Waxaan wacay Janankii iga sareeyay si aan u waydiisto fasax, maadaama tababarkaygu hadeer qalinka uun yahay, waxaan codsaday in muddo bil ah ley fasaxo si aan kiiskaas hawshiisa u galo. Wuxuu jananku jawaab ahaan ii siiyay:- Ismaaciil waad garaneysaa xeerka dembi baarista, haddii baaristaadu ay tahay mid shucuur ay hogaaminayso wuu khaldamayaa, haddiise ay baaristaadu tahay mid maskaxdu ay hageyso mid kuu cad ayuu noqonayaa. Walaalkaa ayaa dhintay, adiga shucuur ayaa ku hogaaminaysa markaan, baaristaada iyo xukunkaaguba wuxuu noqonayaa mid uu Xanaaq hagayo, sidaas awgeed ku Amri maayo anigu, balse waxaan rabaa in aad dib isugu noqotid, Sargaal waayo-arag ah oo qiimo badan ayaad tahay, dib uga fakar go’aankaaga, natiijadana dib iigu soo celi. Haddii aad ku adkaysatid waan ku fasaxayaa. Haddii halka aniga ay wax iiga muuqdaan kaaga muuqdaanna, balan waaye Kiiskaas kuweena ugu fiican kuwa ugu sii fiican ayaan u xil saarayaa. 6 saacadood ayaan ku siiyay, soo qaado go’aan”.
Waan ka soo baxay Xafiiska Taliyaha, ka dibna qolkeygii jiifka ayaan dib ugu laabtay. Waa run oo weli lama arag baaris ay shucuuri hagayso oo guulaysatay, hadana cid aan naftayda ahayn oo aan ku aamino kiiska walaalkay ayaan garan waayay. Wey jiraan dembi baarayaal iga xirfad sareeya aniga qudheyda, naftii ayaase ileh “Armay meel uun yara xitaa khaldaan oo ay kiiska xumeeyaan”. Halkaas markii aan marayo, ayaan xasuustii dib ugalay.
Wada hadalkayagii Aniga iyo Jaamac ayaa weli socda:-
Jaamac:- Adeer ilhaan ayaad ii soo sheegtay in aad ka difaacday ciyaal khash-khashaaday. Ma run baa?.
Aniga:- Haa Adeer. Kaligayna kama difaacin, Gaduudow ayaa ila socday.
Jaamac oo dhool cadeynaya:- Adeer waad mahadsan tahay. Laakiin su’aal aan ku waydiiyee, waxaas oo ciyaal ah sidee kaligaa iyo Eyga kaaga cabsadeen?, Darisku waxay ii sheegeen markii ay bidhaantiina arkaan iney cararaan. Sidee bay macquul ku tahay?.
Aniga:- Adeer hadba xaafad ayaan degaa anigu. Sidaas awgeed xaafad kasta oo aan dego waxaan raadiyaa midka markaas hogaamiyaha u ah ciyaalka xaafada, ka dibna isaga ayaan khash-khashaadaa inta aanan is baranin ka horba. Ka dib markuu ila dagaalamo ayuu Gaduudow ii bajiyaa, kadibna aniga ayaa adkaada. Markaad ka adkaatid hogaamiyahooda, kuwa kale ku dhiiran maayaan inay ku soo aadaan, cabsidoodana halkaas ayay ka bilaabataa.
Jaamac wuu qoslay, waliba qosolka farxadda wata ee aad ku arkaysid Wejiga waalidka ilmahoodu kaalinta koowaad ee iskuulka uu galay. Ka dibna wuxuu i waydiiyay:-
Adeer Caseeye agtaada ugama jeedo, ma haysatid miyaa caseeye. Ma shaqaysid miyaa?.
Aniga:- Maya Adeer, mahaysto Lacag aan ku gato.
Jaamac:- Adeer kuwa aad ka adkaatid kama xoogtid miyaa caseeyahooda. Sida aan arko, caseeyayaasha midba midka kale ee uu ka xoog badan yahay ayaa uu caseeyaha ka xoogaaye.
Aniga:- Adeer anigu waxaan u dagaalamaa si aan naftayda uun u difaaco, haddaan awoodo dagaalkaba waan ka maarmi lahaa. Teeda kale, hooyaday Allaha u naxariistee ayaa inta ayna dhiman ka balan qaaday in aan marna xoolaha xaaraantaa aan cunin, xitaa haddii aan Gaajo u dhimanayo.
Adeer Jaamac wajigiisa waxaa ka muuqday in ay tacajub ku noqtay ilmahaan yar ee 7jirka ah ee sidaas u hadlaya una fakaraya. Marna wuu qoslaa, marna wuu aamusaa. Ka dib ayuu i waydiiyay “Aabe iyo Hooyo aaway?”.
