Aabaheed ayaa howshii galay, sidii Caadada Soomaalida ahaydna wuxuu u Xaajo dhigtay, Odayaashii kale ee Wiilka Adeerada u ahaa, arrintii ayuuna u sheegay. Odayaashii marka hore arrintii ayey uga tacsiyadeeyeen, ka dibna waxey si habsami ah u wada gorfeeyeen Arrintii.

Intaas ka dib waxey u sheegeen inuu Ayuub, Aroos ku jiro, oo arintan waxba ka ogeyn, wuxuu dhihi doonana eysan war u heynin, balse waxey yiraahdeen sidii caadada ahaan jirtay, marka hore Xaal iyo Xumeyn ayaan bixineynaa, Marka xigtana Wiilka iyo Gabadha ayaan isku dareynaa oo aan isku Astureynaa.

Tolkii iyo Odayaashi waxey yiraahdeen, anagaa Gabadha biileyna, gurina u dhiseynaa, waa gabadheenii, waa gabar tol, taas kale isaga ha wad-wato.

Ifraax Aabaheed arintii ayaa loogu qanciyay, wuuna ogolaaday taladii Odayaasha, Gabadhii Ifraax aheydna waxba uma shegin, oo hadalba iyada uma banaano, xataa haddii la dhaho waa lagu Dili, wey ogoshahay.

Ayuuboo markaas Todobaadkii Arooska ka soo baxay, ayey Odayaashii u gogol dhigteen, arintiina u sheegeen. Hadalkii Odayaasha markuu maqlay, aad ayuu isku xanaajiyay, wuxuuna yiri:- Gabadhaas weligeey waxaan Salaan aheyn nama dhex marin, jirkeeda ma taaban wey i nabeysaa, oo sharafteyda ayey igaga ciyaaraysa.

Ayuub waxaa kale oo uu sheegay, Ifraax iney tahay Gabar ay dhalinyarada wada yaqaanaan, oo Xumaan lagu xaman jiray. Odayashii markay maqleen hadalkaasi way yaabeen, waxaa kale oo la xumaatay Gabar la wada yaqaano xumaanteeda iney Wiilkooda ku daraan. Wuxuuna yiri isaga oo oohin iska keenaya Gabadhaas i masabidatay garteeda ii gala, oo Maxkamad ii saara, waayo ilmo aanan dhalin ayaa la ii saarayaa.

Odayashii ayaa ku noqday Ifraax Aabaheed, waxeyna ku yiraahdeen:- Wiilkii wuu iska bari yeelay Arrintii, wuxuuna yiri:- Gabadhaasi wey i masabidaneysaa, shaqo kuma lihi, Xaal iyo xumeyn ayaana ku siineynaa sidii Caadadu aheyd, maadaama oo ay sheegatay Gabadhu laakin Uurkaas anagu malihin.

Ifraax Aabaheed wuxuu ka xumaaday, arinta uu nimankaas kala kulmay, lama murmi karo, lamana doodi karo, oo Odayga Sumcadii baa dhulka ka taala, waayo gabadhiisii ayaa Uur aan la ogeyn, oo la isku tuur-tuurayo sidda, wuuna ku qasban yahay inuu Aamusnaanta iyo Xishoodka maciinsado.

Isaga oo wejigiisa hoos geynaaya, murugna ay ka muuqato, ayuu yiri:- Gabadha anaa dhalay, ilmaheedana waa keyga, anaa korsan, waxba idinkama baahni, wuuna iska tagay.

Ifraax waxaa wax walba uga xanuun iyo murug badnaaday, markay, ogaatay Ayuub in uu soo xumeeyay, uu ku Inkiray Uurka.

Dadka soomaalida ahi, wax ma fahmaane, kolkey maqleen inuu Ayuub uu Gabadhii ku inkiray Uurka, ayey maalinba Laba islaamood ayaa inta u yimaadaan ku yiraahdaan:- Eedo bal Nin kale oo kuu tegay soo xasuuso, ileen ilmo Abtir la’aan ahi ma fiicnee.

