Ifraax ayaa banaanka fadhida, maankeeda waxaa ka guuxaayo Hadaladiisii qurxoonaa, laabteedna dhoola cadeyntiisii ayaa ku sawiran, ilmadu kama istaageyso, dadkii meesha joogayna, waano ayey la dul taagan yihiin iyo Duco ay u ducaynayaan Ayuub.
Muddo ka bacdi, waxaa soo baxay Dhaqtarkii howsha gacanta ku hayay, iyada oo naxsan, ayeyna ka soo hor booday, waxeyna ku tiri:- Doctor see yahay hadda?. wuxuuna ugu jaawabay:- Wuu iska fiican yahay, balse Jug culus ayaa soo gaartay, Dhiig badana wuu ka baxay, waxaana loo baahan yahay, qof dhiigiisu (0+) yahay, si loogu shubo.
Aniga iga shuba ayey la soo booday, balse nasiib xumo isku dhiig ma eysan noqon, isla markiiba waxay si ar-gagax ku jiro, u wacaday, Wiil ay qaraabo dhow ahaayeen, waxeyna u sheegtay, in gabar Saaxiibo yihiin Walaalkeed uu Shil galay, Wiilkii ayaana dhiigga looga shubay.
Ayuub wuu soo ladnaaday, wuxuuna Indhaha kala qaaday, Ifraax oo dul taagan, wejigeedna Murugo badan ka muuqato, ma uusan ogeyn inuu Shil galay, balse waxaa miyir iyo wax kala garasho ugu dambeysay, iyada oo dhoola cadeenaysa oo Gacanta u taageysa, kuna leh, Habeen wanaagsan Xabiibi, hadda wuxuu Indhaha kala qaaday, iyada oo dul-taagan, Murugo fara badana ka muuqdo.
Wuxuu is arkay, isaga oo Sariir saaran, isla markaana uu Xanuun dareemaayo, hadalkuna uu dhibaayo, waxaana loo sheegay in uu Shil galay, balse uu ka badbaaday.
Ifraax oo hadda sidii hore dhaanto, Naxdintiina ka roonaatay ayaa banaanka u baxday, waxa ayna u soo iibisay Cabitaano fara badan oo nafaqada jirka soo celisa ah..
Habeenkaas oo dhan wey la joogtay, mar inta qoorta qabato ayey Caano Afka u saareysay, marna Dhaqtarka ayay ugu yeeraysay, marba wuxuu u baahdana wey qabaneysay iyadoo aad moodo marka uu Ax, dhaho iney la damqaneyso, sidey ugu turayso. Kursiga agtiisa ah sidey ugu fadhiday, ayuu Waagii baryay, iyadoo aan mar quro Indhaha isku qaban.
Maalin iyo habeen wey Dul taagnayd, weyna u Adeegaysay, ilaa dadka qaar ay u maleeyeen, inay ka mid tahay Kalkaalisayaasha ka shaqeeya Hosbitaalka, maalintii ayay yara Seexataa, Habeenkii oo dhana wey la joogtaa si ay Wehel ugu noqoto, Xaafadoodiina waxay ugu sheekaysaa iney caawinayso Gabar saxiibadeed oo waalaalkeed Shil galay.
Muddo ka dib wuu soo bogsaday, waxeyna dakhaatiirtu u sheegeen in Hosbitaalka laga bixiyo, maadaama uu hadda bogsaday, oo hadda daryeel iyo xanaaneyn uun u baahan yahay, waxaana la isugu xisaabiyay, Daryeelkii iyo Daawooyinkii la siiyay, waxaana lagu dhahay Lacagtaas bixiya oo Wiilka xaafadda geeya.
Ayuub wuxuu ka dhashay qoys danyar ah oo aan weligooda helin Lacagtaas laga rabo, waxayna deggan yihiin meel magaalada ka baxsan oo tuulo ah, waxaa hadda la jooga oo ehel u ah waa Ifraax oo keliya.
Ifraax talaa ku cadaatay, meel ay uga tegi karto ma jirto oo waa Gunnimo, Qof aad adiga u tahay Wehel inaad ka tagto, daryeelkiisana wey ku daashay, hadana waxaa laga rabaa Lacag badan, oo aysan iyaduna heynin, qof kale oo bixinayaana aysan jirin.
Ugu dambaytii waxay go’aansatay iney iibiso Dahabkii ay laheyd ee Sanduuqa Hooyadeed ugu jiray. Si ay uga bixiso Lacagta loo hayto jaceylkeeda.
Wey ka wal-wal san tahay, Nin aan qabin Mustaqalkana wax uu noqon doono aysan War u haynin, inay u iibiso Dahabkeeda, haddana waxey Nafteeda ku dhiirigelisaa, “Dartaada ayuu u dhaawacmay, waana Maskiin, aad Caawinayso ilaah ayaana kuu Abaal gudi doonee bal ilaah dartiisa Wax ugu qabo”, waxeyna isku qancisay iney Dahabka qeyb ka mid ah iibiso, qeybna ay heysato, si aysan Xaafadu u ogaan.
Ifraax waxey aaday meeshii Dahabka lagu iibin jiray, balse Nasiib xumo qiimahii ay rabtay ee laga rabay wuu u gaari waayay dahabkii, gabar saaxiibteed ah ayeyna Lacag amaaah ah ka codsatay, iyadiina wey ka Cudur daaratay, oo waxba kama helin.