Aniga:- Wey dhinteen. Alla ha u naxariisto.
Jamaal:- Isku mar miyay dhinteen adeer?.
Aniga:- Haa Adeer, Wey dhinteen.
Jaamac:- Adeer adiga iyo Gaduudowba ina kiciya, xaafadeyda ayaan idiin geyn, waad nala casheynaysaa, waadna nala hooyanaysaan Caawa Insha Allaah.
Waan is celcelinayaa oo waxaan ka baqayaa inaan farxad darteed qeyliyo ama aan Ooyo. Caawa waxaan ka badbaadayaa Dhaxantii cajiibka ahayd ee banaanka ka dhici jirtay, sidoo kale labo sano kadib waa habeenkii koowaad ee aan u casheeyo sida dadka caadiga ah. Makhaayad ii dhow ayaan haraageeda Aniga iyo Gaduudow sugi jirnay, marna waa laga waayi jiray marna weynu ka heli jirnay.
Adeer Jaamac xaafadii ayuu ina geeyay, ka dibna Wiil aniga ila da’ ah ayaa albaabka furay. Sidaas markuu ii arkayba, hab ayuu i siiyay oo cabaar ayuu igu dhagnaa, Wasakh iyo qaanjeer ayaan leeyahay, ciyaalka caadiga ahna wey iga faanaan. Wiilkaanse isaga oo Nadiif ah, ayuu isku key duubay isaga oo aan marnaba i dhibsan, ka dibna Gaduudow ayuu mar kale isku duubay. Cajiibsanaa! Reerkaani muxuu ahaa? Midna Derbiga ayuu kaa soo kaxeeyay, midna waa kan isku kaa duubaya isaga oo aan Aqoon kuu lahayn. ayaa niyadda iska leeyahay.
Durbadiiba wiilkii yaraa ayaa guriga gudihiisa ku orday, ka dibna wuxuu la soo baxay isaga oo wata Dharkiisii qaar ka mid ah, iyo agabka la isku Nadiifiyo, ka dibna inta uu ii dhiibay ayuu igu yiri:- Soo qubeyso oo soo Lebiso, qolka ciyaarta ayaan noo sii diyaarinayaaye, ka dibna isaga oo aan ku jawaab celin ayuu guriga ku orday oo uu gudaha galay. Ilhaan oo iyana in la’eg oo wiilka yar mataantiisa ah, ayaa igu tiri:- Ismaaciil wuu waalan yahay iska daa, ina bixi suuliga gal aan ku tusee.
Markaas ayaa magaciisa iigu horaysay. Ibraahim ayuu ahaa magaciisu. Habeenkaasi wuxuu ahaa habeenkii iigu farxadda badnaa, aniga iyo Gaduudowna mar kale ayaan dareenay macaanka uu hoyga iyo qoysku leeyahay. Waan casheynay, waana cayaarnay aniga iyo Ibraahim. Habeenkaasna hurdo bilaa walwal ah oo aan ka cabsanayn iney Derbiga cid igu disho ayaan seexday.
Habeenkaas markii aan xasuustay, ayaan degdeg go’aan ku gaaray inaan anigu kiiskaas aan galo, ka dibna waan is xirxiray si aan wadankii ugu Safro. Taliyihii ayaan ogaysiiyay in aan anigu kiiskaas faraha la galaayo, wax kasta oo ka yimaadana masuuliyadeeda anigu aan leeyahay, ciqaabteedana aan maraayo. Nasiib wanaag wuu iga aqbalay, ka dibna Dalkii ayaan u safray. Axmed ayaa ii soo diray Liiska eedaysanayaasha, kuwaas oo ay is arkeen Ibraahim habeenka la dilaayo. Waxay kala ahaayeen:-
Ilhaan oo ay Ibraahim haasaawe wadaag yihiin. Cumar, Sadiiq iyo Cimraan oo ay habeenkaas wada caweeyeen Ibraahim, iyo Aadan oo ahaa saaxiibka ugu dhow ee Ibraahim, kaas oo habeenkii isagu guriga gaarigiisa ugu soo qaaday oo ahaa qofkii ugu dambeeyay oo Ibraahim nolol ku arka, waana Ninka tuhunka ugu badani ka jiro xagiisa.
( La soco Qeybta Xigta).




[…] xasuustii oo aan Sakhrad ku hayo markasta oo aan ka fakarana aan dhiiri gelin ka qaadayo inaan baaro kiiska Ibraahim ayaan […]
Zaaxiib soo badi sheekkloiyinka dambi baarista