Ifraax filan waa iyo yaab ayey ku noqotay, iney aragto ninkii xumaa oo gurigeda dhex fadhiya, waxeyna ka fikirtay sidii ay u qaabili laheyd Xushmad laawihii xumaanta la doonay.
Waxaa qalbigeeda ku soo dhacday, intaad Bir qaadato Madaxa ma kaga garaacdaa, mise waad qeylisaa, mise aayar ayaad u baxdaa Adigoon la hadlin, balse waxaa mar walba horyaala inuu Ninkaan gurigoodi joogo, oo uu iyaga Marti u yahay iyo inuu Hooyadii xaafada la hadlay, oo ay iyadu fadhiisiisay iyo in haddii ay wax yeesho, ay arintu Fashilmeyso, lagana yaabo in la ogaado wixii dhex maray, ugu dambayn, waxey qaadatay go’aan ah, iney Ayuub ku qanciso inuu xaafadooda isaga baxo, dibna ugu soo laaban, wax walba oo dhex marayna uu iska ilaawo.
Ifraax intey fadhiisatay, ayey hadalkii bilowday, waxeyna ku tiri:- Waan ku aaminay, jaceylkan ku qabana waad igaga faa’ideysatay, maanta hadaad jirkeyga ilaalin weysay Beri nafteyda ma ilaaalin kartid, kumana rabo, orod iga tag, dibna ha ii soo raadsan.
Markey hadalkeeda dhameysatay, ayaa Ayuub wuxuu bilaabay Oohintii iyo Calaaacalkii Raga Soomaalida lagu yaqaanay, isaga oo illintu ka da’eyso ayuu ku yiri:- Mcn kaligey ma qaldamin ee labadeenaba waan qaldanay, qaladkaasna jaceylka ayaa iska leh, aniguse qaladkeyga waan qiranayaa, balse Qaali hadaadan adigu i Cafin yaa kaloo i Cafinaayo, waayo wax i jecel aduunka keligaa ayaan kaa heystaa, i Dil hadaad doonto, balse ha iga fogaan, kaama maarmi karo. Intaas kuma uusan joogsane, intuu Afkii xiray ayaa Oohin, iyo Huuhaa bilaabay, uu kaga raadsanaayo Beer laxawsi.
Ifraax talo ayaa ku cadaatay, xaaladuna hadda waxay isku beddeshay, Xaalad murugo, tolow Ayuub yaa Xaafada idiin dhaafiya ayey taagan tahay hadda, waxeyna raadineysa, qaab ay inta ku Aamusiiiso ay xaalada ku dejiso. intey u yara dhawaatay ayey ku tiri:- Dadka ha ina maqashiin, wax walba wey hagaagi ee aamus, dadka ayaa ku maqli sidaan waa ceeb.
Walaasheed ilhaan oo guriga wax ka soo doonatay, ayaa dareenatay xaaladda Qolka, isla markiina waxey indhaha ku dhufatay, Ayuub oo Oynaayo, Ilhaan markey intaasi aragtay, Naxdin iyo Anfariir ayey ku noqotay, Huuno maxaa dhacay ayeyna ku tiri Ifraax, balse waxba ma dhicin ayey ugu jawaabtay, weyna iska baxday, iyada oo wejigeeda Cabsi ka muuqato.
Ayuub isagoo ku fikiraaya inuu Qorshihiisa ku soo guuleystay ayuu soo baxay. Wuxuu jilay filim cajiib ah, ciyaar oo wuxuu is leeyahay, waxaad dareensiisay, jaceylka aad u qabto, weyna kuu soo laabaneysaa. Markuu baxay ayey Walaasheed ilhaan u timid, iyada oo leh, huuno maxaad ku sameysay Wiilka?, waxeyna ugu jawaabtay:- Waxba kuma sameyn ee waan ku jeclahay ayuu leeyahay, anigana marabo.
Ifraax walaasheed uma sheegin, isa seegii dhacay, iyo halka ay dhibtu ka bilaabatay, oo aheyd habenkii ay yara Ciyaareen, waayo taas ma awoodo, waxey ilaashaneysaa sumceeda.
Walsheed Ilhaan oo ka weyneed ayaa waano iyo wax sheeg ula fadhiisatay, ayada oo ku leh:- Huuno Nabsi ha gelin, Aduunka qof walba wuxuu kasbado ayuu leeyahay, (waxeyna hoga tusaale u soo qaadatay, Dad ay arintan oo kale ku dhacday oo cawaaqib xumo ka qaaday). Tii yareedna Cabsi ayeyba ku abuurtay. Ifraax cid lama tashan karto, waxa dhacayna ma sheegi karto, Walwal iyo Walaacna wuu ka heystaa haddey Ayuub ku noqoto inuu ku ciyaari karo.
Ugu dambeyntiin waxey go’aansatay iney ku noqoto, ay raali geliso, balanna uu ka qaado inuu ilaalinaayo.
Maalmo ka dib ayey balamisay, isagu marna Farxad, marna Cabsi ayey ku noqotay, waayo ma oga waxey ku dhihi doonto, balse qalbigiis wuxuu u sheegay iney hadda garwaaqsatay jaceylka uu u qabo, ayna iska Cafineyso.