Ifraax waxey isku dayday, iney Lacag amaah ah oo ay Daawada Hosbitaalka ku bixiso, ay meel uun ka hesho, balse nasiib xumo meel walba oo ay u doontay, wey ka weyday, Ugu dambayntii waxay go’aansatay iney Xaafadii iyo Sanduuqii Hooydeed ku noqoto oy soo iibiso wixii Dahab ee ku haray, maadaama aysan meel kale oo ay wax u doonto aanu jirin. Xaafaddii ayey ku soo laabatay, wixii Dahab ahaa oo ay heysatay intey wada qaaday ayey Suuqda geysay, soona wada iibisay.
Dhaqtarkii ayey Lacagtiisii oo dhameystiran siisay, Ayuubna waxey u qaaday gurigiiisi, oo aysan cid kale la degganeyn, maadaama uu Iskaabulo iska ahaa, balse waxaa Guriga la degenaa Qoys kale oo gurigaba iyagu iska lahaa, isna uu Kiro kaga jiro.
Maalmo kale ayaa bilowday, weli waxey la garab taagan tahay Daryeel iyo Xanaanayn, iyadoo garabka heysa ayay Suuliga geysaa, Inta Cuntada u kariso ayey gacanteeda ku siisaa, Dharka iyadaa u dhaqdo, dawooyinkana wey siisaa. Maalintii oo dhan ayeyna saas u Xanaaneysaa, Habeenkii lama seexan karto, oo waa Gabar, Sharcigana uma fasaxaayo.
Waxay ku fakartay iney Gurigooda meel u dhaw Qol uga kireyso, si ay halkaas ugu Xanaanayso, Habeenkii Fiidka horana ay ula joogto, Cuntadana ay xaafadooda uga qaado, iyada oo aan Cidna ogeyn.
Sidii ayay yeeshay, waxayna u kireysay, Guri u dhow, oo ay leedahay Gabar saaxiibo yihiin, Ninkeedana Qurbaha jiro, wax walbana siduu yahay ayey ugu sheegtay. Halkaas ayayna Xanaaneyn ugu bilawday, oo Xaafada ayay si qarsoodi ah cunada uga qaadaa, waxeyna u geysa wax walba oo Lacag ah oo iyada soo galana isaga ayey Daawooyinka uu u baahan yahay, ugu iibisaa, Dhar xataa ma gadato.
Isagii Xanuunka waxaa u dheer Murugta iyo Wal-walka ka heysta Rafaadka gabadha, mar walba wuxuu ka fakaraa sida uu Xaal noqon doono iyo waxa uu ugu Abaal gudi doono.
Muddo ka dib wuu soo bogsaday, wuxuuna bilaabay inuu waxooga socdo, Rajadii ayaa u soo laabatay, Ifraaxna aheydna Farxadeedii ayaa sii korortay, maadaama ay arkeyso, iney Guulaysatay, waajibkeediina ka soo baxday, Ugu dambayna, wuu bogsaday, isagoo dib u bilaabay Waxbarashadii iyo Noloshiisa kale ee Caadiga, Habeenkii dambe ayuu ku balamiyay, meel ay Asxaabtu ku caweeyaan Hadda waxa uu rabaa inuu u mahad celiyo.
Ifraax oo dahabkeedii Daawada ugu iibisay, wuxuuna soo qaaday Ubax Cas iyo dhowr Hadiyad oo uu uga farxiyay, isagoo weliba dhahaayo Xabiibti wax aan kugu Abaal gudo ma aqaan, balse waxaan Naftayda balan ka qaaday, inaan Qalbigeyga cid kula wadaajin, Naftaydana aan adiga kuu huro.
Ifraax iyadoo Dhoola cadeyneysa ayey ugu jawaabtay:- Wax walba jacaylka aad i siiisay ayaa iiga weyn Aniga.
Waxey uga sheekeysay, Murugadi ay soo martay, iyo sida ay u soo xanaaneysay, waxeyna tiri:- Adduunka waxaa igu Murugo badnayd, maalintan waayay wax kuu Qubeeya, maalintaas waxaa Qalbigeyga ku soo dhacday, inta Sheekh u yeerato igu Meheri ma dhahdaa, si aan Cid kaleba kuugu raadin.
Jawi Farxadeed iyo Jacayl dhab ah ayaa bilowday, Maalin iyo Habeen oo dhan waa la wada hadlaa, dhib iyo dheefba waa la wada qeybsadaa.
Ayuub oo jaamacadii wax yari uga harsaneyd ayaa durba dhameeyay jaamacadii, iyada waxey la Garab taagnayd, Taageero iyo Dhiiri gelin maadaama uusan waxba heysan waxay ku xisaabtami jirtay Taksigiisa iyo Qarashkiisa kale, Maalintii qalinjibintana waxay u dhigtay Xaflad aad u Qurux badan, maanta waxaa la joogaa Xilligii ay midoobi lahaayeen.
Markii habeenkii la gaaray ayay is tiri Kedis uga dhig, oo guriigiisa oon kaba fogayn ugu tag, si ay Jawi deggan oo Labadooda ah ugu Hambalyeyso, kalana hadasho Waqtiga guurkooda, balse markii ay guriga sidaas u soo gashay waxay aragtay isagoo aad u Marqaansan oo ay Bac jaad ahi hortaalo, xabad sigaar ahna Afuuufaaya. Naxdin badanaa waa Ninkii ay ku soo dashay.
( La soco Qeybta Xigta).