Ifraax markey u adkeysan weyday, hadaladii Xanuunka badnaa ee sida joogtada ah loogula hadlaayay iyo murugadii waalidkeed ayey go’aansatay, iney wacdo Ayuub oo ay ka codsato, inuu Oggolaado ilmahu inuu isagu dhalay, balse guurkeeda uu diido, ugu yaraan si ilmaha waa ina hebel loo dhoho, isla markaasna looga yareeyo dheg hadalka faraha badan ee lagu hayo, xataa ilmaha bil kaama rabo oo anaa korsanaayo ayey ku tiri, balse Ayuub isaga oo aad isku xanaajinaaya, ayuu Caay iyo Aflagaado ku Canaantay, Gabadhii sida sharafta leh u xanaaneyn jirtay.

Bal fiiri maanta waxay baryeysaa iyada oo ilmeynaysa, isaguna uu u Aflagaadeynayaa inuu ilmaha isagu dhalay sheegto oo keliya, Ninku waa Abaal laawe aan Arxan laheyn.

Duruufahaas adag, iyo Xaaladahaas Qalafsan Ifraax waxay ka dhigtay qof kale, Cashar adag oo nolasha ahna way u noqotay, waxey is weydiisay, yaa kuu maqan horta?, Oohintase maxaa kuugu imaan?, Nafta inaad ciqaabto, maxaa faa’ido ah oo kuugu jirta ?.

Dadkaan ku dhibaaya, Xaqiiqada miyey Og yihiin?, haddii ilmo Alle ku siiyay, Korso oo towbad keen?, Qofna shaqo haku darsanin, ayey niyadeeda iska tiri.

Ifraax waxey go’aansatay iney sameyso isbeddel Nafsi ah, oo aysan Nafteeda intaas in ka badan sii Ciqaabin, dhowr Usbuuc ayeyna seexan oo ay Allaah SW, baryeysay iyada oo Ooyeysa.

Ifraax iyada oo sidaas u Cibaadeysaneysa ayaa waxey dhashay Wiil, waxeyna u bixisay Anwar.

Ifraax markey ka baxday umushii waxey dhaxda u xiratay, koriimada Cunugeeda, iyo iney ka dheereyso, Cunsuriyadda, ka buuxda Dadka iyo hadal xumadooda.

Kharash iyo xoolo badan ma heysato, balse waxay isku dayday iney bilawdo Gacanacsi yar-yar, guriga hortiisana ku iibiso cuntooyinka fud-fudud, ee Burka laga sameeyo.

Muddo ka bacdi waxay bilawday, iney ku darto, inay Xaafadda dhaxdeeda ku iibiso, waxyaabaha Dumarku isku Qurxiyaan, sida Cadarada, iyo Kareemooyinka.

Ugu dambeyna, waxay xaafadda dhaxdeeda ka furatay, meelaha Dumarka lagu Qurxiyo (Make up)

Ayuub iyo Amran Guri ayey degeen, Qoys ayeyna yagleeleen, si caadi ahna wey u wada nool yihiin, balse Amran waxaa murugo ku heysa Ninkii ay muddada sheekeynsan jireen oo biili jiray, oo ay balanta kaga baxday, laakin isagu wuxuu mar walba, ku oran jiray:- Qaali waan ku cafiyay, aniga ayaa eeda leh, oo ku guuleysan waayay inaan Qalbigaada jaceyl ku abuurto, balse adiga waxba kuuma heysto, jaceylkaan kuu qabana maaha mid aan iloobi doono, waqtigaan soo wada qaadanay, waa ii Xasuus igu Qaali ah iyo Erayo kale aad u macaan.

Maalintii dambe ayaa waxaa Magaalada soo gaaray oo qurbaha ka yimid, Ninkii ay Amran wada sheekaysan jireen, wuxuuna u sheegay, inuu yimid, Hadiyad qaali ahna uu u wado.

Waxey ku tiri: Beri Casuumaad ayaan kuu sameynayaa ee xafadda iigu kaalay, Ayuubna waxey u sheegtay, in Maanta uu xaafada ugu imaanayo Nin ay horay isku yaqaaneen, oo Qurbaha ka yimid.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
1 Comment
Oldest
Newest Most Voted
Inline Feedbacks
View all comments
trackback

[…] Ifraax iyada oo sidaas u Cibaadeysaneysa ayaa waxey dhashay Wiil, waxeyna u bixisay Anwar. […]