyo Cimraan ka dhaxeeya ay ogaayeen Cumar, Aadam iyo Sadiiqba, sidaas oo ay tahayna ay ka qariyeen. Ibraahim markii uu intaas ka war helay ayuu buundada dusheeda yimid, ka dibna mudo 20 daqiiqo ah ayuu dul taagnaa. Anigu magaranaayo waxa uu ka fakaraayay, balse hadaan qiyaaso, Ibraahim noloshiisa oo dhan iney khiyaano ku saleysan tahay ayuu ogaaday.
Aabihiis Jaamac dalka ayuu khiyaamay, aniga oo walaalkiis ah waan khiyaamay markaan xaqiiqada Aabe Jaamac banaanka keenay, Ifraax iyo Cimraan wey khiyaameen, Cumar iyo Aadamna wey khiyaameen. Kuma ayuu dib ugu laabtaa?! Yaa uu ku kalsoonaadaa?! Yuu ehelsadaa?! Intaasba wuu garan waayay.
Ibraahim buundada ayuu dul istaagay, kadibna wuu iska tuuray. Isaga ayaa is dilay, Ibraahim isaga ayaa is dilay! Jamaal isaga ayaa is dilay!
Dilka uu Ibraahim is dilay hal mar ayuu nafta ka qaaday, hase ahaatee, inteena meesha joogta oo dhan, intuusan dhiman ka hor mid kasta oo inaga mid ah qayb ayuu nafta ka siibay. Inta uusan dhiman kahor, anaga ayaa tartiib u cantuugnay Hilibkiisa oo hadba cad goosanay. Ibraahim anaga oo dhan ayaan dilnay!, Ibraahim anaga oo dhan ayaan dilnay!, Ibraahim anaga oo dhan ayaan dilnay!
Waa Axmed qofka intaan dambe ee sheekada qoraya. Sargaal Ismaaciil wuu dhintay hadda. Markuu habeenkii hadalkiisa dhameeyay, ayuu amar adag i siiyay, aniguna maadaama aan askari isaga daacad u ah aan ahaa, amarkiisa waan fuliyay. Sargaal Ismaaciil oo ahaa ninka sheekadan inooga Sheekaeyay, markuu hadalka dhameeyay habeenkii ayuu gaari Bas ah ku guray eedayanayaashii oo dhan.
Gaarigaas waxaa saarnaa Ismaaciil, ilhaan, Sadiiq, Cimraan, Ifraax, iyo Aadam. Aniga iyo xashiishluhu waxaynu saarnayn gaari iyaga ka dambeeya. Sulaymaan ayaa gaariga kaxeeyay, cabaar ayuu kafoogaday buundada ka dibna wuu soo kala wareegay isaga oo xawaare sare ku socda. Halkuu Ibraahim iska tuuray, ayuu gaariga ka tuuray, buundada hoosteeda ayeyna ka dhaceen. Aniga amarkaygu wuxuu ahaa inaan gubo gaarigaas iyo dadka ku jira oo idil, ka dib markii laga tuuro buundada, shaqadeydii ayaana qabsaday.
Halkii uu Ibraahim ku dhintay, ayaa 6qof oo uu Ismaaciil ku jiro ku dhinteen. Si uu u cadaalad sameeyo ayuu Ismaaciil xitaa naftiisa raaciyay si uu ugu aar gudo Ibraahim.
D H A M M A A D.





Wxn ahay akhriste wxn aad uga helay sheekadan cajiibka balse wxn ka jeclahay sheekooyinka, kalamadaha, weedhaha, qisooyinka, gabayada, heesaha iyo geerarada uu leeyhy jacaylku❤️. Inoo so badiya wixi danbe ❤️😍, Mahadsanid.