Ayuub inta uu si fiican u soo lebistay, ayuu soo aaday meeshi ay ku balamisay, isagoo Farxad iyo Cabsiba ay ku jirto, markuu soo gaaray goobtii ballanta wuxuu arkay, iyadoo sugeysa, misana Nuurka Wejigeeda ka baxaayo ay aad kuu farxad gelineyso, isaga oo hoos u foorara Xishood dartiis, ayuu horteeda fadhiistay.
Markuu soo fadhiistay, wuxuu dareemay, in xaaladda gabadha uu wax iska beddelay, oo wejigeedana farxadi ka muuqdo, waa kulan kale oo laga sheekeysanaayo Jacaylka laysku qabay.
Ifraax ayaa sheekada bilawday, waxeyna ku tiri:- Huuno, inaad i jeceshahay waan Ogahay, balse waad igu Qaldantay, Walaalkeey ayaa tahay, oo hadaad qaladkaaga qiratay, Cafisna iga dalbatay, waan ku cafiyay, jaceylka aad ii qabto mid ka badana waan kuu qabaa, balse waxaad balan iiga qaadaa inaadan dib dambe iigu dhawaanayn, oo aad igu Xad-gudbaynin.
Isagoo Qosol, ilmo ku lamaan tahay qoslaaya, ayuu yiri:- Mcn waxaan la ilameynayaa maaha Xanuun waa Farxad, qalbigii jabnaa ayaad ii kabtay, naftii cidlootay ayaad wehel u noqotay, Rajadii iga luntayna dib ayaad u soo celisay, Mcn isma ogid balse Erayadaada waxey dawo iiga yihiin dhowr cudur, dhoola cadeyntaaduna Qalbiga ayey ii Nuurisaa, Mcn mar kale raali iga noqo, waan kugu qaldamay, waana Balan inaan dib dambe kuugu gafeynin.
Mcn jacaylka aan kuu qabo ayaa i qasbay, iska key Cafi. (Erayadaas iyo kuwo la mid ah oo ka buuxo Beer laxawsi ayuu Ifraax qalbigeeda ku hurgufay).
In yar ka bacdi ayaa la is dareemay, iney weli cidlo fadhiyaan, Laba koob oo Caffe ah ayey dalbadeen, Sheeko gaban oo Hoose ayaa lagu wada qaxweeyay. Iyaga oo farxad ka wada muuqato, ayaa Waddada la sii qaday, si intaas ay sii socdaan ay u wada sheekeystaan, Waxa laga wada sheekeesanayaa maalmahii la kala maqnaa iyo wixii la mutay, maxaad sidaas horta maalintii ii laheyd iyo Adigaba sidaas ayaad i tiri, ayaa laga Sheekeysanayaa, marna Qosol ayaa dhinac la isugu raacayaa.
Habeenkaas mid walba wuxuu ka sheekeeyay, wixii uu ka farakaraayay intii la kala maqnaa, Qof walbana wuxuu Eeda saarayay qofka kale, balse waa habeen kale oo jacayl iyo farxad lagu wada socdo.
Ugu dambayntii waxaa durba la soo garay, xaafaddii waqtigu muu iska dheeraado ayaa qalbiga la iska yiri, Macasalaameyn aan lagu qanacsaneyn ayaa la is macasalameeyay, Qalbi habeen wacan iyo Habeen wanaagsan inta lays yiri, ayaa la kala hoyday.
Ayuub oo qalbigiiisu Ifraax la jiro mar inta dib u jaleeco quruxdeeda iyo dhoola cadaynteeda indhaha la raacaya, iyadana ay mar yara Qosleyso, marna ay tilaabada dhulka ku jiideyso oo ay Bye bye xabiibi leedahay, ayna aragto inuu ka tegi la’yahay, oo uu indhaha la raacaayo, ayaa gaari baas oo waddada Xoog ku maraayay Hal mar Ayuub ku dhuftay.
Ifraax oo indhaha ku heysay, isaga oo dhoola caddenaaya, gacantana u taagaayo, ayaa Hal mar aragtay isaga oo dhulka yaal. Orod iyo Oohin inta isku dartay ayey dusha iskaga tuurtay iyada oo leh:- Qalbi ila hadal, Dhiigii soo yaacay, ayaa durba dhulka qul-qulay, mise wuu Suuxsan yahay oo hadal ma karo, durba waa lagu soo kala yaacay, oo Hosbitaalka ayaa loolo cararay.
Iyadoo aan socon karin ayaa Ampulance-tii lagu qaaday, dadka ma aysan ogeyne malaha waxay is lahaayeen waa Walaashiis, Dhaqsi waxaa la loola cararay qeybta Gargaarka Degdegga, Ifraax Banaanka ayaa lagu reebay.
Weli looma sheegin wax qoyskiisa ah, iyada oo xaaladeeda la qiyaasi karin, ayey baanaanka fadhidaa iyada oo il-meyneesa, ma oga Wax la dhihi doono, weli waxaa u sii muuqda jaceylkii uu u qabay iyo sida uu mar walba u Ixtiraami jiray.
( La soco Qeybta Xigta).
Ifraax Iyo Ayuub Qeybta 2aad
Subscribe
Login
0 Comments
Oldest






